Sawirro: Xaaladda Guriceel oo kacsan iyo DF oo sheegatay in ciidankeeda ay galeen

0
Friday October 22, 2021 - 22:33:39 in Wararka by
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Xaaladda Guriceel oo kacsan iyo DF oo sheegatay in ciidankeeda ay galeen

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxaa caawa aad u kacsan xaalada magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayada oo warbaahinta dowladda ay sheegatay in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay gudaha u galeen qeybo ka tirsan degmada.

Waxaa sidoo kale kacsan xaaladda magaalada ayada lasoo bandhigay sawirrada iyo muuqaalo laga duubay saldhigga booliska Guriceel oo ku yaalla bartamaha magaalada, halkaas oo dad shacab ah ay hor tubanyihiin.

Qoraalka ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri ” Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa gudaha u galay xaafado ka mid ah magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen kooxda Ahlu Sunna.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray "Ciidamada oo ay la socdeen maamulka magaalada ayaa si nabad ah ku galay gudaha waxaana ay ku sugan yihiin ilaa dhowr xaafadood oo ka tirsan magaalada Guriceel. Wariyayaasha gobolka Galgaduud ee warbaahinta Qaranka ayaa soo wariyay in kooxaha Ahlu suna ay isaga baxeen inta badan magaalada isla markaana ayfaarujiyeen xarumo muhim ah sida saldhiga Booliska.”

Inkasta oo la xaqiijiyey in ciidanka Ahlu-Sunna ay ka baxeen saldhigga, haddan si rasmi ah looma xaqiijin karo in ciidamada dowladda Ahlu-Sunna ay galeen magaalada, waxaana sawirrada lasoo bandhigay ay u muuqdaan inay ku sugan yihiin banaanka magaalada.

Kadib bixitaanka Ahlu-Sunna ayaa dadwayne ay xoomeen xafiisyada saldhiga Guriceel, waxayna qaateen agabkii yaalay saldhiga sida computer-adii, kuraastii iyo miisaskii qaybta ka ahaa agabka dowladeed ee bulshada loogu adeegayay.

 

"Degmada Guriceel waxaa caawa ka socda qax iyo kala carar, waxaana laga saarayaa dadka waayeelka ah, gaadiidka ayaa is dhaafaya xiligaan oo saq dhexe ah, qof walbana waxa ay aaday jihada ay is leedahay waad ku bad baadi kartaa,” ayuu Caasimada Online u sheegay Weriye ku sugan Guriceel.

Warar goor dambe nasoo gaaray ayaa sheegaya in Kooxda Ahlu-Sunna ay dib ugu soo laabatey Saldhiga Booliiska Guriceel saacado kadib.

Cabsida dagaal ee caawa ka taagan Guriceel, waxay ku soo aadeysaa iyadoo maanta ay is-rasaaseyn kooban duleedka waqooyi ee magaalada ku dhex-martay ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwo uu hoggaaminayo guddoomiyihii Guriceel ugu magacaawnaa Galmudug, oo haatan dibad joog ka ah magaalada.

Hoos ka eeg sawirrada ay caawa soo bandhigeen ciidamada dowladda ee ku sugan duleedka Guriceel.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip