Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Qarax Ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay

0
Tuesday January 18, 2022 - 19:40:50 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Qarax Ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wasiirka Gaashaandhigga JFS ayaa cambaareeyey qarax maanta lala eegtay meel u dhow Xerada Ciidanka Nacnac oo ay ku dhinteen dad Shacab ah.

War kasoo baxay Wasiirka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay weerarkaasi ayna qaadi doonto tilaabooyin lagu xaqiijinaayo ammaanka.

 

Warka Wasiirka ayaa siddaan u qornaa

"Waxaan cambaareynayaa falka wushuushnimadda ah ee argagixsada ay ku dhibaateeyeen shacab aan waxba galabsan oo ku sugnaa goob maqaayad ah.

Waxaan Allah (SW) uga baryayaa in uu Janada ka waraabiyo intii ku shahiidday, caafimaad deg-deg ahna siiyo intii ku dhaawacantay.

Dowlad iyo shacab, waxaa lagama maarmaan ah inaan u istaagno sidii aan isaga qaban laheyn cadowgaan arxanka daran”

4 Qof ayaa dhimatay ku dhawaad 10 kalana wey ku dhaawacmeen kadib Markii Qof Xiran Jaakadda Qaraxa uu isku dhex qarxiyay dad ku Shaahayay Maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Xero Nacnac Dagmada Wadajir ee Muqdisho Muqdisho.

Dadka dhintay iyo ku dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaallada Muqdisho waxayna u badnaayeen dhalinyaro




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip