HALKAN K A AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER TALAADO 5/7/2022

0
Tuesday July 05, 2022 - 07:57:13 in Wararka by
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN K A AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER TALAADO 5/7/2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Turkiga

       M/waynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soo maali yeed ee ku dhaqan dalka Turkiga, isaga oo la wadaagay dadaalka Dowladda Soomaali ya ay galineyso xoojinta xiriirka Labada dal

  Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda, arday da iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Fede raalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn sine yso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dha llinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soo maaliyeed.

           Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud ayaa ka dhageystay xubnaha jaali yadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool Turkiga, sidoo kale waxa ay la wadaa geen caqabadaha iyo duruufaha ay qabaa n, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo dal-ku-joogga.

      Madaxweynaha ayaa sheegay in caqa badaha jaaliyadda, ardayda iyo ganacsa tada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga uu kala hadli doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyadoo diblumaa siyiinta Labada dal ay iska kaashanayaan sidii ay u horumarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

        Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuu riyadda ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay diblomaas iyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda, waxa uuna ku adkeeyey in ay si hufan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaan.

         Madaxweyne Xasan Sheekh Maxam uud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowla dda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horu marinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali Heshiis ah, dunida na Heshiis la ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafti uu hogaaminayo u amba baxay dalka Sucuudi Carabiya

      Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya muda ne Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo  wafti uu hogaaminayo ayaa dorraad gelinkii dambe u amba baxay dalka Sucuudi Cara biya halkaas oo maalmaha uu ku suganya hay ku soo qaadan doono gudashada ac maasha Xajka.

        Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomi yaha oo ay ugu horeeyaan Ra’iisul wasaari hii hore ee dalka mudane Maxamed Xu seen Rooble iyo qaar ka mid ah wasiirada xilgaarsiinta ayaa ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan kula dardaamay in dalka iyo dadka loo duceeyo si uu Allah uga samatabixiyo Abaarahan soo noqnoq day.

      Guddoomiyaha oo ugu dambeyn Sha cabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay lab ta isku furaan si loo helo midnimo iyo wada jir.

Ra’iisul Wasaare Xamza Barre iyo safiirka Midowga Yurub oo kulan ku yeeshay Muqdisho

         Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa dorraad xafiiskiisa ku qaabilay safiir ka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina In tel mann.

            Safiirka iyo Ra’iisul Wasaaraha ay aa kulankooda diirrada ku saaray xoojin ta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero dowladda Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh dowladda.

         Guddoomiyaha Midowga Yurub ee iskaashiga caalamiga ah Jutta Urpilainen ayaa maalin ka hor shaacisay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay sannad kan kordhinayaan qoondada ay siiyaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Gees ka Afrika.

         Midoga Yurub ayaa sannadkan Soo maaliya siin doona ku dhowaad 140 milyan Yuuro oo lagu taageerayo dib-u-habeynta siyaasadda iyo arrimaha dhaqaallaha.

          "Midowga Yurub wuxuu sidoo kale bixin doonaa €13.5 milyan oo ah taageero miisaaniyaddeed si loo joogteeyo taagee rada dib-u-habaynta siyaasada Soo maaliya iyo sidoo kale xirmo € 125 milyan oo lagu taageerayo dowlad-dhisidda, dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo u adkeysiga isbe ddelka cimilada," ayuu yiri Midowga Yu rub.”

Shirka Madaxda IGAD Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa

       Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa la gu wadaa in Magaalada Nairobi ee Caasim adda dalka Kenya uu ka furmo meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleed ka IGAD, kaas oo ay ka qeyb galayaan Ma dax ka socota dalalka ku midoobay Urur Goboleedka IGAD.

    Shirka ayaa qorshuhu ahaa in Soomaali ya uu uga qeyb galo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse booqasho uu u aaday dalka Turkiga, waxaana matalaya oo Magaalada Nairobi gaaray Ra’iisul Wa saare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

          Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaaladaha dalalka ay kajiraan co laadaha, sida Soomaaliya oo amni daro weyn ay kajirto, xiisadda u dhaxeeyso dalal ka Itoobiya iyo Suudaan iyo sidoo kale da gaalada sokeeye ee kasocda Itoobiya.

        Sidoo kale waxaa shirka siweyn loogu falan qeyn doonaa Arrimo ku saabsan saa meynta ka dhalatay Abaaraha iyo sida loo ga gudbi karo, iyada oo dalalka sida weyn ay abaarta u saameysay ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

        Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo matalaya Ma daxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Guud ee dalka, sida Amniga & Abaaraha, isaga oo sidoo kale inta uu shir ka socdo kulamo doceedyo la qaadan doo no Madaxdanka qeyb galeysa Shirka.

          Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa sanad walba shira, iyaga oo markaasi siweyn uga hadla xaaladaha iyo dhibaa tooyinka kajira dalalka ku mideysan IGAD, waxaana laga soo saaraa Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay Madaxda ka hadleen.

Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo ka shiray Amniga & Abaaraha

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir shabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dorraad shir gudoomiyay Kulanka Golaha Xukuumada Hirshabeelle, kaas oo ka qab soomay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

         Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee dorraad warbixino uga dhag eystay Wasiirka Amniga gudaha, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha Maamul ka Hir-Shabeelle

      Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in Shir ka looga hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hir shabeelle iyo sidii loo adkeyn lahaa amaan ka Caasimada.

         Sidoo kale wuxuu sheegay in Kulan ka Golaha Wasiirada diirada lagu saaray abaaraha iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanada  Hirshabeelle iyadoo dhul ka miyiga ah ay kasoo barakaceen dadkii ku noolaa kadib markii ay waayeen wax ay cunaan xoolihii ay dhaqanayeena ay abaar tu ka baabi’isay.

       Madaxweynaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loogu gurmado dadka ay dhib aatada xoogan kasoo gaartay abaaraha waxa uuna faray Wasaaradda Gargaarka iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha inay hay’a ddaha ku adkeeyaan sidii degdeg loogu gurman lahaa dadka ay dhibaataysay abaa rta.

Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo

          Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dorraad dib ugu laabtay magaalada Kism aayo, kadib safar qaatay muddo laba todo baad ah oo uu ku joogay Degmada Dhoo bley.

          Dhoobley oo Golaha Wasiiradda Jub aland ay u ansixiyeen Degmonimo 23-Jun-2022 ayaa Madaxweynaha Jubaland inta uu ku sugnaa waxa uu u kuur galay xaalad da Degmada isaga oo kulamo kale duwan la qaatay qaybaha kale duwan ee bulsha da, dadka barakayasha ah iyo kuwa dib u gu soo guryo noqday gudaha Soomaaliya ee ku sugan Dhooble.

       Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha la kulmay Ciidamada Amniga qaybahooda ka le duwan ee ka howlgala Dhoobley iyo dee gaanada ku xeeran kuwaa oo uu kala had lay dardargalinta shaqada Amniga.

Madaxweynaha Puntland oo dib u Magacaabay Xubnihii Maxkamadda Sare ee la diiday

      Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo ku  saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Puntland kadib markii Xubnaha Golaha wa kiilada Dorraad ay diideen inay ansixiyaan Mas’uuliyiintii loo Magacaabay Maxkamad da Sare.

        Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ma daxweynaha  Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in

        Markuu arkay:  Dastuurka Puntland Qodobkiisa 90aad

        Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda    shaqo.

    Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

 Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkama dda Sare Dowladda Puntland

 Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo maga caabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxka madda Sare Dowladda Puntland

    Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

     Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo ma gacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

    Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan

Waxaa kale oo la magacaabay

Keydka

Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin

Cabdishaafi Axmed Cali Xubin

Xubno Guddi

Daahir Maxamed Nuur

Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Booliska oo Muqdisho ku soo bandhigay wiil 8 cisho si yaab leh qoys ugu xirnaa

       Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay wiil mudo 8 cisho ah u xirnaa qoys u heystay inuu ka xaday Maa cuun ay sheegeen inay ku iibinayeen suu qa Bakaaraha, waxaana ka soo baxay ama rro adag oo ka dhashay arrintaan.

            Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraaíd qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska wiilkaan maalmaha badan u xirnaa qoys wax ku sheeganayey, isagoo shaaciyey in wax uu cuno loo diiday mudadii uu silsilada ugu xirnaa qoyskaas.

           "Waxaa la yaab ah in Hooyo iyo Aa be Soomaaliyeed ay isku raacaan inay guri ga ku xirtaan muwaadin Soomaaliyeed ee hadana loo diido in la siiyo biyo iyo cuno to ona, iyadoo lagu eedeynayo wax aan xaqii qo loo heyn oo aan la baarin, qabow iyo ro ob ayaa kula da’ay halkii lagu xiray,” ayuu yiri Afhayeenku.

            Sida uu cadeeyey afhayeenku wiil kaan ayaan la geyn wax saldhig boolis ah 8-dii beri ee reerkaan uu u xirnaa, ugu dam beyntiina booliska oo ka war helay ayaa ka sii daayey dorraad, iyadoo saldhigga Howl wadaag lagu xiray qoyskii gurigooda ku xir tay wiilkaas.

        "Markii boolisku uu ka war helay dhac dadaan tallaabo ayaan ka qaadnay qoyskii waxaan ku soo xirnay saldhigga, waxaan leenahay bulshada way dhici kartaa in qof wax inka xado ama inka dhaco, laakiin wa xaa tallaabo qaadi kara oo wax xiri kara booliska, saldhigii oo kuu muuqda qof lug kama xira kartid, waana dembi adag, qoys kaana maxkamad ayey ku muteysteen,” ay uu hadalkiisa ku sii daray Cabdifitaax Aa dan.

      Afhayeenka booliska oo shirkaan jaraa ’id ku qabtay degmada Howlwadaagayaa sheegay in falkaan uu qoyskaas ku mutey stay maxkamad, isla markaana ay hor ge yn doonaan, si uu cadaalad u helo wiilkaan ay iska xirteen iyagoo xatooyo ku eedey naya.

 Cabdiraxmaan C/Shakuur & wafdi la socda oo gaaray Baardheere

      Wafdi uu hoggaaminayo Ergayga gaar ka ah ee Arrimaha Bini’aadannimada & Ab aaraha u qaabilsan Madaxweynaha Soom aaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdisha kuur Warsame ayaa Dorraad gaarey deg mada Baardheere ee Gobolka Gedo.

    Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin mas’uuli yiin ka socda dowladda Qatar ayaa hal kaasi u tegay inay u kuur galaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay abaarta saam eysay ee kunoo degmadaasi Baardheere.

         Xubnaha wafdiga ayaa kormeeray xe rooyinka ay degan yihiin dadka ay abaarta kasoo barakicisay degaano hoostaga deg mada Baardheere, iyaga oo warbixino ka dhageystay horjoogayaasha xerooyinka.

           Sidoo kale Xubnaha wafdiga ayaa la sheegay inay dadka barakacayaasha ah gaarsiiyeen deeq gargaar ah oo loogu talo galay maadaama dadka ay siweyn u saa meysay abaarta.

    Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bini’ aadannimada & Abaaraha u qaabilsan Ma daxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdi raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa horay u tegay degmada Dooloow ee Gobol ka Gedo, halkaas oo uu sheegay inay ku soo arkeen dad ay abaarta siweyn u saa meeysay.

Ciidamada HARAMCAD iyo NISA oo dorraad gudaha u galay Bakaaraha

         Faah faahino dheeraad ah ayaa wa xaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay gudaha Suuqa Bakaaraha ay ka sam eeyeen Booliska sida gaarka ah u tababa ran ee Haramcad iyo kuwa Nabad Sugidda oo gudaha u galay suuqaasi.

       Howlgalkan ayaa waxaa horkacayey taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaro ole), waxaana ciidamadu ay sidoo kale is ku fidiyeen, xaafadaha Warshadii hore ee Caanaha, Warshada Taraqa iyo Sigaarka, xaafadda Daaru-salaam iyo degmooyin ka mid ah qeybta bari ee gobolka Banaadir.

      Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka, sida uu shaaciyey taliyaha Booliska qaybta goblka Banaadir ee xalay kormeerka ku tegay Suuqa Bakaa raha.

       Farxaan Qaroole ayaa intii uu socday howlgalka xog wareystay ganacsatada Ba kaaraha oo uu wax ka weydiiyey amniga guud ee Suuqaas oo ah kan ugu weyn Soo maaliya.

    Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sh eegay inay sii wadi doonaan howlgall adaan oo looga gol-leeyahay xaqiijinta am niga guud ee degmooyinka gobolka Banaa dir

      Boolisku ma shaacin natiijada kasoo baxday howlgalkan iyo haddii ay jiraan in dad lagu soo qab-qabtay iyo in kale.

Magaalada Muqdisho oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayeen falal ammaan dari ayaa haddana howlgallo amni xaqiijin ah ka wada ciidamada Booliska Soomaaliya.

Khasaaro ka dhashay dagaal dhexmaray xoogagga macaawiisleyda & Al-Shabaab

       Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxayo Dagaalo Culus oo u dhaxeeyay Cii damada Macaawisleyda iyo xoogaga Al-Shabaab ayaa ka dhacay Galbeedka Bele dweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

       Dagaalka ayaa ka dambeeyay  kadib markii xoogaga macaawiisleyda ay weera reen degaano ay Galbeedka Beledweyne kaga sugan yihiin Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo leys ku adeegsaday hubka noocyadiisa kala du wan.

     Afhayeenka Ciidamada macaawiisleyda Maxamed Sheekh Salaad ayaa sheegay in dagaalka ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, balse dhankooda uu jiro khasaa ro dhaawac ah, isla markaana ay la waree geen degaannadii lagu dagaalamay.

         Wuxuu ugu baaqay dowladda Federa alka ah ee Soomaaliya Dowlad Goboleed ka Hir-Shabeelle iyo Maamulka Gobolka Hi iraan inay xoogagga macaawiisleyda ka taageeraan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.

  Dhowr jeer ayaa degaano katirsan Gobo lka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada xoogagga Macaa wiisleyda iyo Al-Shabaab.

Kenya & Cuba oo ka wada hadlay dhaqaatiirta u afduuban Al-Shabaab

         Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kulan la qaatay wasiirka arri maha dibadda ee dalka Cuba Bruno Rodri guez Parrilla oo ku booqday aqalka madax tooyada ee magaalada Nairobi.

      Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Kenyatta iyo Mr. Parrilla waxa ay ka wadah adleen arrimo badan oo muhiim u ah Ken ya iyo Cuba oo ay ka mid tahay sidii si na bad ah loogu soo celin lahaa dhakhaatiirtii Cuba u dhalatay ee ay Al-Shabaab ku qa faasheen gudaha Kenya sanadkii 2019-ka.

        Madaxweyne Kenyatta ayaa xaqiijiyay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay xaqiij inta sii deynta dhakhaatiirta Cuba ee lagu haysto Soomaaliya.

     Madaxweyne Uhuru ayaa, isaga oo ka mahadcelinaya taageerada Cuba ee taba barka dhakhaatiirta Kenya, ayaa wuxuu ku celiyay in Kenya ay qiimeyso iskaashiga ay la leedahay qaranka

    "Waxaan rabaa oo kaliya inaan sheego inaan qiimeynay taageeradaada, waxaana ku celineynaa in Cuba ay saaxiib dhab ah ku leedahay Kenya. Waxaan mar walba idi nla garab istaagi doonnaa midnimo dhinac kasta oo dhinacyo badan leh,” ayuu yiri ma daxweyne Kenyatta.

      Dowladaha Kenya iyo Cuba ayaa aad uga walaacsan afduubta muddo ka badan Afar Sano ay Al-Shabaab u heystaan dhaq aatiirta u dhalatay dalka Cuba ee ka howlg alayay Gudaha dalka Kenya.

Xiisadda Ruushka iyo Bulgaria oo xoogeysatay

         Waxa sii xoogeysanaya dagaalka du blamaasi ee u dhexeeya waddamada Reer Galbeedka iyo Ruushka oo ay ka dhaxey so xiisad ka dhalatay duulaanka ay Mos cow ku qaaday Kyiv.

        Magaalada Sofia ee xarunta dalka Bul garia waxa Axaddii laga masaafuriyey sha qaale dublamaasi iyo qoysaskoodii oo u dhashay dalka Ruushka oo la saarey laba diyaaradood.

     Arrikan ayaa xaalad adag ka dhex abuu ray labadan dal oo taariikh ahaa xiriir dhow lahaan jirey, balse hadda u muuqada inay sii kala fogaanayaan.

Sweden oo balan qaaday inay u ho gaansameeyso heshiiska ay la gashay Turkiga.

          Ra’iisul wasaaraha Sweden Magdale na Andersson ayaa Axadii wacad ku mar tay inay u hogaansamayso heshiiskii dhaw aan lala galay Turkiga, oo ay ku jiraan bal an qaadyadii ku saabsanaa dhiibista argagi xisada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip