Ciidamada Itoobiya oo horumar ka sameynaya dagaalka (SAWIRRO)

0
Tuesday November 30, 2021 - 15:50:25 in Wararka by
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo horumar ka sameynaya dagaalka (SAWIRRO)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa u muuqdo kuwo maalmihii ugu dambeysay horumar ka sameynayay dagaalka ay kula jiraan kooxaha fallaagada.

Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa hoggaaminaya ciidamada dalkiisa ee dagaalka kaga jira dhinaca Gobolka Canfarta. Ciidamada ayaana la sheegaya in deegaano hor leh ka qabsanayaan kooxahaasi.

Afhayeenka Xukuumadda Addis Ababa, gabadha lagu magacaabo Billene Aster Seyoum ayaa maanta sheegtay in fallaagada laga saaray marinkii gargaarka loo marin jiray dadka Tigrayga oo ku yaala Gobolka Canfarta.

Waxay sheegtay in TPLF ay qaadi doonto masuuliyadda, haddii uu hakad ku yimaado gargaarkii la gaarsiin jiray dadka gargaarka bani’aadanimo u baahan ee ku sugan Gobolka Tigrayga, bacdamaa ay isku dayayaan inay dib u soo caabiyaan Ciidamada Qaranka. Hubinti la’aan ku timaada marinkan ayay sheegtay inay dib u dhac ku keeni karto gargaarkii loo sii marin jiray dadka Tigrayga.

Iyadoo la hadleysay Warbaahinta ayaa waxay sheegtay in TPLF ay in muddo ahba ku taameysay, sidii ay gargaarka uga jari laheyd dadka reer Tigray, waana xilli TPLF ay horaan sheegtay in Dowladda Federaalka ay tahay midda gargaarka hortaagan.

Qoraal caawa ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in qasdiga Ra’iisal Wasaaruhu yahay, sidii uu ciidamada jiidda hore ku sugan ugu sii hoggaamin lahaa goobaha ay gabbaadka ka dhiganayaan kooxahaasi dagaalka kala soo horjeeda xukuumadiisa.

TPLF oo billihii ugu dambeysay ku sii siqeysay Caasimadda Addis Ababa ayaa waxaad hadda mooddaa in culeyska uu dhankeeda u wareegay, waana tan iyo markii Abiy Ahmed uu toddobaadkii hore iclaamiyay in uu hoggaamin doono Ciidamada Difaaca Qaranka ee furimaha hore ee dagaalka ku sugan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip