Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka, John Kirby ayaa Shiinaha ku booriyay inuu qaboojiyo xiisadda sii kordheysa ee Taiwan.
"Xaqiiqatan, sida ugu dhow ee aan awoodno ayaan u eegaynaa arrintan, waxaan caddeynay inaynaan doonayn inaan aragto xaaladda oo ka sii darta, Mareykankuna qayb kama noqon doono, balse waxaan sheegnay ayaa ah in aan khatar na lagu cabsi gelin karin.” Ayuu yiri John Kirby.
Kirby ayaa yiri "Ma jirto sabab ay Beijing xiisadda u sii huriso, oo ay xaaladda kaga sii darto, ayna uga dhigto mid militari.”
Dhanka kale Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xoojiyay hadalkii toddobaadkii hore ka soo yeeray Madaxweyne Joe Biden, ee ahaa inay Washington ka soo horjeeddo dadaal kasta oo hal dhinac ah, waxna lagaga bedelayo maqaamka Taiwan.
Xoghayaha ayaa hoosta ka xariiqay inaanu waxba iska bedelin mowqifkii Mareykanka ee Taiwan, waxaana uu Shiinuhu ugu yeeray inay ka fogaadaan ficil kasta oo gardarro ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi ayaa dhankiisa sheegay inaysan Beijing ogolaan doonin in la dhaawaco danaheeda aasaasiga ah.
Militariga Shiinaha ayaa dhoolatus ay gantaalo barbar socdaan ka wada hawada iyo biyaha Taiwan, waana dhoolatuska ceynkiisa ah ee ka socda marin biyoodyada ugu mashquulka badan caalamka iyo dariiqyada diyaaradaha.
Dhoolatuskan ayaa jawaab u ah booqashadii Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ee jasiiradaasi.
Beijing ayaa toddobaadkii hore sheegtay inay Washington qaadi doonto wixii cawaaqib ah ee ka dhasha, haddii Nancy Pelosi booqato Taiwan, taasooo aysan dheg jalaq u siinin.
Dowladda Shiinaha ayaa Taiwan u aragta gobol ka mid ah dhulweynaha Shiinaha, balse si iskiis ah isku maamula, ayna tahay inuu dib ula midoobo dalka intiisa kale.
Mareykanka oo Shiinaha ugu yeeray inaanu kaga sii darin xiisadda Taiwan
..