Maxay Uga Wada Hadleen Kulan Dhexmaray Madaxweyne Lafta-Gareen Iyo James Swan?

0
Saturday October 23, 2021 - 13:28:16 in Wararka by
  • Visits: 192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Uga Wada Hadleen Kulan Dhexmaray Madaxweyne Lafta-Gareen Iyo James Swan?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Ambasidor James Swan oo ay wehliyaan Diblomaasiyiin kale.

Kulanka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Ambasidor James Swan oo ahaa mid saacado qaatay waxa ay uga wada hadleen Arimaha Doorashayoonka, Xaqiijinta Amniga goobaha doorashada lagu qabanaayo iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadkii laga soo Musaafuriyey Magaalada Laascanood.

James Swan Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ugu mahadceliyey doorka muhiimka ahaa ee uu ka qaatay dhex-dhexaadinta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo ka heshiiyey qodobadii ay isku khilaafsanayeen.

Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Ambasidor James Swan ayaa dhanka kale Madaxweynaha ku bogaadiyey inuu sii dar-dargeliyo doorashada Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Laftagareen ayaa Saaxibada Beesha Caalamka uga mahadceliyey Doorka ay ka qaadanayaan, qabsoomida doorashada, xaqiijinta Amniga iyo Hirgelinta Mashaariicda waxaana uu xusay Madaxweynaha in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka goan tahay inay sida ugu dhow ay uqabato Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip