Mareykanka oo beeniyay inay aqoonsi Caalami ah u raadinayaan Somaliland

0
Sunday July 03, 2022 - 18:22:57 in Wararka by
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo beeniyay inay aqoonsi Caalami ah u raadinayaan Somaliland

    Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, ayaa mar kale sheegay in Mareykanku uu hal siyaasad ka haysto Soomaaliya, uuna aqoonsan yahay xuduudka la sameeyay xilligii xorriyadda. Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday magaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, ayaa mar kale sheegay in Mareykanku uu hal siyaasad ka haysto Soomaaliya, uuna aqoonsan yahay xuduudka la sameeyay xilligii xorriyadda. Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis oo qeyb ka ah dabbaaldegga xuska xorriyadda Soomaaliya oo socon doona muddo toddobaad ah. "Siyaasaddeenu waa mid la mid ah 62-kii sannadood ee u dambeeyay, oo ah Soomaaliya taariikhi ah, xuduudaheeda taariikhiga ah, tan iyo markii ay isku biireen waxii loo aqoon jiray British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay hal dal wada dhisteen," ayuu yiri safiirka Maraykanka ee Soomaaliya. Danjire Andre waxa uu sheegay in aqoonsiga wada-hadallada maqaamka madax-bannaanida ay tahay inay si gaar ah u go'aamiyaan Soomaaliya iyo Somaliland. Wuxuu intaas ku daray in Mareykanka uu wax ka bedeli doono siyaasaddiisa Soomaaliya oo hal ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan in xaalad isbedel ah la sameeyo. Hadalka Safiirka Maraykanka ayaa yimid, xilli Somaliland ay dowladda Maraykanka u gudbisay in loo ixtiraamo gooni isku taaggooda ay ku doonayaan in kaga go'aan Soomaali inteeda kale.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip