Xil-wareejinta kadib: Saddex waxyaabood oo laga filayo madaxweyne FARMAAJO

0
Monday May 23, 2022 - 14:15:41 in Wararka by
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xil-wareejinta kadib: Saddex waxyaabood oo laga filayo madaxweyne FARMAAJO

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud oo la doortay 15-kii bishaan May.

Kadib xil-wareejinta maanta waxay dad badan isweydiinayaan tallaabada xigta ee uu qaadi doono Farmaajo, waxaana muuqata in dhegta loo taagayo mustaqbalka madaxweynihii hore iyo waxyaabaha hadda la gudboon.

Haddaba waxaa eegayna saddex waxyaabood oo kamid ah waxyaabaha sida gaarka ah looga filayo madaxweynaha xilka ka dagay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dal joog mise dibed joog?

Waxaa la xasuusta in Farmaajo durbadiiba uu aaday qurbaha markii uu toban sano ka hor laga wareejiyay xilkii Ra’iisul Wasaaraha, inta uusan noqonin madaxweyne, waxayna xiligaan taageerayaashiisa is-weydiinayaan halka uu dagi doono.

Madaxweynihii hore waxa shantii sano ee u dambeysay hoy uu ahaa madaxtooyada Villa Soomaaliya, isagoo hayay xilka ugu sarreeya dowladda federaalka, balse hadda waxa qasaba in uu meel ka baxsan dago.



 
 

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa xaqiijiyay in Farmaajo uu dagi doono dalka gudihiisa oo uusan dibada u socon, sida kal hore dhacday.

Sida lagu soo waramayo waxa uu kireystay guri ku yaalla waddada u dhaxaysa isgoyska KM4 iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, halkaas oo deegaan u ah madaxdii hore ee dalka iyo kuwa hadda jooga qaarkood, waana goob amnigeeda uu adag yahay.

Mucaarad mise muxaafid?

Tan iyo markii la doortay madaxweyne cusub ee dalka, waxa uu Farmaajo ku cel-celiyay in uu la shaqeyn doono, si loo dhaqaajiyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla dowladda cusub.

Sidoo kale Afhayeenka madaxweynihii hore ayaa sheegay in aysan qorshaha ugu jirin xiligaan Farmaajo in uu mucaarid ku noqdo dowladda cusub iyo madaxweynaha cusub.

"Qorshaha marna kuma jirto wax mucaarad ah iyo wax arrimahaas ku saabsan, muhiimaddu waxay tahay in sidii uu markii horeba madaxweynuhu ku baaqay uu barbar istaagayo dowladda cusub iyo madaxweynaha cusub,” ayuu yiri.

Marka laga imaado hadalka Afhayeenka madaxweynihii hore si dhab ah looma xaqiijin karo in Farmaajo uu waqti siin doono madaxweynaha cusub iyo in uu durtaba bilaabi doono mucaaradnimo, waxaana lagu tilmaami karaa qodobka ugu wayn ee sharraxaaddiisa laga sugayo Farmaajo.

Ka shaqeysiinta xildhibaanimo

Waxyaabaha laga filan karo madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa kamid ah in uu kasoo muuqdo hoolka shirarka ee Baarlamaanka, si la mid ah xildhibaannada kale lasoo doortay.

Sida ku xusan dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya, qof walba oo noqda madaxweyne rasmi ah oo aan ku-meel gaar ahayn waxa uu xaq u yeelanayaa inuu xubin joogto ah ka noqdo baarlamaanka federaalka, gaar ahaan Golaha Shacabka, taasi oo ah xubin sharafeed.

Farmaajo ayaa noqonaya madaxweynihii labaad ee xiligaan xubin sharafeed ka noqda baarlamaanka, ayada oo shantii sano ee lasoo dhaafay uu Madaxweynaha hadda la doortay ahaa xildhibaanka kaliya ee haystay kursiga joogtada ah ee baarlamaanka.

Si kastaba, haddii uu soo xaadiro Golaha Shacabka waxay noqon doonta markii u horeysay ee isagoo xildhibaan caadi ah uu halkaas tago, hase yeeshe lama oga goorta uu bilaabi doono inuu xildhibaannimadiisa dhaqan-geliyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip