Markab laga leeyahay Maraykanka oo keeni doona Soomaaliya qamadiga Ukraine

0
Sunday October 02, 2022 - 15:56:22 in Wararka by
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab laga leeyahay Maraykanka oo keeni doona Soomaaliya qamadiga Ukraine

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
 Markab u kireysan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada Adduunka (WFP) ayaa soo gaaray dekadda Chornomorsk ee Badda Madow ee Ukraine.

 
Markabkaan ayaa wuxuu Soomaaliya geyn doonaa Qamadi Yukreeniyaan ah, sida ay sheegtay wasaaradda kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Ukraine.

Ukraine ayaa horay ugu rartay sarreenkeeda dalalka Itoobiya, Yemen iyo Afgaanistaan iyadoo la raacayo barnaamijka cuntada adduunka ee WFP.


Dhoofinta badarka Ukraine ayaa hoos u dhacday tan iyo bilowgii dagaalka Ukrain, sababtoo ah waxaa la xiray marinka shixnada dekedaheeda ee Badda Madow.

Waxay taasi sare u qaaday qiimaha cunnada adduunka. Waxayna welwelka ugu weyn ku abuurtay dalalka Afrika iyo Eeshiya oo ay abaaaruhu ba’ani ka jiraan.

Bartamihii sannadkan, heshiis dhexmaray dowladdaha Ruushia, Ukrain iyo Turkiga ayaa la isku raacay in xayiraada laga qaado dhoofinta Qamadiga Ukraine.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip