Ra'iisul Wasaare Rooble Oo Maanta Kulan La Qaatay Safiirka Sacuudiga

0
Saturday October 23, 2021 - 13:25:32 in Wararka by
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble Oo Maanta Kulan La Qaatay Safiirka Sacuudiga

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo sabti ah xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Sacuudiga ee Kenya Khaalid Cabdalla Alsalmaan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Safiirka Sacuudiga ee Kenya Khaalid Cabdalla uu dalka soo gaarsiiyay deeq macaawino ah oo ka timid Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Dowladda Sacuudiga iyo Boqor Salmaan uga mahadceliyay Deeqda Boqortooyada Sacuudiga soo gaarsiisay dalka Soomaaliya, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay, taageeradooda joogtada ah oo ay siiyaan Soomaaliya.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Sacuudiga ee Kenya Khaalid Cabdalla Alsalmaan oo dalka soo gaarsiiyay deeq macaawino ah oo ka timid Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta RW Rooble.

Faah faahin intaas ka badan lagama bixin kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Sacuudiga ee Kenya Khaalid Cabdalla Alsalmaan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip