WAR DEG-DEG AH "Qarax khasaaro geystay oo goordhow ka dhacay Muqdisho."

0
Thursday November 25, 2021 - 07:40:25 in Wararka by
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEG-DEG AH "Qarax khasaaro geystay oo goordhow ka dhacay Muqdisho."

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Qaraxa loo adeegsaday gaari lagu soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay Dugsi Sare ee Banaadir oo ku dhow Madaxtooyadii hore Cabdi-Qaasim ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammmaanka.

Qaraxan oo aad u xoog badnaa ayaa sababay burburka guryo badan iyo goobo ganacsiga oo halkaasi ku yaala, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jniro dhimasho iyo dhaawac, iyadoona ay socdaan gurmad deg deg ah.

Goobta uu qaraxa dhacayay ayaa xiligaasi waxaa ay aheyd mid mashquul badan, waxaana taagnaa Gaadiid Basas ah oo ay saarnaayeen Arday farabadan oo u socday Iskuulo Goobta ku yaalla.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona xiray halka uu qaraxa ka dhacay.



 

Wixii ku soo kordha la soco.www.mogtimes.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip