HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO SABTI 15-KA JAN. 2022-KA

0
Saturday January 15, 2022 - 09:03:38 in Wararka by
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO SABTI 15-KA JAN. 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Farmaajo Oo Khadka Taleefanka Kula Xiriiray Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha

Golaha Madaxtooyada Liibiya Dr.Maxamed Yuunis Al-Manfi ay aa uga mahadceliyey doorkii uu ka qaatay dib u soo celinta Muw aadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa gudaha dalka Liibiya.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaadatay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada ammaanka, xasilloonida Mandiqadda iyo la dagaallanka argagixisada iyo Tahriibka.

Dr. Maxamed Al-Manfi ayaa tilmaamay ixtiraamka iyo qadarinta ay shacabka Liibiya u hayaan walaalaho oda Soomaaliyeed, isaga oo xoojiyey ballan qaadkiisii ku aaddanaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xani ban gudaha dalkiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sannadi hii la soo dhaafay dadaal xooggan ku bixisay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jiray xabsiy ada shisheeye, iyada oo haatan qaar badan oo ka mid ah ay si xorriyad iyo karaamo leh ugu noolyihiin dal kooda.

R/W. Rooble” Suurtagal maahan in Somalia cola diso dalal ay kala dhaxeeyaan dano badan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilga arsiinta Ma xamed Xuseen Rooble oo Shalay guddoomiyay Shir ka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay heshiiskii Golaha Wadata shiga Qaran ee dhammeystirka doora shooyinka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacya da ay ka go’an tahay in ay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.

Isagoo ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laama ha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggooda na isugu geeyaan la dagaallanka argagixisada oo ah cadowga ugu weyn ee dalkeenna hortaagan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto mas laxadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay colaadiso dal al ay kala dhexeeyaan dano badan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasii rrada iyo madaxda kale ee hay’adaha xukuumaddu in aysan ku tagri falin awoodda iyo hantida qaranka xilli gan kala guurka ah.

WASAARADDA ARRIMAHA DIBBADA OO KU GUULEYSATAY XALLINTA CAQABAD HAYSATAY MUWAADINIIN SOMALIYEED EE KU NOOL D.SUDAAN…

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Ca alamiga ah oo kaashanaysa hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya a yaa dadaal dheer ku bixisay ka jawa abidda iyo xal u helidda caqabad haysatay Muwaadiniinta Soomaaliy eed ee ku dhaqan dalka Suudaan, iyada oo ku guuleys atay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalk aas laga dhaafo lacagta degenaanshaha, lacagta gana axa iyo lacagta kaararka shaqada.

Go’aankan oo dhaqan galay 10 casho ka hor, ayaa ku yimi iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya kala dhexeeya Jamhuur iyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan, taas oo ay Labada Dowladood isla garteen in muwaadiniintooda ku kala sugan labada dal ay ugu adeegaan si siman, iy ada oo laga cafinayo dhammaan kharashaadkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caa lamiga ah ee Soomaaliya waxa ay uga mahad celine ysaa Dowladda Suudaan garab istaagga ay u muujiso dowladda Soomaaliya iyo fursaddan oo ay ka faa’iidey san doonaan ku dhowaad 7 kun oo arday ah iyo 300 oo qoys oo Soomaali ah oo ku dhaqan dalka Suudaan.

Raysal wasaare Rooble oo faray guddiyada doorashada in doorashada golaha shacabka Maanta dib u bilaabato

Raysal wasaaraha Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Maanta oo sabti ah ay dib u billaaban doonaan doorashooyinka golaha shacabka

Raysal wasaaraha ayaa faray dhamaan guddiyada doorashooyinka inay lixda deegaan doorasho ka bill aabaan qabashada doorashada kura asta golaha shacabka ee horey loo shaaciyay tartankooda.

"Xalka aan haysano waa doorasho, waxaan leeyahay saaxiibadayda oo aan anigu ugu horeeeyo iyo dowlad gobol-eedyada in aan sida ugu dhaqsiyaha badan ugu hufan aan ufulino qaba-shada doorashada, Waxaad og tihiin in maalinta walba lasoo saaro baaq nala kaga co dsanayo in aan doo-rashada waqtigeeda kusoo gab agabayno " ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay inay doo rashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.

Isagoo ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wa saare Rooble faray hay’adaha amnigu inay xoogga sa araan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan dagaalka Alshabaab.

Cumar Filish "Waan ka guuleysanay kooxihii banaan-baxa abaabulayey”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ay aa ka hadlay abaabulkii banaan-baxa ee maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay ka guuleysteen kooxihii abaabulayey oo banaan-baxa as ay baajiyeen.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in midow ga musharaxiinta ay shirkii golaha wa datashiga qaran ka u gudbiyeen waxii tabasho ay qabeen, balse kooxo gaar ah ay bilaabeen banaan-baxyo uu she egay in me esha ay ku dambeyn doo naan aan la garaneyn.

"Waxaa soo baxay kooxo leh waxaan qabaneynaa banaab-baxyo waxa ka dhalanaya aan la ogeyn oo aan qeexneyn, ka maamul ahaan waan is-warsanay, marxaladaan lagu jiro iyo in shirkii aysan qeylo ka ye erin markii aan fiirinay, waxaa noo soo baxday in xilli gaan aan loo baahneyn banaanbaxyo ay rabshado ka dhashaan,” ayuu yiri Cumar Filish.

Odayaasha dhaqanka caasimadda ayuu Cumar Fil ish sheegay inay la fariisteen kooxihii abaabulkaas waday iyo maamulka gobolka, iyadoo ugu dambeyntii lagu guuleystay in la baajiyo banaanbaxaas, sida uu sheegay.

"Waxaan u mahad celinayaa odayaashii ka dhaa dhiciyey in xiligaan aan loo baaheyn dadkii ku adkeys anaayey in banaan-baxyo ay ka dhigaan gobolka Ban aadir,” ayuu yiri Cumar Filish.

Ugu dambeyntii Cumar Filish waxa uu u mahad cel iyey dhalinyaradii abaabuleysay banaan-baxaas ee od ayaashooda ka aqbalay codsigoodii ahaa inay joojiyaan abaabulkaas.

Hadalka guddoomiye Cumar Filish ayaa u muuqda mid uu ku faanayo in gabi ahaan-ba la joojiyey banaan-bax aas oo ay hor-istaageen, balse xaq iiqadu waxay tahay in waqtiga banaan-baxaas dib loo dhigay oo Axada soo socota la shaacin doono goorta uu dhacayo.

Ka dib kulan ay Dorrraad odayaasha dhaqanka Muqdi sho la yeesheen guddigii u xil-saaraa abaabulka bana an-baxaas ayaa lagu go’aamiyey in dib loo dhigo ban ana-baxa oo Axada soo socota la isugu yimaado shir kale, kaas oo lagu go’aami doono goorta uu dhacayo banaan-baxaas. Xigasho:caasimadda.net

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray go’aankii lagu baajiyey banaan-baxa

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa ka jawaabay go’aankii dib loogu dhigay dibad-bax lo oga soo horjeeday isku daygii afgambi ee 27-ka December oo Shalay ka dhici lahaa Muqdisho.

Ugaas Maxamuud Cali Uga as, oo ah Ugaaska bee laha Mudullood, ayaa Dorrraad sheegay in la joojiyey ban ana-baxa kadib markii ay he shiis la gaareen Golaha Bulsha da Banaadir oo qaban qaabina yey. "Shalay waxaan u nimid wiilashii loo xil-saaray qaban qaabada banaan-baxa, waa la fariisanay waqti badan ayaan qaadanay, waxaan ku faaneynaa in soo jeedinteenii ay nala qaateen, siyaasiyiinta iyo aqo onyahanka reer koofurta, dhaqankooda ma maqlaan ayaa la dhihi jiray, laakiin Shalay marqaati waxaan ka nahay in wiilasheena ay aad noo aqbaleen,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa qoraal ay soo saareen uga mahadceliyey Golaha Bulshada Bana adir (GBB) aqbalka codsigii kaga yimid Odayaasha Dhaqanka Muqdisho iyo Midowga Murashaxiinta ee ahaa in dib loo dhigo mudaaharaadkii uu Golaha Bulsh ada Banaadir qaban lahaa Shalay oo ah Khamiis 13/01/22.

"Goluhu wuxuu cambaaraynaa hadalkii ka soo yee ray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee fal danbiyeed ku tilmaamay mudaaharaadka, oo ah xaq dastuuri ah, sida uu dhigayo qodobka 20-aad ee dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

"Goluhu wuxuu adkeynayaa in mudaaharaadku ya hay xaq dastuuri ah, shacabka Gobolka Banaadirna ay xilli kasta mudaaharaadi karaan.”

Dhinaca kale, Golaha ayaa uga mahad celiyey Xuk uumadda Ra’iisul Wasaare Ma xamad Xuseen Rooble in ay gudatay waaj ibkii kaga aaddanaa muddaahar aadka.

"Goluhu wuxuu mar kale ku adkayn ayaa Xukuumad da in ay ilaaliso xuquuqda muwaadinka, xilna iska saar to furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda mudaaharaadka, kulammada, ololaha, saf arka iyo in warbaahinta qaran ka oo loo oggolaado Musharrixiinta.”

Cumar Cabdirishiid iyo Cabdiraxmaan Faro ole oo isku haya arrinta Boosaaso

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdir ashiid uu khilaafay bayaankii ay ka soo saareen arrinta Boosaaso.

Faroole ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid uu la ogaa hawsha ay wadeen, balse uu si lama filaan ah uga baxay garabkooda markii ay soo saareen bayaan ka.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku yiri "Waxaan cad daynayaa inaan la igala ashan oo aanan qayb ka ah ayn bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaa rsanaa. Boosaaso dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa u dan ah”.

Cumar baan idiinka dacwooneynaa, Cumar ama da dka ku soo dara ama siyaasad dambe yuu ka hadlin, is agoo Prime Minister raadinaya yaan la arkin….” ayuu ka sheegay goob uu uga hadlayay arrimaha Boosa aso.

Bayaankaas uu sheegay in aan lagala tashan ayaa waxay ergadaa siyaasiyiinta ahi ku sheegeen in qod odbadii talo soo jeedinta ahaa ee isimadu soo saareen aanay khusaynin ergadoodaas talona aanay ku laha yn, oo sidii ay ku ballameen, waa sida loo dhigaye, aan markii hore lala wadaagin ee ay qoraalkaa ku arkeen baraha bulshada oo aanu ahayn mid wax u taraya xas iloonida iyo wadajirka Puntland.

Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Md. Ca bdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xafiiskiisa kula kulm ey taliye ku xigeenka Ciidanka XDS Sareeye Guuto Cabaas Aam iin Cali

Wasiirka ayaa kulanka inta uu soc day warbixin ka dhageystay taliya ha iyo Saraa kiisha kulanka ku wehlisay,

Md. Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kula dar da armay saraakiisha Dardar-galinta Howlgaladda ka dhanka waxa uu ugu yeeray argagixisadda iyo ka

shaqeynta Horumarinta ciidanka xoogga.


Bannaanbax looga soo horjeedo Mahdi Guuleed oo lagu qabanayo Muqdisho

Bulshada ka soo jeedda Gobollada waqooyi (Soma liland) ee ku Sugan M/Muqdisho ayaa Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya u dirtay warqad ay uga dal banayaan in loo ogolaado Banaanbax ka dhan ah Ra ysulwasaare ku xigeenka Dalka M ahdi Maxamed Guuleed .

Ururka Midnimo oo ay ku baho obeen Dadka kasoo jeeda Gobolla da Waqooyi (Somaliland) ayaa hor kacaya dalabkaan waxa uuna shee gay in Banaanbaxaan uu yahay "Mid Nabadeed” ay ku muujnayaan tacadiyo iyo caba shoo yin ay ka qabaan Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo awoodda Dowladda uga faa’ideysanaya "in uu boo bo kuraasta gobollada Waqooyi”.

Wasiirka Amniga XFS Xildhibaan Cabd ullaahi Ma xamed Nuur ayuu Ururka Midnimo sheegay in uu ka codsaday diba dbaxaan kana aqbalay si dareenkooda ay u gu muujiyaan dibadbax nabadeed oo ay kusoo bandhigayaan cabashadooda.

Sakariye Nuur Saajin, Guddoomiyaha Dallada Mid nimo ayaa Idaacadda Mustaq bal u sheegay in Ra’ii sulwasaare ku xige enka Dalka Guuleed uu kahor taa gan yahay xuquuqda ay ku leeyihiin Dowladda Feder aalka si ay u helaan, sidoo kale uu faragelin ku hayo Doorashada Gobollada Waqooyi (Somaliland).

‘’Banaanbaxa aan dalbanay waxa aan uga soo hor jeednaa Raysul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed oo u adeegaya ninka 1-sano iska fadhiya Villa Soomaaliya sharciyad la’aanta, mana jirto cid naga hor istaagi karta waayo waxa aan fasax ka heysanaa Wa saaradda Amniga oo aan ku wargelinayay in dibadba xeenu uu yahay mid nabadeed oo aan ku muujineyno xuquuqdeena & Dareenkeena’’ ayuu yiri Sakariye Saa jin oo kamid ah hormuudka Dadka abaabulka dibadb axa wada.

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddi ga KMG ah ee doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Sic iid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Gudd iga KMG ah ee Doorashooyinka Pu ntland (TPEC), Kulanka ayaa looga hadlay dhismaha Goleyaasha dee gaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl iyo sidoo kale dard argelinta Doorashada in laga qabto degmooyinka kale ee Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka cusub ee Guddiga Doorashooyinka TPEC, Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid , Guddoomiye Ku-xigeen Md. Cali Jaamac Faarax, xubnaha kale ee Guddiga iyo Wasiirka Wasaaradda Arrima ha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraad iyad da Mudane Maxamed Cabdir axmaan Dhaban cad.

Shirkii Golaha Wasiirada ee Dorrraad ayaa looga ha dlay dardargelinta nidaamka Dimuqraadiya dda Pun tland, Iyadoo Mad axweynaha Puntland Siciid Cabdul laahi Deni faray dhammaan Hay’ad aha Dowla dda in Guddiga Doorashadda lagala sha qeeyo dhameystirka nidaamka dim uqraadi yadda Puntland oo laga wada hirgelinayo dhammaan degmooyinka Puntland. Gud diga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa horay waxaa degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl uga qab teen doorashooyinka qof iuo Cod ee Ururada Soyaasa dda Puntland

Dowladda Soomaaliya oo xiriirka Itoob iya awgii u diiday kaalmo uga imaan lahayd Masar

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxa med Cabdirisaaq Maxamed ayaa sheegay in Sooma aliya ay diiday deeq daawo ah oo uga imaan lahayd Ma sar, sababo la xiriira xiriirka Itoobiya awgii.

Wasiirkii hore oo wareysi siiyay TV-ga BS TV ayaa sheegay in Villa Somalia ay ka codsatay Masar in ay joojiso diyaarad nuuceedu yahay C-130 oo ay u soo diri lahayd Sooma aliya si ay u soo daabusho gar gaar caafimaad oo ay ugu deeqday Jaam acada Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Farmaajo ayaa dowlad diisa wuxuu khilaaf xooggan kala dhexeeyaa Mas ar, khi laafkaas oo ku saabsan dhismaha biyo xireen ka weyn ee Korontada ay ka dhiseyso Wabiga Niil ka Buluuga .

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud wuxuu sheegay in Soomaaliya iyadoo u xaglinaysa Itoobiya in ay diiday in ciidamo Soomaaliyeed lagu tababaro Masar iyo in Qaahira laga siin waayo dhul ay Muqdisho ka dhisato safaarad cusub, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayay xil ka qaadistii lagu sameeyay, wu xuu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaru hu ay xilka kaga qaadeen sababo la xiriira mowqifkiisa dhex dhexaadnimada ah ee uu ka qaatay dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Cabduweli Gaas oo quus ka muujiyay xalka gaar ista khilaafka Xukuumadda Puntland & PSF

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaa liya marna soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabduweli Max amed Cali Gaas ayaa ka jadlay mowqifkiisa bayaankii ka soo baxay Isimada Puntland ee la xirii rtay arrimaha ku saabsan xalinta khilaafka Xukuumadda Puntland iyo Taliska PSF.

Cabduweli Gaas wuxuu sheegay in Shaq syan uusan diidaneyn dhamaan waxyaab aha ku qoran Bayaanka Isimada, balae ay diyaar u ahaayeen inay wax la saxaan, maada ama Bayaanka ay kujiraan qodobo aad u farabadan oo kasii faah faah san qoraa ladii horay loo soo saaray.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in arrinta ku saabsan dekadda Boosaaso ay aheyd in lagala hadlo Xukuimadda, sidoo kalena ay iyaga kala jadli kareen Isimada balse aan laga siin wax fursad ah.

Ugu dambeyn Cabduweli Gaas wuxuu sheegay in Bayaanka Isimada ay soo saareen weli wada-hadal la ga geli karo, balse siyaasiyiintooda halkaas uga har een Arrinta Boosaaso oo aysan ku laaban doonin, is aga oo sheegay in Xukuumadda Puntland iyo dhama an dadka Reer Puntland ay howsha u taallo.

Golaha Wasiirada Jubbaland oo Shir ka yee shay doorashada G/Shacabka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Si ciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shi rka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ee todob aadlaha ah.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xig eenka Puntland Axmed Cilmi Cis maan Karaash, waxaa loo ga hadlay Amniga, Dhameysti rka nidaamka Dim uqraadiy adda Puntland, Nabadeynta Colaada Saax-maygaag iyo qabash ada Door ashadda Golaha Shacabka ee DFS.

Puntland waxaa ka go’an dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxaana Golaha looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa qabashada Door ashadda ee degmooyinka kale ee Puntland.

"Doorasho hal cod iyo hal qof in ay Puntland ka dha cdo waa arrin Dastuuri ah, waa go’aan la gaaray 1998-dii illaa iyo hadana lagu taameyey, anagana waan bil lownay waana naga go’antahay inaan dhammaan Pun tland ka qabano.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabd ullaahi Deni

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Hay’ad aha Dowladda ee ay khuseyso, in lagala shaqeeyo Guddiga Doorashada dhismaha goleyaasha deegaan ka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo dhakhso la qabanayo. Sidoo kale waxaa la dardargelin doona qorshaha doorashada looga hirgelinayo dhamaman degmooyinka kale ee Puntland.

Madaxweyne Deni oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Bari

Madaxweynaha Puntland Siciidi Deni ayaa guddoo miye cusub u magacaabay gobolka Bari oo maal mah aan ay ka jiraan xasarado ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay agaasimihii hay' adda PSF.

Madaxweyne Deni ayaa xilkaan u magacaabay Cabdirisaaq

Siciid Cali, waxaana lagu beddelay Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan oo ku biiray golaha aqalka sare ee Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa dhawanah aan waxaa lagu dhaliilayay in aanu buuxin xilalka ay ku fadhiyaan masuuliyiin katirsanaa xukuumadiisa oo ku biiray aqalka sare, kuwaas oo u badan wasiirro.

Dadka dhaliila siyaasada madaxweyne Deni ayaa sheegaya in Deni uu doonayo inuu barlamaanka geysto xildhibaanno ku shaqeeya aragtidiisa xilli ay soo baxayso inuu yahay musharrax madaxweyne.

K/Galbeed Oo Shaacisay Magacyada Odayaasha Dhaqanka Ee Soo Xulaya Ergada 5 Kursi

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee SEIT ayaa shaaciyay Magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Ururada Bulsha da Rayidka ee soo xulaya Ergada 5-tii kursi ee guddigu shaaciyey.

Qoraal ay soo saareen Guddiga door ashada Koonfur Galbeed ayaa lagu soo bandhigay Liiska magacyada Oda yaasha dhaqanka iyo Ururada Bulsh ada Rayidka, kuwaasi oo soo xulaya Ergada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Guddiga doorashada ayaa Odayaasha dhaqanka iyo Ururada Bulshada ee magacyadooda la shaaciyey ka codsaday inay Shalay oo khamiis ah tagaan Xaru nta Guddiga Magaalada Baydhabo, si ay ula kulmaan xubnaha soo xulaya Ergada.

Guddiga ayaa gelinkii dambe ee Dorrraad soo saaray Jadwalka doorashada shan kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana tir sigoodu kala yihiin HOP184, HOP085, HOP156, HOP176 iyo HOP046.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa noq day maamulkii ugu horreeyay ee dhaqan-geliyay qodo badii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee heshiiska looga gaaray doorashada dalka ka dhac eysa.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha la shaaciyay.


Maxaa looga hadlay kulankii Cali Guudlaawe iyo Cabdi Xaashi?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shalay hoyga uu ka de gan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomi yaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soo maaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, oo dhawaan he shiis rasmi ah looga gaaray mad-madowgii doorasha da shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale diirada saaray dardar-gel inta iyo dhameystirka arrimaha doorashooyinka, oo la go’aamiyay in doorashada xub naha Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo mu ddo 40 cisho, laga bilaabo 15 January illaa 25 Feb ruary ee sanadkaan.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa dhan kiisa uga mahad-celiyay Madaxweynaha HirShabeelle doorkiisa ku aadan dardar-gelinta arrimaha doorasho oyinka..

Madaxxweynaha HirShabelle ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, si xal looga gaaro arrimaha doorashada, wuxuuna kulankan qeyb ka yahay kulamo kala duwan oo maalmihii da mbe uu la yeelanayay siyaasiyiinta iyo wakiilada bee sha caalamka.

Dhanka kale Dorrraad ayey aheyd markii uu Cali Gu udlaawe uu kulan la qaatay Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yılmaz, kaasi oo looga hadlay arimaha amniga, hirgalinta mashaariicyo horumarineed iyo dhameystirka doorashooyinka dalka.

Muxuu Cabdullaahi Goodax Barre ka yiri farriinta Mareykanka?

Wasiirka hore ee wasaaradda waxbarashada Soo maaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo farriimaha ka imaanaya dowladda Mareykanka.

Goodax Barre ayaa si weyn u dhaliilay qaabka ay haatan wax ku socdaan, gaar ahaan sida ay maamul goboleedyada u waj ahayaan doorashada ee ah inay ma rba shaaciyaan kuraas cayiman oo ka mida xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

"Adduunka doorasho sideedaba waxaa loo yaqaa naa wixii waqti cayiman leh waxaan laba qof ayaa la soo saaraa saddex qof ayaa lasoo saaraa intaa la wa xeynaa waxaas doorasho lama yiraahdo waa wax kale ee magac kale haloo raadiyo,” ayuu yiri wasiir hore Goodax.

Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madax da dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedya da, isaga oo ku eedeeyey in aysan laheyn wadaniyad, kana fakireynin dalka.

"Dad wada qowleysato ah oo wadaniyad aan lah eyn ayaa horta mustaqbalkeena gacanta u galay inaad saas u ogaataan waa lagama maarmaan,” ayuu mar kale yiri Goodax Barre.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday farriimaha hanjabaadda ah ee Mareykanka, isla-markaana la xir iira in la dadajiyo doorashada, si aysan markale dib u gu dhicin.

"Hadda niman Ameerikaan la yiraahdo ayaa isku xil-saaray in Ummadda Soomaaliyeed qolooyinkan laga bad-baadiyo iyagaa taba taagan oo danta Soomaaliy eed ilaalinaayo sida ay u muuqata ka ilaalinaayo kuwa sheegtay in ay mas’uul yihiin,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu wasiirkii hore ee waxbarashada yiri "Warkaas aan sheegaayo inuu sax yahay iyo inuu khalad yahay waxaa lagu kala ogaan doonaa labada maalin ee soo socota inta ka horre ysoi 15-ka la yiri do orashaaa bilaab aney so wixi dhaca ayaa ku ogaan eysaan,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana lasoo gabagabeeyey shirkii Golaha Wadata shiga oo lagu go’aa miyey in doorashada lagu dhamm eystiro muddo 40 cisho ah, taas oo ka bilaaban eyso 15-ka bishaan illaa iyo 25-ka Febra ayo ee isla sanad kan 2022.

Faysal Cali Waraabe "Guddoomiyaha maxka mada sare dacwada uu qaaday waxaanu u ara gnaa in aanu sharci u qaadin"

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Wara abe, ayaa Guddoomiyaha Maxkamada Sarre ee Soma liland Aadan Xaaji Cali, ku eedeeyay in dacwada xeer ka furista ururrada siyaasada aanu daacad ka ahayn.

Faysal ayaa guddoomiyaha maxkamada ku eedeeyay in uu dacwada muranka ka taagan xeer 14 uu u jeedo kale ka leeyahay "Gud doomiyaha Maxkamada Sarre Aadan Xaaji Cali, dacwada uu qaaday waxaa nu u aragnaa in uu xeelad kale u qaad ay, ee aanu sharci u qaadin".

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa si wayn uga soo horjeestay talaabo ay 46 xildhibaan oo kamid ah 82 ka mudane ee Golaha Wakiilada Somaliland ka koobanyahay maxkamada sa re ugu gudbiyeen, in ay tafsiir sharci ah ka bixiso qodobo ka mid ah xeerka furista ururada siyaasada oo laysku khilaafasanyahay.

Mucaaradka ayaa sheegay in maxkamada sarre anay xaq u lahayn in ay ka garnaqdo muranka xeerka oo ay tahay arrin u taala Golaha Wakiilada Somaliland, in ay go'aan ka gaadhaan murankan.

Maxkamada sarre ayaan wali wax go'aan ah kasoo saarin qodobada muranka dhaliyay ee xeerkan, tan iyo markii kala badh ka badan xildhibaanada goluhu ay maxkamada u gudbiyeen xeerkan 21 bishii December ee sannadkii hore ee 2021.

Howlgal laga sameeyay Waddada xariirisa Jowhar iyo Balcad

Howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ayaa Ciidanka guutada Saddexaad Qeybta 27aad waxaa ay ka sameeyeen Wadada xariirisa Magaaalda Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa Saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in uu yahay mid looga saarayo Al-Shabaab oo mararka qaar wadadaas ka fuliya qaraxyo miino iyo weersro ka dhan ah Ciidamada dowladda.

War kasoo baxay Taliska Qeybta 27aad ee Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu shregay inay sii wadi doo naan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si looga saaro degaanada yar oo ay ku sugan yihiin si looga hortago inay dhibaa teeyaan dadka Shacabka ah.

Waddada xiriirisa Magaalada Jowhar iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka go’ay inay maraan Mas’uuliyiinta Maamulka Hir-Shabe elle kadib markii dhowr jeer wadadaas lagu dilay, Xildhibaano, Askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Somaliland oo gashay xaalad deg deg ah iyo wararkii ugu dambeeyay

Somaliland ayaa gashay xaalad deg deg ah, ka dib markii xukuumadda Muuse Biixi ay ku dhawaaqday in abaarta deegaanad aas ay mareyso meel adag.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somal iland, Cabdiraxm aan Saylici ayaa Dorrraad shaaciyay in abaaro ay ku dhu fteen dad hal Mil yan ku dhaw oo ku kala nool lixda go bol ee ugu waaweyn Somaliland.

"Waxaa Shalay halkan u soo jog sanay haddii aanu nahay guddidii gurmadka abaaraha in aanu ku dhawaaqno in abaartii meel adag marayso, ka dib markii roobkii gu’gu uu teel teel ku ahaa qaybo kamid ah dalka,” ayuu yiri.

"Waxa dalka ka jirto xaalad abaareed oo saama ysay dhamaan gobollada dalka, sida Sool, Sanaag, To gdheer, Saaxil, Howdka Maroodi-jeex iyo Xeebta Gob olka Awdal, qiimaynta lagu sameeyay abaarta, waxay si toos ah u saamaysay dad gaadhaya, 810,000 (sid eed boqol iyo toban kun).”

Guddida qaran ee abaarta Somaliland ayaa waxay bilaabeen howlaha gurmadka abaarta iyaga oo qaaday tallaabooyin kala duwan, kuwaasi oo kala ah:

Howl-galinta guddida farsamo oo ka kooban wasaa raddaha xubnaha ka ah guddida abaarta iyo hay’adda NADFOR oo daraasad ku sameeyey xaaladda abaarta ee dalka ka jirta guud ahaan, kana soo diyaariyay war-bixin dhammaystiran oo la xidhiidha xaaladda abaarta ee dalka. Dayactirka iyo kic ina ceelasha dha adheer ee biyaha kuwaasi oo ay tiradoodu dhamayd 41 ceel, kuwaasi oo ku yaalay go obaha biyo yaraantu ay ka jirto gaar ahaan gobolada Bari.

Waxa biyo-dhaamis ay ka bilaabeen booyadaha da wladdu gobolada Togdheer, Sanaag, Sool iyo Mar oodijeex.

Waxa hay’adda NADFOR diyaarisay kayd-raashin ah oo loogu talo galay dadka abaartu saamaysay.

Sidoo kale waxay ku dhawaaqeen in Shalay laga bilaabo cid walba oo doonaysa inay wax ka qabato ab aarta dalka ay waajib tahay inay soo marto guddida gurmadka abaarta.

Xukuumadda Somaliland ee Muuse Biixi ayaa si wax looga qabto xaaladdan waxay u qoondaysay khar ash dhan $ 3,000,000 Milyan (Saddex Milyan oo Doo lar) oo lagu talogay Raashin, biyo-dhaamis iyo kicinta ceelasha xumaaday.

Baasaboorka Soomaaliga Oo Ka Awood Bad an Qaar Ka Mid Ah Baasaboorada Caalamka

Henley & Partners ayaa soo saartay qiimeyntii ugu horeysay ee 2022, waxayna ka dhigtey dalalka Japan iyo Singapore labaduba inay yihiin kuwa ugu sarreeya awooda baasaboorada caalamka.

Labadan dal ee ku yaal Aasiya waxay leeyihiin gala angal bilaash ah ama fiisaha markay yimaadaan 192 goobood, in kasta oo taasi aanay xisaabta ku darsan ayn dhammaan xannibaadaha safarka ee masiibada socota awgeed.

Germany iyo South Korea labadooduba waxay ku soo xigaan kaalinta labaad oo leh 190. Iyadoo ku xiran sida aad rabto inaad u akhrido qiimeynta, Australia wa xay la wadaagtaa booska to ddobaad, oo ay weheliso Ca nada, Czech Republic, Gre ece iyo Malta

Muwaadiniinta halkan ku nool waxay heli karaan fiis la’aan kaliya 26 waddan. Ciraaq iyo Suuriya ayaa ah inta soo hartay saddexda ugu hooseeya halka dalka Soomaaliya qofka haysta baasaboorkiisa uu ku tegi karo illaa 34 dal fiiso la’aan.

Qiimeynta Henley Passport Index waxay isticmaa shaa xogta Ururka Gaadiidka Cirka ee Caalamiga ah cabirkeeda, oo daboolaya 199 baasaboor iyo 227 goob safar.

Waxaana qiimeyntan markii ugu horreysay la daa bacay 17 sano ka hor, iyadoo soo koobidda natiijooyin kii ugu dambeeyay ay xustay farqiga sii kordhaya ee gelitaanka safarka tan iyo markaas.

Sannadkii 2006-dii, celceliska waddamada la booq an karo iyadoon fiisaha hore loo helin waxay ahayd 57. Sannadkii 2022-kii, celceliska waddanku wuxuu gaaray 107 waddan.

Qiimayntan ayaa lagu sameeyay Baasaboorada 193 wadan oo xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo lix dhul.

Tobanka dal ee ugu awoodda badan leh baasabar ada caalamka iyo dalalka lagu tegi karo.

1. Japan, Singapore (192 dal)

2. Germany, South Korea (190)

3. Finland, Italy, Luxembourg, Spain (189)

4. Austria, Denmark, France, Netherlands, Sweden (188)

5. Ireland, Portugal (187)

6. Belgium, New Zealand, Norway, Switzerland, United Kingdom, United States (186)

7. Australia, Canada, Czech Republic, Greece, Malta (185)

8. Poland, Hungary (183)

9. Lithuania, Slovakia (182)

10. Estonia, Latvia, Slovenia (181)

Tobanka dal ee ugu awoodda yar Baasaboorada caal amka iyo dalalka lagu tegi karo.

104. North Korea (dal)

105. Nepal and Palestinian territories (37)

106. Somalia (34)

107. Yemen (33)

108. Pakistan (31)

109. Syria (29)

110. Iraq (28)

111. Afghanistan (26)


Somalia oo halis ugu jirto inay weyso codka ay ku leedahay QM + sababta

Warbixin cusub oo kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu soo bandhigay liiska wad amada aan weli bixin laca-gaha qaaraanka ah ee miis aaniyadda golaha guud Qa-ramada Midoobay, wax aana qeyb ka ah dalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa muujineyso in Soomaaliya ay ha atan halis ugu jirto inay we yso codka ay ku leedah ay Q/Midoobay, maadaama aysan bixin lacagta deynta ah oo dhan 1.4 milyan, sida lagu soo bandhigay shaxda wadamada aan bixin oo ay Soomaaliya ku jirto.

Xeerka Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in dal kasta oo aan bixin lacagta uu weynayo xuquuqda codeynta ee golaha guud, haddii aysan jirin duruuf ka baxsan gacanta dalka.

‘Xubin ka tirsan QM oo lagu leey ahay dayn bixinta tabarucaadkeeda maaliyadeed ee Ururka wax cod ah kuma yeelan karo Golaha Guud haddii inta ay le’eg ta hay ama ka badan tahay qaddarka qaaraanka ee ka soo baxay labada hore oo buuxa,” ayaa lagu yiri qor aalka.

Sidoo kale warbixinta ayaa intaasi kusii dareysa "Si kastaba ha ahaatee, wuxuu u ogolaan karaa xubinta asi inuu codeeyo haddii uu ku qanco in bixin la’aanta ay sabab u tahay shuruudo ka baxsan xakamaynta xu binta,”.

Soomaaliya oo ay muhiim u tahay kasii mid ahaan shaha QM, si ay uga soo muuqato fagaarayaasha caa lamka ayaa waxa ay tahay inay iska bixiso lacagta la gu leeyahay, taas oo ay muddo iska bixin, balse saam eyn ku yeelan karto codka ay ku leedahay golaha guud.

QM ayaa horey u go’aamisay in Soomaaliya, Com oros, Sao Tome & Principe loo ogolaado inay codkoo da ka dhiibtaan Golaha illaa dhamamadka kalfadhiga lix iyo todobaatanaad.

Si kasabtaba, Soomaaliya ayaa bishii June ee san adkii 2020-kii loo doortay inay ka mid noqoto 21-da Ma daxweyne ku xigeen ee fadhigga 75-aad ee golaha gu ud ee Q/M, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambeys ay sanadka marka uu ahaa 1979-kii.

Xigasho:Caasimadda.net

Waa kuwee musharaxiinta ugu cadcad guddo onka guddiga doorashooyinka dalka?

Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Doorashooyinka Abuukaate Mowliid Mataan Salaad oo la filayay inuu isu sharaxo Guddomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa ka haray tartanka oo la qabanayo maalinta Sabtida Dorrraad ah ka dib dalab uga yimid Xafiiska R/Wsaare Maxamed Xuseen Rooble.

Tartanka ololaha doorashada oo Shalay si xowli ah ku socda ayaa laga dareemayaa xarunta Guddiga iyo Hoteel ka Decale, waxaana hawshaan isku garb inaya dhanka Xafiisyada dalka ugu sarre eeya.

Afarta musharax ee ugu cadcad ayaa kala Cabdi wali Maxamed Qurux, Muuse Geelle Faroole, Cabdira xiim Cabdicasiis (Xiirane) iyo Cabdi Xiis Udun.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa sida ay Caasimadda Online sheegtay in ay ogaatay waxay riixayaan Cabdi wali Qurux, balse waxaa culeys kasoo wajahaya Muu se Geelle oo Madaxweynaha Puntland iyo Xafiiska R/ wasaaraha taageero ka helaya iyo Cabdiraxiim Cabdic asiis Xiirane oo Laftagareen gacan ka helaya, inkastoo Cabdiraxiim uu sidoo kale ku xiranyahay R/lwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Waxaa kale oo jira in Jubbaland ay dhankeeda riix eyso Cabdi Xiis Udun balse ay u badan tahay inuu u ta naasulo Musharaxa Xafiiska R/wasaar aha iyo Punt land ay riixayaan ee Muuse Geelle.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan heleyno ayaa sheegaya in tartamayaasha Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal lagu xiray inay bixiyaan $3000 oo diiwaangelin ah halka $2000 laga qaadayo musharixiinta u taagan xilka guddoomiye ku xigeenka.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka mid ah xafiiska R/wasaare Rooble ayaa noo xaqiijiyay in mu sharaxnimada Cabdi Xiis ay dhabarjab weyn ku tahay maadaama uu taageero xooggan ka helayo xubnaha ay magacawday DFS, waxaana jiro cadaadis xoog leh oo lagu saarayo inuu ka tanaasulo tartanka si looga ad kaado musharixiinta Villa Somalia iyo K/ Galbeed.

Dhanke kale, Ma cadda sababta Abuukaate Mowl iid Mataan Salaad oo dagaal siyaasadeed u galay R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble loo dhisi waa yey. Balse xubno ka tirsan FEIT ayaa noo sheegay in Liibaan Axmed Xasan (Shuluq) oo gacanta midig ee Rooble ah uu ka door biday Cabdi Xiis Udun iyo Mu use Geelle Faroole si taageero looga helo dhammaan D/Goboleedyada.

Guddoomiyihii hore ee Guddiga Maxamed Xasan Cirro oo wali ah xub in ka tirsan guddiga ayaa isagana saameyntiisa leh, inkastoo aan la ogeyn cidda uu sida rasmiga ah ugu ololaynayo.

Turkiga Oo War Kulul Kasoo Saaray Qaraxii Khasaaraha Dhaliyey Ee M/ Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa si kulul Cambaareeysay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Dorrraad oo Arbaco aheyd ka dhacay wadada 21-ka Octoober gaar ahaan meel ku dhow Albaabka Xerada Afisyooni ee degmada Waaberi ee Gobolkaan Banaadir.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo Qoraal koob an ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga xun yihiin qaraxii ka dhacay Muqdisho ee geystay khasaaro isu gu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad sha cab ah oo wadada marayey iyo Askar Ciidan.

Turkiga ayaa tacsi u diray qoysaska ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxa, iyo dowladda Soomaaliya, iy agoona Caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacyada soo gaareen, waxaana qaraxii dhacay ay ku tilmaam een inuu ahaa mid Argagixisanimo ah.

"Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkaas foo sha xun ee argagixisanimo, waxaana tacsi u direynaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ee walaalaha ah. Waxaan u rajaynaynaa naxariistii Janno intii ku dhim atay, kuwii ku dhaawacmayna caafimaaddegdeg ah ha siiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaara da Turkiga. Ugu dambeyn Safaaradda Turkiga Qoraalka ay soo saartay ayaa waxaa ay kusoo gaba-gabeeyeen inay sii wadi doonaa garab istaagga Soomaaliya ee daga alka ka dhanka ah Al-shabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen dowladda Turkiga.

Ugu yaraan 10 qof oo isugu jiray Askar iyo dad sha cab ah ayaa ku geeriyooday qaraxii Dorrraad ka dhacay wadada 21-ka Octoober ee degmada Waaberi, halka 5 qof kalena ay dhaawacmeen, waxaana mas’uuliyada qaraxaas sheegtay Al-shabaab oo bartilmaameed sa tay kolonyo ay la socdeen Saraakiil caddaan ah.

Deni "Waa Naga Go’an Tahay In Dhamaan Puntland Ka Qabano Dorasho Qof & Cod Ah”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Sic iid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah oo Shalay oo khamiis ah ka qabsoomay Magaalada Garoowe ee Xar unta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay Amniga, dhameystirka nidaamka Dimuqraadiy adda Puntland, Nabadeynta Colaada Saax-maygaag iyo qabashada Doorashadda Golaha Shacabka ee Ba arlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Puntland ayaa sheegtay inay ka go’an tahay dham eystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxa ana Golaha looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa qabashada Doorashadda ee degmooyinka kale ee Puntland.

"Doorasho hal cod iyo hal qof in ay Puntland ka dhacdo waa arrin Dastuuri ah, waa go’aan la gaaray 1998-dii illaa iyo hadana lagu taameyey, anagana wa an billownay waana naga go’antahay inaan dhammaan Puntland ka qabano.” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Hay’ad daha Maamulka ee ay khuseyso, in lagala shaqeeyo Guddiga Doorashada dhismaha goleyaasha deegaan ka ee deg mooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo dhakhso la qabanayo. Sidoo kale waxaa la dardargelin doona qorshaha doorasha da looga hirgelinayo dhamaman degmooy inka kale ee Puntland.

Safiirka Mareykanka ee Somaliya oo booqday Safaaradda Somaliya ee Washington

Safiirka cusub Mareykanka ee Somaliya, Amb Lar ry Andre ayaa Habrrn hore booqday Xarunta Safaaradda So maliya ee Magaalada Washington, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Kuxigeenka Safiirka Somaliya ee Mareykanka, Jac far Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Danjiraha Mareykanka ee dalka.

Qoraal lagu daabacay barta Safaaradda ee Twit ter-ka ayaa lagu yiri "Jacfar Jaamac oo ku hadlaya ma gaca Safaaradda ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Larry Andre oo si diiran loogu soo dhaweeyay, si ay uga wada hadlaan dhinacyada danaha iyo iska ashiga labada dhinac. Waxaan u rajeynaynaa Danjire Andre in uu si wanaagsan u guto shaqadiisa, uuna xoojiyo xiriirka.”

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa 15-kii bishii April ee sanad kii hore waxa uu Larry Andre u magac aabay inuu noqdo Danjiraha xigga ee Mareykanka u joogga Somaliya.

Bishii December, Aqalka Senate-ka Mareyk anka ayaa codka kalsoonida siiyay Danjiraha cusub, ka dib markii Guddiga Arrimaha Dibadda ee aqalkaasi uu goluhu horgeeyay magacaabidiisa.

Larry oo 60 jir ah ayaa isu diyaarinaya inuu xilka ka la wareego Danjiraha uu muddo xileedkiisu dhammaad ay ee Mareykanka u fadhiyay Somaliya, waa Donald Yamamoto

Akhriso:-Waqtiga Ay Dhaceyso Doorashada Gudd oomiyaha Guddiga FEIT Oo La Shaaciyay

Guddiga loo xil-saaray qabashada doorashada Guddoomiyaha doorashooyinka heer Federaal ayaa soo saaray Jadwalka doorashada, iyagoona shaaciyey xilliga ay dhaceyso doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga iyo ku-xigeenkiisa.

Qoraal ay soo saareen Guddiga qaban-qaabada do orashada ayaa waxaa lagu sheegay in Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Guddiga iyo ku-xigeenk iisa uu kamid yahay Gu ddigooda, waxaana Musharaxiinta tart amaya laga qaadi doonaa lacago diiw aan-gelin ah.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in Musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Guddiga laga rabo in uu bixiyo lacagta diiwaan-gelinta oo dhan 3 kun oo dol lar, halka Musharaxiinta Guddoomiye ku-xigeenka la doonayo inay bixiyaan 2 kun oo dollar.

Doorashada Guddoomiyaha Guddiga doorashoo yinka heer Federaal iyo ku-xigeenkiisa ayaa dhaceysa 15-ka Bishaan Janaayo oo ku beegan maalinta sabtida ah ee socota, waxaana la qorsheeyay inay doorash ada ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Akhriso Jadwalka lasoo saaray ee Doorashada.


Faahfaahin Shil khasaare geystay oo Muqdisho ka dhacay

Shil gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa goordhow ka dhacay isgoyska hotel Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Shilkaan ayaa ka dhacay isgo yska hotelka towfiiq ee degm ada Yaaqshiid kadib markii ay Isku dhaceen gaari BL ah iyo gaari nooca dhagaxlaha ay Sooomaalida u taqa ano. Dad goobjoogayaal ahaa xiliga uu shilka dhac aayay ayaa idaacadda Risaala u sheegay in shilka uu ku geeriyooday hal qof sidoo kalena ay ku dha awacmeen sadex qof oo kale .

Shilka ayaa yimid kadib markii gaariga dhagaxla ha ah oo ah gaari ay leedahay mid ka mid shirkada ha ka shaqeeya arimaha dhismooyinka kana yimid dhanka iyo Baar ubax uu ku dhacay gaariga BL-ka ah oo usocday dhanka isgoyska Afarta jardiino.

Qofka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dha maantood haystay gaariga BL-ka ah waxaana loo qaaday isbitaalada magaalada muqdisho.

Goobta ayaa durbadiiba waxa gaaray Ciidamada ilaalada wadooyinka ee looyaqaan Taraafikada si ay u kala qaadaan gaadiidka isku dhacay oo wada da Mashquul ka dhigay.

Dowladda Soomaaliya Iyo Venezuela Oo Ka Wa da Hadlay Yeelashada Iskaashi

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caal amiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Shalay oo Jimce ah khadka telefo onka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Venezuela Felix Plasencia,

Wada-hadalka dhexmaray Wasiir Cabdisaciid iyo dhiggiisa Felix Plasencia ayaa waxaa ay uga ha dleen Arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka Labada Dal, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Was aaradda Arrimaha Dibadda.

Labada Wasiir ayaa wada-ha dalkooda diiradda ku saaray sidii ay labada Dal u yeelan lahaaye en iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Dhiggiisa Venezuela la wadaagay fursadaha dhaqa ale iyo maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo sida ay uga go’an in ay labada Dowladood yeeshaan xiriir qotadheer oo ku qotoma danaha Labada Shacab iyo labada qaran ee Soomaaliya iyo Venezuela.

Soomaalida ku nool Germany oo ka mudahara aday sharciyo caqabad ku ah Soomaalida dalkaas

Dowladda Germany ayaa diiday caddeymaha aqoonsiga Soomaalinimada wixii ka dambeeyay 1991, markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soom aaaliya.

Soomaali badan oo dalkaas tagay burbu rkii ka dib ayaa waxay dhibaato weyn ka haysataa markii ay carruur dalkaas ugu dhalato in aan loo oggolayn in magacyadooda loogu diiwaan galiyo carruurtoo da. Soomaalida ku nool dalkaas ayaa billaabay in ay ka mudaharaadaan arrintaan iyagoo garab ka hel aya dadka iyo ururada u dhaqdhaqa aqa xuqu uqda qaxootiga ku nool dalkaas.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Garmany ayaa sheegtay in ay arrintaas jirto, balse waxay tilmaamt ay inay dowladda dalkaas u gudbinayaan cabasho oyinka muwaadiniinta Soomaaliy eed ee ku nool dalkaas

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Geemany Max amed Maxamuud Tifow ayaa sheegay in dowladda Germany ay diido warqado rasmi ah oo kasoo baxa safaaradda sida guurka iyo dhalashada, kuwaas oo aysan aqoonsayn dowladda Germany, inkasta oo uu sheegay inay caqabadaas haatan yaraatay.

Maamulka magaalada Addis Ababa oo deeq raashin ah ugu deeqay shacabka dowlad degaanka Soomaalida Waxaa Shalay magaalada Jigjiga lasoo gaarsiiyay deeq raashin ah, oo loogu talagalay shacabka ay abaaruhu saameeyeen ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Deeqdan raashinka ah oo ka timid dhanka maamul ka magaalada Addis Ababa, ayaa waxaa degaanka Soomaalida soo gaarsiisay Adanech Ababe oo ah Maayarka magaalada Addis Aba ba, iyadoo ku wareejisay deeqdan maamulka dowlad degaanka So omaalida.

Dhinaca kale Axmed Yaasiin Sheekh Ibraahim oo ah Madaxa Xafiiska maaraynta khatar aha iyo masiibooyinka ee dowlad degaanka Soomaalida, oo ka waramayay sida loo kala maara ynayo deeqdan raashinka ah, ayaa waxa uu sheeg ay in deeqdan oo isugu jirta ilaa 6 nooc oo raashin ka kamid ah sida, Bariis, Burka, Sonkor, Saliid, Ca ano iyo Timir lagaarsiin doono gobollada ay abaartu saamaysay, oo ay usii daran yihiin ilaa 10 gobol oo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida.

Waxa kale oo uu sheegay in deeqdan oo lacag ahaan gaaraysa 100 milyan oo birr, aysan ahayn mid ku filan dadka ay abaartu saamaysay, waxa uu na sheegay in deeqdaas ka sokow do wladdu dhan keeda ay wado dadaalo badan oo wax loogu qaban ayo dadka ay abaaruhu sameey een.

Sidoo kalena waxa uu sheegay in hay'ada ha caalamiga ah ay ka cosadeen in hawlahooda hor marineed ee degaanka ay kawadeen u badalaan dhanka abaaraha, oo in badan oo shacabka dega anka Soomaalida saamaysay.

Deeqdan raashinka ah ayaa waxay kusoo hag aagtay xilli degaanka Soomaalida badankii



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip