NEWS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Jowhar
Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo xubnihii la socday ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar Wasiiro iyo xidhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wasiirka Gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildhibanaada baarlamaanka ayaa deegaan doorashadeeda waxa uu tahay magaalada Jowhar iyadoo kursiga ay ku fadhidana uu ka mid yahay kuraasta dhawaan guddiga doorashada Hirshabelle ay ku dhawaaqeen kuwaasoo lagu dooranayo magaalada Jowhar.
"Waxaan ku faraxsanahay in deegaan aan aqaan oo aan ku dhashay,waalidkey ku dhasheen carruurteydana ku dhalatay aan soo gaaro waan u mahadcelinayaa dadka isoo dhaweeyay.”ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.
Waxaa lagu wadaa in dhawaan lagu qabto doorashada ilaa 11 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka.
NEWS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Jowhar
....