Warar dheeraad ah :-Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
....
Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah o laga helaayo goobta uu ka dhacay makhriminadii maanta Qarax xooggan oo jugtiisa si weyn looga maqlay Degmooyinka Muqdisho ayaa kaasoo ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolkani Banaadir,waxaana wararku sheegayaan in
4 Qof ay ku dhimatay iyadoo tiro ku dhawaad 10 kale ahina la sheegay in ay ku dhaawacmeen ka dib Markii Qof Xiran Jaakadda Qaraxa uu isku dhex qarxiyay dad ku Shaahayay Maqaayad ku taalla ka soo horjeedka Xero dad tababarka ciidmada ee Nacnac ee ku taala Dagmada Wadajir ee Magaalda Muqdisho Muqdisho.
qaraxa ka dib ayaa waxaa halkaa gaaray Gaadiidka Gurmadka Dag dagga ah iyo ciidamada Booliska Soomaaliya iyagoo goobtaasi uu haatan ka socinaayo gurmad loo sameyanayo dhibanayaasha ku waxyeeloobay .
Wixii faahfaahin intaa dheer kala soco wararkeena dambe insha allaah..www.mogtimes.com
Warar dheeraad ah :-Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
....