Somaliland oo sheegtay in dadka xajka sannadkan tagay ay xadgudub ku kaceen

1
Sunday July 03, 2022 - 18:28:20 in Wararka by
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo sheegtay in dadka xajka sannadkan tagay ay xadgudub ku kaceen

    Xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in dadka reer Somaliland ee sannadkan xajka tagay xili xukuumadu joojisay tagista xajka ay ku xadgudbeen qaranimada. Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa xujayda ree

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in dadka reer Somaliland ee sannadkan xajka tagay xili xukuumadu joojisay tagista xajka ay ku xadgudbeen qaranimada. Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa xujayda reer Somaliland ee ka dhooftay meel ka baxsan ciida Somaliland, si ay usoo gutaan xajka ku tilmaamay qaar meel kaga dhacay Somaliland. "Waxan shacbiga Somaliland la socodsiinaynaa, cidii meelo kale ka dhooftay ama u baryo tagtay in ay meel kaga dhaceen qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee go'aanka qaatay" ayuu yidhi Saylici. Saylici ayaa dhanka kale sheegay in aanu jirin wax gorgortan ah oo Somaliland arrimaha xajka kala yeelatay xukuumada Soomaaliya, isaga oo beeniyay hadal uu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Cumar Cali Rooble ku sheegay in arrinta xajka uu kala hadlay madaxweyne ku xigeen Saylici. "Waxan doonayaa in aan ka hadlo hadal kasoo yeedhay wasiirka diinta iyo awqaafta ee Muqdisho, oo yidhi waxan ka wadahadalnay madaxweyne ku xigeenka arrimaha xajka, waxan umada Somaliland halkan uga caddaynayaa in anan wax wadahadalka ama xidhiidha anan la yeelan wasiirkaa" ayuu yidhi Saylici. Madaxweyne ku xigeenka ayaa hadalka wasiirka ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland anay mudo 30 sanno ah kamid ahayn qaran Soomaaliyeed. Madaxweyne ku xigeenka ayaa dhanka kale dowlada Sacuudiga ka codsaday in ay hoos u eegto khilaafka taagan, "Xukuumada Somaliland waxay uga fadhidaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya xuquuqdeeda islaamiga ah, iyada oo dhowrkii sanno ee u danbeeyayba indhaha ka lalisay". Wasiir Cumar Cali Rooble oo waraysi siiyay idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in ay wadahadleen madaxweyne ku xigeenka Somaliland, isla markaana uu u sheegay in aanay jirin qoondo gaar ah oo ay dowlada Soomaaliya u ogoshahay Somaliland.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip