Xisbiga Waddani oo u jawaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

0
Tuesday January 18, 2022 - 19:44:29 in Wararka by
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani oo u jawaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, oo ka jawaabay wadahadalka uu Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya, arrimaha midnimada Somaliland iyo Soomaaliya kala yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Ingiriiska, ayaa ugu usoo jeediyay in uu ka shaqeeyo nabadaynta Soomaaliya.

 
Batuun ayaa sheegay in Somaliland ay caalamka kula doodayso dimuquraadiyada ay gaadhay, doorashooyinka iyo dareenka ay shacabkeedu ka qabaan in ay aqoonsi hesho.


"Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya waxa aan leeyahay, Somaliland socotay, duniduna waxa ay ka doodaysa doorashooyinkeedi mucjisada ahaa, dimuquraaddiyada ka hana qaaday iyo dareenka dadkeedu ku rabaan ictiraaf ay caalamka ka helaan," ayuu yidhi Batuun

"Adiga iyo Xukumaddaada uma taalo xasarad iyo xadgudub aad u geysaneysaan xuquuqda Somaliland caalamka ku leedahay".

Batuun ayaa wasiirka usoo jeediyay in uu ka shaqeeyo nabadgalyada Muqdisho, "Waxa idinla gudboon inaad xasiloonida Xamar ka shaqeysaan oo aad ilaalisaan nafaha qaaliga ah ee shacabka sharafta leh ee aad cashuurtooda huteellada ku cuntaan ee aan adeeg dawladdeed iyo Amni taam ah idinka hellin."

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali oo khadka telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Ingiriiska Vicky Ford, ayaa kala hadlay arrimaha midnimada Somaliland iyo Soomaaliya, xili maanta Baarlamaanka Ingiriisku yeelanayo dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip