Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Cali Guudlaawe iyo Cabdi Xaashi?

0
Friday January 14, 2022 - 12:16:53 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Cali Guudlaawe iyo Cabdi Xaashi?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, oo dhawaan heshiis rasmi ah looga gaaray mad-madowgii doorashada shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale diirada saaray dardar-gelinta iyo dhameystirka arrimaha doorashooyinka, oo la go’aamiyay in doorashada xubnaha Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo muddo 40 cisho, laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Madaxweynaha HirShabeelle doorkiisa ku aadan dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka..

Madaxxweynaha HirShabelle ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, si xal looga gaaro arrimaha doorashada, wuxuuna kulankan qeyb ka yahay kulamo kala duwan oo maalmihii dambe uu la yeelanayay siyaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka.

Shalay ayey aheyd markii uu Cali Guudlaawe uu kulan la qaatay Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yılmaz, kaasi oo looga hadlay arimaha amniga, hirgalinta mashaariicyo horumarineed iyo dhameystirka doorashooyinka dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip