Maleeshiyaad hubeysan oo weeraray saldhigga Burtinle

0
Sunday October 02, 2022 - 09:10:17 in Wararka by
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad hubeysan oo weeraray saldhigga Burtinle

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad maanta ka dhacay gudaha degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, kaas oo ka dhashay weerar ay maleeshiyaad beeleed hubeysan ku qaadeen saldhigga weyn ee magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay doonayeen inay soo furtaan maxaabiis ku xiraneyd saldhigga, kuwaas oo maxkamadda Burtinle ay xukun ku ridday, waxaana la sheegay in ragga weerarka qaaday ay sidoo kale diidan yihiin in maxaabiistaas oo ay isku heyb yihiin loo gudbiyo xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Israsaaseynta dhex-martay ciidamada ammaanka iyo ragga hubeysan ayaa si xoogan looga dareemay magaalada oo dhan, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.

Sidoo kale dagaalka maanta Burtinle ka dhacay ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa, dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

 

Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan, balse xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, ayada oo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo waddooyinka waa weyn.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka Puntland oo la xiriira shaqaaqadaasi.

Deegaannada Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo hubeysan, kuwaas oo geysta khasaarooyin kala duwan, waxaana horey loogu dilay shaqaaqo tan la mid ah taliyihii saldhigga magaalada Qardho, xilli uu waday howlgal culus, kadib markii ay isku dhaceen koox ka ganacsanesay Qamriga oo ku sugnaa gudaha magaaladaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip