HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER AXAD 26-KA JUUN -2022
Munaasabadda
Xuska 26-Ka June Oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho Iyo Gobolada Dalka
Munaasabada 26-ka June oo ah Muna asabad
qiimo weyn ugu fadhida ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ka mid tah ay
Munaasabadaha taariikhda dalkeena Soomaaliya qaaliga ku ah.
26-June 1960-kii Maanta oo kale ayaa
markii ugu horeysay waxaa suurta galay in dhulka soomaaliyeed oo xor ah laga
taago Calanka Jamauuriyadda Soomaaliya, ka dib markii gumeytihii Ingiriiska uu
oggolaa day in uu xoriyada siiyo Gobolada Waqooyi ee dalka.
Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka
ayaa waxaa xalay lagu qabtay mun aasabad lagu xusayay 62 guuradii ka soo
wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxa ana
ka qeyb galay Madaxda dowladda Fe deraalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.
Saqdii dhexe ee habeenimadii 26-kii June
1960, iyadoo fagaaraha bartamaha Magaalada Hargeysa xilliga 12-ka habeen imo
laga taagay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana halkaas lagu saaray
Calankii Soomaaliyeed iyo dabaal deg we yn oo loo sameeyay maalintaas.
Dadweyne farabadan oo watay calanka
Soomaaliya ayaa xalay isugu soo baxay fagaaraha daljirka daah-soon ee degmada
Boondheere, iyagoona halkaas ugu daba al-degayey munaasabadda lagu xusayay 62
guuradii ka soo wareegtay markii ay xor riyadda qaateen gobollada waqooyi ee
Soomaaliya.
Madaxweyne
Xasan Sheekh Oo Soo Saaray Baaq Ku Socda Shacabka Soomaaliyeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka
Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud ayaa ka hadlay Munaasabadda xus ka 62
guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee
Soomaaliya, isagoo u hambalyeeyay shac abka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo War-sa xaafadeed
soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in xuska sanad-guurada 62-aad ee maalinta
xorriyada 26-ka June ay tahay fursad lagu sixi karo wixii qaldamay muda daas,
isla markaana lagu xoojin karo dhaq amada wanaagsan ee ay ka siman yihiin dadka
Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay aa ku
boorriyey dhammaan dadka Soom aaliyeed inay si wadajir ah ugu istaagaan la
tacaalida duruufaha nololeed ee adeg, kana
dhashay abaaraha ku habsaday dalka, taasina ay tahay dabaal-dega ugu weyn ee
xuska todobaadka xorriyada.
Sidoo kalea Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa tilmaamay dadka Soomaaliyeed ay siweyn u garoowsan yihi in
dhibaatooyinka ay leedahay Colaada iyo khilaafaadka sokeeye ee dib u dhigay do wladnimada
Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka
Soomaaliya ayaa xalay ka qeyb gelin Munaasabadda xuska 62 guuradii ka soo
wareegtay markii ay xorriyadda qaateen go bollada waqooyi ee Soomaaliya, maada ama
uu haayo xanuunka COVID-19.
RW
Xamse "Dowladda MW Xasan Sheekh Waxaa Ka Go’an In Wadahadal Dhab La Gasho
Somaliland”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Fed eraalka
Soomaaliye Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb
galay munaasabad lagu xusa yay 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay
xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa hambalyo ku aadan u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed e e ku nool
dibada iyo gudaha dalka.
"Waxaan dhamaan Shacabka Soomaali yeed ugu
Hambalyaynayaa munaasabada 26ka Juun oo ku beegan 62 guuradii kasoo wareegtey
markii ay Gobolada Waqooyi Xorriyada ka qaateen Gumeystihii Ingiriis ka
islamarkaana ah markii u horeysey oo calankeena laga taagey dhul Soomaal iyeed
oo xor ah. ” ayuu yiri Ra’iisal Wasaa ruhu.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in maal intani
huwan tahay taariikh aad u dheer ayna tahay maalintii ummada Soomaal iyeed ay
gumaysitii Ingiriiska ka xoroo been. Waaxaana uu sidoo kale xusan halgankii
dheeraa ee ummadda Soomaali yeed u soo gashay madax-banaanideeda iyo inay
noqoto ummad si xor ah aayeh eeda uga tashata.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa shee gay
in Midowgii 2da gobal ee waqooyi iyo kuunfur reer waqooyi la’aan tood aysan suuragasheen. Isagoo tilmaamay in maan ta awlaadii
halgamayaaashii xoriyada iyo midnimada keenay laga filaayo adkaynta midnimadii
aabe yaashood horseedeen.
"Dadaalkaas
dheer iyo halgankii xorn imo doonka waxa xasuusin mudan in wal aalaha reer
waqooyi kaalin mug leh ay ku lahaayeen, waxay u hureen dhiigooda, lib ta 26ka
juun, iyaga ayaana si gaar ah ugu suntan.
Waxaan balan qaadayaa in aan dadaa lkii ay
ku baxsheen xormimada iyo midow ga mid u dhigma aan ku baxsho xalinta tab ashadooda.”
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo ka
hadlayay xaaladaha xiligan dalka ka jira ay aa sheegay in dadkeenu wajahayaan
duru ufo adag oo ay abaaruhu keeneen, una dheer yihiin arrimo amni iyo mid dhaqaale oo
u baahan in wax laga qabto.
"Xukuumaddaydu waxay ahmiyad gaar ah
siindoontaa sidii loo laba jibaari lahaa dadaalada loogu gurmanaayo dadkeena
abaartu saameysay. Inagoo ka yeelan doo naa qorshayaal cad-cad oo lagu sameey naayo
xal waara iyo in dalka loogu diyaa riyo inuu awood u yeesho ka jawaabista
musiibooyinka qaran.”
Mudane Xamse ayaa sheegay in dad ka
Soomaaliyeed looga fadhiyo halgankii xornimo doonka ahaa mid la mid ah, taas oo
ah waajib muwaadin kasta saaran sidii looga gudbi lahaa kooxaha dadka go’doo miyey ee u diidan in
xitaa raashin gurmad ah iyo biyo loo geeyo shacabka gaajada iy o haraadka u
dhimanaya.
Xasan
Sheekh”Waxaan kula dardaarmayaa Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu soo
dhiso Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoon ka iyo
Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya an sixinta
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo
15-kii Bishan uu magacaa bay Madaxweynuhu.
"Mahad ballaaran ayaan u jeedinayaa Golaha
Shacabka Baarlamaanka Federaal ka Soomaaliya oo ila qaatay magacaabista
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo aan markii horeba ku soo xulay aqoonta
iyo kartida hoggaamineed ee uu u leeya hay howlaha hortabinta u leh dalkeenna.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay rajada
shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan dhi smaha Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa
samatabixinta dadka Soomaaliyeed iyo xa qiijinta yoolka Soomaali heshiis ah,
Dunida na heshiis la ah.
"Waxaan kula dardaarmayaa Raiisul Wasaare
Xamse Cabdi Barre in uu soo dhi so Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amni ga,
gurmadka abaaraha, horumarinta kaa beyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulsha da,
dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta
dowladnimada, iyo hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la
leedahay dunida.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda aya a ka
codsaday shacabka Soomaliyeed in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cu sub
gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isagoo ugu duceeyey in uu ka
soo dhalaalo masuuliyaddan culus.
Xamza
oo war cusub soo saaray kadib markii la ansixiyey
Ra’isulwasaaraha cusub ee maanta
helay codka kalsoonida Baarlamaanka Soo maaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo saa ray
qoraal uu kaga hadlayo sida ay baarla maanka u siiyeen codkooda.
"Waxaan ugu horreyn u mahadce linayaa
Eebbe weyne oo ii suurtagaliyay inaan manta hortago Golaha Shacabka si aan uga
codsado in ay isiiyaan codka kal soonida” ayuu yiri ra’isulwasaare Xamza oo
qoraal kusoo qoray bartiisa Facebook.
Sidoo kale Ra’isulwasaare Xamza ayaa
qoraalkiisa ku yiri "Waxaan sido kale u mahadcelinayaa madaxwaynaha Jam huuriyadda
Federaalka Soomaaliya muda ne Xasan Sheekh Maxamuud oo ii maga caabay xilka
wasiirka koowaad ee xukuu madda Federaalka Soomaaliya, Anigana waan ka aqbalay
aniga oo og culayska ay leedahay masuuliyadda culus ee xilkan uu leeyahay,
balse waxaan ku kalsoonahay aqoontayda, Kartidayda iyo Waayo-aragni madayda”.
Ra’isulwasaare Xamza ayaa sheegay inuu
aaminsan yahay in xildhibaanada iyo bulshada Soomaaliyeed ay garab iyo gaa shaan
u noqon doonaan si uu u guto waaji baadka hor yaalo.
"Waxaan ugu dambeyn u mahadcelina yaa xildhibaanada sharafta leh o
maanta cod aglabiyad leh igu ansixiyay” ayuu had alkiisa kusoo gabagabeeyey.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa
Madaxweynaha JFS u magacaabay 15-kii Juun 2022-ka in uu noqdo Ra’iisul
Wasaaraha 21aad ee Soomaaliya.
10 berri kadib kulan ay maanta xarunta
villa Hargeysa isugu yimaadeen mudana yaasha golaha shacabka, ayaa cod aqlabi yad
ah loogu ansixiyay Ra’iisulwasaare Xa msa.
220 xildhibaan oo kulanka soo
xaadirtay ayaa waxaa dhamaantood ay cod gacan taag ah ay ku ansixiyeen
ra’iisulwasaaraha , waxaana ra’iisulwasaraaha cusub xildhib aannada hortooda ku
dhaariyay guddoomi yaha maxkamadda sare.
Lafta-gareen
oo qaaday tallaabo nidaam keli-talis ah gelineysa Koonfur Galbeed
Maamulka
Cabdicasiis Lafta-gareen ee Koonfur Galbeed ayaa mamnuucay in shiar siyaasadeed
lagu qabto deegaanada uu ka arrimiyo, wuxuuna maamulku shaaci yey inay jiraan
siyaasiyiin ‘doonaya inay q alqal siyaasadeed geliyaan gobolka.’
Wasiirka amniga maamulka Koonfur G albeed
Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay
in cidna aan laga ogolaa do onin falal amniga ka baxsan, isagoo shee ciyey in
siyaasiyiinta qaar ay ku mashquu lsan yihiin qalqal gelin, sida uu hadalka u
dhigay.
Wuxuu sheegay deegaanada Koonfur
Galbeed ay ka jirto xaalad adag oo abaaru hu ay sababeen, isla markaana
maamulka oo taas ka duulaya uusan cidna ka ogolaa doonin qalqal gelin iyo
hurinta falal amniga ka baxsan.
"Saad ogtihiin walaalayaal deegaana daan
Koonfur Galbeed waxaa saameysay abaar dabo dheeraatay, halkii looga gur man
lahaa, dadkani uma baahnay in laga dhex abuuro qalqal gelin, xiligaan la joogo
in doorasho aan la gaarin laga hadlo, sida ay wasaaradda amnigu horay uga
digtay ma aqbali doonto in siyaasiyiin dano gaar ah leh ay qalqal amni ka
abuuraan Koonfur Galbeed,” ayuu yiri wasiir Maxamed Isaaq.
Sidoo kale wasiirka amniga
maamulkaas ayaa hey’adaha Koonfur Galbeed faray in cid kasta oo qalqal gelin ay
ku tuhmaan ay waajibkooda ka gutaan.
Hadalka wasiirka amniga Koonfur Gal beed, Maxamed Isaaq Cabdi oo ku
dhawa aqay go’aan lagu hakinayo shirarka looga hadlayo siyaasadda wuxuu
imaanayaa, xilli guddoomiyihii hore ee gobolka Bakool Sh iine Macalin Nuurow uu
Baydhaba uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha
maamulkaas.
Guddoomiye Shiine ayaa Baydhaba ka sheegay
in waqtiga u haray Laftagareen uu gabaabsi yahay, isla markaana shan bilood iyo
20 maalmood kadib laga doonayo inuu qabto doorasho, kuna kalsoonaado baarla maanka.
Lafta-gareen ayaa sii xajinaya awoodda
maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo ha dda u muuqda inuu cagta saaray waddo ka li
talisnimo ah, oo ay ka go’an tahay inaanu xu kunka marna ka degin.
Haweenka
oo 50% ka helay guddoonka guddiyada Aqalka Sare
Aqalka Sare oo maanta yeeshay kula nkoodii
8-aad ee Kalfadhiga Koowaad ay aa ansixiyay xubnaha guddiyada Aqalka Sare oo ka
kooban sideed guddi.
1. Guddiga Xeerhoosaadka,
Anshaxa, Xa saanadda iyo Daryeelka Sanatarrada, waxaa loo doortay Senator abdiwali habsade.
2. Guddiga Garsoorka, Arrimaha
Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta waxaa loo doortaySenator Nimco-Ayan Hassan
3. Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u
heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleed yada waxaa loo doortay Senator
Deeqo Xuseen.
4. Guddiga Difaaca iyo Amniga
waxaa loo doortay Senator Adam Abdinasir
5. Guddiga Arrimaha Dibadda,
Qorshay nta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caala miga ah waxaa loo doortay Senator
Maryan Farah Kahiye.
6. Guddiga Horumarinta Adeegga
Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka waxaa loo doortaySenator
Dr Cusmaan Dufle.
7. Guddiga Khayraadka Qaranka,
Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka, waxaa loo doortay Senator
Zeinab Ismail Mohamed.
8. Guddiga Dhaqaalaha,
Maaliyadda, Ga nacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalx iiska waxaa loo
doortay Senator
Cabdi Dhuxuloow Dhagdheer.
Wasiir
Cabdiraxmaan Beyle Oo Looga Yeeray Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xuk uumadda
Federaalka Soomaaliya ee xil gaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa looga yeeray xafiiska xeer ilaalinta ga ar
ahaan qeybta qaabilsan danbiyada lidka ku ahaa maaliyadda iyo dhaqaalaha, sida
lagu sheegay warqad kasoo baxday xeer il aalinta.
Si rasmi ah looma ogo eedeymaha loo
heysto Wasiirka, balse xeer ilaalinta waxay sheegtay in wax laga weydin doono
Arrimo la xiriira maaliyadda uu xafiiska Baaristiisa wado, sidaasi ayaa lagu
sheegay Warqad kasoo baxday xafiiska xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.
Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayey
xee Ilaalinta ka rajeysay inuu waqtiga ilaalin doono, isla markaana xafiiska
xeer ilaalinta tago maalinta Isniinta ah oo ay taa riikhdu ku beegan tahay
27-ka bishaan, iya doona Wasiir la weydiin doono Su’aalo ka la duwan.
U yeerida Wasiirka Wasaaradda Maali yadda
Xukuumadda Federaalka Soomaa liya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle
ayaa waxaa la Ogeysiiyay Guddiga KMG ah Maaliyadda ee labada Aqal Baa rlamaanka
Federaalka Soomaaliya iyo Ra ’iisul Wasaaraha.
Xildhibaan
Dhabancad oo ka jawaabay arrintii xasaasiga aheyd ee uu sheegay Fahad
Guddoomiyihii ku meel gaarka ahaa ee
xildhibaanada golaha shacabka intii lag a soo dooranayey guddoonka rasmiga ah
ee golaha Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad ayaa ka hadlay ka
hadlay isku eedeynta uu wajahayo kiiska Ikraan Tahliil.
Dhabancad ayaa sheegay in rag iska dhi cin
ay ka tahay eedeynta Fahad Yaasiin ee ku wajahan ra’iisul wasaare Rooble iyo ma
suuliyiin kale oo uu sheegay inay dileen ga bar sarkaal ah.
"Inta aan Rooble ka aqaano waa iska
yartahay oo labo ama seddax jeer ayaan arkay, ninkii yiri Rooble ayaa gabar
dilay is agaa la weydii doonaa oo dalka garsoor ay aa ka jira,” ayuu yiri.
Sidoo
kale Xildhibaan Cabdisalaan Dha bancad ayaa sheegay in Rooble uu talo ku lahaa
in kursiga la dhaafiyo Fahad Yaasiin, "Laakiin anaga arrintoodu nama quseyn oo
Rooble wuxuu ahaa nin aan musharax ahe yn oo dadaalaya oo leh wixii la ii diray
hala dhameystiro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Wuxuu sheegay in ka Dhabancad aha an
uusan garaneyn sabab Rooble ku kalifi karta inuu gabar dilo, "Warkaas wuxuu
iila muuqdaa war la iska yiri ee warbaahintu hadaba gasho oo weydiiya ninkii
yiri.”
"Rooble wuxuu dilay gabar sarkaal ah oo
NISA ka tirsan, qofkii yiri waa la weydii doonaa maalin un ama Rooble ayaa ka
da cwoo kara oo maxkamad tegaya, qof wax uusan aheyn lagu sheego khatarteeda ay
ey leedahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisa laan Dhabancad.
Isagoo wareysigaan siiyey TV-ga Sha belle
Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad wuxuu ka hadlay sida ay ula muuqato isku
tuur-tuurka uu galay kiiska Ikraan Tahliil, isagoo carabka ku adkeeyey in lama
hura an ay tahay in kiiskaas uu maxkamadeyn sax ah helo.
"Ragii NISA madaxda ka ahaa xili gaas
hadda baarlamaanka ayeyba soo ga leen oo waan arkay, marka dadkaan waa in
maxkamad lagu kala saaro, dalka hadey ka suurta geli weyso adduunka ayaa lala
aadi karaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisa laan Dhabancad.
Hiba
Nuura oo soo saartay baaq ku socda Soomaalida
Fanaanada weyn ee Soomaaliyeed Hibo
Maxamed Huddoon (Hiba Nuura) ay aa qeylo dhaan ka soo saartay abaarta ku dhufatay
Soomaaliya, iyadoo dadka wax heysta ugu baaqday inay ka qeyb qaataan, oo u soo
jeestaan sidii xaaladaan adag loo ga samata bixin lahaa, dadka nugul oo gaa jada
iyo oonka ugu dhimanaya deegaana da qaar.
Waxaa isa soo taraya qeyla-dhaanta ku
aaddan gurmadka abaaraha Soomaali ya, xilli ay boqollaal carruur ah u dhimana yaan
gaajo iyo macluul.
Qaramada Midoobay, hey’adaha kale ee
caalamiga ah ee gargaarka iyo dowlad da Soomaaliya ayaa todobaadyadii u dan beeyay
soo saarayey warbixino sheegaya in abaartu ay isku-bedeli rabto macluul ga laafata
nolosha kumanaan qof.
Hiba Nuura oo la hadashay Idaacadda VOA
ayaa ugu horeyn u duceysay dadka Soomaaliyeed ee abaartaan ay saamey say, sidoo
kale waxay tilmaantay in dadka caanka ah ay door muhiim ah ka qaada kar aan
gurmadka dadka tabaaleysan.
Waxay sheegtay in xilligii ay dowlad da
adag ka jirtay Soomaaliya aysan qabin walwal badan, maadaama ay dowladdu awood
u laheyd inay dadka caawiso baahi yahooda, balse hadda waxay sheegtay in xaaladaan aan lagu haley karin dowladda
kaliya.
"Sidii hore manihin, laakiin 20 sano ee u
dambeeyey dowladihii soo dhismayey ee dalka ka jiray inta karaankood ah dadka
wa a caawinayeen, waxaan dadka caanka ah u soo jeedinayaa in bulshada ku xiran
ay ugu gacan haatiyaan gurmadka dadka ay sameysay abaarta ka jirta dalkeenii,”
ayey tiri Hiba Nuura.
QM
oo mar kale qeylo dhaan ka muujisay abaarta ka jirta Soomaaliya
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabi lsan
bini'aadantinimada ayaa sheegtay Jim cihii in ay raadinayso 993.3 milyan oo
dool arka Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah iyo mid
nololeed si looga hortago macluusha loogana jawaabo
abaarta Soomaaliya marka la gaaro
bisha December.
Xafiiska isku xirka arrimaha bini'aadan tinimada
ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa sheegay in saameynta abaarta iyo cadaadiska
dhaqaale ee sii kordhaya ay sii kordhinayaan in dalka uu qarka u fuulo
macaluul. "Ku dhawaad boqolkiiba 50 dad ka 7.7 milyan oo qof waxay u baahan yihiin
nooc ka mid ah gargaar bini'aadantinimo, kuwaas oo 7 milyan oo ka mid ah lagu
qi yaasay inay abaartu saamaysay," OCHA ayaa ku sheegtay waxqabadkeedii
ugu dambeeyay ee abaaraha iyo ka hortagga macluusha. "Abaartu waxay
baabi'isay nolo sha dadka ugu nugul, iyo dadka la hay bsooco, oo ay ku jiraan
haweenka, carr uurta iyo beelaha laga tirada badan yahay, nafaqo-xumada ba'an
ee carruurta ayaa sii kordheysa." ayaa lagu yiri warbixinta. Afar roobab
oo is xigxigay oo la waayay ayaa sababay abaartii ugu darneyd ee dalka soo
marta muddo 40 sano ah, waxaana malaa yiin qof ay qarka u saaran yihiin
macluushii ugu darneyd.
Guddoomiye
Xirsi: Waa ayaan daro aad u wayn in ragii xiniinyaha laga garaaco
Madaxda ugu saraysa xisbiga muca aradka
Somaliland ee Waddani, oo booq asho ugu tagay muwaadin kii sheegay in booliisku
jidh dileen, ayaa cambaareeyay waxyeelada uu sheegay in booliisku kula kaceen.
Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji
Xasan oo ay weheliyaan musharaxa mada xweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi llaahi
Cirro iyo saraakiil kale, oo isbitaalka ku booqday Maxamed Cali Maxamed oo
sheegay in askar booliis ahi xiniinyaha kaga tunteen intii uu socday mudaharaad
kii 9 Juun, ayaa ayaan daro ku tilmaamay jidhdilka booliiska lagu eedeeyay.
"Waa ayaan daro aad u wayn weeyaan in
ragii xiniinyaha laga garaaco, dumarkiina beerka iyo naasaha laga garaaco, waa
wa xan ina soo marin, oo aad u foolxun, waad arkayseen inantii la
garaacayay" ayuu yidhi guddoomiye Xirsi.
Xirsi ayaa wax laga xumaado ku tilm aamay
in booliisku uu dafiro jidhdilka lagu eedeeyay, waxaanu sheegay in hadiiba dhi bku
dhacay in ay ahayd in dhakhtar si dhak hso ah loo geeyo, lagana raali galiyo
dhib ka soo gaadhay.
"Waxa kasii daran in booliiskii
dhib kaa gaystay uu dafiro oo uu yidhaahdo nabaro ayuu qabay iyo wax caynkaas
ah ... waxay ahayd marka hore in aan dhib loo gaysan, marka labaad haday dhibi
gaad hay lala tacaalo, marka saddexaadna in la ga raali galiyo" ayuu yidhi
guddoomiye Xir si.
Maxamed ayaa danbi-baadhe ka tirs an
Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ku eed eyay in uu xiiniinyaha kaga tuntay intii uu
socday mudaharaadkii mucaaradku soo abaabuleen ee 9 Juun, taasina ay sabab tay
in mid kamid ah xiniinyihiisu ay dhimato oo laga saaro, eedeyntaas oo booliisku
waxba kama jiraan ku tilmaameen, shee geena in xiniintu horay u xanuunaysay.
Maxamed oo kamid ah taageerayaa sha
xisbiga Waddani, ayaa horey iskaga soo duubay muuqaalo uu qori sito, oo uu
madaxweynaha ugu hanjabayo in uu qori-caaradii madaxtooyada kaga soo saari
doono.
Shirkad
caalami ah oo dhalisa tamarta korontada oo Somaliland maal gashanaysa
Shirkada Sky Power oo ah mid kamid ah
shirkadaha ugu waa wayn ee dhaliya qu wada korontada caalamka, ayaa cilmi-baa dhis
ku samaynaysa kadibna maalgashan doonta suuqa korontada ee Somaliland.
Guddoomiyaha Koomiishanka Tama rta iyo
Korontada Somaliland Axmed Faar ax Cadare, oo saraakiil shirkadan ka socda
madaarka Cigaal kusoo dhaweeyay, ayaa sheegay in loo bahanyahay in la ogaado
noocyada tamarta ee Somaliland laga heli karo.
HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER AXAD 26-KA JUUN -2022
.