Xoghayaha arrimaha dibadda ee mareykanka oo gaaray dalka Masar

0
Monday January 30, 2023 - 14:29:50 in Wararka by
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee mareykanka oo gaaray dalka Masar

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, si uu wadahadal ula yeesho dhiggiisa Masar, iyo sidoo kale madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Mr Blinken la filayo in uu sidoo kale ka hadlo arrimaha gobolka sida Liibiya iyo Suudaan.

Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka ayaa su’aal ka keenay sababta Masar ay u hesho in ka badan hal bilyan oo doollar oo gargaar milatari oo Mareykan ah sanad walba, iyadoo la eegayo xaaladda xuquuqaha ee dalkaas.

Kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in kumanaan maxaabiis siyaasadeed ah ay la kulmaan xaalado adag iyo qolal maxaabiistu ay buux dhaafiyeen.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip