Daawo: C/raxmaan Macallin: Canshuurta Shabaab waxaa la joojin karaa keliya marka

0
Sunday October 02, 2022 - 07:42:23 in Wararka by
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: C/raxmaan Macallin: Canshuurta Shabaab waxaa la joojin karaa keliya marka

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xildhibaan hore Cabdiraxmaan Macallin, oo ah siyaasi aad ugu dhuun-daloola arrimaha siyaasada iyo bulshada waddanka ayaa ka hadlay kacdoonka dalka ka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Cabdiraxmaan Macallin ayaa ugu horreyn usoo jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka fiirsado shaqsiyaadka aan siyaasadda iyo wacyiga dalku maanta marayo aan ehelka u aheyn ee uu tallooyinkooda mudnaanta siinayo, isaga oo ku baaqay in xirfada iyo aqoonta mudnaanta la siiyo.

Cabdiaxmaan, oo wareysi siiyay taleefishinka Somali Nederland TV ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Xassan kaga duwan yahay madaxdii hore inuu helay 2 fursad oo aan taariikhda siyaasadeed ee dalka aan soo marin, isaga oo labadaasi fursadood ku tilmaamay inuu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee 2 goor la doorto iyo inuu ku soo beegmay kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

 

"Kacdoon shacab ayaa dhacay, dowladdu waxay haysataa fursad qaali ah oo ay kaga guuleysan karto Al-Shabaab waa haddii si sax ah dagaalka loo wajaho,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Macallin, isaga oo dhaliilay nidaamka garsoorka ee dowladda.

Cabdiraxmaan Macallin oo sidoo kale ka hadlay isku dayga ay dowladda ku joojineyso dhaqaalaha gala kooxdaas ayaa yiri"Canshuurta Shabaab waxaa la joojin karaa,keliya marka laga adkaado.”

 

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyay in dowladda ay qaadi doonto dagaal maaliyadeed oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab si loo xiro ilaha dhaqaalaha ay hesho, loona ballaariyo howl-galka ka dhanka ah kooxda.

Xeer ilaaliyaha ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay si rasmi ah u bilowday howl-galkaan ujeedkiisu yahay sidii loo xayiri lahaa dhaqaalaha Al-Shabaab si looga mira-dhaliyo howl-galka lagu wajahyo, islamarkaana uusan u kobcin dhaq-dhaqaaqooda.

 

Hoos ka daawo wareysiga Cabdiraxmaan oo dhammeystiran:

 

 



Cabdishakuur Cilmi Xasan

Amsterdam, Netherlands

 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip