Wadahadaladii u furmay mucaaradka iyo xukuumada Somaliland oo ku dhow in ay burburaan

0
Monday May 23, 2022 - 14:04:55 in Wararka by
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadahadaladii u furmay mucaaradka iyo xukuumada Somaliland oo ku dhow in ay burburaan

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
Wadahadaladii 16 bishan ay ku balameen xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa baaqday kadib markii uu madaxweyne Biixi kasoo xaadiri waayay kulamadii loo balansana, sida xisbiga Waddani sheegay.
Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo waraysi gaar ah siiyay HCTV, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu ka baaqday kulamadii loo balansana in laga yeesho gorfaynta iyo xal ka gaadhista xaalada siyaasadeed.


"Waxan kuu caddayn karaa saddexda guddoomiye xisbi qaran oo uu weheliyo musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani, waxay ku balan sanaayeen in wadahadalo xalaada dalka, iyo muruga siyaasadeed iyo halkii looga dhaqaaqi lahaa ay yeeshaan, nasiib daro guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulankaas soo fadhisan waayay" ayuu yidhi Muniir.

Muniir ayaa sheegay in ay ahayd in wadahadalada ay ka qayb galaan saddexda guddoomiye xisbi oo madaxweyne Biixi kamid yahay, mar hadii madaxweynihii soo fadhiisan waayayna ay kulamadii loo balansanaa sidaa ku baaqdeen.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Biixi uu kulamada mucaaradka u igmaday saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye lakin, mucaaradku ay diideen in ay la kulmaan cid aan madaxweynaha ahayn.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip