Boqor Buurmadow" Somaliland in ay Soomaaliya ka go'do ayaan aaminsanay"

0
Monday November 29, 2021 - 22:25:15 in Wararka by
  • Visits: 353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Buurmadow" Somaliland in ay Soomaaliya ka go'do ayaan aaminsanay"

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
 Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo BBC Somali, uga warbixiyay socdaalkiisa Muqdisho, ayaa sheegay in uu u yimid xalinta khilaaf ka dhextaagnaa madaxda Somaliland kasoo jeeda ee Soomaaliya xilalka ka haya, isagoona sheegay in uu shacabka Somaliland la qabo gooni isutaaga Somaliland.
Boqorka ayaa sheegay in ujeedada ugu wayn ee socdaalkiisu ahayd xalinta khilaaf uu sheegay in uu ka dhexeeyay siyaasiyiinta reer Somaliland ee Muqdisho jooga, uuna ku guulaystay in xal laga gaadho "Khilaaf ka dhexeeyay madaxda gobolada waqooyi ee halkan ka joogta in aan dhexgalo oon isu usoo dhawayn arrinkaa ka sameeyo ayuu safarkaygu ahaa, tiina waanu ku guulaysanay".


Boqorka ayaa sheegay in uu meelkasta oo Soomaali dagto oo khilaaf ka jiro tagayo, si uu uga qayb qaato heshisiintooda, isagoo sheegay in uu horay u tagay deegaano kale oo Soomaaliyeed.

"Puntland oo Soomaaliya kamid ah horay ayaan khilaafkooda uga shaqeeyay Somaliland raali ayay igaga ahayd, meel kasta oo khilaafka jirana waanu tagnaa Itoobiya ayaanu tagnaa" ayuu yidhi Buurmadow.

Boqorka oo BBC wax ka waydiisay bal hada waxa uu ka aaminsanyahay qadiyada Somaliland, ayaa sheegay in uu aaminsanyahay waxa shacabka Somaliland qabaan "Waa doonitaan shacbi, waxa shacabkaygu aaminsanyahayna waan aaminsanahay".

Boqor Buurmadow ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalooyinka Muqdisho, isagoo sidookale aaday magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu kaalmo lacageed ku gaadhsiiyay dadkii laga raafay gobolada bariga Somaliland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip