HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER AXAD 25-6-2022

1
Saturday June 25, 2022 - 08:00:46 in Wararka by
  • Visits: 549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER AXAD 25-6-2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Ka Hadlay Xanuunka COVID-19 Ee Dorraad Laga Helay

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxw eynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya ayaa ka hadlay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo laga helay, kadib markii Dorraad dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, isagoo ka yimid dalka Imaaraad ka Carabta..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qo raal kooban soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in baaritaano kala duwan lagu sa meeyay markii uu yimid Magaalada Muqdi sho, isla markaana la xaqiijiyay in laga he lay Cudurka COVID-19 oo haleelay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shaaca ka qaaday inuu Caafimaad qabo, uuna sii wadi karo shaqada uu u haayo qar anka iyo umadda Soomaaliyeed, isagoo raacaya habraacyada Caafimaad ee la xari ira COVID-19, wuxuuna u mahadceliyay shacabka.

"Waxaan dhammaan shacabka Soo maaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay dorraad la gu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19. Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saf ar qaatay muddo afar maalmood ah ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, wuxu una Madaxweynaha la kulmay dhiggiisa Imaaraadka Maxamed Bin Saayid iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Golaha Shacabka oo Maanta u qaadaya codka kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaara -ha magacaaban

Golaha Shacabka ee BFS ayaa maalinta berri oo Sabti ah u qaadaya cod ka kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha ma gacaaban Xamse Cabdi Barre. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriin qoraa leed lagu war geli nayo fadhiga maa linta berri ee Ajan da ha kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban.

War kasoo baxay golaha Shacabka ayaa siddaan u qornaa:

maanta oo Sabti ah 25 June wax aa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Ba arlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soo maaliya.

Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban

Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa

Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo

Sheekh Aadan Madoobe oo shaaca ka qaaday tallaabo uga qorsheysan xildhi- baankii ka maqnaada fadhiyada BF

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa si cad u sheegay in xildhibaankii ka maqnaa da fadhiyada golaha uu toos magaciisa ugu sheegi doono bulshada.

Guddoomiye Aadan Madoobe wuxuu shee gay inay dastuuri tahay arrintaan, isla markaa na ka guddoon ahaan ay ka go’a ntahay in "Xildhibaankii ka maq naada fadhi yada baarlamaanka, magac iisa dad weyna ha lala wadaagi doono.”

"Dastuurku waa cadeynayaa waajiba adka xildhibaanka iyo nidaamka loola dhaq maayo hadii uu imaa waayo fadhiyada gola ha, marka xildhibaanka hadii waajibaa dk iisa uu guda waayo in la iclaamiyo, oo la yi raahdo xildhibaan hebel intaas oo fadhi a yuu ka maqnaaday, caab maaha,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.

Waxaa jiray aragtiyo ka imaanayey buls hada oo dooneysa in guddoonku shaaciyo magacyada xildhibaanada aan fadhiyada imaan iyo sababaha ay ku maqan yihiin.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa cad eeyey in arrintaas ay sameyn karaan oo qorshaaha ay ugu jirto in xildhibaankii maq naada dadweynaha loo sheego magiciisa iyo hadii ay jirto sabab uu uga maqan ya hay fadhiyada golaha.

"Xildhibaanka waxaa loo doortay inuu umadda metelo, waana ku cadahay dastuu rka waxyaabaha sababi kara inuu lumiyo xubinimadiisa iyo sida loola macaamilayo hadii uu imaan waayo fadhiyada,” ayuu h adalkiisa ku sii daray Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo BBC-da weysigaan sii yey.

Dhowaan xildhibaanada golaha shacab ka oo ku guda jira kulamada kalfadhigoo daan koowaad, ayaa kulan la hor geyn la haa miisaaniyadda dowladda ee sanad ka an wuxuu u baaqday kooram la’aan.

Arrintaasi waxay dhalisay dhaleeceyn golaha uga timid bulshada iyo canaan toos oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu la wa daagay xildhibaanada, kadib markii uu ku casuumay madaxtooyada xilli habeen ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waa in hoos loo dhigaa maalmaha xurriyada sababtoo ah gob ma ahan qof dadkiisu Gaajo u dhimanayaan

Ergayga madaxweynaha Soomaali ya uqaabilsan arrimaha abaaraha, Cabd irax maan Cabdishakuur Warsame, ayaasoo jeediyay in hoos loo dhigo xuska maalma ha xorriyada dalka, isagoo shee gay dalku I nuu ku jiro xaalad aan mud nayn dabaal deg.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka qe yb galayay barnaamij dood wadaag ah, a ya a sheegay in loo baahan yahay in indha ha bulshada lagu jee diyo arrimaha aba araha, halkii lagu mashquuli lahaa xus ka xurriya da.

Wuxuu sheeg ay in loo baahan ya hay in sida ugu fudu d loo sameeyo xus ka maal maha xuriyada Soomaaliya, haddii ba aan la iska dhaafin, sababtoo ah wuxuu shee gay, Soomaaliya oo dadkeedu gaaja ysan yihiin in aanay u dabaal degi karin wax la yi raahdo xorriyad.

” Waa in hoos loo dhigaa debaal deg ga maalmaha xurriyada sababtoo ah gob ma ahan qof ay dadkiisii Gaajo u dhima nayaan,” ayuu yiri ergayga abaaraha.

Sannad walba dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale badan ku bixisa xuska san nad guurooyinka maalmaha xurriyada oo kala ah, 26 june oo ah xornimadii gobolada waqooyi iyo kowda Luulyo, xornimada gob olada koonfureed iyo israacii labada gobol.

Haatan, waxaa magaalada Muqdi sho ka socda qaban qaabada xafladdo ba llaaran oo loogu diyaar garoobayo xuska maalmahaas. Lama oga in madaxweynuhu qaadan doono talada ergayga abaaraha.

Villa Somalia oo ka hadashay dhab ahaanshaha safar qarsoodi ah ee Israel

Afhayeenka Madaxtooyada Soo maaliya ayaa beeniyay hadal hayn ka dha latay safarkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ee Isu-tagga Ima araadka Carabta.

Waxa uu beeniyay in uu jiro safar qarsoo di ah oo madaxda Soomaaliyeed ay ku ta geen Israel, oo ay Soomaaliya la laheyn xir iir diblomaasiyadeed.

"Israel ma Imaaraadka ayey ku dhex taalla? Maya, maadama laheyn xiriir diblu maasiyadeed haddii la tago xataa wax la qaraniyo ma aha, laakiin lama tagin,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxda uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sh eekh Maxamuud ay ku eekeyd booqasha dooda dalka Imaaraadka, islamarkaana uu san jirin qorshe safar oo qarsoodi ah.

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay soo baxayeen warar si weyn ugu faafay baraha bulshada, kaasi oo la xiriiray in Madaxdii Soomaaliyeed ee u safartay Imaaraadka ay safar qarsoodi ah uga sii gudbeen Isra el.

Hadal hayntan ayaa timid kadib mar kii safarka Madaxweynaha iyo wafdigii uu hogaaminayay uu qaatay maalmo dhee raad ah oo aan markii hore qorshaha ugu jirin, taasi oo sida aan ogaanay ay keentay kadib markii xubno kamid ah wafdiga laga helay Coronavirus.

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bul shada Xukuumadda Federaalka Soomaali ya , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ku tilmaamay waxa u wanaag san ee uu maqli lahaa go’aanka uu Bang iga Adduunka ku ansixiyay 143 milyan oo dollar , lacagtaa oo lagu taageerray barnaa mijka qaran ee taageerrada Dadka nugul ee Baxnaano.

Bangiga Adduunka ayaa taageero dh eeraad ah siinaya hindisahan ay dowladdu hormuudka ka tahay. Maalgelinta dheeriga ah waxay ballaarin doontaa daboolida ma shruuca horay u jiray ee 20,000 qoys. Wa xay sidoo kale siin doonaa lacag caddaan ah oo degdeg ah 338,000 qoys, iyada oo ku dari doonta 160,000 qoys kuwaas oo ho ray uga heli jiray qaadashada lacagta cad daanka ah degdegga ah ee mashruuca qe ybta ka ah barnaamijka Baxnaano ee taag eerrada qoysaska uu saameeyay Ayaxa.

"Taageerrada dhaqaale ee bangiga Adduunka waxay wax ka tari doonta ka ja waabida xaaladaha deg degga ah ee ka dh ashay abaarta.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwa haab oo inta ku daray " Waan uga mahad celinaya tallaabadan Bangiga Adduunka , waxaana xaqiijinaya Dawladda inay samey nayso wax walba si loo taageerro qoysas ka.”

Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale ka faa’ Iideysanaya dhowr mashruuc oo horay u jiray si loo xoojiyo wax ka qabashada abaaraha Soomaaliya. Iyadoo loo marayo Baxnaano, Bankiga Adduunka wuxuu taag eeri doonaa ku dhawaad ​​500,000 qoys si ay uga hortagaan abaaraha socda.

"Waan ku faraxsanahay helitaanka warka, ogolaanshaha $143 milyan si wax looga qabto abaaraha, anagoo adeegsa nayna barnaamijka qaran ee taageerrada qoysaska nugul ee Baxnaano, waxaan sii wadnaa inaan u adeegno kuwa ugu nugul.” Madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardosa Axmed Cabdullaahi ayaa hadalkay sheeg tay, markii uu soo baxay go’aanka uu bang iga ku ansixiyay lacagtan.

"Xaaladdu waa murugo, Bankiga Adduun kana waxa uu sameynayaa wax walba oo uu ku badbaadin karo kuwa ugu nugul xilli gan,” ayay tiri Kristina Svensson, Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya. "Waxa an ka faa’ideysaneynaa iskaashiga aan la leenahay hay’adaha bani’aadamnimada si loo yareeyo xaaladdaha abaaraha,” ayay raacisay.

Tirada dadka ku tiirsan gargaarka bin i’aadantinimo ayaa la saadaalinayaa inay kor u kacdo 7.7 milyan oo qof sanadkan 2022, iyadoo lagu qiyaaso 3 milyan oo qof oo gudaha ku barokacay iyo ku dhawaad 70% dadka ku nool inay ka hooseeyaan heerka faqriga caalamiga ah.

Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaas higa wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa waraaqaha aqoonsiga ergeynimo ka gudoomay Ergey ga cusub Dowladda Soomaaliya u fadhin doona ergada joogtada Soomaaliya u qaa bilsan Ururka (OIC) Dr ibraahim Aadan Mu use.

Munaasabadda gudbinta iyo gudd oonka waraaqaha Aqoonsiga oo ka dhac day Xarunta Ururka ee magaalada jiddah ee dalka Sacuudi carabiya ayaa labada dhi nac waxaa ay ka wada hadleen baahida loo qabo sidii loo horumarin lahaa siyaasa dda iyo istiraajiidiyadda uu ururka (OIC) ugu talo galay xaqiijinta himilooyinka duni da islaamka.

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashi ga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa sheegay in maamulka Sare ee Ururka ay gacan weyn ku siin doonaan xilka loo soo magacaabay Dr ibraahim Aadan Muuse.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u ma gacaawday Ururka OIC Dr ibraahim Aadan Muuse ayaa dhankiisa u mahad celiyay Xoghayaha guud ee Ururka (OIC) sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyay ururka, isaga oo ballan qaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka wanagsan oo ay Soomaaliya la leedahay Ururka.

Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa waxaa ku Midoobay ilaa 57 dal oo ah wadamada Islaamka, waxaana la Aas’a asay Sanadkii 1996-kii, iyada oo Soomaali ya laheyd fikradii lagu sameeyay Ururkaas.

In ka badan 30 carruur ah oo nafaqa dar ro ugu geeriyootay Isbitaalka Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magaala da Kismaayo ee Gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa 30 Carr uur ah saacadihii la soo dhaafay xaalad ba faqa darro ay ugu geeriyootay isbitaalka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Carruurtaan ayaa waxaa laga kala keenay qaar kamid ah degaannada iyo deg mooyinka Gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan degaannada ay maamulaan Al-Sha baab, waxana saameyn weyn ku yeeshay xaaladda abaareed ee kajirta degaannada Jubbaland.

Madaxa qaybta Nafaqo-darrada ee Isbitaalka Kismaayo Faysal Aadan Ibraa him oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in dad gaaraya ilaa 400 oo Ruux oo kamid ah dadka ay sameysay abaarta ee ka qaaday xanuuno kala duwan haatan lagu daweey nayo isbitaalka Magaalada kismaayo.

Sidoo kale Feysal waxaa uu shee gay in xaaladda nafaqa darro ee heysata Carruurta kunool degaannada Gobolada Jubbooyinka ay yihiin kuwo aad u daran ayna siweyn u saameysay abaarta, sidoo kalena ay jiraan kuwo badan oo weli ka bar akacaya.

Degaano iyo degmooyin katirsan Gobola da Jubbooyinka ayaa waxa weli kajirta ab aar daran, waxaana ay siweyn u saamey say dad iyo duunyo, iyada oo dowladda Maamulka Jubbaland & Hay’adaha samaf alka ay ka gaabiyeen wax u qabasha dooda.

Maxkamadda Ciidamada oo la horkeenay Askar loo heysto dambiyo kala duwan

Maxkamada darajada 1aad ee ciidan ka Qalabka sida qeybta 27aad ayaa bilow day dhageysiga dacwad loo heysto 10 eed eysane oo isugu jira askarta iyo kuwa isa ga tagay ciidanka.

Askartaan ayaa laba kamid ah lagu soo eedeeyay inay si bareer ah Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ugu fileen Nin lagu Magacaabi jiray Cabdi rashiid Cabdi Mahad-Alle.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Maxka mada darajada 1aad ee ciidanka Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Xasan Si yaad (Tarsan) ayaa sheegay in labadaan Askari, iyaga oo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya ay dilkaasi geysteen, wux uuna ka codsaday Maxkamadda in laba daan ragga ah lagu xukumo ciqaab u qalan ta dambiyada ay galeen.

Dhinaca kale Xeer ilaalinta Maxka madda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27 aad ayaa Maxkamadda horgeeysay dambi yada lagu soo eedeeyay 8 kale ee Askari, iyada oo dalbatay in baaritaan dheer lagu sameeyo.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidama da Qalbka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin oo fadhiga Maxkamadda soo xiray ayaa sheegay in kiisaska Askar taan ay Maxkamadda go’aan kasoo saari doonto.

Taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ‘oo diiday inay u hogaansamaan’ baaqiisa

Agaasimihii hore ee Machadka cilmi baarista siyaasadda ee Heritage Cabdira shiid Khaliif Xaashi ayaa markii u horeysay si weyn ugu dhaliilay taageerayaasha ma daxweynihii hore inay dagaal ku bilaaban dowladda cusub ee madaxweyne Xasan.

Waxa uu sheegay in taageerayaasha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan u hogaansamin baaqiisi, taasi badalkeedna ay doorteen inay qaadan dacaayado iyo weeraro ka dhan ah dowladda cusub.

"Markii isbaddal doonku ay dalka la wareegeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Ma xamed Cabdullaahi Farmaajo waxay jee xeen waddo odaynimo oo ah horay halloo socdo, Ra’iisul wasaaruhuna waddadii ay uu raacay sida booqashadiiss laga arkayo. Tallaabooyinkaasina waa kuwo dowladni mada u fiican,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

"Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku socda wee rar iyo been abuur oo ay wadaan kooxo N N ah oo taageera Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxay ahayd in ay baaqa hoggaamiyahooda (ma daxweynihii hore) ay maqlaan ee dow laddaan 2-da bilood aan gaarin ay qunjura afka ka daayaan.”

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray "Kooxahaas baal marsan baaqa madax weynayaasha ee doonaya inay curdanka ku naafeeyaan dowladnimada loo soo hal gamey, waa in la xasuusiyo in hoggaanka laga fara-maroojiyey rag awood iyo xoolo haystey aysanna #RATS (remnants of authoritarian & terminated system) hor ista agi kari.”

"Waxay ahayd inay kala dhuuntaan waa yo iyaga fashilay guri muraayad ahna ku jir a. Kuwa wada dagaalka beenta ku salay san waxay keenaysaa in sidii gabyaagii Carbeed ee Jariir lagu yiraahdo فَغُضَّ الطَرفَ إِنَّكَ مِ ن نُمَيرٍ.”

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa aya da oo markii doorashada lagaga guuley stay Farmaajo iyo intii ka dambeysay uu dhowr jeer ku baaqay in lala shaqeeyo do wladda cusub, islamarkaana fursad la sii yo, taasi oo ka hor-imaneysa tallaabada ay qaadeen taageerayaashiisu.

Muwaadin reer Somaliland ah oo sheegay in booliisku jidh dil u gaysteen

Maxamed Cali Maxamed oo reer Har gaysa ah, ayaa Ciidanka Booliiska Soma liland ku eedeeyay in ay u gaysteen jidhdil sababay in mid kamid ah xiniinyihiisu ay dhimato, intii uu socday mudaharaadkii 9 Juun.

Maxamed oo Saab TV waraysi siiyay Isaga oo yaala isbitaal ku yaala Hargaysa, ayaa sheegay in mid kamid ah askarta Sal dhiga Dhexe ee Hargaysa, uu xiniinyaha kaga tuntay, kadib markii uu isku dayay in uu ka rido gabadh ay ciidanku garaa cayeen, intii mudaharaadkii ay mucaarad ku soo abaabuleen socday.

"Inantii ay booliisku dilayeen ayaan ka reebay, waar xiniinyaha aad inanta nagaga reebtay xageed ka keentay, ayuu igu yidhi Nin Mukhtaar la yidhaa oo Saldhiga Dhexe danbi baadhe ka ah, xiniinta isaga igaga tuntay, xiniintaydii imikana way dhimatoo waa layga saaray" ayuu yidhi Maxamed.

Maxamed waxa uu booliiska ku ee deeyay in ay mudo 9 cisho ah ku hayeen saldhiga booliiska ka hor intii anay dhakh targaynin, taasina ay keentay in ay xiniin tiisu dhimato.

"Xiniintaydu waxay dhimatay intii aa n saldhiga ku jiray, 9 cisho ayay saldhiga igu hayeen, oo anan wax dhakhtar ah ara g, hal-mar ayay dhakhtar i geeyeen, dhakh tarkii wuxuu ku yidhi waa xaalad deg deg ah oo waala qalaya, kadibna saldhiga ayay igu soo celiyeen" ayuu yidhi Maxamed.

Booliiska ayaa dhankooda beeniyay in ay wax dhibaato ah u gaysteen Maxa med, waxayna sheegeen in xiniintu ay hore u bugtay, oo nin kale wax kaga dhuftay wa khti hore, iyaga oo baahiyay codad ay she egeen in ay caddaymo yihiin, waxa kale oo ay sheegeen in ay isbitaal geeyeen.

Maxamed oo kamid ah taageera yaasha xisbiga Waddani, ayaa horey iska ga soo duubay muuqaalo uu quri sito, oo uu madaxweynaha ugu hanjabayo in uu qori-caaradii madaxtooyada kaga soo saari doono.

Puntland oo gacanta ku dhigtay Ajaanib ka tirsan Kooxda Daacish

Kadib howlgal gaar ah oo ay sameeyeen Ciiddamada PSF-ta Puntland ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Saddex rag ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee degta Itoobiya, kuwaas oo Puntland sheegtay inay katirsan yihiin Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

War kasoo baxay Ciidamada PSF ayaa lagu sheegay in Raggan Saddexda ah la qabtay xilli ay ku sugnaayeen dhulka Buuraleyda ah ee Timiro oo katirsan Gobo lka Maanta , iyaga oo doonayay inay Sahay iyo Qalab Ciidan u geeyaan Xubno kale oo katirsan Kooxda Daacish, kuwaas oo kusu gan Dhulka Buuraleyda ah.

Sidoo kale warka kasoo baxay Ciida mada PSF ayaa waxaa lagu sheegeen in raggaan ay qeyb ka yihiin 7 nin oo xogtoo da horey loo hayay, kuwaas oo la ogaaday inay katirsan yihiin Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Buuraleyda Gobolka Maanta.

Sidoo kale PSF waxaa ay sheegtay in Saddexda ragga ah baaris dheer oo lagu sameeyay kadib ay qirteen kamid ahaan shaha Kooxda Daacish una gudbin jireen Sahayda iyo Agabka kale oo ay u baahan yihiin.

Magacyada raggan iyo kuwa ka maqan ga canta ciidanka, ayaa la baahiyay, iyadoo la sheegay inay dhamaantood yihiin dadka Oromada ah ee tahriibka ku tagay magaala da Boosaaso.

Degaano badan oo katirsan Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Maanta ayaa wax aa ku sugan Xubno ka kala tirsan Al-Sha baab iyo Kooxda Daacish, waxaana marar ka qaar ay weeraro la beegsadaan Ciida mada Puntland.

Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka kumaandooska DANAB gaar ahaan Horinta Gaadiidka Gaashaman Ee MU ayaa Hawlgallo lagu xaqiijinayay Am maanka sameeyey degaanada ka lafoole Ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay howlgalka ku qabteen laba kamid ah Al-Shabaab, sidoo kalena ay burburiyeen Goob si qarsoodiya ugu ka ydin jireen waxyaabaha ay ku marin habaa biyaan bulshada kuwaas oo ay ka mida ahayeen Cajalado DVD, Bugaag & kaydi yaal iyo sidoo kale Basabooro Farabadan.

Sidoo kale saraakiishu waxaa ay shee geen in howlgallada ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga degaa nnada ku teedsan wadada xiriirisa Magaa lada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadkii Ka Badbaaday Dhul-Gariirkiir Ka Dhacay Afgaanistaan Oo Cabsi Cudur Soo Wajahday

Dadkii ka badbaaday dhul-gariirkii ugu dhimashada badnaa soo mara dalka Afgaanistaan 20-kii sano ee la soo dhaafay ayaa sheegaya in aysan haysan cunno iyo hoy isla markaana ay ka cabsi qabaan in cudurka daacuunka uu dillaaco deegaan nadooda.

Gobolka Paktika ayaa ah meesha ugu daran ee ay masiibadu ku habsatay. Agha Jan waa mid ka mid ah dhibba nayaasha dhul-gariirkani, waxa uuna isaga oo ilmeynaya uu eegayaa halkii uu ku bur buray gurigooga.

"Kuwani waa kabihii wiilashayda,” ayuu yiri. Saddex caruur ah oo uu dhalay iyo laba xaas oo uu qabay ayaa iyaga oo hurdaya ku dhintay dhul-gariirkaasi.

Deegaannada ku xeeran tuulada Agha Jan ee degmada Barmaal ee gobolka Paki stan ayaa ka mid ah meelaha ugu daran e e uu saameeyay dhul-gariirka, waxaana la rumeysan yahay in ku dhawaad 1,000 qof ay ku dhinteen, halka 3,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ku dhawaad guri kasta oo ku yaal tu ulada uu deggan yahay Agha Jan, oo guud ahaan ka sameysan dhoobo iyo dhagxaan, ayaa u muuqata mid aad u burburtay. Ku dhawaad qoys kastaa oo halkaa ku nool ugu yaraan qof ayaa ka dhintay oo tacsi ay aa u taal.

Goob qarsoodi ay Al-Shabaab ugu kay din jireen ‘alaadaha marin habaabinta’ oo la burburiyey

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal ay Ciidanka kumaandoos ka DANAB gaar ahaan Horinta Gaadiidka Gaashaman Ee MU ka fuliyeen deegaana da Ka-lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoo se.

Howl-galkan ayaa lagu burburiyay go ob ay Al-Shabaab si qarsoodiya ugu kaydi n jireen waxyaabaha ay ku marin habaa biyaan bulshada, kuwaas oo ay ka mida ahayeen Cajalado DVD, Bugaag, Kaydiya al iyo sidoo kale Baasabooro fara-badan.

Sidoo kale waxaa howl-galka lagu soo qabtay labo xubnood oo kamid ah kooxda Al-Shaaab, sida ay sheegeen Sar aakiisha howl-galka hogaamineysay.

Sidoo kale waxay sheegeen saraa kiishu in howl-gallada ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga degaa nada ku teedsan wadada xiriirisa maga alada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada DANAB ayaa sare u qaa day maalmihii dambe howl-galada ka dhan ka ah, ayaga oo dorraadna sidan oo kale howl-gal qorsheysan ku bur-buriyay taliskii qaraxyada ee kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq-dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale waxa howl-galkaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo gacanta looga dhigay maadooyinkii ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada isugu jira miinooyinka dhulka la galiyo iyo kuwa dhajiska ee lagu xiro baabuurta iyo gurya ha.

Baarlamaanka Yurub Oo Ansixiyay Codsiga Ukraine Ee Ka Mid Noqoshada Midowga

Baarlamaanka Midowga Yurub ay Khamiistii si aqlabiyad leh ugu codeeyay in Midowga Yurub uu oggolaado musharaxni mada Ukraine, taasoo Ukraine u dhaweyne ysa inay ka mid noqoto xulafada reer galb eedka oo siin jiray hub aad u badan si ay uga caawiyaan la dagaallanto duullaanka Ruushka ee afarta bilood jirsaday.

529 ayaa u codeeyay mooshinka Ukriane ee ka mid noqoshada Yurub, 45 kale ay diiday, halka 14 xildhibaan oo kale aysan soo xaadirin. Baarlamaanka Yurub ayaa sidoo kale ansixiyay magacaabista Midowga Yurub ee Georgia iyo Moldova.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa bartiisa Twitter-ka ku shee gay in tani ay tahay "waqti taariikhi ah oo ku jirta xiriirka Ukraine iyo mustaqbalka Ukraine ee Midowga Yurub”.

"Waxaan hadda helnay magacaabis ta,” ayuu ku yiri Instagram-ka "Tani waa guusheenna.”

Si saddexda dal ay uga mid noqd aan 27-ka waddan ee Midowga Yurub, wa xaa looga baahan yahay inay sameeyaan isbedello siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Madaxa golaha Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in Ukraine ay "hore u fulisay ku dhawaad 70% sharciyada, xeer arka iyo halbeegga Midowga Yurub”. Laak iin waxay sheegtay inay jiraan waxyaabo badan oo kale sida "ku-dhaqanka sharciga, ka hortagga musuqmaasuqa iyo ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah”.

Farriin ku socota waalidiinta Soomaalida ee dhalashada Netherlands haysta

Maadaama ay bilowdeen xilliyada fasaxyada dugsiyadda, waxaa la xasuusi nayaa waaladiinta Soomaaliyeed ee hay sta dhalashada waddanka Netherlands inay ka digtoonaadaan gudniinka gabdha hooda, kaasoo haddii lagu helo ay mute ysan karaan ciqaab xabsi iyo ganaax isugu jira.

Zahra Siyaad Naaleeye oo madax ka ah mashruuca ka hortagga gudniinka gabdhaha ayaa shir jaraaíd oo ay toddo baadkan ku qabatay xafiiska dalladda Isut agga ururada Soomaalida ee magaceeda loo soo gaabiyo FSAN ayaa ku celcelisay

"Maadaama 2dii sanno ee ugu dambe ysay ay duniddu kala xirneyd xanuunka Ca ronaha dartiis, sannadkan waxaa suurtagal ah waalidiin badan in ay caruurtooda fasax u wadaan, waxaan xusuusinayaa waalidii ntaasi in aysan ku kadsoomin in ay gabdha hooda soo gudaan” Ayeey tiri Zahra Naa leeye, waxaya intaasi raacisay in sharci adag laga soo saaray gudniinka gabdhaha.

Telefishinka Channel 4 oo loo gudbiyay cabasho ka dhan ah warbixin uu weriye Soomaali ah ka sameeyay ururka Alshabaab

Telefishinka Channel 4 ee laga leeya hay dalka UK, ayaa la kulmay in ka badan 100 cabasho ah oo ka dhan ah barnaamij weriye Jamaal Cismaan uu dhawaan ka di yaariyay ururka Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka ka xumaaday barnaamijkan, ayaa ku andacooday inuu barnaamjikaas ahaa mid kor loogu qaada yay dadkana lagu jecleysiinayay fikradaha khatarta ah ee ururka Alshabaab.

Dadka barnaamijkan kasoo horjeeda ayaa saxiixay codsi ku aadan in barmaa mijkan gebi ahaanba la tirtiro, iyagoo shee gay in baahintiisa aanay kaliya dhaawac ku ahayn sawirka Soomaaliya, laakiin ay dhi baato ku tahay dadka Al-Shabaab dhibaa teeyeen.

Todobaadkii hore, weriyaha Channel 4 News, Jamaal Cismaan, ayaa waxa uu helay muuqaal naadir ah oo uu ka samee yay dhulka Al Shabaab ka taliso, waxaana uu u safray magaalada Jilib oo lagu tilma amo caasimadooda Alshabaab.

Ka dib markii la sii daayay muuqaalla da, daawadayaasha qaar ayaa aad uga carooday, iyagoo aaminsan in wariyaha uu si qaldan uga hadlay sawirka Soomaaliya, isagoo sheegay in saddex meelood meel kamid ah Soomaaliya ay gacanta ku haya an ururka Al-Shabaab.

Channel 4 News ayaa bayaan ay soo saartay ku difaacday Jamaal Cusmaan, wa xayna sheegeen in weriyahoodu uu samee yay warbixin adag oo kasoo waramaysay waxa ka socda gudaha Alshabaab, ayna ku garab taagan yihiin shaqada uu qabtay.

 

Save The Children UK Oo Taageero Bani’aadannimo U Ballan Qaaday Dowladda Somalia

Ergeyga Madaxweynaha JFS Xassa n Sheekh Maxamuud u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo Bani’aadanni mada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsa me ayaa kulan qadka fogaan aragga ah la yeeshay madaxa ugu sarreeya hay’adda Save the Children ee Ingiriiska.

Gwen Hines ayaa warbixin dhammeyst iran Ergeyga ka si isay howlaha ay hay’add eeda ka qabato gudaha waddanka Sooma aliya.

Ergeyga ayaa uga mahad celiyay de daalka ay hay’adda Save ku bixineyso sa matabixinta bulshada dhibaataysan, isaga oo sidoo kale ka codsaday in ay ka gacan siiyaan sidii dowladda ingiriisku u kordhin lahayd taageerada bani’aadannimo ee dalk eennu baahida weyn u qabo.

Ugu danbeyn, Gwen Hines oo bogg aadisay dedaallada dowladda Soomaaliya iyo xafiiska Ergeygu ku bixinayaan arrima ha bini’aadannimada ayaa soo dhaweysay codsiyada Ergeyga, iyada oo taageero dhinacyadaas ku aaddan u ballanqaadday.

Turkey oo fashilisay shirqool yaab leh oo IRAN ay ka fulin laheyd magaalada Istanbul

Sirdoonka Turkey ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday inay fahsiliyeen shirqool ay Iran ku weerari laheyd safiirkii hore ee Israel ee Turkey oo ka dhici lahaa magaala da Istanbul.

Sida ay ku warrameen warbixinada, Iran ayaa qorsheysay inay afduubato dho wr dalxiisayaal oo Israeli ah iyo diblo maasiyiin ku sugan Istanbul oo uu ku jiro safiirkii hore ee Israel iyo xaaskiisa, ayna diyaarisay howlwadeenadii weerarka fulin lahaa – ayada qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta la badbaadiyey waxyar kahor inta aanu weerarku dhicin.

Sirdoonka Turkey iyo booliska ayaa Jimcihii tegay xiray 10 qof oo la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan xubno meelo fog wa x ka toogta iyo dad la shaqeynayey oo ku sugnaa hotelka Sol Hotel iyo guryo kale oo ku yaalla Istanbul.

Wakiilo ka tirsan sirdoonka Iran iyo Ilaalada Kacaaka Islaamiga ah ayaa iska dhigay arday, ganacsato iyo dalxiiseyaal si ay u afduubtaan Israa’iiliyiinta.

Turkey waxay sheegtay in sirdoonka Israel ee Mossad ee heleen Israa’iiliyiinta islamarkaana ay diyaarad khaas ah ugu duuliyeen Israel.

Inkasta oo lagu guuleystay in howlgal kan la fashiliyo, haddana saraakiisha Israel waxay sheegeen in weli ay jirto halis ka im aneysa Iran oo ay wajahayaan Israa’iiliyiin ta ku sugan Turkey.

Saraakiisha waxay sheegeen inay ji raan ugu yaraan saddex unug oo Iranian oo aan weli la xirin, islamarkaana in la raa d-raaco oo lasoo xiro ay noqon doonto han aan waqti badan qaata.

Waxaa la rumeysan in Iran ay aad u dooneyso inay meel un kasoo afduubato Is raa’iiliyiin si ay guul ugu muujiso shacab keeda xilli dagaal xooggan oo sirdoon uu u dhaxeeyo labada dal.

Warka ku saabsan shirqoolka la fashi liyey ayaa yimid waxyar un kahor inta aanu wasiirka arrimaha dibedda Israel, ahna ra’ii sul wasaaraha cusub ee dhowaan xilka la wareegaya Yair Lapid aanu iman Ankara.

"Toddobaadyadii tegay nolosha muw aadiniin Israeli ah ayaa la badbaadiyey, wa xaana ku mahadsan wada-shaqeynta amni iyo diblomaasiyad ee Israel iyo Turkey,” ay uu yiri Lapid.

"Iran ayaa ka dambeysay isku dayada weeraradan argagixiso. Sirdoonku taasi shaki kama qabo. Kama hadleyno kaliya dil ka muwaadiniin Israeli ah oo aan waxba ga labsan, balse xadgudub cad oo ka dhan ah qarannimada Turkey. Dalna ma ahan inuu dulqaato argagixiso ku sugan ciddiisa,” ayu u yiri Lapid.


LIX QAAB OO AAD UGA HORTAGI KARTO BIDAARTA


Taniyo bartamihii bishii lasoo dhaa fay ee May waxaa la hadal hayay dawo cu sub oo loo helay nooc ka mid ah xanuun nada timaha madaxa ka dhammeeya.

Qaar ka tirsan warbaahinta ugu waa wayn UK ayaa tabinayay wararka ku saab san dawadaas cu sub oo la sheegay in ay tahay guul wa yn oo la gaa ray.

Seynisyahannada ayaa sheegay in da wa da oo ah kaniini maalintii labo jeer la ist icmaa layo ay u baahan tahay muddo lix bilood ah, si ay dhammaan timaha usoo wada noqdaan.

Hase yeeshee inta badan waxaa diir ad da lagu saaray haweenka uu ku dhaco xanu unka loo yaqaanno "Alopecia".

Sidee ragga qudhooda ay uga hor ta gi karaan bidaarta ama ay xal ugu heli kar aan timaha ka go'aya?

Halkan waxaan ku eegeynaa toddo bo qaab oo kaa caawin kara marxaladda as.

1. Burutiin badan

Maadaama ay timaha ka samaysan yihiin maaddada burutiinka, waxaad u baa han tahay inaad xaqiijiso sidii uu jirkaaga u soo gali lahaa burutiin kugu filan oo laga helo cuntooyinka qaar.

Taasi waxay kaa caawinaysaa in tima haaga ay awood yeeshaan caa fimaadkoo duna uu kordho.

Haddii aadan cunin burutiin kugu filan waxay u badan tahay in tima haaga ay qalla laan ayna tabardarro ku dhacdo.

Inuu raashinkaaga u bato cuntooyinka uu burutiinka aad ugu yar yahay waxay sa babi kartaa in timahaaga ay kori waayaan ama ay billaabaan in ay daataan, sida lagu xusay daraasad lagu daabacay BBC-da la anteeda cunto-wanaagga.

Si aad u hesho burutiinka aad u baahan tahay, raashinkaaga qayb ka mid ah ka dh ig hilibka digaagga, hilibka shimbirta turke y-da, kalluunka, caanaha, ukunta, khudaar ta iyo lawska.

2. Fitamiinno dhowr ah

Seynisyahannada dhinaca caafimaad ka ayaa ku taliyay in dhowr fitamiin ay kaal in ka qaataan xannaanada timaha iyo ka hortagidda bid aarta. Waxaa Fitamiinnadaas ka mid ah no ocyada A.B,C iyo D.

Wax aa sidoo kale soo raaca maadd ooyinka iron, selenium, iyo zinc oo iyagana la sheegay in ay muhiim u yihiin koboca iyo caafimaadka timaha. Dhammaan Fitamiinnadan iyo mac danta kala duwan ee jir kaagu u baahan yahay waxaad ka heli kartaa farmashiyaa sha kugu dho w, ama waxaad kala tashan kartaa dhakhtarkaaga si uu kuugu qoro.

3. Cuntada Mediterranean-ka

Daraasad la sameeyay sanadkii 2017-kii ayaa lagu ogaaday in raashinka loo yaqaanno "Cuntada Mediterranean-ka" ayuu kaalin wayn ka qaato yareynta halista la xiriirta cudurka timaha ka daadida hawe enka iyo bidaarta caadiga ah ee gasha ragga.

Ujeeddadu waa in la isticmaalo raash inka ay dhaqan ahaanta u leeyihiin dadka daggan gobolka ku teedsan badda Medite rranean-ka.

Haddaba waa tee Cuntada Mediterra nean-ka?

Waxaa ka mid ah:

• Noocyada kala duwan ee khudaa rta u badan cagaarka, miraha geedaha iyo raashinka dalagga, sida gallayda, masaga da iyo wixii la mid ah.

• Dufanka caafimaadka leh, sida law ska iyo saliid saytuunka

• Caanaha xoolaha oo la qiyaasay iyo kall uunka

• Wax yar oo isugu jira hilibka cad iyo hilibka guduudan

• Xoogaa ukun ah

4. Masaajayn

Daraasad yar oo loogu kuur galay caafi maaka ilaa sagaal nin ayaa lagu ogaaday in masaajaynta madaxa oo maalintii la sam eeyo ilaa 4 daqiiqo ay ka qayb qaadan kar to koritaanka timaha.

Natiijada lagu ogaaday daraasadda ayaa u muuqata mid wax tar wayn leh.

Balse cilmi baareyaasha ayaa wali u baa han inay sameeyaan daraasad baaxad wa yn oo go'aan kama dambays ah looga gaa ri karo in masaajaynta madaxa ay caaw inaad buuxda samayn karto.

5. Dhaqid joogto ah

In la dhaqo madaxa maalin walba waxay ka ka hor tagaysaa inay timaha daataan, maadaama meesha ay timaha ku yaallaan ay nadiif ahaanayso, caafimaadkeeduna wanaagsanaanayo.

Laakiin furaha waa in qofku uu istic maalo shaambo qiyaas leh, iskana ilaaliyo in uu badiyo xaddiga shaambada ee uu ad eegsanayo.

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in si taxaddar leh loo dhaqo timaha, saba btoo ah gacanta xoogga badan waxay kee ni kartaa in ay timaha waxyeelloobaan ka ddibna daataan.

Habkan xannaaneynta ah waxa uu sidoo kale kaalin ka qaadanayaa in ay tima ha koraan.

Waxaad adeegsan kartaa shamboo yin iyo nafaqooyin loogu talogalay inay kor dhiyaan caafimaadka timaha.

6. Dawooyin

Waxaa jira dawooyin badan oo loo adeegsado ka hortagda timaha daata ama bidaarta, kuwaasoo laga heli karo xarum aha lagu iibiyo dawooyinka.

Waxaase habboon in marka aad xaa laddan isku aragto aad si deg deg ah ula xi riirto dhakhtar, si uu kuu siiyo talooyinka muhiimka ah.

Dhowr sano ka hor waxaa lasoo saa ray daraasad muujinaysa in ragga bidaarta leh ay ka soo jiidasho badan yihiin kana ka slooni badan yihiin kuwa aan bidaarta laha yn.

Balse waxaa muuqata in wali ay sii bad anayaan nimanka xalka u ra adinaya tima ha ka go'ay, xalka ugu waynna ilaa hadda waa in dib loo beero timaha, taasoo ay ku baxdo lacag dhan inta u dhaxaysa $1000 ilaa $10,000.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip