HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANT OO AH ISNIIN 3-DA JANNAAYO. 2022-KA

0
Monday January 03, 2022 - 08:20:20 in Wararka by
  • Visits: 412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANT OO AH ISNIIN 3-DA JANNAAYO. 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Maxuu Rooble Xalay kala hadlay mad ax goboleedyada taabacsan Farmaajo?

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Xalay kulan gaar ah la qaatay madaxda seddaxda maamul goboleed ee taabacsan dowladda federaalka, gaar ahaana lagu xagliyo inay daacad

u yihiin madaxweynihii hore Farmaajo.

Sida uu baahiyey xafiiska Ra’iisul Wasaar aha, Rooble ayaa la kulmay hoggaamiyaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle, isagoo kala hadlay furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dhawaan lagu wado inuu ka furmo Muqdisho.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxam ed Xuseen Rooble ayaa Xalay la kulmay mad axweyneyaasha Dowlad-goboleesyada Galm udug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle ka hor Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawa an ka furmaya Muqdisho. Dhammaan madax da Dowlad-goboleedyada ayaa soo gaaray Mu qdisho,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa habeen ka hor sidaan oo kale ula kulmay hoggaamiyaa sha Puntland iyo Jubbaland oo hotelka ay Muq disho ka degan yihiin uu ugu tegay, isagoo ka la hadlay qabsoomidda shirkii uu iclaamiyey to dobaad ka hor.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa hadda u muuqda inay ku kala qeyb sameen da naha siyaasadeed ee dalka, waxaana laga war sugayaa go’aanada ay ku gaari doonaan shirkaan lagu wado inuu Muqdisho uga furmo.

Horay waxaa shirkaan u diiday oo mid Farma ajo ka gees iclaamiyey taageeray hoggaamiya ha Koonfur Galbeed oo markii dambe ka shal aayey go’aankaas, kadib markii cadaadis iyo waji gabax uu kala kulmay dalalka caawiya So omaaliya oo Mareykanku ugu horeeyo.

Haatan waxaa Muqdisho ku sugan dham aan madaxda dowlad goboleedyada dalka, wa xayna ka qeyb geli doonaan shirka uu iclaami yey Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo uu mee sha ka baxay shirkii Farmaajo iclaamiyey oo markii horaba carqaladeyn loo arkaayey.

Shariif Sheekh Axmed oo Muqdisho kula kulmay James Swan

Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sh eekh Axmed ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii waxa uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Er gayga Gaarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Somaliya, Am b. James Swan.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Jam es Swan ay ka wada hadleen xal u helidda caqabadaha hortaag an dardargelinta doo rasho daahfuran oo sida uu yiri natiijad eeda lagu wada qan ci karo.

"Waxaan la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Danjire James Swan, waxaana ka wada hadalnay xaaladda siyaas adeed ee dalka, xal u helidda caqabadaha hor taagan dardargelinta doorasho daahfuran oo natiijadeeda lagu wada qanci karo.” Ayuu Shar iifku ku sheegay bartiisa xiriirka bulshada.

James Swan ayaa Magaalada Muqdisho ka wada kulamo uu la qaadanayo daneeyeyaa sha siyaasadda ee dalka, isagoo markaasi ka la hadlaya xaaladda ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka, ee dib u dhaca ku keeni karta doorashada waqti geeda dhaaftay.

XOG: Laba qodob oo dhabar-jab ku ah FARMAAJO oo hor-yaalla shirka MUQDISHO

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inuu Isniinta ka furmo magaalada Muq disho kadib markii ay soo wada gaareen dha mmaan madaxweyne goboleedyada dalka. Hase yeeshee, shirka ayaa wajahaya caqabad xooggaan, waxaana yar fursadda laga qabo in lagu meel-mariyo laba qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo ay gadaal ka riixayaan ra’iisul wasa are Rooble iyo qaar ka mid ah madax gob oleedyada.

Sida Aysheegtayin ay sheegtay in ay oga atay Caasimada Online, qodobka koowaad ay aa ah; in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo. Qodobkan ayaa waxaa si aad ah u daneynaya Axmed Madoobe iyo Cali Guud laawe, oo ay caqabad ka kala haysato maga alooyinka Garbahaarey iyo Beledweyne.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo markii hore ka cago jiidayey fikraddan ayaa la sheegay inuu hadda taageerayo kadib markii ay isku xuma adeen Farmaajo, oo aad uga soo horjeeda arri ntan, horeyna uga digay.

Qodobka labaad ayaa ah; in ra’iisul wasa are Rooble doonayo in shirka laga soo saaro baaq ah in amniga dalka si buuxda ra’iisul wa saaraha loogu soo wareejiyo, haddii aanay ta as dhicinna aanu dalka doorasho hufan ka dhici karin

Farmaajo ayaa horey Rooble ugu wareejiy ey amniga doorashada,

Maamulka Puntland Oo Baaq Kasoo Saaray Dagaal Dhexmaray Maleeshiyo Beeleed

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Gobole edka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Kara ash ayaa ka hadlay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyaad oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay tuulada Saax-maygaag ee Gobolka Sool, kaasi oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa maleeshiyo beeleedka ku dagaalamay deegaa nnada Saax-maygaag iyo Sa nga jabiye ugu baaqay inay si shuruud la’aan ah ku joojiya an Colaada soo cusboonaa tay ee dhiiga ku daatay, ayna ka shaqeeyaan nabada.

Axmed Karaash ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhacay, wax aana kuwo dhaawacmay uu u rajeeyay inuu Alle Caafimaad siiyo, isagoo labada dhinac dal baday in dagaalka la joojiyo, lagana wadaha dlo wixii muran ah ee jira. Waxgaradka, Isima da iyo Culimada Puntland ayuu Axmed Karaash ugu baaqay inay kala dhex-galaan beelaha walaalaha ah ee Colaada dhexmar tay, isla markaana xusay in Maamulka uu diy aar u yahay sidii uu qeyb uga noqon lahaa joo jinta dagaalka.

Inta la xaqiijiyay lix ruux oo ka tirsan dhina cyadii dagaalamay ayaa ku dhintay in ka bad an 15 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal be eleed ka dhacay deegaannada Saax-maygaag iyo Sanga jabiye ee Gobolada Sool iyo San aag.

Dagaalka labada dhinac ayaa ku salaysan Arrimo la xiriira muran ka taagan degaamayn ta Saax-maygaag iyo Senga-jebiye oo u dhex eeya degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo tuulada Birta dheer oo ka tirsan Gobolka Nu gaal, waxaana weli taagan xiisada.

Wasiirka Amniga oo faah faahiyay Amar uu soo saaray

Ka dib markii Wasiirka Wasaaradda Amn iga uu soo saaray Amar ku saabsan in Ciidan ka NISA laga soo saaro Garoonka diyaarada ha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho had al heyn badana ay ka dhalatay ayuu faah faa hin ka bixiyay Wasiirka.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in isbedelka laxir iira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aad an Cadde uu quseeye kal iya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaara daha (Terminal ka)

"Ma quseeyo Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde ayuu yiri” Wasiirka.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa tan iyo markii la Magac aabay waxaa uu qaaday tallaabooyin dhowr ah, iyada oo badi aysan dhaqan gelin, waxaa na dad badan ay sheegeen in tallaabooyink aas ay yihiin kuwo la xiriira Arrimo siyaas adeed..

Puntland oo Sheegtay in sida Al-Shab aab ula dagaalamayaan dadka ka Gana csada Maandooriyaha

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ka hadlay waxy aabaha maanka dooriya ee la soo galiyo gob olka Mudug, wa xaana uu sheegay in dadka ka ganacsada waxyaabah aasi ay lamid yihiin Uru rka Al-Shab aab

Waxaa uu tilmaamay in Ciidamda ay amar u qabaan in dadkaasi hadii ay arkaan ay toogt aan, bulshada gobolka Mudug ayuu ugu baaq ay in ay iyana soo sheegaan hadii ay arkaan qofka deegannada Mudug soo galina ya waxy aabaha maanka dooriya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa laamaha Amni ga Gobolka Mudug waxaa ay wad een howlg allo ka dhan ah dadka isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada Maandooriyaha, iyaga oo gacanta ku dhigay khamri farabadan & dad ka Ganacs anayay.
Gabadhii ’15 jirka aheyd’ ee kursigii la diiday kula tartantay xildhibaan Sareedo oo hadashay

Musharaxadii la tartantay Xildhibaano Sa reedo Maxamed Cabdalla oo ayadu markale difaacatay kursiga HOP154, oo uu Guddiga doorashooyinka uu sheegay in qaabkii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada.

Guddiga doorashada

Heer federaal ayaa hore u sheegay in gabadha la tart antay Sareeda aysan soo buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshi iskii 1 Oktoobar 2020.

Gabadha oo lagu magacaabo Fardowsa Ibraahim Cabdi ayaa ayada oo ay garab taa gan tahay xildhibaan Sareedo beenisay inay jirto 15 jir, islamarkaana ay da’deedu tahay 27 jir, taasi oo meesha ka saareysa eedey nta loo laalay kursiga HOP154.

"Weligay ma tagin meel lagu tartamayo, aniga codsaday in aan la tartamo, doorasha dana waxay u dhacday si cadaalad ah oo ula tartamay (Sareedo),” ayey tiri.

Xildhibaano Sareedo oo ayaduna had ashay ayaa sheegtay in da’da laga faafiyay gabadha la tartantay ay ka dambeeyan dad xumaan tashiil ah, sida ay hadalka u dhig tay.

"Waa gabadh 27 jir ah oo dhalatay 1994, Soomaaliya waxaa la keenay qofka markii wax laga sheegayo been laga sheego oo la maago. Dadka xun warkooda yaan la tixgel in ee dadka fiican ha la tixgeliyo,” ayey tiri.

Si kastaba, arrinta yaabka leh ayaa ah in ga badhan iyo xildhibaan Sareedo ay weli wada socdaan toddobaadyo kadib doorashadii, ta asi oo muujineysa inuu xiriir ka dhaxeeyo, oo ay doorashada ka aheyd malxiis un.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Guddiga doorashooyinka heer federaal uu horaanta bishii hore ku dhawaaqay in kursiga ay ku guuleysatay Xildhibaano Sareeda uu ku ce lisay yahay, waxba kama jiraana ay tahay natiijada kasoo baxday.

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Bandow Kusoo Rogay Magaalada Baladweyne

Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlad Go boleedka Hirshabeelle ayaa Bandow kusoo rogay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolkaas, sida uu Shalay shaaciyay Afh ayeenka Maamulka Hii raan Liibaan Cabdi Cumar.

Afhayeenka oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in sababta keentay in Bandow lagu soo rogay Magaalada Baladwe yne ay tahay, si looga hortego wax walbo oo keeni kara khal-khal gelinta ammaanka Mag aalada.Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiir aan Cali Jeyte Cismaan ayuu Afhayeenka tilmaamay inuu faray laamaha amniga dowl adda Federaalka iyo kuwa Hir shabeelle inay dhaqan-geliyaan Bandowga lasoo rogay, si loo xaqiijiyo amniga, isla markaana laga hortego falalka amni darro.

"Guddoomiyaha Gobalka Cali Jeyte Cis maan waxuu Bandow ku soo Rogay Magaa lada Baladweyne ee Xaruunta Gobalka Hii raan. si loo xaqiijiyo Amniga Baladweyne Lo ogana hortago wax walbo oo Qalqal Gelin karo amniga Baladweyne” ayuu ku yiri Qora alka uu soo saaray Afhayeen Liibaan Cabdi Cumar.

Baladweyne ayaa waxaa habeeno kahor dagaal xoogan oo dhaliyey khasaaro uu ku dhexmaray Ciidanka Maamulka iyo Ciidamo uu watay Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere, waxaana dagaalkii dhacay la xaqi ijiyay inay ku dhinteen 5 ruux, sidoo kalena Shalay duleedka Magaaladaas ayaa waxaa ka dhacay dagaal xoogan.

Bandowga uu Maamulka Gobolka kusoo rogay Magaalada Baladweyne ayaa kusoo aaday, iyada Dorraad Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan uu ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka hubeysan ee kasoo hor jeeda Maamulka Hirshabeelle ee halkaas jooga.

6 qof oo ku geeriyooday dagaal beele ed ka socda inta u dhexaysa Garowe iyo Boocame

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyooday 15 kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed oo ka so cda deegaanno dhaca inta u dhaxaysa Ga rowe iyo Boocame.

Dagaalka ayaa salka ku haya muranka ka dhashay deegaamaynta Saax-maygaag iyo sange-jebiye oo ah dhul daaqsimeed u dhaxeeeya tuulada Birta dheer oo Garowe hoos timaada iyo degmada Bocame oo katir san gobolka Sool.

Dagaalka ayaa lagusoo waramayaa inuu weli socdo, waxaana deegaannadaas horey uga barakacay boqolaal qoys oo sannadkii hore degenaa.

Puntland ayaa ku guul daraysatay in ay xakamayso colaaddaan oo muddo soo jiitam aysay, taasoo lagu eedeeyay in ay sii hurina yaan ciiddamo Puntland katirsan oo labada dhinac kasoo kala jeeda.

Ciidamo deegaannada lagu dagaalam ayo la geeyay ayaa ku guulaysan waayay in ay kala qaadaan labo maleyshiyo beeleed ee is horfadhiya.

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo joojisay xildhibaanno lagu kordhi

yay golaha deegaanka Buuhoodle

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa joojisay dhaqangalka 6 Xubnood oo uu Duqa Degmada Buuhoodle u dhaariyey ka

mid noqoshada Golaha Deegaanka Buuho odle ee Gobolka Cayn.

Qoraal kasoo baxay wasa aradda arrim aha gudaha ayaa lagu sheegay in aan loo marin sifo sharci xildhibaann ada Dorraad loo dhaariyey ee lagu siyaadiyey Golaha Deega anka Degm ada Buuhoodle.

Duqa Buuhoodle ayaa ku adkaystay in ay degmadooda xaq dastuuri uleedahay xu bnaha lagu kor dhiyay golaha deegaanka, isa goo sheegay in ay kala mid ta hay degm ooyinka kale ee Pu ntland ee leh 31 xubno od oo gole deegaan ah.

Jubbaland oo dib u dajin u sameynaysa dadkii xoolahoodii ku waayay abaaraha

Kadib abaartii darnayd ee haleeshay dee gaannada hoos taga maamulka Jubbaland, ayaa haatan maamulku wuxuu sheegay inuu dib u dajin u sameynayo dadkii abaartaas ay saameysay ee ku xoolo beelay.

aamulka Jubbaland ayaa sheegay in dadka abaaruhu saameeyeen laga kaabi do ono cunnada iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin.

Wasiirka gargaarka Jubbaland, Cabdirax maan Cabdi Axmed ayaa sheegay in saddexda gobol ee Jubbaland ay ka sameey een meelo loogu talo galay inay hoy ka dhigtaan dadka abaaruhu soo barakaciyeen, si loo siiyo raashin iyo agab ka nololeed ee ay u baahan yihiin.

Wasiirka ayaa sheegay in hadda la ans ixiyay 28,000 qoys oo lasiinayo kaararka cu ntada. Wuxuu sheegay in dhammaan dadka abaaruhu heli doonaan gargaar isku mid ah, iyadoo la eegayo sida ay u kala baahi badan yihiin.

Wuxuuu sheegay qorshaha xiga inuu ya hay marka abaaraha laga baxo, in qoysaska laga saaro xaaladda barakaca, dibna loogu celiyo deegaannadii, iyadoo loo sameeyna yo xoolo goyn dadkii xooluhu ka dhamaad een.


Nooca cusub ee cudurka Karoonaha oo baajiyay in ka badan 3,300 duullimaad

In ka badan 3,300 duullimaad ayaa la ba ajiyay adduunka oo dhan – in ka badan 1, 900 oo ka mid ah ayaa ku sugnaa Mareykan ka – iyadoo waddamadu ay soo tebiyeen kiisaska diiwa angashan ee cudurka ‘coron avirus’ ee uu sababay kala duwanaanshaha Omicron.

Yurub gudaheeda, kumanaan qof ayaa dii day mamnuucida isu imaatinka Amsterdam ee mudaaharaad looga soo horjeedo talaa booyinka xirida coronavirus ee dowlada Ne derland.

Faransiiska ayaa sheegay in dhammaan safarrada aan la tallaalin ee ka yimid Marey kanka ay u baahan doonaan inay is karantil aan 10 maalmood.

Hindiya waxay soo sheegtey in ka badan 27,000 oo ah infekshannada COVID-19 cu sub – tirada ugu badan ee maalinlaha ah tan iyo Oktoobar. Dalka ay jaarka yihiin ee Pakis tan ayaa ka digaya in waddanku uu galayo mowjadda coronavirus ee shanaad.

Ismaaciil Daahir oo shaaciyey in lagu deg-degay go’ankii wasiirkii amniga ee garoon ka – "Waxa ay aheyd in la bedalo

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan oo u warramay Universal Tv ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay wasiirka amniga

gudaha Cabdullahi Maxamed Nuur oo amar ku bixiyey in ciid amada dharcadda ee NISA ay isaga baxaan gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ismaaciil Daahir ayaa marka hore shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in tallaabo laga qaado ciidamada NISA ee ka howl-gala garo onka, isaga oo ku eedeeyey inay juujuubaan ama handadaan siyaasiyiinta ka firkirka du wan dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Mr Daahir ayaa dhanka kale xusay in la gu deg-degay go’aanka wasiirka amniga, wu xuuna tilmaamay inay habooneyd in kaliya la beddalo hoggaanka NISA ee Aadan Cad de.

"Xoogaa waxaad moodaa warqadda in la gu deg-degay, sababtana wax kale ma aha ciidankaas waxay mudan yihiin in hoggaan kooda marka hore la beddalo, haddii ay ku waana qaadan waayaana iyaga dhanba me esha laga beddalo,” ayuu yiri Ismaaciil Daah ir Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey "In gabigood garoonka laga bixiyo waxay qatar gelineysaa amniga guud ee garoonka,”.

Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA oo had alkiisa sii wata ayaa is barbar dhig ku same yey shaqooyinka ay garoonka ka hayaan bo oliiska iyo nabad sugida, wuxuuna tilmaam ay in ciidamada booliska ay u xilsaaran inay koontaroolaan kastamka, halka ciidamada NISA ay ka shaqeeyaan amniga garoonka, si ula socdaan dadka soo galay dalka & ku wa ka baxaya."Booliska waxa ay inta badan ku howlan yihiin oo ay ka shaqeeyaan dhina ca kastamka waxa soo galaayo iyo waxa ka baxaayo dalka ayey koontaroolaan, halka nabad sugidda shaqadooda ay tahay sug idda amniga iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, si aysan dalka usoo gelin ama u ga bixin dad la raadinaayo,” ayuu markale wareysiga ku yiri Ismaaciil.

Si kastaba, garoonka diyaaradaha ee Aad an Cadde ayaa waxaa horeya uga howl geli jiray ciidan nabad sugid dhar cad ah, wa xaana ciidankan markii hore si toos u xuk umi jiray kaaliyihii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Kulane, waxaana inta badan loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo dad ka laga xanibayo inay ka dhoofaan garoon ka Aadan Cadde.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Afhayeenka Kulmiye "Farmaajo miyuu ogo laaday madaxbannaanida J. Somaliland?"

Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo ka jawaabay ee do uu guddoomiyaha xisbiga Waddani u jee diyay madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in Xirsi uu ku ka cay sha rci jabin.Buuni, ay aa ixtir aam daro ku tilmaamay had alka uu guddoomiye Xirsi ku sheegay in madaxweyne Biixi uu sito baas boor dal shisheeye, isagoo sheegay in uu ku gafay qodobo dastuurka ka mid ah.

"Waxad tidhi madaxweynaha J. Somal iland waa ajaanib, waa eray afka ka wayn, waana danbi culus mana aad xishoon oo wa xba maad qadarin mar hadad tidhi dalkan aj aanib ayaa xukuma, mar hadii aad u badhee dhay in aad beeniso qodobka 82 iyo qodob ka 93 ee Dastuurka J. Somaliland, waa dan bi aan u dhaafayno oo u yaala hay'addaha dastuuriga ah" ayuu yidhi Buuni.

"Marka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aad ku sheegtay ajaanib adigu ma muwaad in ayaad noqonaysa?" Ayuu hadalkiisa ku daray Buuni.

fhayeenka ayaa Xirsi ku eedeeyay in uu saamayn ku leeyahay guddoomiyaha golaha wakiilada, isagoo ku eedeeyay in uu akhr iyay wax aan ku qornayn waraaqaha xasuus dhowrka golaha wakiilada.

"Xirsi wuuxuu yidhi guddoomiyaha golaha wakiilada aniga ayaa leh, oo aarkiifiy ada (xusuus dhawr) golaha wakiilada warqa daha aan kasoo qaatay waxa ku qoran iyo waxa uu afkiisa ka yidhi ay aad iyo aad u ka la duwanayd" ayuu yidhi Buuni.

Buuni ayaa dhinaca kale, Xirsi ku eedeey ay in uu difaacay madaxweyne Farmaajo "Waxan ogahay shacbiga Somaliland sida ay uga xumaadeen, difaaca aad difaacday Farmaajo, Farmaajo miyaanu ahayn cadow ga kowaad ee Jamhuuriyada Somalil and" ayuu yidhi Buuni. "Miyuu ogolaaday madax bannaanida Jamhuuriyada Somaliland?".Xirsi oo todobaadkii hore ka jawaabayay hadal uu madaxweynuhu ku duray muddo dhaafka madaxweyne Farma ajo, ayaa Biixi ku eedeeyay in uu isaguba sharciga jabinayo.

Dab ka kacay suuq ku yaala xaafadda Sey Biyaano ee Degmada Hodan

Dab xoogan ayaa barqanimadii Shalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala xaafad da Sey Biyaano ee Degmada Hodan ee G. Banaadir. Muuqaalo laga soo qaaday halk aasi ayaa muujinaya dabka oo baabi’iyay go obo ganacsi oo lagu iibin jiray raashiinka quutul daruuriga. Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in dabku uu cagta mariyay illaa shan goobood, Shaqaalaha Dab Demiskana ay u muuqdaan kuwo haatan xakameeyay fiditaanka dabkaasi.

Qaybta uu dabku ka kacay ayaa lagu sheegay Suuqa Caanaha lagu iibiyo ee xaa fadda Sey Biyaano. Guddiga Suuqa Sey Biy aano ayaa sheegay in dabku uu ka dhashay maaso (koronto) ka kacday timo-jare ku ya ala suuqaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inuus an jirin khasaare nafeed oo dabkaasi uu sab abay, marka laga reebo burbur hantiyadeed, ayna ku guuleysteen inay baqtiiyaan dabk aasi.

Dabka ka dhasha xargaha korontada ay aa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo bad anayay suuqyada dalka.

Ciidamada Gorgor oo nolosha ku qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa la ga helayaa howl-gallo qorsheysan oo cii damada dowladda, gaar ahaan kuwa Gorgor ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gob olka Shabeela ha Hoose ee maamul ka Koonfur Galb ed.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ka dhan ah koo xda Al-Shabaab ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada Bariire, Too rtoorow, Mub arak, Shaam-garre, Jowhar yarey oo dhamm aanood hoostaga degmadda Aw dheegle ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galladan la gu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ahaa bartilmaa meedka ciidamada sameeyey howl-galladaasi.

Saraakiil u hadashay ciidamada Gorgor ay aa sheegay inay howl-galladaas ku soo qab-qabteen illaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuna sugnaa deegaanada ay gaa reen ciidamada ee hoostaga degmada Awdh eegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi waxa ay kusii dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo la xiriira howl-galladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciida mada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Sha=beelaha Hoose oo ka tirsan dowlad gobo leedka Koonfur Galbeed ka socday guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobol kaasi.

Faah Faahin: Ciidamo Ka Tirsan DANAB Oo Qarax Lala Beegsaday Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Qarax miino nooca dhulka lagu aasay ay aa waxaa Shalay kolonyo ay wateen Cii damo ka tirsan kuwa DANAB ee dowladda Soom aaliya lagula eegtay inta u dhexee ysa dega anka Ceel-dheere iyo M/ Dhu usamareeb ee Caas imadda Maamulka Gal mudug.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheeg ayaan in qaraxa lala eegtay Ciidanka DAN AB uu ka dhashay khasaaro soo gaaray Ciidanka oo kusii jeeday degaanka Ceel-dhe ere ee Gobolka Galgaduud oo dhowr jeer qabsadeen dagaalamayaasha Al-sha baab.

Inta la xaqiijiyay ilaa seddex Askari oo ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee DANAB ee dowladda Federaalka ayaa dhaawacyo ka soogaaray Miinadaasi, kuwaas oo la gaars iiyey Isbitaalka Magaalada Dhuusa mareeb.

Kolonyada gaadiidka ay wateen Cii dam ada DANAB ee dowladda Soomaal iya ayaa kusii jeeday dhanka degaanka Ceel-dheere oo ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadaan Ciidanka dowla dda iyo kuwa dow lad Goboleedka Galm udug.Al-shabaab ayaa marar duwan wax aa ay degaano ka tirsan Gobolka Galgad uud ay qaraxyo miino geys tay khasaaro dhimasho iyo dhaawac kula eegteen kolo nyo ay wateen Ciidamo ka tir san dowlad da Federaalka iyo kuwa Galmu dug oo da gaal ku jira Al-shabaab.

Al-Shabaab Oo War Ka Shaacisay Qar ax Shalay Lala Eegtay Ciidano Ka Tirsan DANAB

Qaraxaan oo ahaa miino ayaa waxaa gaari nooca Soomaalida u taqaano Cabdi Bile oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa DANAB ee dowladda Federaalka la gula beegsaday degaan u dhow Magaa lada Dhuusa mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud

Qaraxa miinada ah ayaa waxaa uu Cii danka DANAB ku qabsaday, xilli ay socd aal ku marayeen wadada laamiga ee xiri irisa degaanka Ceel-dheere iyo Ma gaala da Dhuusamareeb, waxaana qarax aas ka dhashay isugu jira dhimasho iyo dha awac.

Al-shabaab oo ka hadashay qaraxa lala eegtay Ciidamada dowladda Federaalka ayaa waxaa ay sheegteen inay ku dileen qaraxaas dhacay ugu yaraan 9 Askari oo kamid ah Ciidankaas, halka ay dhaawacyo soo gaareen Saddex Askari oo saarnaa gaariga.

Sidoo kale Shabaabka ayaa intaas kusii daray in Ciidanka la qarxiyey ay kusii jee deen degmada Matabaan ee Gobolka Hiir aan, iyaga oo xlligaas kasoo ambabaxay Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna qaraxa as ku qabsaday Ceel-dheere oo u dhow Dhuusamareeb.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo bax ay Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo ku wa Maamulka Galmudug oo ay uga hadl ayaan qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee Shalay ka dhacay Gobolka Galgaduud oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa marar duwan waxaa ay degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ay qaraxyo miino geystay khasaaro dhima sho iyo dhaawac kula eegteen kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Feder aalka iyo kuwa Galmudug oo dagaal ku jira Al-shabaab.

Guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland iyo ku-xigeenkiisa oo is-casilay

G/guddiga doorashada Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa Shalay is casilay, ayaga oo warqada istiqaalada u gudbiyay xubnaha Guddiga KMG ah ee doorashoo yinka Puntland.

Guuleed Saalax, Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyin ka Puntland oo qoraal soo saaray kadib mar kii uu xilkaas iska casi lay, ayuu ku sheegay in duruufo ka horyimid dartood uu goostay in uu baneeyo booskaas.

Xirsi Faarax ahna Guddoomiye ku-xige enka guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa asagna is-casilaadiisa ku sheegay inay ku salaysan tahay duruufo amni u gaar ah, sida uu sheegay.

Labada mas’uul ayaa ahaa kuwii ugu sareeyay ee hogaaminayay guddiga doo rashooyinka Puntland ee qabtay doorash ooyinkii qof iyo codka ahaa ee ka qabso omay qeybo kamid ah deegaanada maam ulkaas. Guddigan waa midka u gaarka ah Puntland, ee ma ahan kuwii qabanayey doorashooyinka federaalka.

Hoos ka aqriso labada qoraal ee ay soo saareen Guuleed iyo Xirsi

Qoraalka Guuleed Saalax

Shalay waxaan ugudbiyay Xubnaha Gud diga KMG Doorashooyinka Puntland wa rqad aan ku bannaynayo jagada Gudd oomiyanimo ee Guddiga, sidoo kale isla Shalay waxaan Guddoomiyaha Baarlam aanka la wadaagay warqad aan isaga cas ilayo xubinimaddii Guddiga ee aan kusoo shaqaynayay muddo 2 sano iyo bar ah. Waxaan qorshaynayay inaan qayb kasii ahaado shaqada adag ee Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddigu u hayaan bulshada reer Puntland, laakiin duruurfo iga hor yimid dartood waxaan goostay ina an banneeyo booska.

Aniga oo ku kalsoon aqoonta, khibrad da, kartida iyo iskuduubnaanta Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddiga KMG Doo rashooyinka Puntland, waxaan ALLE idan kiis hubaa in shaqada qaybta harsan ay si habsami leh ku dhamayndoonaan. Shaq ada inteeda badan waxaa awalba hayay xubnaha kale iyo shaqaalaha, Guddoon ahaan kaalintayadu waxay ku koobnayn hogaamin, matalaad iyo hagis guud.

Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo gacanqabad iyo taageero siisay Hay’ad da Doorashooyinka si guud anigana si ga ar ah muddadii aan hogaaminayay Hay’ad da. Si gaar ah waxaan ugu mahadcelin Madaxweynaha iyo dhamaan masuuliyiin ta dawladda, ururada siyaasadda, ururada bulshada, dadweynaha reer Puntland iyo saaxiibada beesha caalamka.

Ugu dambayn waxaan u mahad celin ayaa xubnaha sare iyo shaqaalaha Guddi ga oo aan soo wada qabanay shaqo adag duruufo adagna aan soo wada marnay.

Bulshada reer Puntland oo aan arag nay sida ay ugu baahiqabaan nidaam daw ladnimo oo ku yimaada doorasho dadwe yne oo xalaal ah, waxaan ku kalsoonahay in dawlad iyo dadweynaba aan hayaanka iyo tubta cagta la saaray marna aan laga noqondoonin.

Muddadii aan hogaaminayay Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland wixii wan aagsanaa ee na qabsoomay mahaddeeda ALLE ayaa iska leh, ka sokow xubnihii iyo shaqaalihii Guddiga ee muujiyay hawlka rnimo, daacadnimo iyo iskuduubni. Wixii farsamo ahaan naga qaldamay muddada as masuuliyaddeeda aniga ayaa qaadaya cudurdaar iyo raaligelina kasiinaya dadw eynaha reer Puntland.

Aniga oo muwaadin ah waxaan mar walba diyaar u ahaandoonaa inaan talo iyo tabarba la garab istaago dhamaystirka hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Qoraalka Xirsi Faarax

Guddiga Doorashooyinka Puntland Oo Doortay Guddoomiye Iyo Guddoomiye Ku-Xigeen

Guddiga Doorashooyinka Puntland ay aa doortay Guddoomi ye iyo Guddoomiye ku-xigeen kumeel-gaar ah, kaddib is-casila addii Guddoomiye Gu uleed Saalax iyo ku-xigeenkiisii Jaamac Xirsi.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Gud digu ayaa waxa ay ku sheeegen in doora shada aysan ku imaan doonin wax dib u dhaca ah, sidaa darted ay doorteen Gud doomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen ku meel gaar ah.

Hoos ka akhriso War-Saxaafadeedka

Ciidamada Badbaado Hiiraan iyo kuwa Golaha Kacdoonka Hiiraan oo Xalay gudaha u galay magaalada Baledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Bal edweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xalay gudaha u galeen ma gaalada Baledweyne ciidamada la baxay Badbaado Hiiraan ee uu hoggaamiyo Ko rneyl Nuur Dheere iyo ciidamada Golaha Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaamiyo Je naraal Abuukar Xuud oo iskaashanaya.

Ciidamadan Xalay la gu dhex arkay gudaha B/weyne ayaa Shalay gelinkii hore waxa uu dagaal ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Hirshabeelle deegaanka Qawlad ee dhaca duuleedka Waqooyi bari Baledweyne.

Imaashaha ciidankan Xalay gudaha u soo galay Baledweyne ayaa kusoo beeg maysa xili ciidankii dowladda iyo kuwa Hi rshabeelle ee Shalay kula dagaalamay de egaanka Qowlad aysan wali dib ugu soo laaban gudaha magaalada Baledweyne.

Muqaalo lagu soo bandhigay baraha bu lshada ayaa lagu arkaayay Korneyl Nuur Dheere iyo ciidamadiisa oo dhex lugeyna ya wadada laamiga ee halbowlaha u ah is ku socodka magaalada Baledweyne.

Dadweyne farabadan oo taageersan ci idamadan kasoo horjeeda Hirshabeelle ee Xalay lagu dhex arkay gudaha Baledw eyne ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baledweyne.

Gabagabadii ciidankaan Xalay lagu dhex arkaayo gudaha magaalada Baled weyne ayaa waxay kusoo aadeysa xili Shalay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte uu sheegay in magaalada Bale dweyne Xalay Bandow tahay si loo xaqiijiyo amaanka M/Baledweyne.

Israel oo weerar dhinaca cirka ka gaysatay Marinka Gaza

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa saqdii dhexe ee Habeen hore weerar dhinaca cir ka ah ka gaystay Marinka Gaza, oo uu ma amulo Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta.

Taliska Militariga ee Israel ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen goobo ay shee geen in Xamaas ay u adeegsan jirtay sam eynta gantaalada oo ku yaala Koonfurta Gaza.

Talisku waxaa uu sheegay in weerarad aa si ay qaadeen, ka dib markii Sabtidii Dorraad laba gantaal looga soo tuuray dha nka Gaza.

Bayaan ka soo baxay Taliska Militariga ee Israel ayaa lagu sheegay in weerarada asi la qaaday, markii dadka reer Gaza looga digay inay ka fogaadaan goobaha asi.

Sidoo kale Ciidanka Dhulka Israel ee taangiyada ku hubeysan ayaa garaacay goobo ku yaala Waqooyiga Gaza.

Warbaahinta Xamaas ayaa baahisay in diyaaradaha iyo taangiyada Israel ay duqeymo ka gaysteen fariisimaha iyo xery aha tababar ee halkaasi ku leeyihiin.

Illaa iyo haatan lama soo sheegin khasa are nafeed oo ka dhashay duqeymaha ay Israel ka gaysatay qaybo ka mida marinka go’doonsan ee Gaza.

Sabtidii, laba gantaal oo laga soo riday dhinaca Gaza ayaa ku dhacay Xeebaha Magaalada Tel Aviv, mana jirin cid wax ku noqotay.

Xamaas ayaana sheegin masuuliyadda gantaalahaasi. Xaalad deganaansho ah ayaa ka jirtay Marinka Gaza, tan iyo bishii May ee sanadkii hore, ka dib markii xabad joojin laga gaaray dagaalkii kow iyo toban ka maalmood socday, ee u dhaxeeyay Xamaas iyo Israel. Labada dhinac ayaase mararka qaarkood gantaalo isweydaarsa nayay.

Kim Jong-Un Oo Ka Dhawaajiyay In Dal k iisa Uu U Dhexeeyo Nolol Iyo Geeri

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in dhaqaalaha liita uu sanadkan noqon doono muhiimadda koowaad ee dalkiisa iyadoo dalkaasi uu wajahayo "hardan nolol iyo geeri u dhaxeeya”

Wuxuu ka hadlayay shirka xisbiga talada ha ya, oo ku soo aaday sa na-guurada 10-aad ee uu Kim xilka hayo.

Kuuriyada Waqooyi ayaa la daalaa dhac aysay cunno yaraan baahsan, kaddib xay iraad uu iskiis dalkaas u soo rogay sababo la xiriira xanuunka Covid-19.

Khudbadiisa si toos ah uguma uusan soo qaadin Mareykanka amaba Kuuriyada Koofureed.

Kim ayaa sheegay dardargelinta horum arinta nolosha dadka ay tahay muhi imadda koowaad.

Wuxuu garwaaqsaday xaaladaha adag ee 2021 uu dalkaasi baday iyo muhiimad da ay leedahay in la xalliyo dhibaatada cu ntada, dharka iyo guryaha ee ay dadku qabaan.

Mareykanka Oo Farriin Hanjabaad Ah U Diray Saraakiisha Milateriga Suudaan

Xoghayaha arrimaha dibadda Marey kanka Antonty Blinken ayaa sheegay iney Washington diyaar u tahay iney tallaabbo ka qaadayo saraakiisha ciidamada Suud aan ee hortaagan in talada dalka lagu soo celiyo dowlad rayad ah.

Blinken wuxuu sheegay saraakiisha ciidamada u gu sarreeya haddii ay rab itaanka shacabka Suudaan ay meel marin waayaan ay cawaaqib xumo la kulma yaan.

"Ma rabno inaan wixi hore dib ugu laa banno, waxaanna diyaar u nahay in aan u jawaabno kuwa doonaya in ay hor istaag aan himilooyinka shacabka Suudaan ee ah in la helo dowlad rayid ah oo dimuqr aadi ah oo u istaagta isla xisaabtanka, cad aaladda iyo nabadda” ayuu yiri.

Labadi bilood ee la soo dhaafay Ma reykanka wuxuu soo saarayey baaqyo ka aaddan inuu ka soo horjeedo afgambiga militari ee ka dhacay dalka Suudaan.

Dowladda Militariga ee Suudaan waxay Shalay jareen adeegga internetka iyada oo Shalay markale la qorsheynayo inuu dalka Suudaan uu ka dhaco mudaharaad kale oo lagu dalbanayo iney ciidamadu tal ada dalka wareejiyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip