Ciidanka Dowladda Oo La Wareegay Xarunta Degmada Guriceel Iyo Saldhiga Booliska
Warar isa soo taraya ee laga helaayo deegaanada dagaalada ka socdaan ee glgaduud ayaa sheegaya in Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca uu weli ka socda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo bilowday waaberigii hore ee saakayto.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka lasoo sheegayaa in uu ka dhashay dagaalka ka socda Guriceel oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya kuwaasoo isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalkaas uu marar qaar noqonayaa mid goosgoos ah sida wararka aanu ku heleyno .
Dad ku sugan Magaalada ayaa soo weriyay in Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug ee saakay weerarka soo qaaday ay Goordhow la wareegeen gacan ku heynta Saldhiga Booliska degmada Guriceel iyo Xarunta degmadaas.
Ciidamada ayaa iyaga oo wata gaadiidka nooca dagaalka lagu arkayaa waddooyinka gala iyo kuwa kabaxa Saldhiga Magaalada iyo Xarumo kale oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca, balse ay isaga baxeen, sida ay sheegayaan wararka.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Hoobiye uu ku dhacay Xarun Caafimaad oo ku dhow Masjidka Munawar ee Guriceel, isla markaana ay gubatay Xaruntaas, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday.
Dagaalka Guriceel ayaa haatan waxaa uu xooggiisa ka socdaa dhinaca bari ee Jaamacadda, waxaana Magaaladaas Maanta ay tahay mid colaadeed, iyadoona Guriceel ay ku hareen oo kaliya dad u badan dhallinyaro oo looga tegay Guryaha
Ciidanka Dowladda Oo La Wareegay Xarunta Degmada Guriceel Iyo Saldhiga Booliska
....