Faah Faahin Laga Helay Qaabka Ay U Bur-Burtay Diyaarad Ay Leeyihiin Militariga UK

0
Tuesday November 30, 2021 - 13:03:32 in Wararka by
  • Visits: 151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin Laga Helay Qaabka Ay U Bur-Burtay Diyaarad Ay Leeyihiin Militariga UK

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Baraha bulshada ayaa lasoo dhigay muuqaal hadal heyn badan dhaliyay oo u muuqda in laga soo duubay qaabka ay u burburtay diyaarad nooceedu yahay F-35 oo ay leeyihiin militariga UK, kaddib markii ay ka duushay markabka diyaaradaha xambaara ee HMS Queen Elizabeth.

Waxaa muuqaalka laga arki karaa duuliye ka booday diyaaradda oo qiimaheedu yahay £100 milyan oo gini, xilli ay kusii dhaceysay badda.

   Mar sii horreysay oo bishan gudaheeda ah ayay burburtay diyaarad F-35 ah oo ay leedahay UK kaddib markii ay ka duushay markabka oo howlgallo duullimaadyo ah ka fulinayay badda Mediterranean-ka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Britain ayaa sheegtay in aan weli la gaarin xilligii ay ka hadli lahayd dhacdadaas, waxaana hadda socda dadaallo lagu doonayo in diyaaraddaas lagu soo helo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip