ROOBLE oo ka dhabeeyay GO'AANKII uu ka qaatay siyaasadda Imaaraadka

0
Wednesday January 19, 2022 - 07:29:31 in Wararka by
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ROOBLE oo ka dhabeeyay GO'AANKII uu ka qaatay siyaasadda Imaaraadka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u muuqda inuu ka dhabeynayo siyaasadda cusub ee uu shaaciyey inuu ku wajahayo arrimaha dibedda, gaar ahaan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa dhawaan shirkii Golaha Wasiirada ka shaaciyey in marnaba aysan suurta-gal aheyn in Soomaaliya ay colaadiso dalal kala dhaxeeyan dano badan, islamarkaanaaysan si gaar ula macaamilin dal gaar ah, kuwa kalena aysan fogeyn, ayada oo xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso sida uu sheegay siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa timid kadib amrkii uu Ra’iisul Wasaaraha dib u soo celiyay xiriirka Soomaaliya ee dowladda Imaaraadka Carabta, uuna ka raali-galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, isagoona u ballan-qaaday in dib loogu wareejin doono.

Is-bedelka siyaasadda arrimaha dibedda ee uu qaatay Rooble ayaa si rasmi ah u dhaqan-galay, ayada oo shalay xukuumadda ay cambaareysay weeraro ay Xuutiyiinta ku qaadeen magaalada Abu Dhabi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka kusheegay in dowladda federaalka ay si kulul u cambaareyneyo weeraradaas oo ay fulisay kooxda Xuutiyiinta oo adeegsatay diyaarado drone oo qaraxyo xambaarsan.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka argagaxiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

     Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tacsi u dirayaan qoysaska ay dadkooda ku dhinteen weeraradaas, kuwa dhaawaca ahna ay u rajeynayaan caafimaad deg-deg ah.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda,” ayuu sii raaciyey wasiir Cabdisaciid.

Xukuumadda ayaa ka hor warka kasoo baxay shalay waxay inta badan ka gaabsan jirtay arrimaha Imaaraadka Carabta, ayada oo ay ugu wacan tahay in Farmaajo uu xiriirka Imaaraadka ka door-biday kan Qatar, oo ah dal inta badan aanay waxba kala dhaxeyn Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa shalay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Al-Muwallad ayaa waxay dowladda Sacuudiga u soo magacowday bilowgii ishii October ee sanadkii 2021-ka, muddo kadibna Wasaaradda arrimaha dibadda gudaheeda ayaa shalay si rasmi ah looga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo.

Imaaraadka iyo Sacuudigaba waa laba dal oo Farmaajo u colaadiyey Qatar darteed

Tallaabadan ayaa ka dhigan in uu fulay go’aankii Rooble ka qaatay xiriirada dibada ee Soomaaliya, oo markii hore madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu qaar ku fogeeyay, kuwa kalena uu ku soo dhaweystay.

ROOBLE oo ka dhabeeyay GO’AANKII uu ka qaatay siyaasadda Imaaraadka

                XIGASHO:-CAASIMADDA.NET




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip