Guddoomiye Yuusuf Madaale Oo Laba Arrin Kala Hadlay Safiirka Cusub Ee Qatar

0
Thursday November 24, 2022 - 11:26:05 in Wararka by
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Yuusuf Madaale Oo Laba Arrin Kala Hadlay Safiirka Cusub Ee Qatar

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Cusub ee Dowladda Qatar dhawaan usoo Magacawday dalka Soomaaliya Amb. Abdalla Binu Saalim Al-Nuceymi oo ay wehliyaan Kuxigeenkiisa Md. Naasir iyo Isku-duwaha Dowladda Qatar iyo Soomaaliya Abuubakar

Kulanka dhexmaray Guddoomiye Madaale iyo Safiirka Qatar ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo midka walaalnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Qatar kaalinta ay ka qaataan Caawinta Shacabka Soomaaliyeed sida: Gar-gaarka bini-aadannimo oo ay mar weliba la garab taagan yihiin Bulshada Soomaaliyeed, dhismaha Wadooyinka waaweyn ee isku xera Muqdisho – Afgooye, Muqdisho iyo Jowhar iyo Dib-u-dhiska ay ku sameeyeen xarumo badan oo Dowladeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale Danjiraha Dowladda Qatar kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen Shaqo Abuurka dhalinyradda Soomaaliyeed, dib-u-dhiska Caasimadda, maadaama culeesyada ugu weyn ee Muqdisho heysta ay ugu horeeyaan biyo mareenada iyo sidii loo dar-dargelin lahaa heshiisyada mataaneen ee ka dhaxeeya Doha iyo Muqdisho.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip