HALKAAN KA AKHRISO:- WARAR WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 14-KA SEPTEMBAR 2022-KA

0
Wednesday September 14, 2022 - 08:32:04 in Wararka by
  • Visits: 416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARAR WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 14-KA SEPTEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Muxuu Xasan Sheekh ka sheegay caleema-saarka William Ruto?

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay magaalada Nairobi kaga qeyb-galay xafladda caleemo-sa arka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, Md. William Samoei Ruto.

Xasan Sheekh ayaa kamid ah wafuud heer caalami ah oo ka qeyb-gelay xafladda calee mo-saarka, ayada oo ku wehlinayeen madaxw eynaha wafdi ay kamid yihiin Agaasime ku-xige enka Madaxtooyada iyo Wasiirada Wasaarada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, Warfaafin ta iyo Ganacsiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed, dha qaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalal ka dariska, si looga adkaado dhibaatooyinka sa boolnimada, cunna-yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka dhashay isbedelka cimillada ee saameeyey shucuubta gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kamid ah aa madax goob joog u aheyd dhaarinta madax weynaha cusub ee Kenya, William Ruto oo no qonaya madaxweynihii shanaad ee soo mara Kenya.

William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga UDA ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 9-kii bishii Ogosto ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa sidoo kale isna Shalay xilka loo dha ariyey madaxweyne ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua. Ruto ayaa doorashada kaga adkaa day Raila Odinga oo markii shanaad xilkaas u tartamay, islamarkaana haystay taageerada ma daxweynaha xilka ka degay Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa wa xa sugaya shaqooyin ay kamid yihiin mideynta shacabka Kenya, wax ka qabashada sicir-barar xooggan oo dalka ka taagan iyo sugidda amni ga, ayada oo Kenya ay marar badan ka dhace en weeraro ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la Kulmay Wafdi Ka Socday Hay’adda Qatar Charity

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya Md.Xamse C.Barre,ayaa Shalay xafiiska ku qaabilay wa fdi ka socda hay’adda Qatar Charity oo ay ka wada hadleen sidii loogu soo gurman lahaa sha cabka Soomaaliyeed oo ay abaartu saameysay

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar mashaariicda ay ku taageer ay so dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacya da adeegyada bulshada oo muhiim u ah dalka.

Md. Xamse ayaa sheegay in dalka ay ka jir aan abaaro saameyn ballaaran ku yeeshay no loshada dadka iyo duunyada, loona baahan yahay in gurmad deg deg ah loola gaaro dadka inta aysan isku badelin macluul.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda 1aad sii nayso gurmadka abaar aha iyo sidii mustaq balka xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo laalaabta.

Masuuliyiinta ka socday Hay’adda Qatar Charity ayaa tilmaamay in hay’addoodu ay door keeda ka qaadan doonto gurmadka abaaraha ka jira dalka.

---DHAMMAAD----

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo qaabi lay wafdi ka socday hey’adda UNHCR

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu ho gaaaminayay madaxa UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa Mr. Magatte Guisse ka dhagaystay war bixin ku saabsan hawlaha samafalka ah ee ay hay’addu ka shaqayso.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa ku bo gaadiyay hay’adda UNHCR shaqooyinka ay ha yaan, isagoo xusay inay xoojin doonaan wada shaqaynta Hay’adda iyo Xukuumadda, si loo xoojiyo arrimaha bini’aadantinimada iyo deda alada samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Muqdi sho Kula Kulmay Madax Ka Socotay Hay’adda UNICEF.

Wasiirka wasaaradda ayaa Shalay xafiiskii sa ku qaabilay wafdi ay hogaaminayso Ms. Wafaa Siciid , Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya.

Md. Ahmed Moallim Fiqi Wasiirka wasaarad da arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-he shiisiinta XFS iyo wafdiga ay hogaaminayso MS. Wafaa Siciid ay aa waxaa ay kulanko oda diirada ku saar een arrimaha Diiwaan gelin ta Madaniga, Wacyigalinta bul shada, Waxbarashada Mad aniga iyo Arrimaha Bani’aad amnimada sida wax ka qabashada abaar aha Dalka ka jira.

Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyay Kaalinta ay Hay’ada Unicef ka qaadatay Arri maha Waxbarashada Madaniga ,Diiwaangelin ta Madaniga , isagoona balan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’adda Unicef ee Soomaaliya.

wasiirka arrimaha gudaha oo muqdisho ku la kulmay madax ka socotay hay'adda unicef .wasiirka arrimaha gudaha oo muqdisho kula kulmay madax ka socotay hay'adda unicef. Wasiirka arrimaha gudaha oo muqdisho kula kulmay madax ka socotay hay'adda unicef.

Wasiirada maaliyadda DF iyo maamul gobo leedyada oo gaaray heshiis 11 qodob ah

Wasiirada Maaliyadda dowladda feeraalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dal ka ayaa ugu dambeyn heshiis ka gaaray khilaaf ka taagnaa sida loo qeybsanayo lacagaha ka yimaada beesha caala mka.Shir uga socday M/ Muqdisho ayey ugu da mbeyn waxay ka soo saareen war-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo qeexaya heshiiskan.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah in wasiirada ay isku raaceen in 50% kabka miisaaniyadda ee qeybsiga yabooha Bankiga Adduunka loo is ticmaalo horumarinta arrimaha Bulshada iyo m aamul wanaagga, sida arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada. Sidoo kale, waxay isku raa ceen in 50% kabka miisaaniyadda Bankiga Ad duunka ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda, balse xisaab celin iyo warbixin maaliyadeed la ga soo sameeyo, wuxuuna qodobkaan ahaa mid si weyn la isugu hayey oo dood adag laga yeeshay.

Halkaan hoose ka akhriso qodobada shirka kasoo baxay oo dhameystiran

1- Si loo xaqiijiyo horumarka, hufnaanta iyo is ku duubaanta hay’adaha maaliyadda ee dalka, wasiirada waxay hoos ka xariiqeen inay lagama maarmaan tahay in si dhow loo wada shaqeeyo oo ku dhisan kalsooni iyo wada-tashi.

2- In aan marnaba la siyaasadeyn arrimaha ma aliyadda iyo hirgelinta shuruucda maaliyad da dalka iyo xaqiijinta halbeegyada iyo shuruu da ha ku lammaanan deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee xukuumadda soo mara.

3- In si wadajir ah looga wada-qeyb qaato dha meystirka hannaanka dayn cafinta iyo dib u ha beynta dhaqaalaha, hufnaanta nidaamka maal iyadda, la-dagaalanka saboolnimada, musuq-maasuqa, lagana shaqeeyo kobcinta dowlad wanaagga.

4- In la isla qaato lana ansixiyo hab ku saleys an qaacido (Formula based resource sharing) oo ku aadan qeybsiga deeqaha dibadda, si loo dhiirigeliyo wax wada qeybsi loo dhan yahay islamarkaasna la dardargeliyo dadaalka ku aadan kobcinta dakhliga gudaha iyo ilaalinta wax ku-oolnimada maamulka maaliyadda iyo adeegga bulshada.

5- In 50% kabka miisaaniyadda ee qeybsiga ya booha Bankiga Adduunka ee loo yaqaano (DPO-2) loo isticmaalo horumarinta arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga, sida howlaha caafimaadka iyo waxbarashada.

6- In 50% kabka miisaaniyadeed ee DPO-2 ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda, balse xi saab celin iyo warbixin maaliyadeed laga soo sameeyo.

7- In la dhameystiro barnaamijka furdooyin ka iyo dardar gelinta isticmaalka SOMCAS.

8- In xoogga la saaro kobcinta iyo tayada adee gyada caafimaadka iyo waxbarashada asaasi ga ah, si muwaadiniinta dalka u helaan adeeg caafimaad iyo waxbarasho.

9- Daabicidda, soo saarista xisaab celin sana dle oo waafaqsan nidaam xisaabeedka mideys an ee guddiga farsamada horey ugu heshiiyeen ee loo yaqaan (Unified chartered of accounts).

10- In la ilaaliyo dhammaan heshiisyadii la wa da gaaray.

11 -In la qabto shirka xiga ee wasiira da maal iyadda Bisha November ee soo socota haddii Alle idmo.

Rooble oo Axmed Madoobe ku booqday hoyga uu ka degan yahay Muqdisho

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaar ihii hore ee Somaliya ayaa Xalay Madaxweyn aha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Ax med Madoobe) ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

"Waxaa Xalay salaan ii gu yimid Ra’iisal Wasaarahii hore ee Xukuumadda Federa alka Somaliya, walaalkay Ma xamed Xuseen Rooble, oo aan ka wada hada lay xaaladda guud ee dalka.” Ayuu Madaxwe ynaha Jubbaland ku sheegay qoraal uu soo dhi gay bartiisa Facebook.

Axmed Madoobe ayaa qoraalka ku yiri "Max amed Xuseen Rooble wuxuu waqti kooban ka ga soo dhalaalay shaqada uu u hayay ummad da Somaliyeed, isagoo dalka ugu adeegay caql igiisa iyo kartidiisa oo dhan, si uu uga sa aro marxaladdii adkeyd ee uu dalku soo ma ray.”

Madaxweyne Lafta-Gareen Oo Kulamo Siyaa sadeed Ka Wada Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad goboleedka K/ Gal beed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagar een ayaa Xarunta Madaxtooyada Baydhaba ku qaabbilay wafdi ka socday Safiirrada Beesha Caalamka ufadhiya Soomaaliya oo uu hogga aminayey Wakiilka Q/ Midoobey ee Somaliya Amp, James Swan.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirrada Beesha Ca alamka oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Wasiirro, Agaasimaha Madaxtoo yada iyo La-taliyaasha Madaxweynaha ayaa lo oga hadlay Xoojinta howlgallada ka dhanka ah dagaalamaayasha Al-shabaab,wax u qaba shada dadka ay Abaartu saamaysay iyo daade jinta adeegyada dowladda.

Lafta-gareen ayaa Muqdisho uga qaby gal ay shirkii Golaha Wadatashiga qaran ee Dorraad lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Maxkamada gobolka Banaadir oo xukun ku riday shaqsiyaad dil loo heysto

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa Shalay soo gabagabeesay dhageysiga dacw ad ka dhan ah kow iyo toban eedeysane oo loo he stay dagaal safeyn ah iyo weerar sababay dhi mashada marxuum liibaan Cabd iqaadir Cali.

Maxkamadda ayaa ku xukun tay sagaal ka mid ah 11 ka eede ysane min hal sanno iyo bar xa rig ah iyo diyada marxuumka ay dileen maadaa ma Maxkamadda ay ku heshay falkaasi, labada ruux ee soo hartay ayey maxkamada u celisay xuriyadooda maadaama lagu waayay dambiga, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkam adda gobolka Banaadir Cabdikhadar Maxamed Xasan.

Dacwadaan uu kusoo gudbiyay xafiiska Xe er ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa waxaa ay maxkamaddda gobolka Banaadir ka yeelatay il aa afar fadhi, ugu dambeyn Shalay ayaa lasoo gaba-gabeeyay.

Xog: Madaxweyne Xasan iyo Abiy Ahmed oo kulmaya

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la yeesho ra’iisul wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Axmed.

Labada mas’uul ayaa is-kala qayb-galaya xafla dda caleema saarka madaxweyne William Ru to, ayaga oo kadib yeelan doono kulan duceed ay uga hadlayaan arrimo xasaasi ah.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dib lumaasiyiiin ka socda labada dal ay maalmihii u dambeeyey Nairobi ka wadeen diyaarinta kulan ka u dhexeeyo Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo ku soo aadayo, xilli ay haatan taagan tahay xiisad u dhexeyso labada dhinac.

Sida aysheegtay in ay ogaatay Caasimada Online labada nin ayaa ka wada ar rinsan doono, sidii xal looga gaari lahaa mad-madowga hadda u dhexeeyo iyo sare u qaad ida xiriirka labada waddan oo isbedal hoose uu ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May ee looga adkaaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay xulafo dhow ahaayeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in labada dhinac ay gaaraan heshiis is afgarad ah oo ku aadan iskaashi ay yeeshaan labada dowladood oo daris ah.

Kulankan wuxuu ku soo aadayaa, xilli do wladda Itoobiya ay raalli-gelin ka bixisay warbi xin laga sii daayey telefishinta qaranka dalkaas oo toos loogu weeraray Xasan Sheekh.

Si kastaba, Itoobiya ayaa maalmihii u damb eeyey dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday guda ha Soomaaliya, iyada oo toos xiriiro kala duwan ula sameysay qaar ka mid ah maamul gobole edyada dalka, sida Koonfur Galbeed Soomaa liya iyo dowlad goboleedka Puntland.

Jeyte oo shaaciyey inuusan tegi doonin xafi iskiisa illaa ay hal mid ka dhacdo

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo ay we hliyaan Taliy aha Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo ma suuliyiin kale ayaa Shalay gaaray deeganka Goobo ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha iyo saraakii sha ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey shacabka deegaan ka, iyaga oo ku bogaadiyey da daallada mira-dhalka leh ee ay wadaan Gudo omiyaha gobolka Hiiraan iyo saraakiisha Ciid amada Qalabka-sida, taasi oo ay sheegeen in ay ku garab istaagayaan. Gudoomiye Cali Jeyte ayaa markii u horey say halkaasi ka shaaciyay inuusan ku noqon do onin xafiiskiisa shaqada illaa inta laga xaqiiji nayo himilada nabad-galyada ee G/Hiiraan.

Sidoo kale waxa uu ciidamada dib u xorey nta deegaanada gobolka Hiiraan ee ku sugan deegaanka Goobo kula dardaarmay in la dham eystiro guulaha wax tarka leh ee la gaaray, isl amarkaana la dardar-geliyo.

Shacabka deegaanka ayaa dhankooda wax ay ballan-qaadeen inay xoojin doonaan wada-shaqeynta Ciidamada Qalabka-sida iyo maam ulka gobolka, si loo xoojiyo nabadda iyo la-dag aalanka kooxda Al-Shabaab, loogana saaro goobaha ay ku dhuumaleysanayaan. Ugu dam beyntiina Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in cadawga jab xoogan la gaarsiiyay, islamarka ana aysan xiligaan hayn awood ay kusii dagaa lamaan, isaga oo kula dardaarmay bulshada go bolka inay sii wadaan garab istaaga halganka ay wadaan maamulka iyo ciidamada.

DF oo shaacisay sida laga yeelayo heshiis yadii ay kala saxiixdeen Xasan iyo Uhuru

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay sida laga yeelayo heshiisyadii ay ho rey u kala saxiixdeen madaxweynihii hore ee Kenya Uhura Kenyatta iyo madaxweynaha Soomaali ya Xasan Sheekh Maxa muud.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaluya Daa’uud Aweys oo la hadlay war baahinta ayaa sheegay in madaxweynaha So omaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhig giisa Kenya William Ruto ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii loo fulin lahaa heshiisyadii ay labada dhinac kala saxiix deen.

Daauud Aweys waxa uu tilmaamay in Mad axweynaha cusub ee Kenya William Ruto ee Shalay la dhaariyey uu martiqaaday Madaxwe yne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah martida munaasabaddaas ka qaybgashay.

Wasiir Daa’iid ayaa sheegay in madaxwey ne Xasan Sheekh iyo William Ruto ay horey tal eefoon uga wada hadleen xoojinta xiriirka lab ada dalka, dhinacyada ay iska kaashan karaan iyo kulan guud oo ay yeelanayaan kadib xafla dda caleema saarka.

"Heshiis kasta oo ay galaan labo dal waa mid sii socon doonna haddii dowlad hore ama mid cusub ay saxiixdo, haddii ay jiraan arrimo farsamo way jiri karaan guddiyo saxa si heshi iskaas uu usii socdo,” ayuu yiri Daa’uud Aweys

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey "Waddamada gobolka ku yaalla oo dhan waxa ay heshiis ku yihiin amniga oo waxaa Soomaaliya ka jooga ci idan ku howlgalla magaca ATMIS.” William Ru to ayaa dhawaan sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kulan la qaadan doono, wuxuuna ganacsatada qaadka ee Kenya u ballan qaaday in qodobka ugu horr eeyo ee uu kala hadli doono uu noqon doono si dii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsiga labada dhinac.

Dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa joojisay qaadkii la ga soo dhoofin jiray Kenya, waxaana dib u fas axay madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii ay heshiis wada saxiixdeen madaxweynaha xil ka ka dagay ee Kenya Uhuru Kenyatta.

BOOLISKA oo soo bandhigay nin fal argagax leh ka geystay MUQDISHO

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa Shalay soo bandhigay nin hubeysnaa oo dhowaan laga duubay muuqaal argagax leh oo ku baahay baraha bulshada ee Internet-ka isa goo rasaas ku ridaya wiil ku sugan degmada Dharkenley.

Afhayeenka ciidamada Boo liska Soomaaliyeed, Sadiiq Do odishe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa shaaca ka qa aday in muuqaalkaas si qaldan loo dhigay, isla-markaana aysan jirin cid toogasho lagu dilay ama lagu dhaawacay, sida uu hadalka u dhigay

Doodishe ayaa xusay in muuqaalka ay jar-jare en dad ka leh u jeedo gaar ah, si ay u qalqal-geliyaan bulshada ku dhaqan magaalada Muq disho ee caasimada Soomaaliya.

"Ujeeddadeenu waxa aheyd inaan dadka u caddeyno in Video-gaas Edit lagu sameeyey ujeeddada laga lahaana ay aheyd mi guracan oo loogu talagalay in dadka lagu qalqal-geliyo oo aanu ka daba tegnay, soona caddeynay,” ay uu yiri afhayeenka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadkii ka dambeeyey falkaas, gaar ahaan kuwa muuq aalka sameeyey ay u gudbin doonaan maxkam ad, si tallaabo adag looga qaado.

"Ciddii ku lug laheyd falka noocaas ah maxk amadda ayaanu horgeyn doonaa qofkii jar-ja ray si uu Ummadda u qalqal-geliyo,” ayuu ha dalkiisa sii raaciyey.

Dhankiisa Axmed Xasan Cilmi oo ah ninka hubeysnaa ee ka soo muuqaalka ayaa ka ha dlay goobta, wuxuuna beeniyey in uu toogasho dil ah ama dhaawac ah uu geystay.

Axmed Xasan ayaa tilmaamay in uu ka tirsan yahay qaybta amniga, isla-markaana ciyaalka uu soo qab-qabtay ay ahaayeen ciyaal weero dhibaato ku heysay xaafada uu degan yahay.

"Aniga waxaan ahay ninkii baraha bulshada la soo dhigay xabaddana ridayey marka waxa ay ahaayeen ciyaal yar yar ah oo ciyaal weero ah, marka xaafaddaan daganaay aniga waxaan ah ay nin amniga wax ka qaabilsan oo la ogyahay sidaas ayaan ciyaalkaas meesha ugu qabtay, waxaan caddeynayaa inaan cid dilin, cidna dhaawicin” ayuu yiri Axmed Xasan.

Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho & faah faahino laga helayo

Kooxo hubeysan ayaa Xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir Gobolkan Banaadir waxaa ay Shalay kudileen Sarkaal katir sanaa Ciidamada booliska Soo maaliya, kaas oo caan ka ahaa Xaafada Nasteexo iyo inta badan Xaafadaha degmadaasi Wadajir

Sarkaalka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Ca bdullaahi Cali Xalane ayaa xilliga la dilayay wa xaa uu ku sugnaa Goob faramashiye ah oo uu waxka gadanayay, waxaana la sheegay in raga hubeysnaa ay dhowr xabadood madaxa uga dhufteen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u she egeen in Ragga hubeysnaa oo watay Mooto ba jaaj ay dilka kadib goobta ka baxsadeen, isla markaana ay horay u sii qaateen Qoray AK47 ah oo uu watay Sarkaalka ay dileen.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soom aali ya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Sarkaalka, waxaana ay sam eeyeen howlgal baaritaano ah wallow aysan dad u qaban dilkaas.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud ee Gal mudug oo dhagax-dhigay suuq casri ah

Wasiirka wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowlad goboleedka Ga lmudug Axmed Dhiblaawe Casir oo ay wehliy aan Wasiir kuxigeenka shaqada Galmudug, du qa Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiin kale ayaa Shalay dhagax dhigey dhismaha suuq casri ah oo ka kooban labo dabaq, kaasi oo ay yeelanay so degmada Dhuusamareeb.

Mashruuca dhismaha suu qan casriga ah ee Dhuusa mareeb oo guddiga xiriirka mashruuca ee loo soo gaabi yo TCC-da ay ansaxiyeen 27-bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu hirgalkiisu ku yimid kala doorashada baa hiyaha bulshada Dhuusamareeb oo xog warey si lagala yeeshay maamulka iyo qaybaha bul shada sida uu sheegey Xariiriyaha mashruuca ILED, Barre Maxamed Muuse.

Duqa Dhuusamareeb, Macallin Cabdiraxm aan Geedaqoroow ayaa dhankiisa xusey in dhi smaha suuqan uu kor u qaadayo dhaqaalaha soo gala dowladda hoose maadaama uu abuur ayo ganacsi baaxad leh.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowlad goboleedka Galm udug Axmed Dhiblaawe Casir ayaa ugu dambe yn kula dardaarmay shirkadda qaadatay qanda raaska mashruucan in ay si gaar ah isaga xil saarto qurxinta iyo tayeynta suuqan.

Dhismahan ayaa qaybka ka ah Mashruuca kaabayaasha dhaqaalaha oo ujeeddadiisu ta hay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, kaa si oo ay iska kaashanayaan midowga Europe, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Weerar geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Afgooye

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Somaaliya iyo Xubno kamid ah Urur ka Al-Shabaab ayaa Shalay waxaa uu ka dha cay Tuulada lagu Magacaabo Doonka oo kutaa lla inta u dhaxeeysa degmooyinka Afgooye & Walanweyn una dhow degaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ji dgal ah ku qaadeen Kol onyo Ciidan oo gelbiney say Booyado Shidaal u waday Xerada ciidamada Kumaandooska Da nab ee Ballidoogle, waxaana halkaasi ka dha cay dagaal socday ku dhawaad 2 Saacadood.

Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen 5 Ruux oo labada dhinac ah hal ka 4 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka Tuulada Doonka ee degmada Afgooye ay shee geen inay si weyn u maqlayeen dhawaqa rasa asta ay labada dhinac isku adeegsanayeen.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobol ka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin we erarkaas, waxaana uu kusoo aadayaa xilli 7a adkii hore degaanka Xaawa Cabdi oo kuyaalla waddada xiriirisa Muqdisho & Afgooye weerar jidgal ah lagu gubay Booyado Shidaal siday, weerarkaas oo ay sheegteen Al-Shabaab.

Milateriga Soomaaliya oo sheegay in Al-Sha bab laga xoreeyey 20 tuulo.

Ciidamada milateriga ee Soomaaliya ayaa sheegay in weerarada ka socda gobolka Hiira an ee badhtamaha Soomaaliya in lagu qabsa day illaa 20 tuulo oo gacanta ugu jiray ururka Al-Shabaab.

Kabtan Maxamed Ibraahin Daa’uud oo ah ta liye ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaali ya ayaa VOA u sheegay Isniintii, in ciidamada milateriga iyo dadka deegaanka oo hubaysan oo is kaashanaya inay dile en in ka badan 100 dagaal yahan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, sidoo kalena ay xoreeyeen illaa 20 tuulo oo ay gacanta ku hayeen ururka al-Shabaab ee xidhiidhka la leh al-Qaacida.

Xasan Sheekh

Taliyaha ayaa sheegay in tuulooyinka ay dib ula wareegeen ay ku jiraan, dhawr goobood oo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan, sida magaalada Fido woo u dhow xuduuda Soo maaliya ay la wadaagto Ethiopia.Taliye Maxam ed ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen 20 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab.Wuxuu qiray in ciidamadu ay heleen taageero dhinaca cirka ah, xilliyadii ay socdeen hawlgallada, hase ahaatee ma magcaabin dal ka taageerada cirka ah u fidiyey.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalladani ay hordhac u yihiin tallaaboo yin lagu hirgelinayo aragtida dawladda eek u aaddan la dagaalanka argagixisada iyo sidii al-Shabaab looga sifayn lahaa guud ahaan dalka.

Shir laga yeeshay Amniga Gobolka Sh/ Hosoe oo weeraro ay ka dhacaan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shab eellaha Hoose Ibrahim Aadan Cali ( Najah) oo hoggaaminaya wafdi ka kooban Guddoomiye ku Xigeenka Gobolka iyo Guddoomiyaasha 8-da de gmo ee G/Sh/hoose ayaa magaalada Ba ydhabo kaga qeyb galay shirka guddoomiyaa sha degmooyinka K/GS oo ka furmay M/ Bay.

Shirka oo ay soo qabanqaabiyay Wasaarad da Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa lo oga hadlayaa amniga, xaaladda abaaraha iyo horumarinta deegaannada K/Galbeed, waxaa na shirka ka qeybgalaya dhammaan gud doomi yaasha degmooyinka gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali (Najah) & dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka 8-da degmo ee Sh/Hoose ayaa shir kan la tag ay qorshe ballaaran oo ku saabsan amniga iyo ho rumarinta Maamulka G/Sh/ Hoose.Geba-geb a da shirka ayaa waxaa la fila yaa in laga soo sa aro qodobo xasaasi ah oo la xiriira dhanka Amn iga G/Sh/Hoose oo weerarada ugu badan ay ka geystaan Al- Shabaab iyo waxka qabashaha abaaraha.


Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee XFS oo daah furay Barnaamijka iskudubar idka biyaha

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraad ka Biyaha ee X/F/Soomaaliya ayaa Shalay da ahfurtay Iskudabaridka Barnaamijyada Biyaha oo jeedadiisu tahay in la xoojiyo isku xirka, ka warheynta iyo la xisaabtanka mashaariicda biy aha ee dalka si loo hubi yo Hey’ad kasta mashaa riicda dalka ka hirgeliney so loogana fogaado in mashaariic isku mid ah la ga fuliyo hal goob iyadoo baahidu ay badan ta hay sida markasta dhacda.

Wasiirka wasaaradda Tamarta Jaamac Taq al Cabaas ayaa cadeeyay in ka xukummaad ahaan ay ka go’an tahay xoojinta iskudabarid ka, wadashaqeynta iyo iskaashiga dhammaan Hay’adaha Dowladda iyo Bahwadaagta kale ee ka shaqeeya ama taageera dalka si loo gaaro xalka waara ee maareeynta kheyraadka biyaha isla markaasna wax loogu qabto caqabadaha adag ee heysta qeybta Biyaha oo lagu tilmaam ay Istaraatiijiyadda Qaran ee Kheyraadka Biya ha si loo gaaro hadafka guud ee dowladda oo ku wajahan kobcinta dhaqaalaha dalka iyo yare ynta musiibooyinka soo laalaabta sida Abaara ha iyo Fatahaadaha. Wasiirka ayaa ugu baaq ay dhammaan Hay’adaha ka shaqeeya barnaa mijyada Biyaha inay mashaariicdooda ku sal eeyaan Istaraatiijiyadda Qaran ee kheyraadka Biyaha.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Da aqa ee DFS,Xasan Xuseen Maxamed oo ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay daahfurka shirka ayaa tilmaamay oo ku dheeraday muhi imadda Biyaha ay u leeyihiin dalka gaar ahaan dhaqashada xoolaha oo laf dhabar u ah dhaq aalaha dalka. "Waxaa marwalba soo noqnoqda abaaro ba’an oo saamayn taban ku leh nolosha bulshada xoolo dhaqatada iyo xoolo-dhaqatada beeraleyda ku nool guud ahaan dalka” ayuu yiri wasiir Xasan.

Nin dhallinyaro ahaa oo lagu dilay Magaala da Gaalkacyo

Allaha u naxariistee Mascuud Cabdulqaadir Dhoore oo ka mid ahaa dhallinta Magaalada Guriceel ayaa Habeen hore lagu dilay Magaalada Gaal kacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Marxuumka ayaa Habeen hore ka soo laabtay Magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ka soo ka xeystay gaari uu kala soo degay Dekedda Boo saaso.

Wararka ayaa sheegaya in isagoo dhex maraya Koonfurta Gaalkacyo ay haleeshay rasaas ay furayn Ciidanka Kumaando oska Danab, taasoo aan la og ayn sababta ka dambeysa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ku gee riyooday Isbitaalka Gaalkacyo, ka dib markii dhaawac ahaan lagula cararay.

Saraakiisha amniga iyo Maamulka Degma da Gaalkacyo ee Galmudug ayaan weli ka hadl in dilka ninkaasi dhallinyarada ah loogu gaystay Koonfurta Gaalkacyo.

Mascuud Cabdulqaadir Dhoore oo caan ka ahaa Magaalada Guriceel ayaa waxa uu ku la haa goob lagu iibiyo qalabka baabuurta ee Sp are Parts-ka. Faarax Cabdi Macalin (Anas), Gudoomiyaha Degmada Guriceel ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga tacsiyadeeyay geerida marxuumka

Barlamaanka Galmudug oo madax weyne Qoorqoor muddo kordhin u sameeyay

Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmu dug ayaa muddo xileedka Madaxweynaha Gal mudug ka dhigay 5 sano, oo ka bilaaban eysa markii la doortay. Madaxweyne Qoorqoor ay aa ku biiraya madaxweyna yaasha Koonfur gal beed, Hirshabeelle iyo Jubbaland, kuwaas oo min hal sano ku kororsaday muddo xilleedkoo da, iyagoo u maray ay mooshino la hor geeyay barlam aan adooda.

Illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya ma aysan cadeynin mowqifkeeda ku aadan muddo korar siga madaxweynayaasha dowlad goboleedya da sameeyeen.

Khilaaf ayaa hadda ka taagan muddo koro rsiga dowlad goboleedyada, iyadoo siyaasiyiin iyo xildhibaanno kasoo jeeda maamuladaas ay dowladda federalka ku cadaadinayaan inay sha rci darro ku tilmaamto waqti kororsiga madax-weynayaasha dowlad goboleedyada.

Dowladda federalka iyo dowlad goboleedy ada oo maalintii Dorraad wada gaaray heshiis wa da shaqayn ah lama oga inay si hoose ugu he shiiyeen xil kororsiga dowlad goboleedyada.

Dadka siyaasada fallanqeeya ayaa aam isan tallaabada dowlad goboleedyadu inay dar iiqa usii xaari karayso in dowladda federalku iya duna ay kororsato muddo xil haynta golayaash eeda dastuuriga ah.

Madaxweyne Mustafe cagjar " Al Shabaab waxay ka faa'iidaysataa dadka nugul ee ay isleedahay siyaabo kala duwan ayaa lagu kasban karaa"

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaal ida Mustafe cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa socdaal dhanka cirka ah ku gaaray gobol ka Afdheer gaar ahaan degmada Ceelkari.

Madaxweynaha ayaa shacabka degmada Ceel kari meel fagaare ah kula hadlay, isagoo si ga ar ah ugala hadlay shacabka Ceelkari inay had iyo jeer iska ilaaliyaan in kooxda Al Shabaab si yaabo kala duwan ugu soo gabadaan shacab ka dhexdiisa.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka degm ada Ceelkari u sheegay in kooxda Al Shabaab ay ka faa'iidaystaan dadka Inta nugul ee jilicsan, kuwa as oo ay is yiraahdaan waad kas ban kartaan, wuxuuna yiri Madax weynuhu " Degmada Ceelkari waxay kamid ta hay meelaha ay Al Shabaab xoogga saareen, Al Shabaab waxay ka faa'iidaysataa dadka nu gul ee ay isleedahay siyaabo kala du wan ayaa lagu kas ban karaa".

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka degmada Ceelkari u sheegay in kooxda Al Sha baab haddii ay degmada Ceelkari soo galaan aysan helaynin xorriyadda ay Shalay haysta an, waxa uuna yiri " Kooxda Al Shabaab haddii Shalay uu u hirgalo hadafkoodu oo ay gudahe ena soo gasho xorriyad badan oo aad Shalay haysataan barri ma haysanaysaan, dad Muslim ah baynu nahay awow ka awow markaa in jahl iga laga faa'iidaysan ama duruuf dhaqaale oo jirta oo lacago lasoo diro aan dhalinyarta looga faa'iidaysan ayaan idin kula dar daarmay aa". Dhinaca kale Md.Mustafe cagjar waxa uu ka dhawaajiyay in xukuumaddiisu ay qorshe u qaa datay in Al Shabaab lagu sifeeyo, taana ay xuk uumadda ku garab istaagaan Shacabka iyo Od ayaasha degmada Ceelkari, sidoo kalena ay ka dhiidhiyaan oo ay diidaan in koo xda Al Sha ba ab ay bartilmaameed ka dhigato D/Ceelkari oo inta badan ay hadal hayso kooxda Al Shabaab.

D/Ceelkari oo ah degmo inta badan aad uga dambaysa degaanka intiisa kale oo ay ka li idata dhinaca adeegyada aasaasiga iyo horum arka, Madaxweynuhu waxa uu xusay in loo ba ahan yahay in wax badan oo dhanka hormarka ah laga qabto degmadan si ay usoo gaarto deg aanka intiisa kale.

Balse waxa uu xusay in kooxda Al Shabaab ay rabto in degmadani ay noqoto goob colaade ed oo dowladdu iyo hay'adu hu imaan kari waa yaan, halka ay Shalay joogto D/Ceelkarina ay kasii hooseyso.

Madaxweynaha ayaa gabagabada hadalkiisa waxa uu shacabka usoo jeediyay in Xukuumad da iyo Shacabku gacmaha is qabsadaan oo ay mid noqdaan, si aysan u hirgalin qorshayaasha iyo hadafka kooxda Al Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Madaxweyna ha iyo wafdigiisa waxay socdaal ku marayeen gobollada xiga dhanka xuduudda uu degaanka Soomaalidu la wadaago dalka Soomaaliya, hal kaas oo uu u kuurgalayay xaaladda amni ee go bolladaas& Miday tahay nolosha dadka ku dh aqan degmooyinka dhaca dhinaca xuduudda DDS

William Ruto oo loo dhaariyey madaxw eynaha KENYA

William Ruto ayaa loo dhaariyey madaxweyna ha cusub ee Kenya, xaflad ka dhacday garoonka weyn ee Moi International Sports Center Stadium ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Madaxweynaha cusub ayaa loo dhaariye xilkaasi wax yar ka hor 1-dii duhurnimo, waxaana uu no qonayaa madaxweynihii 5aad ee soo mara Kenya. William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga UDA, ay aa ku guulaystay doorashadii dhacday 9-kii bishii Ogosto ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa sidoo ka leisna Shalay xil ka loo dhaar iyey madaxweyne ku xigeenkiisa Rigathi Gacha gua. Xafladda dhaarinta waxaa joogay madax ka socota caalamka oo ay ku jiraan madaxweynaha Somaliya Xasan Sh.Maxamuud, Madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame, Madaxweynaha Tanz an ia Samiya Suluhu Xasan,& madaxweynayaal kale.

Ruto ayaa doorashada kaga adkaaday Raila Odinga oo markii 5aad xilkaas u tartamay, isla ma rkaana haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degay Uhuru Kenyatta.

Ruto ayaa waxa sugaya shaqooyin ay ka mid yihiin mideynta shacabka Kenya, wax ka qabasha da sicir-barar xooggan oo dalka ka taagan iyo su gidda amniga, ayada oo Kenya ay marar badan ka dhaceen weeraro ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Ka hor dhaarinta, dhowr qof ayaa ku dhaaw acmay ka dib markii dadweyne ay isku dayeen in ay xoog ku galaan halka xafladdu ka dhaceysay. Muuqaallo ay baahiyeen taleefishinada ayaa muu jiyey tobanaan qof oo isku dul dhacaya, mid

ka mid ah albaabada laga galo garoonka. Isha: VOA

MA LAGA YAABAA IN PUTIN UU U BAREERO ADEEGSIGA NIYUKLEERKA GUULDAROOYIINKII DAGAALKA KA DIB?


Madaxwaynaha Ruushka Putin

Madaxwaynaha dalka Ukraine Zelensky ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay sii wadi doon aan weerarada ay ku hayaan cidamada Rushka ee dallkaasi ku soo duulay.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in ciidamada Ukraine ay ilaa iyo haatan xoreeyeen ku dhawaad 6,000 oo kiilo mitir oo isku war eeg ah.

Xogahayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka , Antony Blinken, ayaa ammaanay hormarka ay dagaalka ka gaartay xukuumadda Kyiv.

Baaxadda ay leedahay guusha ay ciidamada Ukr aine gaareen ayaan ilaa iyo imika la xaqiijin karin.

Barnaamij laga sii daayo telefishinka Ruushka ayaa waxaa markii ugu horeysay uu Ruushka qirtay in ay jiraan guulo ay gaareen ciidamada Ukraine.

"Kani waxa uu ahaa todobaadkii ugu adkaa ee abid ee hawlgalada gaarka ah ee Ukraine,” ayuu yiri Dmitry Kiselev, isaga oo ku dhawaaqayay had alo murugo leh.

"Gaar ahaan dhanka Kharkov, markii ciidama da cadawgu ay ka awood bateen ciidamadeena, askarta Ruushku waxay ku qasbanaadeen inay ka baxaan magaalooyinkii ay markii hore xoreeye en,” ayuu yiri warka laga tebiyay telefishinka Ruushka.

Moscow waxay qabsatay goobaha imika laga saaray bilo ka hor.

Si kastaba ha ahaatee, markii Ciidanka Ukraine ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen, ciidamada Ruushka ayaa lumiyay dhul baaxad leh oo ku ya alla waqooyi bari ee dalka.

"Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa beenisay wararka sida hoose u soo baxaya ee sheegaya in ciidamada Ruushku ay isaga carareen magaalooy iinka Balakliya, Kupyansk iyo Izyum,".

Khabiir ka tirsan wargeyska Boulevard ee Mos kovsky Komsomolets ayaa fikrado kala duwan ka dhiibtay: "Sida cad waanu dhayalsanay cadawgee na, ciidamada Ruushku aad bay uga daaheen in ay falcelin sameeyaan ,natiijo ahaan, waa nalaga adkaaday, waa in aan ciidamadeena la soo bax naa si aan loo go'doomin," ayuu yiri.

"Guul-darradan" waxay caro ka dhalisay bara ha bulshada taageersan Ruushka iyo dadka bara ha internetka wax ku qora ee taageera Moscow. Waxay ku eedeeyeen ciidamada Ruushka inay sameeyeen khaladaad.

Hogaamiyaha Chechnya Ramzan Kadyrov ay aa sidoo kale dhaleeceeyay: "Haddii Shalay ama berrito istiraatijiyad isbedel ah lala imaan, waxaan la kulmi doonaa wasaaradda difaaca iyo taliyayaa sha dalka oo aan u sheegi doono waxa dhabta ah ee ka dhacaya furumaha dagaalka."

In ka badan lix bilood ayaa ka soo wareegtay mar kii Vladimir Putin uu amray duulaanka Ukrai ne.

Maalmihii xigay, siyaasiyiin iyo khubaro Ruu shka ayaa saadaaliyay in hawlgalka, oo Kremlin uu ku tilmaamay "hawlgal milatari oo gaar ah", uu ku soo afjari doono maalmo gudahood.

Taas ma dhicin, lix bilood ka dib markii uu bilowday duulaanka, ciidamada Ruu shka waxay la kulmeen guuldaro oo waxaa laga qabsaday goobihii ay horey ula wareegeen.

Ruushka ayaa muddooyiinkii dambe la kulmayay guuldarooyiin Cawaaqib siyaasadeed ma ku yeelan kartaa guuldaradan Putin?

Su'aasha muhiimka ah ayaa ah tani ma waxay cawaaqib siyaasadeed ku yeelan doontaa Vladi mir Putin?

Ka dib, in ka badan 20 sano, Putin ayaa had iyo je er loo arkayay inuu yahay nin guulaystay marka la gu eego indhaha Ruushka, waxaana lagu tilma ami jiray nin adag.

Lixdii bilood ee la soo dhaafay waxay muujisay in go’aankii madaxweynaha Ruushka Putin uu ku galay Ukraine uu ahaa xisaab-qaldan oo uu isku dhufsafday.

Sababtoo ah waxaa uu Ruushka ku guuldarey sa tay inuu gaaro guul degdeg ah, waxayna tani u soo jiiday Ruushka weerar dheer oo dhiig badan uu ku daatay islamarkana Putin uu sidoo kale la kulmay guuldarooyin isdaba joog ah. Haddii la gilgilo sawir ka hoggaamiyaha keli-taliska ah ee u muuqda mid aan laga adkaan, waxay taasi u keeni kartaa dhibaato.

Vladimir Putin wuxuu si fiican u ogaan doonaa taariikhda Ruushka in hoggaamiyeyaashii hore u galay dagaallo laakiin aan ku guuleysan aysan taariikhdooda si wanaagsan ku dhammaan.

Guuldaradii Ruushka kasoo gaartay dagaalkii Japan ayaa horseeday Kacaankii ugu horreeyay ee Ruushka 1905-tii.

Guuldaradii militari ee dagaalkii koowaad ee aduunka waxay kicisay kacaankii 1917 oo keenay dhamaadka Tsar.

Laakin Putin kuma talo jiro in loo arko mid guuldaraystay oo taasi ay fagaarayaasha ku soo shaac baxdo.

"Howlgalka militari ee gaarka ah ee Ruushka waa uu sii socon doonaa ilaa laga gaarayo dha mmaan ujeedooyinkii markii hore loo dejiyay," ay uu afhayeenka Dmitry Peskov u sheegay suxu fiyiinta.

Taas waxay keenaysaa su'aasha labaad ee muhiimka ah: Maxay tahay tallaabada xigta ee Putin uu qaadi doono ?

Ma fududa in la helo qof garanaya waxa uu Vladimir Putin ku fikirayo ama qorsheynayo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira laba shay oo aan ognahay marxaladan: Hogaamiyaha Ruushku si sahal ah uma qirto inuu khalad sameeyay.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, taagee rada dalalka reer galbeedka ee Ukraine ayaa loo aaneynayay guul-darrooyinkii ka dhacay gooba ha dagaalka.

Telefiishanka dawladda Ruushka ayaa warkan ku daabacay ciwaanka "Kyiv, oo ay taageerayaan NATO, oo bilaawday weerar rogaal celis ah".

Gantaalka nukliyeerka Satan 2 ee Ruushka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ruushka ma laga yaabaa in hub niyukleer ah isticmaalo?

Waxaa jirta su'aal adag oo kale oo imika taa gan taasi oo aan laga jawaabin muddo bilo ah. Haddii Putin uusan guul ku gaari karin hubka caadiga ah, ma isticmaali doonaa amaba khiyaar ka ma ugu jirtaa hubka nukliyeerka?

Valeri Zaluzhnyi, Taliyaha Guud ee Ciidama da Qalabka Sida ee Ukraine, ayaa ka digay maal mo ka hor: "Waxaa jirta khatar toos ah oo ah in ciidamada qalabka sida ee Ruushka ay isticmaali karaan hubka nukliyeerka duruufo qaarkood."

Ma jiraan calaamado cad oo argagax leh oo muu jinaya in Kremlin-ka uu argagaxsan yahay.

Telefiishanka dawladda Ruushku yididiilo ayuu muujinayaa. Wuxuu ka sheekeynayaa sida ganta allada Ruushka ay cagta u mariyeen tasiilaadka keydka tamarta ee Ukriane. XIGASHO:-BBC

Booliska Sacuudiga oo xiray nin Cumro u sameynayey boqoraddii geeriyootay ee UK

Booliska dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga u taxaabay nin sheegay inuu cu mro u niyeystay boqoradii dha waan geeriyootay ee dalka UK Queen Elizabeth II.

Hay’adda Ammaanka Dad weyna ha ee Sacuudiga ayaa Twitter-ka ku sheeg tay in ninkaan oo kasoo jeedo dalka Yemen loo xi ray inuu ku xad-gud bay xeerarka Cumrada u daji san, islamarkasna uu iska soo duubay muuqaal isago wata boor ay ku qoran tahay "Cumro ayaa u neystay boqorad Qu een Elizabeth II, waxaana Allah ka baryeenaa in uu u aqbalo oo janada uu geliyo.”

Hay’adda ayaa sheegtay in kiiska ninkaan loo gudbiyey xeer ilaalinta si ay baaritaan ugu same yso, islamarkaana uu u maro ciqaabta u dajisan.

Xariga ayaa yimid kadib markii baraha bulshada lagu dhaleeceeyay muwaadinka Yemeniga ah ka dib markii muuqaalkiisa uu noqday mid si weyn loo hadal hayo.

Shareecada Islaamku waxay u ogolaatay Musli miinta inay u soo xajiyaan ama cimreeyaan iya goo ka wakiil ah Muslimiinta dhintay, laakiin lama ogola in cumro loo sameeyo dadka aan islaamka aheyn ee dhinta.

Boqorada Elizabeth, oo dhimatay Khamiisti iyada oo jirta 96, waxay ahayd Kiristaan ​​ku adag diintee da, waxayna sidoo kale soo noqotay gudoomiya ha ugu sarreeya Kaniisada England.

Caalim u dhashay dalka Masar, oo wax ka dhi ga jaamacada Al-Azhar oo ka mid ah jaamacada ha ugu caansan caalamka ee lagu barto diinta isla amka, ayaa hadal uu siiyay telefishenka taageera dowladda waxa uu ku dhaleeceeyay ninkan Yeme niga ah inuu ku kacay fal ka baxsan diinta islaam ka.

Odinga oo isbeddelay kuna dhowaaqay go’aan cusub

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odin ga ayaa diiday inuu kasoo qeyb galo xafladda cal eemo-saarka madaxweynaha la doortay ee Ke nya William Ruto oo Shalay ka dhac eysa garoonka Kasarani ee M/ Nai robi. Raila Odinga ayaa shaaca ka qaaday in William Ruto uu ku soo ba xay doorasho aan ‘xor iyo xalaal ah eyn”, sida uu hadalka u dhigay.

Bayaan uu soo saaray ayuu Odinga ku shee gay inuu dalka ka maqanyahay laakiin qodobka u gu muhiimsan ee aanu uga qeyb galeyn galeyn cale emo-saarka Ruto uu yahay in guddiga door ash ada "aanu qaban doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in go’aanka Maxkamadda Sare aanu ku saleysneyn sharci iyo xaqiiqo, laakiin uu xushmeynayo go’aankaas”

"Sababahaas daraadood natiijadii doorashada waa mid aan la garaneyn” ayuu yiri ninka laga adkaaday ee Raila Odinga.

Waxa kale oo uu sheegay in marka uu dalka ku soo nqodo uu la kulmi doonoo xunbaha isbahe ysigiisa, isla markaana ay ku dhawaqi doonaan tallaabada kale ee xigta.

Odinga oo markii shanaad u tartamay xilka madaxweynaha Kenya ayaa wuxuu taageero ka helayay madaxweynaha xilka ka dagay ee Uhuru Kenya, oo kasoo horjeestay William Ruto.

Si kastaba, caleema saarka madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa qabsoomaya Shalay, wax aana ka qaybgalaya madax kala duwan oo ka so cda Qaarada Africa iyo caalamka, waxaana sidoo kale qayb ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Xas san Sheekh Maxamuud.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip