Puntland oo shaacisay xilliga la qaban doono doorashada Guddoomiyeyaasha Saddex degmo

0
Tuesday January 18, 2022 - 21:21:59 in Wararka by
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo shaacisay xilliga la qaban doono doorashada Guddoomiyeyaasha Saddex degmo

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta maamulka Puntland ayaa ku amartay Guddoomiyaasha Gobolada Nugaal, Bari iyo Karkaar iyo dhammaan Xubnihii 25kii October 2021 loo doortay Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl in Wasaaraddu u asteysay fariisinta Goleyaasha 3da Degmo iyo qabashada doorashada Guddoomiyaasha Degmooyinka 27 January 2022, saacaddu markay tahay 8:00am ama labo saac oo subaxnimo.

Wasaaraddu waxay ku wargelinaysay dhammaan inta fariintaani ku socoto in si waafaqsan sharuucda Puntland Wasaaraddu fududeyn doonto:

     1. In fadhigaas lagu dhaariyo Xubnaha Goleyaasha Deegaanka ee la doortay sida ku cad *Qodobka 22aad ee Sharciga Lambar 7.*

2. In isla fadhigaas Gole kasta iska dhex doorto Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen iyadoo la raacayo habraaca doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland ee ku xusan *Qodobka 29aad ee Sharciga Lambar 7.*

3. Markii doorashadu dhacdo waxaa mar kale la dhaarinayaa Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka la doortay.

4. Fadhiyada Goleyaashu waxay ka kala dhacayaan: a) Hoolka Beeyada ee Qardho; b) Hoolka Dowladda Hoose ee Ufeyn; b) iyo Hoolka Dowladda Hoose ee Eyl. FG. Wasaaradda ayaa idin la soo wadaagaysa haddii goobta lagu qabanayo fadhiga Goleyaasha wax iska badalaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip