HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER iSNIIN 27-6-2022

1
Monday June 27, 2022 - 08:25:47 in Wararka by
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER iSNIIN 27-6-2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo Ubax dhigay Taalada Dhagaxtuur

      Guddoomiyaha golaha shacabka Mud ane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Mado obe), ayaa ka qeyb galay munaabadda Ubax dhiga xuska 26-ka Juun oo ka dha cday Taalada Dhagaxtuur ee degmada Wa abari.

    Ubax dhigaan ayaa qeyb ka ahaa maa muska Qaran ee maalmaha Xuriyada gaar ahaan 26-ka Juun oo ku asteesan xilligii ay Gobolada Waqooyi ka xaroobeen Gumee stihii Ingiriiska islamarkaana ah markii ugu horeysay oo dhul Soomaaliyeed laga taago Calanka JS.

 Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Bana adir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxam ud Maxamed (Cumar Filish) iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa ka qeyb galay munaabadda Ubax dhiga ee Taalada Dhagaxtuur ee degmada Waabari.

Ra’iisul wasaaraha dalka iyo dhigiisa Yaman oo khadka Taleefanka ka wada hadlay

     Ra’iisul wasaaraha Yaman Dr Muciin Cabdi Almalik ayaa qadka taleefanka kula soo xariiray Ra’iisul wasaaraha dalka Mu dane Xamse Barre si uu ugu hambalyeeyo Magacaabistiisa iyo Kalsoonida gollaha Shacabka ee doraaduu helay.

  Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Yaman ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul wasaara ha dalka Munsaabadda Maalmaha xuriyad da ee dalka ee 26ka June iyo 1da Luulyo.

Labada masuul ayaa ka sheekeystay xiriir ka labada dal ee dheer, sidoo kalena waxa ay dhiirigaliyeen in horay loo sii wada jaan-qaafo

FARMAAJO oo soo saaray baaq ku socda shacabka

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya M axamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray baaq ku socda shacabka Soom aaliya oo ku saabsan weyneynta maalm aha xorriyada ee 26-ka Juun ilaa 1-da Luul iyo.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa cinwaan uga dhigay "FARRIINTA MUNAA SABADDA 26-KA JUUN.”

Hoos ka akhriso qoraalkii uu soo saaray oo dhameystiran:

    Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu ha mbalyaynayaa 62 sano guurada ka soo wareegtay dharaartii xornimada Gobollada Woqooyi ee 26-ka Juun oo ah maalin qiima weyn ugu fadhida gobannimada iyo midni mada dalkeenna.

    Halgankii gobannimo doonka, midni mada dalkeenna iyo isu-doonka ummadda Soomaaliyeed waxa uu ahaa mid ay hor muud u ahaayeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobollada Woqooyi ee dalk eenna.

    Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka mada x-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobanni mo u dirirka ahaa ee Daraawiishta oo ka mid ah halgannadii ugu waawaynaa Qaa radda ee albaabada u furay in shucuubta Afrika ay cudud kala hortagaan gumaystihii soo duulay iyo doorkii halgameyaashii SNL oo iyaguna kaalin mug leh oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Goboll ada Koonfureed ka qaatay gobannimada Goballada Woqooyi.

     Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay weyneeyaan Toddobaadka Xorriyadda oo haben hore inoo bilowday si aynu kor ugu qaadno wacyiga waddan iyadeed ee bulshadeenna, sidoo kale na u muujinno muuhiimadda ay inoogu fadhido gobannimadu.

Hambalyo munaasabadda 26-ka Juun

BEYLE oo diiday go’aankii loogu yeeray ee kasoo baxay xeer ilaaliyaha qaranka

      Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cab diraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo saaray qoraal uu ku diiday warqadii loogu yeeray ee ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo fareysay in Isn iinta berri uu tago xafiiska xeer ilaaliyaha, si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan maaliyadda dalka.

    Wasiir Beyle ayaa cadeeyey inay soo g aartay warqadda xeer ilaaliyaha ee loogu   yeeray, balse wuxuu muujiyey inay ku jiraa n qaladaad dhanka sharciga ah, isagoo sheegay in arrintaan uu uga dambey doono garyaqaanka guud ee dowladda.

"Sida uu qabo qodobka 3-aad farqadiisa 2-aad, xarafka B, oo sharaxa dhismaha xafii ska garyaqaanka guud ee dowladda. Gar yaqaanka guud ee dowladda wuxuu masuul ka yahay difaacida dowladda iyo xubnaha u shaqeeya, maxkamadaha hort ooda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Beyle.

    Wuxuu sheegay in isagoo raacaya xeerk aas, kana digtoon in lagu xad gudbo masu uliyadda iyo waajibaadka garyaqaanka guud ee dowladda, "Uu si xushamad leh ugu soo jeedinayo xeer ilaaliyaha in xafiis kiisu uu u hoggaansamo habraacyada iyo xeerarka la dejiyey ee lagu talo galay in lagu maamulo arrimaha dowladda iyo dal ka.”

      Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey in wasaaraddu ay diyaar u tahay in garya qaanka guud ee dowladda ay la wadaagto wixii macluumaad ah ee xafiiska xeer ilaal iyaha guud ee qaranku uu uga soo baa hdo.

Madaxweynaha Jubbaland oo lagu soo dhoweeyay Dhoobley

      Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Dhoobley halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeeyey.

        Maamulka Degmada, Odayaal, ha ween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha degmad a Dhoobley.

     Golaha wasiirada ee Jubaland ayaa 23-June-2022 shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay ka mid noqdaan Degmooyin rasmiga ah ee Jubaland.

    Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay degmada Dhoobley kulamo la qaa dan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay sida uu u qaabili doono arrinta Jubbaland

    Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaal iya Xamse Cabdi Barre oo doraaday codka kalsoonida siiyeen baarlamanaka federaav lka Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo wax ka qab ta dhibaatooyinka dalka ka jira sida abaar aha, amniga iyo dhamays tirka Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

    Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay xoog ga saari doonto sidii Soomaalilaya iyo Som aliland ay si dhab ah oo ehelnimo ah ay ug u wadahadli lahaayen .

    Wuxuu sidoo kale kaga hadlay waraysi dheer oo BBC-da uu siiyay haddii isaga iyo madaxweynaha uu qilaaf soo kala dhex ga lo loo maareynayo arrinta gobalka gedo iyo qodobbo kale .

          Xamse Cabdi Barre wuxuu sheegay in Jubaland ay kamid tahay meela uu mad-madowga ka jira isla markaana ay tallaabo kasta ay qaadayaan ay noqon doonto sidii lagu heshiisiin lahaa Soomaalida.

      Waraysigaan waxaa la yeeshay Tifafaf-tiraha Laanta Af-Somaliga ee BBC-da Mux yadiin Axmed Rooble wuxuuna qaybtaan ugu horreyn waydiyay qaabka ka duwan madaxdii hore ee dowladiius u wajahayso wadahadllada Soomaaliya iyo Soomalila nd.

Mudullood iyo Habar-gidir oo afar xubnood ku caleemo saaray Muqdisho

           Golaha siyaasadda iyo horumarinta beelaha Mudullood iyo golaha hoggaa minta Habargidir ayaa maanta Muqdisho ku caleemo saaray guddoonka dhallinya rada ee golaha siyaasadda iyo horumarinta Mudullood.

     Munaasabadda lagu caleemo saaray xubnahaan waxaa ka soo qeyb galay xub no sare oo guddoomiyaha golaha hoggaa minta Habargidir Prof. Shirwac uu hoggaa minayo.

     Sidoo kale waxaa munaasabadda goob joog ahaa golaha siyaasadda iyo horum arinta beelaha Mudullood, odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada labad aas beelood.

          Xubnaha la caleemo saaray ee loo doortay hoggaanka golaha siyaasadda iyo horumarinta beelaha Mudullood ayaa gaar aya afar xubnood, waxayna balan qaadeen inay ka shaqey doonaan horumarinta dana ha beesha.

       waxaa munaasabadaan hadallo kala duwan ka jeediyey qaar ka mid ah waxgara dkii ka soo qeyb galay, iyagoo soo hadal qaaday inay muhiim tahay in magaalada Muqdisho ay yeelato maamul ku yimid rabit aanka bulshada oo maqaamkeeda meel la saaro.

Kiiska Ikraan oo sanad-jirsadey iyo tallaabada laga sugayo xukuumadda cusub

       26-kii June saacadu markii ay aheyd 8 -dii Fiidnimo sanadkii hore ayaa Ikraan Tahliil Faarax la waayay, xilligaas oo ay ka soo baxday guriga ay deganeyd oo ku dho w Xarunta Nabadsugida ee Habar Khadiijo, mar kaas oo ay Kaamirada Qarsoon soo qabatay, iyada oo sii galeyso gaari laga leeyahay hey’adda NISA oo uu waday dara wal hey’adda ka tirsan.

        Ikraan Tahliil ayaa xilligaas madax ka aheyd qeybta dambi baarista Internet-ka ayaa waxaa soo shaac baxday in la dilay, waxaana waqtigaas saxaafadda la hadlay hooyadeed.

           War kasoo baxay hey’adda NISA ayaa lagu sheegay in gabadhaan ay dis hau kooxda Al-Shabaab kadib markii ay si qorsheysan u afduubatay, balse kooxda Al-Shabaab oo iyadana qoraal soo saartay ayaa iska fogeysay dilka gabadhaas taas oo dhalisay jahwareer ku aadan kiiska Ikra an.

         Wareysi uu dhawaan bixiyey madixii NISA ee gobolka Banaadir Yaasiin Faray a yuu mar kale ku celiyey in dilka gabadhaas ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, bal se agaasimihii hore ee hey’adaas Fahad Y aasiin oo isna wareysi bixiyey ayaa dilka gabadhaas ku eedeeyey xubno ka tirsan he’adda oo uu ku jiro taliyaha cusub ee NI SA Mahad Maxamed Salaad.

         Dilka Ikraan Tahliil ayaa ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee ay la kul antay dowladdii hore oo sabab u noqday in      xilka laga qaado Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, iyadoo Kiiska Ikraan uu wali ka furan Maxkamadda Ciidamada qal abka sida.

        Kiiskaas ayaa hadda waxaa laga joo gaa hal sano, welina waalidiinta Ikraan wax ay dalbayaan in gabadhooda ay cadaalad hesho.

            Xukuumadda cusub ee uu hogg aaminayo ra’isulwasaare Xamza ayaa loog a fadhiyaa inay jiho sax u marto kiiska Ikr aan Tahliil oo noqday kiis la isku tuur tuu ray.

Somaliland oo joojinaysa qaadka Itoobiya uga yimaada

         Ganacsatada qaadka ee Somaliland , ayaa go'aan ku gaadhay in ay si buuxda u joojiyaan qaadkii ay Itoobiya ka soo iibsan jireen, kadib markii ay Oromadu qaaliyays ay.

          Afhayeen u hadlay ganacsatada waa wayn ee qaadka Itoobiya ka keena, ayaa sheegay laga bilaabo 6-da bisha July, ay gabi ahaanba ka wareegayaan qaadka Itoo b iya una wareegi doonaan Yemen iyo Ken ya.

         "Oromadii waxay tidhi kiloogii qaadka ahaa $10 ku keena, waxaana LC gu ahaa $2 markaa $8 ayaa la kordhiyay, laga bila abo maanta oo 26 ah bisha soo socota 6-deeda waanu joojinay qaadkaa, waxaana aanu ka dalbanaynaa Kenya iyo Yemen" ayuu yidhi.

       Waxa uu sheegay in go'aanka ay la og tahay xukuumada Somaliland "Sidaasi ay aanu ku wadahadalnay wasaarada ma aliyada oo kastamku ka mid yahay, qof loo cashuuri karo bisha 6-deeda qaad, ama ka keeni kara Itoobiya ma jiro".

         "Yemeni wax  bay inaga iibsataa oo xoolaha ayay inaga iibsataa, qofka wax ka a iibsada in aad wax ka iibsataa waa waaj ib, Kenya-na waxaanu u raraynaa kalluun ka yaga" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

       Waxa kale oo ay sheegeen in Itoobiya ay ka dalbatay in ay qaadka ku iibsadaan lacagta dollarka, taasi oo ay sheegeen in hadii ay dhacdo ay dhaqaale burbur ku ke eenayso dhaqaalaha Somaliland, isla mark aana uu dollarku qaaliyoobayo, iyo in Oro madu ay go'aansatay in ay iyagu qaadka keenaan Somaliland oo gacansatada wad daniga suuqa ka saaran.

 Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Dhoobley

       Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haben hore ku hooyanaya Degmada Dho obley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee degmadaasi.

     "Madaxweynaha Jubbaland iyo Odayaa sha Dhaqanka Dhoobley ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee degmada iyo deegaanada ku xeeran, iyadoo Odayaasha Dhaqanka ay uga mahadceliyeen Madax weynaha dadaalada uu ku bixinayo daad ejinta maamulka iyo adeegyada bulshada ee Degmada Dhoobley.” Ayaa lagu shee gay war ka soo baxay Madaxtooyada Jubb aland.

        Warka ayaa lagu yiri "Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta uu ku sugan yahay De gmada Dhoobley sii wadi doona kulamada uu la yeelanayo qaybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan Degmada Dhoobley.”

         Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaa minayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Dhoob ley .

       Khamiistii Golaha Wasiirada Jubbalan d ayaa ansixiyay in Dhoobley iyo Buurd hu ubo ay ka mid noqdaan Degmooyinka rasm iga ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha Somaliland: Soomaaliya waxaan leeyahay aynu kala gar baxno

          Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay Somaliland ka garbaxdo, oo anay kaliya afmacaan kula hadal.

       Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay xuska munaasinada maalinta xoriyada Somaliland ee 26 Juun oo ka qabsoontay qasriga madaxtooyada, ayaa sheegay in loo baahanyahay in Somaliland iyo dowla da Soomaaliya ay gar dhigtaan.

     "Dowlada cusub ee ay dhisanayaan, iyo ninkaa odayga ah ee wadahadaladeena iyo aynu xogogaal badan u tirinayno, ee madaxeynaha ah iyo hadalkaa wanaagsan ee mar walba yidhaahdaan walaalahayaga Somaliland waanu wanaajinaynaa, waar hana wanaajinine aynu kala garbaxno aya an leeyahay" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

       Wadahadalada Somaliland iyo Soom aali ya ayaa hakad galay in muddo ah, iya da oo xukuumada Somaliland ay dowlda Soo maaliya ku eedeeysay in anay daacad ka ahayn ka midhodhalinta wadahadalada.

        Hadba, madaxweynaha cusub ee So omaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ho ray woxogaa horumar ah uga sameeyay wada hadalada wakhtigii hore ee uu talada hayay, ayaa laga rajaynayaa in uu dib u ambaqaado wadahadaladii.

Xurguftii ka dhexeysay Ilhaan Cumar iyo Hindiya oo waji cusub yeelatay

           lhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka      Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka kana soo jeedda gobolka Minnesota, lagu na yaqaanno taageerada ay u heyso Pakis tan ayaa waxay Aqalka Wakiillada geysay qaraar lagu cambaareynayo carqaladeynta la sheegay inay Hindiya carqaladeyso xu quuqda aadanaha, gaar ahaanna inay bee gsato Mulsimiinta, Kirishtaanka Sikh-yada, Dalit-ka, iyo Adivasis iyo "dad kale oo laga tiro badan yahay”.

       Qaraarkan, oo ay la kaashatay hawee nka kale ee kala ah Rashida Talib iyo Juan Vargas, ayaa wuxuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ku boorrinayaa inuu Hindiya u arko mid walaac abuuraya marka la eego xorriyadda diimeed ee caala miga ah.

         Dalalka kale ee sidan oo kale loo a qoonsaday waxaa ka mid ah Comoros, Cu ba, Nicaragua iyo Ruushka.

          Qaraarkan ayaa maamulka Biden ku boorrinaya in Guddiga Mareykanka ee Xor riyadda Diimeed ee Caalamiga ah uu usoo jeediyo in Hindiya uu aqoonsado dal wal aac abuuraya saddex sano oo isku xigta.

          Qaraarkan oo Aqalka Wakiillada la geeyay Talaadadii, ayaa waxaa loo diray Guddiga Arrimaha Dibadda si uu u eego waxa laga sameyn karo.

          Ilhaan Cumar ayaa la sheegay inay taageerto Pakistan, taas oo hore ay Hind iya uga carootay mar ay booqasho ku tag tay dalkaas horraantii sanadkan.

           Ilhaan Cumar yaa bishii April ee san adkan booqasho ku tagtay gobolka Kash mir, qaybta ay Pakistan ka maamusho. Laa kiin arrintan ayaa qabsatay warbaahinta kaddib markii ay cadho ka muujisay dow ladda Hindiya.

               Mas’uuliyiinta dalka Hindiya ayaa cambaareeyay tallaabada ay qaadday Ilha an Cumar. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Arindam Ba gchi, ayaa arrintaas ku tilmaamay xad    gudub ka dhan ah madaxbannaanida dhu leed ee Hindiya.            Sida ay shaacisay Wakaaladda War rka ee ANI, waxa uu afhayeenku yidhi: "Waxay booqatay qayb ka mid ah Gobollada Jamu iyo Kashmir oo hadda ay si sharci darro ah ku hay sato Pakistan. Siyaasi kasta oo ku dhaqmaya siyaasad gurracan wuu u fasaxan yahay balse tani waxay xad gudub ku tahay madaxbannaani deenna dhuleed.”

           Tan iyo markii uu soo baxay warka ku sa absan in Ilhaan Cumar ay booqanayso Kas hmir, qaar ka mid ah shacabka reer Hindiya ayaa arrintaaswalaac uga muujiyay baraha bulshada.

         Qof ka mid ah dadka ka fal celinayay ayaa yidhi: "Siyaasiyiinta wax kala qaybiya ee sida Ilhaan Cumar ah waa in laga hor istaago inay tagaan meelaha xasaasiga ah ee Kashmir.

          Waxay kasoo hor jeeddaa Hindiya xaqna uma laha in ay xubin kasii ahaato Con gress-ka Mareykanka.”

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo 12 sano Cumaan ugu xirnaa Burcad badeednimo oo Bosaso lagasoo dajiyay

            Maamulka Puntland ayaa magaala da Bosaso kusoo dhoweeyay 17 muwaad iniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo muddo 12 sano ah dambiyo burcad baddeednimo ugu xirnaa dalka Cumaan.

      Dowladda Cumaan ayaa raggaan cafis ufidisay, kadib markii safaaradda Sooma aliya ee dalkaas, ay dadaal xooggan ku bixisay sidii maxaabiista Soomaaliyeed loo ga sii dayn lahaa xabsiyada.

          Qaar kamid ah muwaadiniintan ayaa ku xukumnaa xabsi daa’in. Hase yeeshee safaaradda Soomaaliya ee Cumaan ayay uga mahad celiyeen inay ku guulaysatay in xukunkooda laga qafiifiyo.

          Qaar kamid ah oo la hadlay warbaa hintawaxay sheegeen inay aad uga shanla ayeen dambiyadoodii burcadbadeednimo, iyagoo sheegay in muddo 12 sano oo ay xirnaa yeen ay dareemeen isbeddel.

             "Waxaan xirnaa 12 sano. 12 kaa sano aan xirnaa, ma aanan ku khasaarin, waan ka waa ntoobay waddooyin badan iyo qalad badan oo aan ku jiray. Waxaan xafidnay qur’aanka kariimka. Aad iyo aad ayay dowladda Soomaa liya noo garab istaagtay,” ayuu yiri Cabdikariin Siciid oo kamid ahaa 17ka qof.

          Taliyaha booliiska gobolka Bari, Cabdul qaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay inay ku fa raxsan yihiin in muwaadiniintaan dalkooda dib ugusoo laabtaan, isagoo sheegay inay ka fila yaan inay ummadda ka wacyi galiyaan dhibaa tada ay soo arkeen.

      Dhinaca kale, 12 kale oo muwaadiniin So omaaliyeed ah ayaa weli ku xiran xabsi yada dalka Cumaan, kuwaas oo u baahan in loo qareemo sidii ay xorriyadooda dib u gu heli lahaayeen.


Galmudug oo gacanta ku dhigtay rag ku eedeysan inay falal Amni darro geysteen

         Taliska Ciidamada Booliska dowlad Goboleedka Galmudug qeybta ee maga alada Gaalkacyo ayaa faah faahin ka bixi yay howlgallo Amniga lagu xaqiijiyay oo laga sameeyay Xaafado katirsan Magaa lada Gaalkacyo, kaas oo lagu soo qabtay dad ku eedeysan inay geysteen dad amni darro.

               Taliyaha Saldhiga Booliska Mag aalada Gaalkacyo ee Galmudug Kabtan C ali Xersi Sahal ayaa sheegay in iyaga oo ka duulaya cabasho uga timid dadka Sha cabka ah ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan 10 rag ah oo ku


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip