DF oo la hadashay UK, xilli laga cabsi qabo inay aqoonsato Somaliland

0
Tuesday January 18, 2022 - 17:37:16 in Wararka by
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DF oo la hadashay UK, xilli laga cabsi qabo inay aqoonsato Somaliland

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta khadka telefoonka wada-hadal kula yeeshay Wasiirka arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska, Vicky Ford.

Labada Wasiir ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-banaanida Qaran-nimo ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxay wada-hadalkooda diiradda ku saaree kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa dhankiisa uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Sida ay sheegtay in ay  ogaatay Caasimada Online, wada-hadalkan deg deg ah ee Cabdisaciid iyo Vicky Ford ayaa yimid kadib markii xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka UK ay markale bilaabeen olole ictiraaf loogu raadinayo Somaliland, oo ayadu ku dooda inay tahay dal madax-banaan.

Xukuumadda Britain ma aqoonsano gooni isu taagga Somaliland, mana jiro rabitaan ku aadan arrintaas sida ay marar badan sheegtay, oo ay ugu dambeysay bishii November 2021-kii oo ay Vicky Ford, oo ah wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika ay cadeysay in UK ay Somaliland aqoonsan doonto oo keliya marka ay go’aan noocaas ah gaaran Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrikaanka ah.

 

Somaliland ayaa inta badan ku bixisa dhaqaale badan sidii ay uga miro-dhalin laheyd qadiyada gooni isku-taaga, hase yeeshe Soomaaliya ayaa isku deygaas wiiqda, ayada oo ay ugu dambeyso tallaabada maanta ee ay UK u gaarsiiyeen ilaalinta midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.

DF oo la hadashay UK, xilli laga cabsi qabo inay aqoonsato Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip