HALKAAN KA KAHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH AXAD 16-KA JAN. 2022-KA
Wararkii U Dambeeyay Ee Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya
Shalay oo ay taaiiqdu tahay 15ka bisha Janaa yo ayaa ku beegan maalinta koowaadafartan berri oo loo qorsheeyay in lagu soo gabagabeeyo door ashada xildhibaanada golaha shacabka.
Illaa 241 xildhibaan ayaa la doonayaa in mudadaan lagu soo doorto iyadoo aysan jirin doorasho Shalay ka dhacaysa guud ahaan dalka.
Hase yeeshee magaalada Baydhabo ayaa wa xaa ka bilaabanaya Shalay diiwaangelinta shan kursi oo la shaaciyay in toddobaadkan lagu dooran ayo magaalada Baydhabo.
Maamul goboleedyada Galmudug,Jubbaland, Koofu rgalbeed iyo xildhibaanada gobolada waqooyi ayaa hore u bilaabay oo soo doortay xildhibaano ka mid ah golaha shacabka halka maamulada Hirshabe lle,beelaha banaadiriga iyo Puntland aysan weli ka bilaaban doorashada.
Si kasta ha ahaatee guddiga doorashada heer federal ayaa lagu wadaa inay Shalay magaalada Muqdisho ku doortaan guddoon cusub ka dib markii dhawaan ay xilka ka qaadeen gudoomiyihii guddiga asi Maxamed Xasan Ciro.
Dowlada Maraykanka ayaa ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonto cida ay u aqoonsato inay carqaladeyneso doorashada waxayana ku boorisay dowlada federalka inay soo gabagabeyso doorasha da dalka xilliga ay isku raaceen golaha wadatashiga qaran oo ku eg 25 febraayo 2022.
wararkii u dambeeyay ee doorashada golaha shacabka soomaaliya
Guddiga doorashada heer federaal oo Shalay doortay guddoomiye cusub
Muuse Geelle Yuusuf ayaa ku guuleystay doo rashada Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT) ee Shalay ka dhacday mag aalada Muqdisho. Muuse Geelle ayaa helay 14 cod, halka murashaxii la tartamayey ee Cabdiraxim Cabdicasiis Aadam uu helay 11 cod, kadib loolan maalmo socday oo xulufo siyaasad eedyo lama filaan ah ay ku abuur meen.
Muuse Geelle, oo guddiga ka soo galay dhanka Puntland, ayaa waxa uu taageero ka he lay xafiiska ra’iisul wasaare Ma xamed Xuseen Rooble, iyo xub naha guddiga kasoo galay dhanka Puntland iyo Jubaland.
Murashax Cabdiraxiim ayaa isna taageero ka haystan madaxtooyada Soomaaliya iyo maamull ada taabacsan sidan Koonfur Galbeed. Waxaa si doo kale taageerayey qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.
Waxay aheyd markii u horeysay ee Musharax iinta ay ku kala aragti duwanaadaan doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT, ayada oo ay laba dhinac ugu kala jabeen doorashadan, oo qaarkood ay ku aragti ahaayeen Villa Somalia.
Murashaxiinta qaarkood ayaa u diidanaa Muuse Geelle inuu aad ugu dhow yahay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, balse waxaa mu uqata in Deni uu ka adkaaday xubnihii kasoo horje eday.
Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Max amed Xasan Cirro ayaa xilka laga qaaday 25-kii December kadib markii lagu eedeeyey inuusan dhex-dhexaad ka aheyn arrimaha doorashada, ku na xiran yahay Villa Somalia.
Doorashada Muuse Geelle ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatay ra’iisul wasarae Rooble, kagana adkaaday Farmaajo, ayada oo guddiga uu hadda si buuxda uga baxay gacanta Villa Somalia.
Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Guushii Gud doo miyaha Cusub Ee Guddiga Doorasho oyinka
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Guddo omiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf oo Shalay loo door tay xilka Guddoomiyenimo ee Guddigaas.
Xasan Sheekh oo Qoraal soo saaray ayaa wax aa uu Alle uga baryay Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo door tay, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii Shalay ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.Wuxuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh u rajeeyay Gud doomiyaha cusub inuu Guddiga doorashooyinka he er Feder aal ku hoggaamiyo hirgalinta doorasho huf an oo la isla oggolyahay, isla markaana waxa uu ku baaqay in la garab istaago.
"Hambalyo guddoomiyaha cusub ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Geelle Yuusuf. Alle ha u fududeeyo mas’uuliy adda loo doortay. Wax aan u rajeyna yaa in uu guddiga ku hoggaamiyo hirgalinta doora sho hufan oo la isla og golyah ay. Dhammaan qeybaha bulsha da waa in ay ku garab istaagaan xaqiijinta hadaf kaas wayn” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiye Muuse Geelle oo doorashadii Shalay helay 14 Cod ayaa horey u soo noqday Guddoomiy ihii KMG-ka ee Guddiga doorashada, waxaana ha atan uu bedelayaa Guddoomiyihii hore ee Guddig aas Maxamed Xasan Cirro oo xilka qaadis lagu sameeyay.
Gobolka Banaadir oo ku dhowaaqay go ’aan uga sii darayo xiisadda taagan
Maamulka gobolka Banaadir oo haatan xiisad ay kala dhexeyso xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, gaar ahaan wasaar adda amniga ayaa ku dhow aaqay go’aan ka le oo uga sii dari karo xiisad da.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobol ka Banaadir, Cali Yare Cali oo shir jaraa’id u qabtay wari yeyaasha ayaa sheegay in cid aanan aheyn maamulka gobolka hadda kadib la gala tacaamuli doonin arrimaha magaalada Muqd isho, gaar ahaan amniga.Cali Yare oo si toos ah weerar ugu qaaday xukuumadda ayaa tilmaamay in inta lagu jiro doora shada uu gobolka Banaadir u ma dax bannaan yahay taladiisa & amnigiisa.
"Inta doorashada lagu jiro maamulka gobolka Ba naadir wuxuu u madax bannaan yahay taladiisa, si yaasaddiisa iyo amnigiisa. Ma jiro qof kale oo arrant aas amniga ku saabsan lagala tacaamuli karo nooc kasta oo ay tahay,” ayuu yiri Cali Yare Cali.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray "Waxaan ula simanahay wasaaradda amniga sida gobollada kale ee Soomalaiyeed, haddii aan waraaqaha was aaradda amniga ka socon karin Boosaaso, Dhuusa mareeb, Jowhar iyo Baydhabo ma jirto sabab cul eys gaar ah loo saaro gobolka Banaadir” ayuu had alkii sii raaciyey guddoomiye ku xigeenku.
Dhinaca kale wuxuu soo dhoweeyey go’aankii kasoo baxay odayaasha dhaqanka ee dib loogu dhi gay dibad-baxii ka dhanka ahaa isku daygii Afgembi ee Farmaajo, wuxuuna sheegay in ka maamul ahaan ay tahay sababta ay uu diideen amniga caasi mada dartiis.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddoo yinkii u dmabeeyey ay hadallo kulul warbaahinta is ku marinayeen madaxda gobolka Banaadir iyo was aaradda amniga oo horay u shaacisay inay iyadu fasaxday dibad-baxa nabeed ee haatan dib loo dhigay. Si kastaba, haddii uu sii socda dagaalkan siyaasadeed ayaa saameyn kara amniga caasima da iyo wada-shaqeynta xukuumadda & gobolka oo ku xiran Villa Soomaaliya
Rooble iyo Saciid Deni oo dharbaaxo siyaa sadeed ku dhuftay isbaheysigii Farmaajo, Mucaaradka iyo Lafta-gareen
Shalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhac day doorashada guddoonka guddiga doorashada heer Federal oo ka kooban 25 xubnood, kuwaas oo guddoomiye cusub u doortay Muuse Geelle Yuusuf ka dib markii xil ka qaadis lagu sameeyey guddoo miyihii hore Maxamed Xasan Ciirro.
Doorashada dhacday Shalay ayaa kaliya ku koobneyd xilka guddoomiyaha maadaama aan xilkii laga qaadin ama uusan is-casilin guddoomiye ku xigeenka guddigaas Mowliid.
Doorashada Shalay ayaa waxaa kasoo ifbaxay xulafooyin siyaasadeed lama oo lama filaan ah, ayada oo ay isku dhinac noqdeen kooxo aan la fil eyn, halka kuwa saaxiibo dhow ahaana ay ku kala tageen.
Hoggaanka guddigan oo ah mid muhiim u ah doorashada Soomaaliya ayaa ku loolamay laba musharax oo taageeri ka kala helayey dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.
Doorashadan ayaa waxaa markii ugu horreysay ay isku xulufo ka dhigtay Farmaajo, qaar ka mid ah mucaaradka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, halka ra’iisul wasaare Rooble iyo Saciid Deni ay dhinac noqdeen.
Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay dhanka Puntland, ayaa waxa uu taageero ka helay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo Saciid Deni, halka murashax Cabdiraxiim uu taa geero ka haystay madaxtooyada Soomaaliya iyo qa ar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.
Ugu dambeyntii waxaa tartanka ku guuleystay Muuse Geelle Yuusuf oo ah musharixii ay wateen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo ma daxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ka dib markii uu helay codad gaaraya illaa 14 cod.
Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadan oo dadka badi ay u yaqaanaan Xiirane oo lasoo shaqeeyey xafiis ka ra’iisul wasaare Rooble, wasaaradda Gargaarka iyo hey’ado madax banaan ayaa isna helay 11 Cod, wuxuuna ahaa musharixii ay wateen Villa Somalia, madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka.
Xubnaha qaar ee gudigaan ku jira oo la hadlay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inay Habeen hore arke en xubnaha Farmaajo iyo kuwa macaaradka oo si wadajir ah ugu ololeenaya Cabdiraxiim Xiirane.
Ma cadda sababta ay mucaaradka uga soo horjeest een musharaxa uu watay Deni, balse wax aa la rum eysan yahay inay diidan yihiin in awoodda guddiga ay si buuxda ugu gacan gasho Deni oo ah musha rax madaxweyne.
Waxaa sidoo kale suurta-gal ah inay taageera da Cabdiraxiim ay doonayeen inay ugu dhowaada an madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis La fta-gareen oo watay musharaxan.
Muuse Geelle Yuusuf oo madax kasoo noqday Gobolka Bari waxaa loo arkaa inuu wax badan ka tari karo musharaxnimada Saciid Deni oo kamid ah musharixiinta ugu cad cad sanadkaan.
Guuldarada soo gaartay Villa Somalia iyo xula fad eeda ayaa ka dhigan in maamulka guddiga door ashada heer federaal uu la wareegay Rooble oo xoogiisa isugu geeyey sidii uu u maamuli lahaa
doorashada.
WAA KUMA MUUSE GEELLE, GUDDOOMIYA HA CUSUB EE GUDDIGA DOORASHADA DALKA?
Guddiga Hirgelinta Doorashooyin ka Heer Federaal (FEIT) ee Soomaaliya oo Shalay qabtay doorasho ayaa waxaa lagu doortay guddoomiye cusub.
Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Muuse Geelle Yuusuf (Far oole), kaddib markii dhowa an xilka laga qaaday guddoomiy ihii gud dig aas Maxamad Xa san Cirro.
Khilaaf ayaa beryahan ka dhex taagnaa guddiga markii xilka laga qaaday Cirro, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha guddi gaasna ay ka soo horjeesteen xil ka qaadistaas.
Laboxubnood oo kamid ah guddiga ayaa isu shara xay qabashada xilka guddoomiyaha, waxaana la sheegay inuu jiray loollan adag oo ka imaanayay dhinacyada siyaasadda, oo ay ugu xusul duubaya an sida ay u soo saari lahaayeen musharraxa ay taage erayaan.
Faroole ayaa helay 14 cod halka Cabdicasiis Ca bdiraxiin Aadan oo la tartamayayna uu helay 11 cod sida ay ku dhawaaqeen Guddiga qabanqaab ada.
Waa kuma Muuse Geelle Yuusuf (Faroole)?
Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) ayaa xilal dhowr ah hore u soo qabtay, isagoo xilalka intooda ka badan ka soo qabtay maamul-goboleedka Puntland.
Dhowaan wuxuu ahaa guddoomiyaha ku meelga arka ah ee Guddiga Girgelinta Doorashooyinka Qar anka.
Sanadkii 2006 waxaa loo magacaabay guddo omiyaha gobolka Bari, Puntland, xilkaas oo uu sa nado hayay.
Wuxuu sidoo kale soo noqday duqa magaalada Boosaaso.
Sanadkii 2013 wuxuu ahaa wasiir ku xigeenkii Was aaradda Kalluumeysiga Puntland.
Wuxuu ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha Puntland
Bishii July ee sanadkii hore ayay ahayd markii doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho xilka guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dederaal loogu doortay Maxamed Xasan Cirro.
Cirro ayaa markaas ku soo baxay wareegga labaad ee doorashada halkaas oo uu ka helay 14 cod, halka Liibaan Maxamed Xasan oo la tartamayay uu helay 10 cod.
Guddigan ayaa hoggaamin doona doorashada la filayo iney dhowaan ka dhacdo Soomaaliya.
Magacaabidda guddoomiyaha cusub ee guddigan ayaa ku soo aadeysa iyadoo is qabqabs iyo muran uu ka taagan yahay habraaca doorashada.
Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlama anka ayaa lasoo gabogabeeyay mar dhow halka Golaha Shacabkana ay wali socoto, inkastoo ay jire en dhaliillo iyo cabashooyin hareeyay hannaan ka uu kormeerka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Rooble.
Habraaca hadda jira ayaa u muuqda mid maam ulkasta uu u fasirtay sidii uu doonayay, islamarkaas na waafajiyay natiijadii uu doonayay in ay doo ra shada kasoo baxdo, waxaana tusaale weyn ah hab ka xulista ergada iyo xaqiijinta tartan daah furan oo qof kasta oo danaynaya uu musharax noqon ka ro, taas oo aanan meelo badan ka dhaqangalin.
Caqabadaha ay tahay in xalka loo helo ee dhinaca habraaca waxaa ka mid ah soo xulista ergooyinka iyo musharraxiinta kuraasta Golaha Shacabka.
Guddiga doorashadaXigasho:Caasimadda.Net
Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Faroole oo jawaabo kulul is-dhaafsaday
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka wada tirsanaa guddi siyaasiyiin iyo odayaal mag aalada Boosaaso u tegay xalinta dagaalkii ka dhac ay ayaa haddalo isu mariyey Baraha bulshada. Labadan siyaasi oo kasoo jeeda Puntland, kana mid ahaa senatooradii Baarlamaankii 10-aad ayaa, isaga hor yimid qaabka loo xalinayo xaaladda M/ Bo osaaso oo dagaal ku dhex maray ciiimada maam ulka Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF ee uu hogga amiyo Maxamuud Cabdullaahi Diyaano.
Isku dhaca labada oday ayaa kasoo bilowday Ba yaan ay Boosaaso kasoo saareen Siyaasiyiinta Ca bdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas, Guddoomiy aha Golaha Wakiilada Puntland iyo Cumar Cabdir ashiid oo looga horjeeday go’aanno kasoo baxay Isi mada Gobolka bari oo la safta dhinaca agaasimihii hore ee PSF.
Cumar Cabdirashiid ayaa iska fogeeyay bayaan kaasi, kuna sheegay inuusan waxba kala socon, wax talo hana ku lahayn, taasoo ka careysiiyay C/raxmaan Faroole oo ku eedeeyay Cumar C/rash iid inuu ka mid ahaa guddigooda, laguna wargeliyay bayaanka.
"Waxaan caddaynayaa inaan la igala tashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo had allada uu xambaarsanaa. Boosaaso dhibka soo ga adhay xal iyo baaq nabadeed keliyaa u dan ah,” ay uu Cumar Cabdirashiid ku yiri qoraalkiisa
Cabdiramaan Faroole oo magaalada Qardho ka hadlay ayaa sheegay in Cumar uu markii hore ka te gay iyadoo ay doonayeen inuu la joog, kadibna uu qoraalkoodii war kasoo daba tuuray oo ah fahmi la’ yihiin ujeedkiisa, wuxuuna beesha uu kasoo jeedo kula taliyey inuusan siyaasad danbe soo doonan.
"Cumar baan idiinka dacwooneynaa, Cumar ama dadka ku soo dara ama siyaasad dambe yuu ka ha dlin, isagoo Prime Minister raadinaya yaan la arkin,” ayuu Qardho ka yiri Faroole.
Arrintaan waxay soo jiidatay jawaab kale oo ka timid Cumar C/rashiid, taasoo u muuqatay inay ku socotay C/raxmaan Faroole oo uu ku sheegay inuu san dhexdhexaad ka ahayn arrinta Boosaaso.
"Wafdigii Boosaaso qabtay waxay ka koobnayen marjac, Isimo iyo mid Siyasadeed. Wafdigii Isimada ee nooga fara dhuubnaa arrinka daraf kama noqon mowqifkii Isimada Bari ay qaateen, sidoo kalena ma rjaca Siyasadeed inuu dhexdhexaad ku ekaado ayey ahayd si Berri xalka ay usoo dhaweeyaan,” ayuu qoraalkiisa jawaabta ahaa ku yiri Cumar Cab dirashiid.
Odayaashii siyaasiyiinta ahaa ee Puntland ayaa hadda ku kala qeybsamay xalinta xaaladda Boosa aso, iyadoo markii hore ay Isimadii ku kala qeybsa meen, waxayna Arrinta Boosaaso noqotay mid xal keedu mugdi sii galay.
HAMBALYADEEDII MEHERKA OO TACSI ISKU BEDASHAY
Allaha u naxariistee waxaa Shalay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ka hor mehe rkeedii ku geeriyootay Faadumo Cismaan Aadan, waxaana wada kulmay waqtigii farxadda arooskee da iyo geerida naxtinta leh ee ku timid marxumada.
Faadumo ayaa Shalay loo ballansanaa meher ka iyada iyo Khaalid Maxamed Maxamuud, hase ahaatee waxaa ku soo booday xanuun deg-deg ah oo ay u geeriyootay, isla Shalay, sida ay xaqiijiyeen ehellada marxuumadda, waxaana meherka uu isku beddalay tacsi. Axmed Karaama oo ka mid ah asa xaabta Faadumo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay inuu meherkeeda uga yimid dalka dibaddiisa, balse uu Shalay joogo tac sida walaashiis oo uu u yimid inuu kala qeyb-galo maalinta farxadda ee arooskeeda.
"Walaashay, isla hadda ayaan u sii lebbistay sidii aan uga qaybgeli lahaa meherkeeda oo ku bee gnaa isla Shalay. Anigoo waddanka ka maqan ay ay igu odhan jirtey ii soo dhakhso walaal aad ila jog tid maalinta farxadayda e. Waan ka xumahay inaan Shalay u joogo geerideeda. Walaashay waxaa si lama filaan ah ugu soo booday Faalig,” ayuu yiri Karaama.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray "Qoraalk an waxaan soo qorey iyada oo ay gacmaha iyo wad nuhuba i gariirayaan wallaahi. Ma aqaan waxaan ku sifeeyo dareenkayga,”.
Dhacdadan murugada leh ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada ay ku wada xiriirto ee Int ernet-ka, waxayna dadku aad u faafiyeen tacsida marxuumadda iyo geerida naxtinta leh ee ku timid, maadaama ay noqotay dhacdo xanuun badan oo murugo xambaarsan.
Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ah dhalinya rada istimaasha Fecebook-ga oo ka hadlayey dhac dadan ayaa sheegay in geerida Faadumo ay tahay mid xanuun badan, isla-markaana ay si gooni ah u taabatay.
"Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun, Alle ha u naxariisto marxuumadda, wlhi inaan garahayn geeri aan maqlo oo ka xanuun kulul maqalkeeda waaya dan,” ayuu yiri Maxamed.
Sidoo kale gabar lagu magacabao Xafsa Duca ale ayaa dareenkeeda kusoo koobtay waa "Dhacdo murugo leh iyo Qadar Alleh,”.
Tani ayaa ah cibaaro, waana dhacdooyin marar ka qaar dhaca, waxaana dhowr bilood kahor sidan oo kale ay ka dhacdey Jigjiga, kadib markii caruus meherkiisii laga soo dareeray uu geeriyoodey, ka dagaal markii uu la rogmaday baabuur uu la socday oo markaas shil galay.
Jaamacadda Ummada Oo Shalay Ay Ka Qalinj ebinayaan 45 Arday Oo Dha maysatay Waxbara shada Saxaafada
Inkabadan 40 arday oo dhammaystay heerka 1aad ee Jaamacadda oo bartay aqoonta Saxaafa dda ayaa Shalay ka qalinjebineysa oo ay Jaamaca dda Ummadda Soomaaliyeed ee M/Muqdisho.
Waa dufcaddii ugu horraysay oo muddo 30 sann adood ka badan Jaamacadda Ummadda ka qal injabinaaya iyaga oo bartay Saxaafadda.
Waxa ka mid ah, arday isaga oo Kulliyadda Saxaa fadda dhigta ay dagaalladii sokeeya ka bilaabmeen Muqdisho, ka dibna sidaas ku waayay fursaddiisii waxbarasho.
Markii Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda dib loo furay sannadkii 2017kii ayuu mar kale Jamaacadda ku soo biiray.
Muddo 30 sannadood ah ka dib, hadda waxa uu diyaar garoobayaa in uu qalinjabiyo.
Jaamacadda Ummadda ayaa ah Jaamacaddan kali ya ee ay maamusho dawladda Soomaaliya ardayd una ay wax ku bartaan lacag la’aan.
Qaar ka mid ah ardayda ka qalinjabiyay Jaamac
adda ayaa fursado deeq waxbarasho ah ka helay dalka Talyaaniga sannadihii ugu dambeeyey.
Madaxweynaha Hirshabelle oo lagu soo dhaweeyay Jowhar
Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Shalay dib ugu laabtay Magaalada Jowhar, ka dib toddobaadyo uu ku sugnaa Caasimadda Mu qdisho.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa 28-kii bishii December soo gaaray Magaalada Muqd isho, isagoona kaga qaybgalay Shirka Golaha Wad atashiga Qaran, ee looga hadlayay dardargelinta iyo dhameystirka ee doorashooyinka dalka.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si diiran loo gu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Maxa med Dheere ee Magaalada Jowhar.
Dib ugu laabashadiisa magaaladaasi ayaa qayb ka ah dardargelinta Doorashada Xildhibaanada Go laha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Xarumo Ay Leedahay Shirkadda Hormuud Oo La Duqeeyay Iyo DF Oo War Ka soo Saartay
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa shaaca ka qaaday inay soo gaartay in la duqeeyay Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Maamulka Jubbaland.
War-saxaafeed kasoo baxay Wasaaradda Gaa shaandhigga ayaa lagu sheegay in dowladda Soo maaliya ka xun tahay falka lagu duqeeyay Xarum aha Hormuud, waxaana tacsi loo diray Shirkadda oo duqeynta kasoo gaartay waxyeelo burbur ah.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay xiriir la sameeyneyso Ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee do wladda Soomaaliya ka taageera ho wlgalada amniga, si dowladda ula wadaagto dareenkeeda, loona ogaado sababta loo duqeeyay Xarumaha Shirkadda.
Sidoo kale Xukuumadda ayaa tilmaamtay in do wladda Federaalka ay baaritaano rasmi ah ku sa meeyn doonto dhacdooyinka soo noq-noqday ee la gu waxyeelaynayo shacabka Soomaaliyeed, iyad oona Wasaaraddu u mahadcelisay saaxiibada ka taageera amniga.
Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhi gga ee xilgaarsiinta laguma sheegin cidda duqeynta u geysatay Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormu ud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Ge do, hayeeshee waxaa loo maleynayaan inay yihiin diyaaradaha Kenya oo dhowr jeer oo hore duqeey ay Xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud.
Hoos ka Akhriso Warka ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay miisaaniyada 2022
Golaha wakiilada Somaliland ayaa Shalay ansi xiyay miisanadiyada xukuumada Somaliland ee san nadkan 2022, oo dhan 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan boqol siddeed iyo soddon shilin).
Kalfadhiga Shalay ee golaha oo ay kasoo xa adi reen 67 mudane, ayaa waxaa ansixiyay 57 xildhib aan, waxaa diiday 6 xildhibaan, waxaa ka aamusay 3 xildhibaan, guddoomiyuhuna muu codayn.
Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada, ayaa miisaaniyada wax ka badal kusameeyay, iyagoo hay'addaha qaarkood u kordhiyay qoondada ay miisaaniyada ku yaalanayaan. Guddida ayaa soo jeedisay in 1 milyan oo dollar lagu kordhiyo lacagta qabashada doorashooyinka sannadkan dhacaya oo 4 milyan markii hore miisaaniyada ugu jirtay.
Sidookale, ciidamada oo ay xukuumadu musha arkooda u kordhisay 20% sannadkan 2022, ayay u gu dareen 10% oo kale taasi oo ka dhigan in 30% mushaarka ciidanka la kordhiyay. Sidookale hay'ad do kale oo dhawr ah ayay u kordhiyeen qoodada miisaaniyada.
Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa iskugu gac an qaaday khilaaf ka dhashay habka loo maamulay ansixinta miisaaniyada iyagoo xildhibannada qaarkood ay ku doodeen in aan si haboon looga do odin oo si duu duub ah lagu ansixiyay.
GALMUDUG oo shaacisay kuraastii ugu ba dneyd ee doorashada golaha shacabka
Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa Xalay shaaciyey liiska 21-kursi oo doorashadooda uu dhawaan qabanayo.
"Guddiga doorashada Galmudug waxuu guda-gela yaa shaacinta odayaasha iyo bulshada rayidka, dii waangelinta iyo tababarrada guddiga xulista iyo Ergada,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu shaaciyey lii skaan.
Liiskaan uu Xalay shaaciyey guddiga doorasha da Galmudug waa tiradii ugu badneyd ee hal-mar uu guddi doorasho shaaciyo, tan iyo markii ay bil aabatay doorashadaan.
15-ka bishan Janaayo oo Sabtidii Shalay ku be egneyd waa maalinkii uu Ra’iisul Wasaare Rooble madaxda dowlad goboleedyada faray in dhamaanto od ay bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.
Wixii ka dambeeyey markii Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii golaha wadatashiga qaranka ee lagu go’aamiyey in doorashada lagu soo afjaro mudo 45 cisho ah, ma jiro dowlad goboleed bilaa bay doorashada, markii laga reebo liiskaan ay Xalay shaacisay Galmudug.
Xog ay heshay Caasimada Online waxay she egeysaa in saacadaha soo socda uu guddiga doora shada HirShabeelle soo saari doono liiska kuraastii u gu horeysay ee xubnaha golaha shacabka ee lag a soo doorto HirShabeelle.
Hoos ka akhriso Liiska kuraasta ay Xalay sii deysay Galmudug
Barakacayaashii ugu badnaa oo gaaray Degmada Diinsoor
Abaaraha baahsan ee laga soo sheegayo qay bo ka mida Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya ayaa saameeyay dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda. Dadkaasi waxaa ka mid ah boqolaal qoys oo abaarta ku xoolo beelay, oo u soo Baraka cay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Maamulka Degmada Diinsoor ayaa sheegay in 300 oo qoys ay maalmihii ugu dambeysay soo gaareen degmadaasi, kuwaa oo halkaasi soo maciin-biday.
Maamulka ayaa sheegay in qoysaskaasi ay ka soo barakaceen tuulooyin hoos-yimaada degmadaasi, ka dib markii ay abaarta ka dilaacday.
Cabdisalaan Xaaji Siidow, Gudoomiyaha Degm ada Diinsoor ayaa sheegay in qoysaskaasi ay ku jir aan dad uu sheegay inay si khasab ah guryahoodii uga soo barakiciyeen maleeshiyada Al Shabaab.
"Waxaa soo barakiciyay dadka meesha joogga ee Al Shabaab, aragtidooda oo ay diideen ayay mal aha u soo barakiciyeen. Hadda wax sabab ah oo ay u soo barakiciyeen, maysan sheegin.” Ayuu yiri Gu doomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa yiri "Dadkaasi, dad xoolo dhaqato ayay ahaayeen oo xoolihii ka dhammaade en, dalagii beerahana muddo intaasi oo sano ah wax ugama soo bixin. Waa dad ay dhibaato ka mu uqato.”
Waxaa uu sheegay inaysan dadkaasi haysan wax agabyo ah iyo raashiin toona, ayna dar xumey san yihiin, inkastoo sida uu sheegay ay dib u dejin u gu sameeyeen dhul bannaan.
"Ma haystaan agabyadii ay guryaha ka samey san lahaayeen, raashiin ma haystaan, wax hadda la dhihi karo way haystaan malaha.” Ayuu yiri Gudoo miyaha oo intaasi ku daray "Waxaan u diyaarinay la ba boos oo degmada ah, labadaasi boos waan xaa qnay oo halkaasi ayaan dib u dejin fiican uga sam eynay. Dadkan waa dadka dhibaateysan, cid kasta oo kaalin ka qaadan karto, haka qaadato.”
Qoysaska faraha badan ee gaaray degmada asi ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli wadooyinka soo gala Diinsoor ay go’doomiyeen maleeshiyada Al Shabaab, iyagoo badeecadaha ka horjoogsaday inay soo galaan.
Somaliya ayaa waxaa abaaraha u sii dheer da gaalka soddonka sano ka socda, fatahaado iyo ko ran-korada ayaxa ee mararka qaarkood cagta ma rinaya dalagyada beeraha.
Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi oo soo bandhigsy odayaasha iyo ergada soo xulaysa 6 kursi.
Iyada oo ay Shalay tahay bilowga xilliga kama dambeysta ah ee loo qabtay doorashooyinka Gol aha Shacabka ayaa Guddiga Hirg elinta Doorasho oyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland waxa ay Shaaciyeen Odayaasha iyo xubn aha Bulshada rayidka ah ee soo xulayaa ergooyinka dooranayo lix kursi.
HOOS KA AKHRISO.
Madaxweyne Deni oo Kulan La Yeeshay Madaxdii Hore ee Puntland
Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Gobolka Nugaal waxaa Habeen hore ka dhacay kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo uu wehliyo ku-xigeenkiisa, Madaxwey na yaashii Hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, C/ wali Maxamed Cali (Gaas) iyo Raisulwaasaarihii Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.
Kulanka ayaa ku saabsanaa Arrinta ka taagan mag aalada Boosaaso, ee u dhexaysa Xukuumadda Pun tland iyo Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano gaar ahaanna Go’a annadii dhowaan ka soo baxay qaar kamid ah Isi mada Puntland oo uu hoggaaminayo, Boqor Burha an Boqor Muuse.
Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay in si isku mid ah loo wajaho Xaaladda magaaladda boosa aso,madaama Raisulwasaarihihi Hore ee Soomaali ya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke uu sheegay in uusan qeyb ka aheyn go’aanadda kasoo baxay Ma daxdii hore ee Puntland ee arinta Magaaladda Boos aaso.
Talisyada Ciidamada Somaliland & dowlad deegaanka oo ka wadahadlay Ammaanka
Taliyeyaasha Booliska Somaliland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoo biya ayaa kulan looga hadlayay xoojinta ammaanka ku yeesh ay magaalo xuduudeedka Jaw aale gaar ahaan dhanka Soma iland.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gu uto maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobi ya Sarreeye Guuto Maxamed Cali Xasan,ayuu kula nkoodu ka mid yahay iskaashiga iyo wada shaqay nta labada dawladood iyo isku xidhka ammaanka labada dal.
Kulankan labada Taliye Yeesheen ayaa ka qabs oomay dhinaca xuduuda Somaliland Geesta kale waxa kulankaas Taliyaasha ku wehelinaayey Safiir ka Dawaladda Itoobiya u fadhiya Somaliland.
2da Taliye ayaa ka wada hadley sidii loo xoojin lah aa ka wada shaqaynta Nabadgalyada iyo iskaashi ga labada Dawladood ee Dhinaca Ammaanka
Taliyaha Boolisku wuxuu soo kormeeray mashru uca beeraha banka wajaale ee ciidanka booliska oo dalagyo badani ciidanka uga soo go’een,dalagyada as oo wax badan ta tari doona dhanka isku filnaan shaha raashinka ee ciidanka booliska Somaliland
Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda
Cabdiraxmaan Xuseen Aadan oo Magaciisa Afg arashada uu yahay ( Amiir Arbac) oo ka Mid ahaa Al-shabab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 60aad ,Wuxuuna Alsh abab ku jirey mudo 2 sano ah isagoo u qaab ilsanaa jab ha da .
Wuxuuna ka soo howlgaley deega nada gobolka Hiiran Isagoo ka qeyb qaatey Dag aalo Dhowr ah oo ka dha cay Deeg anada Gobolka asi.
Cabdiraxmaan ayaa sheegey Sab abta ku Dhalif tey in Alsha bab isaga soo baxo ay tahay ,ka dib Markii aan ar key khila afka dhexdooda Al sha bab ka jira ,Cadaalada darida ,Noolal Xumo ,ku dhaqan ka diinta Islaam ka oo ay ka been sheegeen iyo Dhi baatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri’
’ Dhanka kale Cabdiraxaman ayaa Saaxibadiisa kale ee hada qorsheyneya In isaga soo baxaan Alshabab ugu Baaqey inay Dowladda isku soo dhibaan ay ka mid noqdaan Shacabkooda iyo` Dowladooda.Xigasho:Radiorisala.Com
Dad lagu eedeeyay cunista hilibka dadka oo la xiray
Booliska gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed Nigeria, ayaa sheegay inay xireen afar qof oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen "cunista
hilibka bani’aadamka” iyo ka ganacsigiisa.
Dhacdadan naadirka ah ayaa taliyaha booliska ee gobolka Ayuba Elkanah wuxuu ku sheegay in tuhmanayaasha la soo qabtay kaddib markii ay baarayaashu heleen meydka qaar ka mid ah dad la’laa oo qaybo ka mid ah jirkooda laga saaray.
Eedeysanayaasha oo ay ku jiraan labo nin iyo labo wiil ayaa la xiray todobaadkii hore, sida uu sheegay Taliyaha Booliska, waxaana sidoo kale la baadi goobayaa rag kale.
Taliyaha booliisku wuxuu sheegay in ilaa hadda baaritaanada la sameeyay lagu ogaaday in lacag dhan Shan boqol (oo u dhiganta $1,207) ay ku iibin jireen xubnaha bini’aadamka.
Ku lug lahaanshaha iibinta xubnaha bani’aadamka iyo cunista hilibka maaha wax ku cusub gobolka Zamfara. Balse waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan falalka la xirriira afduubka si ay madax-furasho uga qaataan dadka.
Madaxweynaha Puntland Siciid C/hi Deni ayaa sheegay inuusii wadi doono geeddi socodka dimuqraadiyada Puntland
Madaxweynaha Puntland Siciid C/hi Deni ayaa sheegay iscasilaadii guddoomiya ha guddiga doorashada Puntl and iyo ku xigeenkiisa in aanay hor istaagi doonin geeddi socod ka dimuqraad iya deed ee Punt land.
Md. Deni ayaa qor aal uu la wad aagay beesha caalamka ku sheegay, in Puntland ay sii wadi doonto doorkee da ho ggaamineed ee geedi socod ka dimoqraadiya da, ayna fulin doonto hamigeeda dimoqraadiyadeed
"Dowladda Puntland waxay u xaqiijinaysaa shac abkeeda, iya doo nasiib darro u aragto iscasi laadii guddoonka guddiga doora shada, in ay ka go’an tah ay dhameystirka golayaasha deegaanka ee Qar dho, Eyl iyo Ufayn, si horey loogu socdo,” ayuu yiri Deni oo kulan la qaatay guddiga doorashada Puntl and.
Deni ayaa uga mahad celiyay beesha caalamka taageeradeeda ku aadanayd guusha doorashooyi nkii hordhaca ahaa ee saddexda degmo , wuxuuna shee gay in ay ka go’an tahay hirgalinta doorashoo yinka golayaasha deegaanka ee harsan.
Madaxweyne Deni: Iscasilaadii guddoonka gudd iga doorashada ma horistaagi
Puntland oo isbedal ku sameysay laamm aha Amniga gobolka Bari
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa isku shaandheyn ku sameeyey qaarkamid ah Saldhigyada booliska Boosaaso, Ufeyn & Ceeldaahir. Taliyaasha Saldhigyada ee bedelka lagu same eyey waxaa ka mid ah Saldhiga Booliska Nuur Salaad Boosaaso, Saldhi ga Booliska Baaladde Boos aaso, Saldhiga Degmada Ufayniyo Saldhiga Boolis ka ee deegaanka Ceel-Daahir ee Gobolka Bari.
Sababta
tilaabadaan loo qaaday ayaa ah sidii loo xaqiijin lahaa amm aanka gobolka Barri sidda uu sheeg ay taliyaha qeybta.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo taliyayaasha Bool iska ee la isku bedelay inay dardargeliyaan shaqa da ay u hayaan dadka reer Puntland waxaana uu sheegay inay ka go’an tahay Talis ahaan tayeynta iyo kormeerida Saldhigyada Booliska ee G/Bari
Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle oo shaacin doona kuraastii ugu horreysay
Guddiga doorashooyinka heer maamul gobol eed ee Hirshabeelle ayaa lagu waddaa in ay shaa ciyaan saacaddaha soo socda doorashada 10 kursi oo ka mid ah golaha Shacabka kuwaasoo dhawaan lagu dooran doono magaal ada Jowhar.
Guddiga ayaa saacaddi hii lasoo dhaafay waday la ta shiyo kala duwan oo ay la yeel anaayeen madaxda
Maamulka Hirshabeelle, wa xaana ay kala hadlaa yeen sidii ay u bilaabi lahaaye en doorashada gola ha Shacabka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in 10-ka kursi ee la shaacin doono ay yihiin kuwa ugu adag tartanka xildhibaanada golaha Shacabka ee degaanada ma amulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dib ugu laab tay magaalada Jowhar, iyadoona u jeedada ugu weyn tahay bilaabida doorashada, maadaama hir shabeelle ay ka mid tahay meelaha aan wali laga bil aabin doorashada xildhibaanada golaha Shacabka.
Shalay ayay ku began tahay xilligii ay ku bala meen golaha wadatashiga qaran in ay dardargaliya an doorashada xildhibaanada golaha Shacabka si aysan ugu soo dhameystiraan 40 maalmood oo ka bilaabanaysa Shalay kuna eg 25 February ee soo socota.
Fiqi”
Qoorqoor wuxuu si bareer ah u booba ya kuraasta beellaha”
Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Galm udug Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug in uu ku fashilmay wax ka qabasha da dhibaatooyinka ka tag an maamulka Galmudug.
Wasiir Fiqi ayaa ku eedeey ay Madaxweyne Qoorqoor inuu howlan yahay boobka kuraasta ay leeyihiin beelaha maamulka Gal mudug, taasoo caqabad weyn ku noqon karta deegaanada maamulka Galmudug oo Al-Shab aab bilihii lasoo dhaafay ay ku hayeen weera ro joogto ah.
War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiir Fiqi ayaa siddaan u qornaa:
Galmudug waxay waajahaysaa afar mushkila dood oo waaweyn oo kala ah:
Argagixisada Shabaab oo dhinacyo badan ka soo hareereysay, weeraro joogta ahna soo qaadaysa, kuwaasoo aan kala kulmayn maam ulka wax cadaadis ah.
Ciidamo cabtoy ah oo Qoorqoor Muqdisho ka daabulay oo dhibaato iyo dhaqan xumo ku haya bulshada gaar ahaan magaalooyinka ay ku sugan yihiin ama la geeyo.
Ixtiraam darrada iyo ka Qeylo-siinta odoyaa sha dhaqanka beelaha Galmudug uu ku hayo Qoorqoor oo si bareer ah u boobaya kuraast ooda asagoo fulinaya amaro uu ka helayo koo xda sii dhacaysa ee Villa Somalia, tanoo keeni karta in beeluhu ay aayahooda ka tashadaan.
Iyo ugu danbayn hogaan Qayru-mas’uul ah oo u muuqda in loo keensaday boob doorasho ka asoo aan wax dan ah ka lahayn xal u helidda dhibaatooyinkaas waaweyn.
Galmudug hurdo maalinkii oo dhan ah iyo telefoon habeenkii oo dhan ah, qosol aan laab ta jirin iyo xan aan cidna looga tureyn, safar joogto ah iyo ka ganacsiga siyaasadda laguma sii maamuli karo intaas oo ay wehliyaan ciid amada Gorgor.
Dadka reer Galmudug waxay indhaha ku hayaan wixii hore waa la arkaye sida uu Qoo rqoor ugu istaago xal u helidda dhibaatooyin kaas, si gaar ah sida uu ula dhaqmo odoyaa sha beelaha Galmudug iyo daahfurnaanta doo rashooyinka ka dhacaya Dhusmareeb iyo Gaal kacyo. Xigasho:caasimadda.net
Weerarada Alshabaab ee gobolka xeebta Kenya oo mugdi galiyay dekeda cusub ee Lamu
Dowladda Kenya ayaa caqabad kala kul maysa isticmaalka dekedda cusub ee Lamu oo dhawaan la dhisay iyadoo khataraha amni ee soo koraya ay halis galinayaan habsami u socodka dhismaha xaruntan oo la daalaa dha caysa sidii ay u soo jiidan lahayd ganacsiga ka dib markii uu dhamaaday wajigiisii koowaad.
Gobolka xeebta ee Lamu ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay weer aro lagu hoobtay oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab, taasoo keentay in dowladdu ay gobolka Lamu kusoo rogtay bandow 30-maalmood ah. Weerar adan ayaa waxaa ku dhintay 13-qof oo ay ku jiraan 4-askari oo booliis ah kuwaa soo ku dhintay qarax lala beegsaday gaari ay la soc deen.
Rabshadahan ayaa mugdi madow gelina ya Dekadda Lamu, inkastoo dowladda ay xaqi ijisay in amni darrada aysan saameyn ku yeel an doonin sii shaqeynta dekeda.
"Dowladdu waxay dejisay dhammaan talla abooyinka lagu sugayo ammaanka Lamu. Ha wlgalka ballaaran ee amniga ee socda waa inu usan ka nixin maalgashadayaasha ama uus an saameyn ku yeelan ganacsiga dekedda cu sub ee Lamu, "ayuu yiri Karanja Kibicho, Xog hayaha Guud ee Arrimaha Gudaha.
Wararkii ugu dambeeyey dib u bilaabash ada doorashada Golaha Shacabka
Waxaa Shalay lagu wadaa ina ay Soomaaliya ka bilaabanto doorashii xildhibaanada aqalka hooseee baarlamaanka Soomaaliya oo muddo hakad galay, hase yeeshee sida lagu wado ha atan ay tahay in la soo gabogabeeyo 25 Bisha February ee soo socota.
Dhanka kale, waxa iyaguna Shalay iska dhex dooranaya guddoomiye cusub guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federal ka dib markii Guddiga doorashooyinka ay xilka ka qaadeen Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro, iyaga oo ku eedeeyey shaqo gudasho la’aan iyo ku milmidda siyaasadda.
Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa inay Shalay ka bilaabanto diiwaangelinta Shan Ku rsi oo la shaaciyay in toddobaadkan lagu door anayo magaalada Baydhabo.
Sidoo kale Guddiga Hirgelinta Doorashooy inka Gobolada Waqooyi-Somaliland ayaa Sha aciyay odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulayaa ergada.
Guddiga ayaa shaaciyay odayaasha dhaqan ka iyo xubnaha soo xulaya ergada Lix kursi oo ka mid ah golaha Shacabka.
Ku dhawaad 241 xildhibaan ayaa la doonay aa in mudada u dhaxeysa 15 bisha Janaayo iyo 25-ka bisha Febraayo lagu soo doorto, xilli horay loo soo afjaray doorashada Aqalka Sare.
Dowladda Maraykanka ayaa baaqy adii ku aaddanaa arrimaha doorashada haatan ku ba deshey hanjabaad ka dhan ah dhammaan ma daxda saamaynta toos ka ah ku leh doora shada Soomaaliya, waa haddii doorashada gol eyaasha baarla maan a lagu soo dhamaystiri waayo xilliga loo asteeyay ee 25 Feberaayo, 2022-da.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka Ned Price oo luuqad adag ku hadlay ayaa yiri "Mareykanka wuxuu diyaar u yahay in uu qaado tallaabo ugu habboon oo ay kamid tahay, xayiraado dhanka dal ku ga lka ah si looga jawaabo in dib u dhaca doora shada iyo tallaabooyinka kale ee carqaladeyn karo hufnaanta doorashada” .
Halkaan hoose ka akhriso odayaasha dhaq anka iyo xubnaha soo xulaya ergada Lix kursi oo ka mid ah golaha Shacabka – Somaliland
Iran iyo Shiinaha oo bilaabay hirgelinta he shiis iskaashi istiraatiiji ah oo soconaya 25 sano
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hoss ein Amir-Abdollahian, ayaa sheegay in heshiis iskaashi istiraatijiyadeed oo 25 sano ah oo ay Shiinaha la saxiixdeen bishii March ee sannad kii hore uu dhaqan galay, taasoo qayb ka ah ayd natiijadii booqashadii muhiimka ahayd ee uu ku tagay Shiinaha oo uu ku casuumay dhig giisa Shiinaha Wang Yi.
"Waxaan ku heshiinn ay inaan Shal ay ku dhaw aaqno inay tahay taariikhda la bilaabayo hirge linta heshiiska dhameystiran ee iskaashiga isti raatijiyadeed ee u dhexeeya Iran iyo Shiinaha”ayuu yiri Ami r-Abdollahian.
Iran iyo Shiinaha ayaa bishii March ee sa nnad kii hore kala saxeexday heshiis iskaashi oo ist araatiijiyadeed oo dhammaystiran oo so con aya 25 sano, iyagoo oo ka soo horjeeda cuna qabataynta halka dhinac ee Maraykanka si loo xoojiyo isbahaysiga dhaqaale iyo siyaa sadeed ee soo jireenka ah.
Heshiiska ayaa si rasmi ah u diiwaan geli naya Iskaashiga Istiraatijiyadeed ee Dhamays tiran ee Shiinaha iyo Iir aan kaas oo lagu dhaw aaqay booqasha dii Madaxweynaha Shii naha Xi Jinping si kor lo ogu qaado iskaashiga dhaq aale ee labada dal 25-ka sano ee soo socota.
Wuxuu u u gogol xaarayaa ka qaybgalka Ir an ee Hindisaha Belt and Road Initiative. , ma shruuc kaabayaal dhaqaale oo baaxad leh oo ka bilaabmaya Bariga Aasiya ilaa Yurub.
Xiisadda U Dhexeeysa Dowladda Ruushka Iyo Ukraine Oo Meel Xun Maraysa
Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Ruushku qor shaynayo inuu samaysto marmarsiiyo uu ku galo dalka Ukraine.
Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa she egay in Moscow durba qaar iyada u shaqeeya u dirtay in ay calan be en ah ka taagaan sooh dinta ay dalkaa la leeda hay si ay ugu eedayso Kyiv, waxaanu intaa ku daray in sidoo kale Ru ushku sii xoojiyey ol olaha borobagaanda da ah ee Ukraine laga ga dhigayo dal daan daan si wada.
Wasaaradda difaaca ee xukuumadda Kyiv ay aa sheegtay in Ruu shku uu qorsheynayo in uu hawlgalo kan la mid ah ka fuliyo dalka ay dariska yihiin ee Moldo va. Eedeymahan ayaa imaanaya ka dib markii ay guuldareysteen da daallo diblomaasiyade ed oo lagu yarenayay khalalaasaha Ukraine kuwaas oo socday mud oo toddobaad ah. Aqalka Kremlin-ka ee Ruu shka looga arrimiyo ayaa beeniyey wararkaas, waxayna ku tilmaa meen kuwo aan sal lahayn. Ukraine ayaa Jim cihii ku eedaysay Ruushka in uu ka dambe eyay weerar dhanka Internetka ah oo lagu qaa day tobanaan website oo kuwa dowladda ah.
Ka hor intaanay bogagga khadka ka bixin, wax aa la soo diray fariin u muuqatay digniin ku so cota dadka reer Ukraine oo ah inay "u diyaarg aroobaan dhibaat ada ugu xun”.
HALKAAN KA KAHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH AXAD 16-KA JAN. 2022-KA
...