HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER TALAADO 28-6-2022

1
Tuesday June 28, 2022 - 08:40:01 in Wararka by
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER TALAADO 28-6-2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxtooyada oo faah faahisay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

      Afhayeenka Madaxtooyada Soomaali ya Cabdikariin Cali Kaar ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xas an Sheekh Maxamuud, toddobaadka xorriy adda iyo gurmadka abaaraha.

    Afhayeenka oo shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay gudaha madaxtooyada ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Madax weyne Xasan Sheekh oo uu ku dhacay cudurka COVID-19 ay tahay mid wanaag san, isla markaana tan iyo markii laga he lay uusan jirin wax saameyn muuqato ah oo uu ku yeeshay caafimaadkiisa.

        Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kuda ray in uu Madaxweynaha si cadi ah u wato howlihiisa, isaga oo raacaya talooyinka iyo habraacad caafimaad oo ay dejiyeen Baha da Caafimaadka, kuwaas oo la xiriira talloo yinka cudurka COVID-19, isla markaana Shacabka uga mahad celiyay ducadii uu ka helay.

      Afhayeenka Madaxtooyada Soomaali ya Cabdikariin Cali Kaar wuxuu sheegay in Maalinta Berito ah Madaxweynaha laga qa adi doono baaritaan caafimaad si loo hubi yo xaaladiisa caafimaada maadaama mud do dhowr maalmood ah ay kasoo wareega tay markii laga helay cudurka COVID-19.

       Ugu dambeyn Afhayeenka waxaa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Mahamuud uu khadka taleefoonka kula xir iiray Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaa ciil Cumar Geelle, isaga oo ugu hambalyee yay sanad-guuradii 45-aad oo ah markii ay xornimada dowladda Jabuuti ka qaadatay dowladda Faransiiska.

RW Xamsa & Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan gaar ah yeeshay

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hoygiisa ku booqday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo todobaadkaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ay codka kalsoonida siiyeen.

Madaxweyne laftagareen ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha in uu helay kalsoonida Golaha Shacabka, una rajeeyay in Eebbe la garab galo waajibaadka qaran ee hor yaalla.

labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee xilligaan dalka, sida Amniga, Abaaraha iyo sidii loo adkeyn lahaa wadashaqeyn dhexmarta Dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada kajira dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed booqashada uu ugu yimid, isaga oo balan qaaday in dhammaan dowlad Goboleedyada uu wadashaqeyn dhow la yeelan doono.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ayaa kujira diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan soo Magacaabista Xubnihiisa Golaha Wasiirada, isaga oo kulamo kala duwan la qaadanaya saamileyda Siyaasadeed ee dalka.

Villa Somalia oo war cusub kasoo saartay soo celinta dhallinyarada ku maqan Eritrea

         Afhayeenka Madaxtooyada Soomaa liya Cabdikariin Cali Kaar, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada, ayaa ka hadlay xaaladda dhallinyaradii tababarka loogu qaaday talka Eritrea.

      Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheeneyso inay ciida madaas dhawaan dib ugu soo celiso dalka si "looga faa’ideysto.”

         "Tirada markii uu madaxweyne Farm aajo wareejinayey 5 kun ayuu ku sheegay, wuxuu madaxweynaha ku wareejiyey fayl kooda, waxaana shaki ku jirin maadaama uu amniga yahay waxyaabaha hortabinta u leh dowladda dorraad maalin looga baahi badan yahay ma jirto,” ayuu yiri afhayeen ka madaxtooyada..

          Afhayeenka ayaa sidoo kale shee gay in keenitaanka dhallinyaradaas ay u ba ahan tahay waxyaabo badan oo uu kow ka yahay dhaqaale.

        "Waa la keeni doonaa, qorshahooda ayaa socda, in 5 kun oo askari lasoo daa bulo waxay u baahan tahay waxyaabo bad an oo dhaqaalaha ugu horreeyo, dowladda diyaar garow ayey ugu jirtaa sidii wiila shadaas loo keeni lahaa loogana faa’idey san lahaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

          Afhayeenka ma faah-faahin waxa uu ula jeedo dhaqaale, iyo haddii uu ka wado sidii meel loo saari lahaa mushaharkooda. Horey waxaa u jiray war suuqeed sheega ya in ciidankaas ay u xayiran yihiin dhaq aale, balse taas wax caddeymo ah looma hayo.

         Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay inay dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay la fadhiisato waalidiinta dhalay dhallin ayaradaas, si ay xog fiican uga siiyaan xaa ladda wiilashooda.

         Hadalka afhayeenka ayaa kusoo aa daya kadib maalmo markii ay Muqdisho isku soo bax ku qabteen waalidiinta dhallay wiilashada loo qaaday Eritrea, kuwaas oo madaxweynaha cusub ka dalbaday inuu ku caawiyey sidii ay u heli lahaayeen ilmahoo da oo ka maqan dhowr sano.

         Ciidamada loo qaaday Eritreaayaa la xaqiijiyey in sanad ka hor uu u dhammaa day tababarkii ay qaadanayaan, waxaana ji ra warar is khilaafsan oo ku saabsan saba bta aan weli loo soo celin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo soo dhaweeyay wafdi ka  scoday xafsiika WHO ee Dorraadga iyo Bartamaha (EMRO)

         Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xuk uumadda Federaalka Soomaaliya iyo Agaa simayasha waaxaha Wasaaradda ayaa soo dhaweeyay wafdi ka scoday xafsiika WHO ee Dorraadga iyo Bartamaha (EMRO).

         Wafdiga yaa u yimid  Iskaashi labada dhinac ay ka yeelanayaan Arimaha Horu marinta hanaanka Isticmaalka Xogta Caafi maadka qaranka iyadoo lagu salaynayo u isticmaalka cilmi baarista iyo xoojinta  da daaladda lagu horumarinayo siyaasaddaha iyo Nidaamka Macluumaadka Caafimaad ka.

          Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdinaasir Mukhtaar Ib raahim ayaa warbixin kooban ka jeediyay kulanka taasoo la xariirta heerka Adeega Caafimaadka dalka ka jira iyo qorshaya asha Wasaaradda horyaala ee u baahan in la iska kaashado si loo hormariyo Nidaam ka Xogta Caafimaadka Dalka, isagoo dhan ka kalana ka warbixiyay dhibaatooyinka Caafimaad ee ka dhalan kara abaaraha ka jira dalka kuwaas oo saamayn xoogan ku yeeshay bulshada ku nool meelaha ay ka jiraan abaaraha xoogan kuwaas oo u nugul in ay loo soo daristo xaalado Caafimaad xu mo.

          Dhanka kale, Wafdiga ayaa kulamo wadatashi iyo xog-wadaag ah oo ku aadan heerka horumarineed  ee siyaasadda iyo ta yada Nidaamka Xogta Caafimaadka laqaa tay qaar kamida farsamayaqaanada Xogta Caafimaadka, Sidoo kalana tala ka kabixin doona xoojinta nidaamka & maamulida xog ta Caafimaadka guud ee Dalka.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka hadlay qarixii ay ku waxyeeloobeen Wariyeyaasha

          Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guud laawe ayaa qadka telefoonka kula xiriiray wariyeyaashii ku dhaawacmay qarixii saa kay ka dhacay duleedka magaalada Bala dweyne.

      Madaxweyne Guudlaawe ayaa mid mid ula hadlay labada Wariye ee kala ah Khaa lid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) iyo Cab dikariin Shabeelow waxa uu u muujiyay sida uu ula dareemaayo xanuunka dhaawa cyada soogaaray.

           Waxaa kale oo uu madaxweynaha amray in la soo qaado Saxafiyiinta ku dhaa wacmay qaraxaasi madaama dorraad lagu sii dabiibayay cusbitaalka Istarliin ee Deg mada Guriceel.

          Mudane Cali Cabdullahi Xuseen aya a u balan qaaday labada Saxafi in uu si dhaw ula socan doono Xaaladooda Caafimaad oo hada soo hagaageyso, isaga oo Alle ug u baryay in rabi caafimaad deg deg ah sii yo .

Guddiga cunaqabataynta hubka Soomaaliya oo soo saaray WAR ku saabsan dowladda Xasan Sheekh

     Guddiga Golaha Ammaanka u qaabil san cunaqabateynta hubka ee saaran Soo maaliya ayaa shaaciyey sida ay ula sha qeyn doonaan dowladda cusub ee uu hog gaaminayo madaxweynaha dhawaan la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud.

      Guddiga oo warbixin soo saaray ayaa sheegay inay dowladda cusub kala sha qeyn doonaan cunaqabateynta hubka, cuu ryaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab, ka hor tagga dhoofinta sharci-darada ah ee dhuxu sha iyo arrimaha la xiriira bini’aadanimada.

         Sidoo kale, guddiga ayaa warbixinta kasoo baxday ku sheegay inay aad uga wa laacsan yihiin xaaladda amni ee Soomaali ya, oo uu sheegay in si weyn usii kordha yaan weerarada ay geysaneyso kooxda Al-Shabaab.

        "Guddigu wuxuu taageersan yahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda in ay sameeyaan dad aallo kala duwan oo lagu qallajinayo dhaq aalaha Al-Shabaab iyada oo la qabanayo lacagaha lagama maarmaanka u ah        howlaha kooxda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay.

       Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri "Da daalladaas ayaa noqon doona mid wax ku ool ah oo keliya marka la helo xog-wadaag iyo wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta Dowladda Soomaaliya, Dowladaha deriska iyo saaxiibada caalamka, iyadoo la kaasha nayo Guddiga Khubarada,” ayuu lagu yiri warbixinta guddgan.”

      Guddigan waxay warbixntooda ku shee geen, in inka badan 2,600 oo carruur ah loo geystay xadgudubyo. Sidoo kale waxay sheegeen inuu jiro 50 kiis oo kufsi iyo nooc yo kale oo xadgudubyo galmo ah oo ay gey teen Al-Shabaab, ciidamada Dowlad da, maleeshiyo beeleed iyo ciidamada dow lad goboleedyada.

        Ugu dambeyntii guddiga ayaa soo ba ndhigay baahiada loo qabo wadashaqeyn iyo tallaabo mideysan oo ka dhacda golaya asha dowladda dhexdooda, taasoo muhiim u ah hubinta in si adag loogu hogg aansamo dhammaan tallaabooyinka cuna qabateynta hubka.

        Warbixinta guddiga ayaa kusoo aad eyso xilli dhawaan ay Soomaaliya ka dhac day doorasho taasoo soo afjartay muddo ka badan sanad oo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay ku jirtay hubanti la’aan iyo cabsi.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo War kasoo saaray qaraxii geystay dhimashada & dhaawaca

          Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa            Caafimaad taam ah  Alle uga baryay Wariy eyaasha kala ah Khaalid Cismaan Muxu med Ilkacase iyo Cabdikariin Shabelloow iyo Cabdi Gureey sidoo kalane wuxuu Alle uga baryay in Naxariistiisa Jano siiyo Cab diraxman cadoow oo kamid ahaa dhalin yarada Magaalada Beledweyne oo dorraad waxyeelo ka soo gaartay qarax miino oo Al-Shabaab kula beegsadeen duleedka degmada Matabaan.

       ”Maamulka Gobolka Hiiraan wuxuu si buuxdo Gargaar ugu fidinayaa Dadka ku wax’yeeloobay Qaraxaas miino waxaa ka go’an Maamulka Gobalka hiiraan in la soo Afjaro Cadowga Al-Shabaab ee Dhibaata  da joogtada ah ku haayo Dadka iyo dee ganka waxaana si xoowli ah ku socdo how lagalka ka dhanka ah Al-shabaab oo u Ho gaaminayo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maamulka Gobolka Hii raan.

  Sidoo kale Maamulka Gobolka Hiiraan ay aa sheegay in hadda si buuxdo gacanta uga hayaan degaanadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab Ciidamada Dowlada kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Sha baab.

Muxuu yahay ajendaha kulanka la isugu yeeray labada Aqal ee BFS?

         Xildhibaanada labada Aqal ee baarla maanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan wadajir ah, sida lagu oge ysiiyey fariimo loo diray xildhibaanada oo lala wadaagay ajendaha.

      Kulanka baarlamaanka ayaa Talaada da maanta akhrinta 2-aad lagu marsiinayaa ee Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka oo horay ay u meel marisay xuku umadii Ra’iisul Wasaare Rooble.

         "Maanta oo Talaada ah 28 June waxaa jira kulanka Golaha Shacabka Baarlamaa nka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya. Ajendaha Kulanka Akhrinta 2aad ee Mii

saaniyadda 2022,” ayaa lagu yiri fariintaan oo loo diray xubnaha golaha shacabka.

      Sioo kale senatorrada Aqalka Sare ayaa loo diray fariin ah "Dhammaan Sena torada Aqalka waxaa lagu wargelinayaa in maalinta maantato Juun 28, 2022 uu jiro kulan Wadajir ee Labada Aqal ee BFS, Ajendaha , Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022.”

        Kulankaan wadajirka ah ayaa ka dha caya xarunta Villa Hargeysa oo hadda ay ku shaqeeyaan xildhibaanada golaha shac abka ee baarlamaanka federaalka Soomaa liya.

    Labada Aqal ayaa markii ay akhrinta ku dhameeyaan miisaaniyadda waxay u qaa dayaan cod, waxayna miisaaniyadda sana dkaan oo gaareysa $918,666,761 ay noqo neysaa, tii ugu badneyd burburkii kadib oo xukuumadda Soomaaliya ay hor keento baarlamaanka.

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Ururada Haweenka degmada Dhoobleey

           Madaxweynaha Dowlad Goboleed ka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dorraad la kulmay ururka haweenka ee De gmada Dhoobley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Haweenka Degmada Dhoobley oo dada alo badan ku bixiya dib usoo celinta bilicda magaalada laf-dhabarna u ah bulshada a yaa Madaxweynaha Jubbaland waxa ay o ga warbixiyeen howlaha ay ka qabtaan De gmada, baahiyadkooda iyo hormarada ay hiigsanayaan xiligan.

        Madaxweynaha ayaa ugu dambeeynt ii u mahadceliyey ururka haweenka Deg mada Dhoobley dadaalada ay ku bixiyeen hormarka deegaanka.

Muxuu Madaxweynaha Puntland kala hadlay Guddiga gurmadka Abaaraha?

       Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdu llaahi Deni, ayaa dorraad kulan la qaatay Guddiga Abaaraha ee dhowaan uu Madax weynuhu magacaabay oo ka kooban Wasaaradaha Gargaarka, Arrimaha Guda ha, Qorsheynta, Xanaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biya ha .

         Madaxweynaha ayaa guddiga ka dhe gaystay warbixin dhameystiran oo ku saab san xaaladda Abaaraha iyo qorshaha wax looga qabanayo laguna caawinayo dadka oo ay ka midtahay qabashada Shirweyne loogu qareemayo dadka abaartu saamey say.

         Madaxweynaha ayaa Xubnaha Gud diga uga mahad celiyay dadaalkooda ku aadan waxka qabashada Abaaraha, isaga oo ugu baaqay inay dardar geliyaan.

Wasiirka Qorshaynta oo uu wehliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta ayaa kulan la qaatay Wakiilka Heya’adda UNICEF u qaabilsan Soomaliya

       Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mu   dane Jamaal Maxamed Xasan oo uu wehli yo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mud ane Asad Yusuf Qanyare ayaa kullan la qa atay Wakiilka UNICEF u qaabilsan Soom aaliya, Wafaa ElFadil Saeed.

      Kullanka ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taagerida joo gtada ah ay ee Hay’adda la garab taagan tahay Soomaaliya iyo derdergalinta falceli nta xaaladaha Bani’aadanimada ee ku aad dan Abaaraha hada ka jira dalka.

Guddoonka Golaha Shacabka & kan dowlad Goboleedyada oo shir gaar ah yeelanaya

         Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ba arlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soo maaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyayaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Hir shabelle Galmudug iyo Xildhibaan Cali sic iid Fiqi oo wakiil ka ahaa Gudoonka Gola ha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

        Kulanka oo looga hadlaayey dardar-gelinta howlaha sharci dejinta iyo sida ugu haboon ay u wada shaqeyn karaan baarla maannada dowlad goboleedyada dalka iyo kan Federaalka.

        Guddoomiyaha golaha Shacabka aya a bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan golayaasha wakiiladda dowlad goboleedyada dalka waxaana uu sheegay in wada shaqeyn buuxda dhexmarto si loo helo aqoon kororsi ku aaddan shuruucda golaha Sharci dejinta dalka iyadoo loo ball an sanyahay Kulan wadajir ah oo laqaban doono maalmaha soo aaddan.

Dalalka G7 oo sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhaqaale iyo Ciidan ee ay siiyaan Ukraine.

        Hogaamiyayaasha toddobada wad dan ee hodanka ah ayaa sheegay in ay gar ab taagnaan doonaan Ukraine "ilaa inta ay qaadanayso” iyaga oo cunaqabatayn saa raya Ruushka.

        "Waxaan sii wadi doonaa bixinta taa geerada maaliyadeed, bini’aadantinimo, militari iyo diblumaasiyadeed, waxaana aan garab istaagi doonaa Ukraine inta ay qaadanayso,” ayay ku sheegeen hoggaami yeyaasha hadal ay soo saareen.

          Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Talaaddada beri ah u safri doo no Tajikistan, waxana uu afhayeenkiisu uu sheegay in uu yahay safarkiisii ugu hor eeyay ee uu dibadda ku aado tan iyo mar kii Moscow ay billowday howlgalkeeda milit ari ee Ukraine.

           Putin ayaa sida oo kale la filayaa in maalinta arbacada ah uu usii safro dalka Turkmenistan, halkaa oo uu ka furmi doo no shir madaxeedka wadamada xuduudka la leh badda Caspian.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo daah furay shirka isku xirka Mashaariicda Caafimaadka

          Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maa nta si rasmi ah u daah furay shirka  isku xirka mashaariicda Caafimaadka deegaa nada Galmudug, oo ay magaaladda Dhuu samareeb muddo sadax cisho ah kaga qeyb gali doonaann dhammaan hey’ad daha ka shaqeeya Caafimaadka, iyo qaar kamid ah wasiirada Galmudug iyo maamul ka Dhuusamareeb

          Kulankan oo ka duwan kulamadii hore sida loo qaban jiray ayaa la filayaa In dib u eegis loogu sameeyo Mashaariicda Caafimadka Galmudug iyo ka jawaabidda Saameynta Abaaraha ee dhanka Caafi maadka. Si loogu  daro qorshaha sedda xda bilood ee nagu soo aadan wax ka qa bashada saameyta jirta ee abaarta.

           Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Ma xamed Axmed ayaa xusey in u jeedada shi rkani tahay wada diyaarinta qorshe wax loo ga qabanayo arrimaha Caafimaadka ee saameynta abaaraha jira.

         Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac iyo Wasiirka Waxbarashada Maxamed Xaashi Dhoore ayaa ugu dambeyn la hadley hey’addaha Shirkan lagu Casuumey oo kor u dhaafa yay 20-hey’addood.

Wasiir Koore: Haday Somaliland noqoto, Somaliland reero leeyihiin shaqayn mayso

        Wasiirka Warfaafinta Somaliland Sa leebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in deegaanadiisu ay u baahanyihiin in ay madaxtinimada qabtaan, oo anay cid gaar ahi uun isku koobin.

          Wasiirka ayaa ku andacooday in la mooday in Somaliland cid gaar ahi leed ahay, waxa uu sheegay in sida hadalka siy aasiyiintu u dhigayaan, loo dhaqmayo sidii oo Somaliland ay cid gaar ahi leedahay.

          "Waxad u qaadateen in Somaliland reero gaar ihi leeyihiin, sida hadalada loo dhigayo, iyo sida loo dhaqmayo marka loo eego, oo ay kamid tahay 'waa markaygii' anagu maxaanu u joogna dalka, maxaanu ilaa 1991 uga shaqaynaynay?" Ayuu yidhi Wasiir Koore.

       Waxa uu sheegay in hadii Somaliland ay yeelato cid gaar ahi, anay shaqayn doo nin, isaga oo sheegay in shacabka dee gaankiisu ay cabashooyin qabaan, waxa uuna intaa ku daray in anay Somaliland ma cno badan u samaynayn hadii kolba qolo tidhaa waa markaygii aan xukunka qabsan lahayn.

     "Haday Somaliland noqoto, Somaliland reero leeyihiin shaqayn mayso, 24 saaca dood cadawad Somaliland leedahay aya anu la taaganahay, hadii aad idinku isku dhantihiin, qabiilo leh reer ayaanu wadan ahay ayaa anaga dabada naga wada, ku waas ayaanu seef la daba joognaa, maxay Somaliland noogu fadhida anaga?, hadii marba reer isku soo qaawiyo" Ayuu yidhi Wasiir Koore.

        Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay madal lagu soo bandhigayay buug (dhig ane) laga qoray madaxweynihii ugu horee yay ee Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur).


Guddigii loo xil saaray baaritaanka weerarkii Hoyga Nabaddoon Yaasiin ee Gaalkacyo oo Natiijo soo saaray

         Xubnaha Guddiga Guddiga ee loo xil saaray baaritaanka weerarkii Hoyga Nabad doon Yaasiin Cabdisamad ee Magaalada Gaalkacyo ku qaadeen Ciidamo katirsan Pu ntland, xilli uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Natiijo soo saaray.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip