DENI oo maanta u baxaya SAFAR dibadeed + Ujeedka

0
Monday July 04, 2022 - 11:49:06 in Wararka by
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DENI oo maanta u baxaya SAFAR dibadeed + Ujeedka

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

 Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Abu Dhabi ee Isu Tegga Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay uga billaaban doonto booqasho qaadan doonto dhowr cisho.

Safarka madaxweyne Saciid Deni oo aan horey loo sii shaacin ayaa la xiriiro arrimo siyaasadeed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sida ay ogaatayCaasimada Online, Deni ayaa marka hore sii mari doono dalka Kenya, waxaana la sheegay inuu halkaas kula kulmi doono madax Kenyaan ah iyo siyaasiyiinta Soomaalda ee ku dhaqan halkaasi, gaar ahaan kuwa degan magaalada caasimada Nairobi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynuhu kadib u bixi doono dhanka Imaaraadka Carbta oo uu marti-qaad ka helay, isaga oo la shiri doono madaxda dalkaas.

Booqashadaan ayaa kusoo beegantaya xilli uu dhawaan dalkaasi booqasho ku tegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo heshiis cusub lasoo galay madaxda sare ee dalka Isu Tegga Imaaraadka, kadib dhowr cisho oo uu ku sugnaa magaalada Abu Dhabi.

Saciid Deni oo hungoobay xilka madaxweynaha, kadibna waayey jagada ra’iisul wasaaraha ayaa horey saluug uga muujiyey, sida uu wax ku bilaabay madaxweyne Xasan.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland oo toos ugu xiran xukuumadda Abu Dhabi ayaa marar badan isaga daba laa-laabtay dalka Imaaraadka Carabta oo haatan u muuqdo inuu booska kala baxay Qatar oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha 1-aad ee Farmaajo.
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip