Maxaa ka jira in Shiinaha uu Uganda kala wareegayo Garoonka Entebbe

0
Tuesday November 30, 2021 - 16:10:24 in Wararka by
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka jira in Shiinaha uu Uganda kala wareegayo Garoonka Entebbe

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dowladda Uganda ayaa beenisay wararka sheegaya in Shiinuhu kala wareegayo Garoonka Diyaaradaha Entebbe, oo ku yaala duleedka Magaalada Kampala.

Garoonka Entebbe waa isha ugu weyn ee dhaqaale, ee ay dowladda dalkaasi leedahay, waxaana tallaabada uu Shiinuhu kula wareegayo lagu sheegay, haddii aanay dib u bixin lacagtii deynta ahayd, ee horaan Xukuumadda Beijing ugu maalgelisay ballaaranta lagu sameeyay dhismaha garoonkaasi.

Warbaahinta Uganda ayaa ku warantay in deyntaasi ay gaareyso laba boqol oo milyan oo dollarka Mareykanka ah. Warbaahinta ayaa sidoo Xukuumadda Kampala ka soo xigatay in Shiinuhu diiday in dib looga wada hadlo qaabka lagu bixinayo deyntaasi.

Heshiiskii labada geesoodka ee labada dhinac ayaa dhigayay inaanay Hay’adda Duulista Hawada Uganda isticmaali karin lacagaha ka soo xarooda garoonkan, illaa ay fasax ka hesho Shiinaha, sida ku cad heshiiskan oo ay gaareen sanadkii 2015, markaas oo Bankiga Ganacsiga Shiinaha uu Uganda siiyay lacagta dib loogu habeeyay garoonkaasi.

Afhayeenka Hay’adda Duulista Hawada Uganda, Vianney Luggya ayaa war aan sax ahayn ku tilmaamay in Uganda ay waayi doonto Garoonka Entebbe.

"Run maaha in Dowladda Uganda ay waayi doonto Garoonka Diyaaradaha Entebbe, mana ahan markii ugu horeysay ee wararka noocaan ah la faafiyo. Dowladda Uganda waxay diyaar u tahay in ay iska bixiso deyntaasi, iyadoo haysato muddo toddobo sano ah. Intaasi ka dibna waxa ay bixin doontaa lacagta dul saarka ee eedeyntaasi la xiriirta.” Ayuu yiri Afhayeenka oo VOA la hadlay.

Qodobada heshiiska waxaa ku cad in Bankiga Ganacsiga Shiinaha uu xaq u leedahay inuu ogaado, lana socdo lacagaha bil kasta ka soo xarooda garoonkaasi, taasoo loo maleynayo inay Uganda jebisay.

Safaaradda Shiinaha ee Uganda ayaa Axaddii soo saartay war qoraala oo lagu sheegay in heshiiska deynta ee labada dal uu ahaa mid cad, oo aan lahayn qodobo qarsoodiya, kuna saleysan qaab cadaalad u ah labada dhinac.

Sanadkii 2018, Hanti Dhowraha Guud ee Uganda, John Muwanga ayaa walaac ka muujiyay in dowladdu ogolaatay dhowr shuruudood oo adag, taasoo uu sheegay inay halis ku tahay madaxbannaanida Uganda.

Amaahda guud ee Shiinuhu ku leedahay dowladda dalkaasi ayaa gaareysa hal dhibic lix bilyan oo dollar ($1.6B), oo Kampala u adeegsatay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dalkaasi.

Maxaa ka jira in Shiinaha uu Uganda kala wareegayo Garoonka Entebbe | Dhacdo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip