Ra’iisul Wasaaraha Xafiiska ka sii tagaya ee XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Golahiisa Wasiirrada iyo howl wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sidii wanaagsaneyd ee ay ula shaqeeyeen iyo howlihii baaxadda lahaa ee ay dalka u soo qabteen.
Ra’iis Wasaare Rooble ayaa wasiirrada u rajeeyay mustaqbal siyaasadeed wanaagsan, isagoo kula dardaarmay in qof waliba intii karaankiisa ah dalka ugu adeego.
Dhanka kale Xubnihii Golaha Wasiirrada ee kulanka ka hadlay ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu u soo hoggaamiyay xukuumadda iyo si gaar ah howlihii doorashooyinka dalka oo si guul iyo nabad ah ku soo dhamaaday.
Ra’isul Wasaaraha ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ra'iisul Wasaaraha Rooble oo uga mahadceliyey Golihiisa Wasiirrada Shaqooyinkii ay dalka u soo qabteen
...