Ganacsade Caan ahaa oo ku dhintay israsaaseyn Suuqa bakaaraha ku dhexmartay ciidamada dowladda iyo burcad hubeysan

0
Saturday October 23, 2021 - 14:34:31 in Wararka by
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Caan ahaa oo ku dhintay israsaaseyn Suuqa bakaaraha ku dhexmartay ciidamada dowladda iyo burcad hubeysan

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Israsaaseyn muddo kooban socotay oo ku dhexmartay gudaha Suuqa weyn ee Bakaraaha ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo la sheegay iney dhac u geysanayeen dadka shacabka ah ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.
Ganacsadaha ku dhintay rasaasta ay is weedaarsanayeen labada dhinac ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulle Cawaale Fiidow oo ku magac dheeraa Sandheere, kaasoo si weyn looga garanaayay inta badan gobolada dalka Soomaaliya.


Marxuum Cabdulle Cawaale Fiidoow ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaasta ay is weedaarsanayeen ciidamada dowlada iyo burcada hubeysneyd ee is rasaaseynta ku dhexmartay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Iska hor imaadyada noocaan oo kale ah ee dhexmara ciidamada dowladda iyo buracada hubeysan ayaa inta badan ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ku geeriyooda rasaasta ay isku adeegsadaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip