Taariikh nololeedka xubnaha uu magacaabay R/W Xamza ByGu

0
Monday July 04, 2022 - 12:37:14 in Wararka by
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh nololeedka xubnaha uu magacaabay R/W Xamza ByGu

    ......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

......

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa shalay magacaabay agaasimayaal gaaraya illaa seddex iyo afar la-taliyayaal, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiskiisa oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online.

Hoos ka aqriso xubnaha la magacaabay iyo taariikh nololeedka oo kooban:

1. Maxamed Abuukar Zubeyr –Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Maxamed ayaa waxaa uu heystaa darajada Master-ka Maamulka, International Islamic University Malaysia. Waxa uu heer koowaad ee Jaamacadda ku bartay maamulka Ganacsiga, Jaamacadda SIMAD ee Muqdiso.

Sidoo kale waxa uu ahaa agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka, wuxuuna soo noqday agaasimaha Qorsheynta wasaaradda caddaaladda. Waxa uu macallin ka soo noqday Jaamacadaha Ummadda iyo SIMAD.

2. Farxaan Maxamed Jimcaale –Afhayeenka ahna Agaasimaha Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada.

Farxaan ayaa waxa uu darajada labaad ee Master-ka ka heystaa xiriirka Caalamiga ah, Queen Mary University of London. Waxa uu heerka koowaad ee jamacadda ku bartay Warbaahinta, Birkbeck, University of London.

Sidoo kale waxa uu hoggaaminayay qeybta Af-soomaaliga ee Telefinshinka BBC, wuxuuna ka soo shaqeeyay Raadiyaha BBC, laanta Afsoomaaliga. Waxa uu ka soo howlgalay warbaahinta Qaramada Midoobay ee IRIN.

3. Cabdullaahi Shariif Cabdi –Agaasimaha Habmaamuuska Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Cabdullaahi ayaa waxa uu haystaa darajada labaad ee Master-ka Dublamaasiyadda iyo xiriirka Caalamiga ah, Ethiopia Civil Service University. Waxa daraja koowaad ku bartay Cilmiga horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah, Hope University Mogadishu, Somalia.

Sidoo kale waxa uu ahaa macallin, wuxuuna ka soo shaqeeyay dowladda hoose ee Xamar. Waxa kale oo uu ahaa xubin ka mid ah saraakiisha Baratakoolka XAfiiska Ra’iisul Wasaaraha.

4. Cali Cabdi Awaare –La taliye Arrimaha Dib u heshiisiin.

Waxaa uu bartay maamulka gaacsiga, wuxuuna kasoo baxay dugsiga tababarka macallinnimada ee Xalane.

Sidoo kale waxa uu xilal wasiirnimo ka soo qabtay dowlada goboleedka Putland, waxa kale oo uu la taliye kasoo noqday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

5. Kamal Guutaale –Latalaiyaha Amniga.

Waxa uu bartay darajada Master-ka ku bartay Gaacsiga Caalamiga ah iyo Maamulka Istraatiiyadaha, University Malaya, wuxuuna daraja koowaad ee jamacadda uu ku bartay maamulka Nidaamka Xogta, International University of Africa, Khartoum, Sudan.

Sidoo kale waxa uu la taliye sare ka noqday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedka Galmudug. – Waxa uu soo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya.

6. Dr Hodan Cusman –La taliyaha xiriirka Caalamiga ah.

Dr Hodan ayaa waxay darajada PHD ku sameysay Cilmiga xiriirka, Zhejiang University, Hangzhou, China.

Sidoo kale waxay darajada labaad ee Jaamacadda ka sameysay Luqadda Shiieeska iyo dhaqanka Zhejiang Normal University, Jinhua, China.

Waxay daraja koowaad ee jaamacadda ka diyaarisay maamulka ganacsiga, Zhejiang Normal University, Jinhua, China.

Waxay soo noqotay:

· Aasaasaha xaruta culuumta bariga Afrika ee ee jaamacadda Xhejiang, China.


· La-taliya saree ee arrimaha xiriirka, wasaaradda haweenka dowladda Soomaaliya.
· La-taliyaha xiriirka arrimaha Shiinaha ee madxtooyada Soomaaliya.

7. Haashim Maxamed Cali –Agaasiamaha maamulka iyo maaliyadda.

Waxa uu darajada Master-ka ka heystaa xisaabaadka iyo maaliyadda, Islamic University in Uganda. Sidoo kale waxa uu heerka koowaad ee jamacadda ku bartay Xisaabaadka, University of Science & Technology in Sana’a Yemen.

Waxa uu macalin kasoo noqday Jaamacadda Musdisho, wuxuuna kasoo howl-galay Bangiga Dahabshiil. Waxa kale oo uu maamul iyo maaliyad madax uga noqday African Relief Fund xafiiskooda Muqdisho.

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip