Suldaan Mahdi "Laba arrinba waa lagu qoonsaday Boqor Buurmadow"

0
Tuesday November 30, 2021 - 13:04:32 in Wararka by
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Mahdi "Laba arrinba waa lagu qoonsaday Boqor Buurmadow"

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq ayaa ka hadlay hadalhaynta ka dhalatay jooggitaanka Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Boqor Buurmadow) ee Gobolada Koonfurta iyo hadaladii uu ka jeediyay kulamo dhowr ahaa, oo Caasimadda Muqdisho uu kaga qaybgalay.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Somaliland ayaa 14-kii bishan soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoona mar uga sii gudbay Magaalada Baydhabo.

Boqor Buurmadow ayaa socdaalkiisa Gobolada Koonfurta ku sheegay mid uun qayb ka ah safar uu sheegay inuu ku marayay Geeska Afrika, uguna kuurgelayay xaaladda gobolka.



Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq ayaa sheegaya in Boqor Buurmadow lagu qoonsaday hadalo uu dhawaan ka sheegay Magaalada Muqdisho.

"Horta soo dhaweynta ninkan odayga ah ee lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, soo dhaweyn isaga shakhsiyadiisa la soo dhaweeyay ma ahayn ee waxay ahayd mid lagu soo dhaweynayay, loona muujiyayna dadkaasi walaalaha ah ee Reer Waqooyiga ama Somaliland. Waxay ahayd mid kalsooni iyo boogo dhayid loogu sameynayay dadkaasi walaalaha aan nahay ee Somaliland. Dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay jooggaan waa inay sidaas u fahmaan, soo dhaweyntaasi waxa ay ahayd farriin loo diraayay walaalahayna Somaliland, oo walaaltinimo, wada dhalasho, dhaqan iyo wanaagba uu naga dhaxeeyo.” Ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq.

Isagoo ka hadlayay waxyaabaha lagu qoonsaday Boqor Buurmadow ayuu yiri "Odayga waxaan is leeyahay laba hadalba waa lagu qoonsaday. Midda koobaad hadalkii uu ka jeediyay gogoshii Beesha Habagadir ay u dhigtay, oo uu ka sheegay codka Beelaha Direed, beec ma’aha ama iib ma’aha, oo uu kala jeeday in codkooda meel ay ayagu raali ka yihiin inay ku bixin doonaan. Siyaasad ahaan dad badan ayaa laga yaabaa inay taasi u arkaan in ay dhibaato iyo culeysba ku tahay.”

Suldaan Mahdi oo Universaltv la hadlay ayaa yiri "Qodobka labaad ee lagu qoonsaday odayga waxaan is leeyahay waa xasuuqii ay Dowladdii Dhexe u gaysatay dadka degga Gobolada Waqooyi. Taasi waxaan is leeyahay wax dhib ah kuma jiro in la sheego oo dadku ka hadlaan waxay ku jirran yihiin, maxaa yeelay waxay dhali kartaa in la is daweeyo oo la is qanciyo.”

Suldaan Mahdi ayaa tilmaamay in iyadoo hadaladaasi laga duulayo ay dadka qaarkii Boqor Buurmadow ku qabsadeen hadalkiisii uu ku sheegay in Shabaabku yihiin awoodda labaad ee dalka ka jirta.

"Ayadoo arrimahaas oo dhan lagu gambanayo ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu yiri Axmed Cabdi Godane iyo nimankan dhallinyarada ah madaxdoodu waa Dir, waana awoodda labaad ee dalka ka jirto. Marka siduu u soo hadalqaadi karaa ayaa xalay oo dhan meelaha la buun buuninayay.” Ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq.

Suldaanka ayaa intaasi ku daray "Boqor Buurmadow wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay Somaliland iyo gooni isu taageeda, waxaan is leeyahay odaygu inuu Somaliland ku laabtuu rabaa. Marka kaarkaasi waa kaarkii laabashadiisa, laakiin Somaliya iyo Somalilandba waxay u baahan yihiin maanta in lees qanciyo oo lees cafiyo oo la walaaloobo, la isku yimaado, lana is afgarto, waana hubaal inaysan Somaliya iyo Somaliland kala maarmin, iskaba daayee Afrika oo dhan ayaanba kala maarmin.”

Boqor Buurmadow ayaa Isniintii shalay sheegay inuu goor dhow dib ugu laaban doono Somaliland, wax walaac ahna aanu ka qabin dhinaca xukuumadda ka arrimisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip