.
Sheekh Shariif & Cali Guudlaawe oo ka
wadahadlay arrimo dhowr ah.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka
Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa M/Mu qdisho waxaa uu kulan kula qaatay
Madaxwe ynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Kulanka oo ka dhacay hoyga Madaxweyn ihii ho re
Shariif Sheekh Axmed waxaa diirada lagu soo sa aray Arrimaha doorashooyinka da ka.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku
bogaadiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen sidii wanaagsaneyd
ee uu hogaamiyay doorashadii xubnaha Aqal ka sare ku matalaya Hirshabeelle, oo
u dhacd ay si daahfuran.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda
kulamo ay yeelanayaan siyaasiyiinta dalka, iya ga oo ka wada hadlaya arrimaha
doorashooyin ka Soomaaliya.
Sheekh Bashiir oo weerar culus ku qaaday Ahlu
Sunna
Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaa liyeed
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa we erar culus oo dhanka afka ah u qaaday
Ururka Ahlu Sunna Waljaamaca ee haatan dhaq-dha qaayada ciidan ka wada
degaanada maamulka Galmudug.
Sheekh Bashiir oo ka mid ah Jamaacada Al
Ictisaam ayaa shaaciyey in hoggaanka Ahlu Sunna ay fikir ahaan la mid ah yihiin
Al-Sha baab, ayna isaga mid yihiin in xukunka lagu ra ado hub iyo awood dagaal,
sida uu hadalka u dhigay.
"Al Shabaab iyo nimanka la baxay magaca
Ahlu Sunna waxa ay ka midaysanyihiin fikar si yaasi ah oo hub lagu hirgalinayo
oo awood iyo dagaal loo isticmaalayo,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad
Sidoo kale wuxuu tilmaa may in xilligii
hubka laga qa adanayey ay aheyd markii uu dalka dowlad la’aanta ah aa,
isla-markaana laga soo gudbay.
Sheekh Bashiir oo hadalkiisa sii wata ayaa
xusay in Culimada looga baahan yahay kaliya inay ka shaqeeyaan wacyi-gelinta
guud ee bul shada iyo inay faafiyaan Diinta Islaamka.
"Qofka Sheekha ah shaqada u feecan ee uu
qabo karo waa dacwo, waa wax u sheeg, marka Shalay cid kastoo hub wadata, hubka
as is leh diinta ugu adeeg waxaan leenahay waa lagu soo gubtay faa’iido malahan
dhiig xa araan ah ayaad daadinaysaa, dad baad dulmi naysaa, wax aan laguu diran
oo aan diinta iyo Allah kuu diran ayaad isi saaraysaa, taas oo dulmi noqonaysa,
diinta magaceeda aad ku ciyaaraysaa” ayuu sii raaciyey.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ha atan
Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wado magaalada Guriceel oo ay dhowaan
dib u qabsadeen ciidamadeeda.
Si kastaba, dib u soo rogaal celinta Ahlu
Su nna ayaa weji kale u yeeshay xaaladda guud ee maamulka Galmudug oo markii
hore dagaal culus kula jiray kooxda Al-Shabaab.
Dhismaha Terminaalka Cusub ee Garoonka Ugaas
Khaliif ee M/Baledweyne oo Shalay xariga laga jaray
Waxaa
Shalay si rasmi ah xariga looga ja ray dhismaha Terminaalka cusub ee garoonka
Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.
wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xuk uumadda
Fedaraalka Soomaaliya Duraan Faar ax, guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan
Cali Jeyte iyo Agaasimaha hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Xasan
Macalin ayaa Shalay xariga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta Terminalka
garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.
Munaasabada Shalay xariga looga ja raayay
dhismaha cusub ee garoonka Ugaas Khaliif ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuli yiin
kala duwan oo ka socday dowlada Soom aaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada
ku dhaqan magaalada Baledweyne.
Masuuliyiintii kala duwanaa ee ka hada shay
munaasabada lagu daahfuraayay Termi naalka cusub ee garoonka Ugaas Khaliif dham
aantood waxay sheegeen iney ku faraxsan yi hiin dhismaha cusub ee garoonka iyo
waliba in si guud looga wada qeyb qaato qeybaha har san ee dhismaha garoonka.
Gabagabadii dhismahaan cusub ee Termin aalka
quruxda badan ee Shalay xariga laga jar ay ayaa imaanaya xili hadii Xalay uu
Roob ka da'o magaalada Baledweyne ay hakad galaya an howlaha duulimaadyada ee
garoonka Uga as Khaliif ee magaalada Baledweyne, maada ma ay biyaha dhex
fariisanayaan wadada loo gu talo galay in diyaaradaha soo caga dhigt aan.
Caro ka
dhalatay markii ‘wakiilka Shiicada ee Soomaaliya’ lagu arkay Maxfal ku yaalla
Muqdisho
Maxfalka Shibis ee magaalada Muqdisho oo
ay ka socotay xuska dhalashada Nabig eena Muxammed (NNKH) ayaa Shalay lagu
qabtay Nin sitay calanka Shiicada, sida uu soo bandhigay maamulka maxfalkaas.
Sheekh Cabdifataax oo kamid ah culimada
madxafka oo arrintaas ka hadlay ayaa shee gay in Ninkaas uu sheegtay inuu yahay
Wakiilka Shiicada ee Soo maaliya, islamarkaana aan loo baahneyn in dalkeena
Soomaaliya lagu faafiyo fik irka Shiicada.
"Ninka aan Shalay ku qabanay waan kula nay,
waxay soo qaateen Camera iyo calanka as oo ay ku qoran tahay "Yaa Xuseyn”.
Waxaa u sheegaya dadka Ahlu-Sunna Waljamaaca in aan raali ka aheyn balaayada
kasoo dhex dhal aneysa mowlacyada,” ayuu yiri Sheekh Cabdi fataax.
"Ninka aan calanka ka qaadnay waxa uu
afkiisa ka yiri waxaa ahay Wakiilka Shiicada ee Soomaaliya, Shiico miyaa u
rabnaa Soomaal iya? oo umadda gaaleysiinaya, ma waxaasa qaadan karnaa, Culimada
Ahlu-Sunna Walja maaca nahay ee dadka mowlacyada ku dhex dhuumaya waxaas soo
qabta yaa la idinku dhex dhuuman.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in Ninka Shalay
calanka lasoo dhex tagay munaasiba da ka socotay Maxfalka uu mar hore dad u dir
ey shirarka ka dhacaya Lubnaan oo u gaar ah Shiicada.
"Marka isku imaano wuu na dhex imaana ya
sawir ayuu ka qaadaya email ayuu ku dir aya Lubnaan iyo Iiran oo uu leyahay ee ga
me esha ay Shiicada Soomaaliya mareyso, ma anaga nala gadanayaa?.”
Sheekh Cabdifataax ayaa si weyn uga dig ay
in mowlacyada Ahlu-Sunna ay ku dhex dhu untaan dadka faafinaya Shiicada, ayna
tahay in la iska dhex qabto, maadama uu sheegay in ay yihiin dad gaaleysiinaya
muslimiinta.
Ma aha markii u horeysay ee gudaha Soo maaliya
lagu sheego dad faafinaya fikiro diimo kale ah, hase yeeshe waa markii u
horeysay ee Nin sheeganaya in uu wakiil Soomaaliya ee Shiicada uu calan la dhex
tago maxfal kamid ah kuwa dalka.
Kalluumaysatada Kenya: Ma jirto wax naga hor
istaagi kara inaan ka kalluumaysano biy aha loo xukumay Soomaaliya
Kalluumeysatada gobolka Xeebta ee Lamu
ayaa sheegaya in aysan jirin wax ka hor ista agaya in ay ka kalluumeystaan
biyaha lagu mu ransanaa ee Maxkamadda ICJ u xukuntay Soo maaliya.
Lamu oo ay ku nool yihiin in ka badan 7,000
kalluumeysato ah oo noloshoodu ay si toos ah ugu tiirsan tahay kalluumeysiga,
ayaa inta bad an waxay ka kalluumaytaan dhul baddeedka la gu muransanaa ee ku
teedsan soohdinta Ken ya iyo Soomaaliya.
Bishii Oktoobar 12-keedii, maxkamadda u gu
sarreysa ee Qaramada Midoobey ayaa u xu kuntay Soomaaliya dhulka baddeedkaas,
inkas too go'aankaas ay Kenya gebi ahaanba dii dday, iyadoo ku eedeysay ICJ
inay ka eexatay.
Af
-hayeenka kalluumeysatada Lamu Maxam ed Somo ayaa sheegay in dadaalladoodii
ahaa ka guulaysiga dacwadda lagu soo oogay Ken ya, ay noqdeen kuwo aan waxba
tarin.
"Waxaan ku sii hayn doonaa kalluumeysiga
meeshii aan ka kalluumeysan jirnay, maxaa yeelay ICJ waxay sameysay go’aan aan
xog badan lahayn. Way iska caddahay inaysan doo nayn inay ka fiirsadaan waxa
nagu dhacaya, ”ayay yiri Somo.
Madaxweynaha Kenya ayaa dhawaan ka hor yimid xukunkii xukunkii ICJ. Isagoo ku tilm aamay
xukun aan caddaalad ahayn oo horsed aya in labada dal uu xiriirkoodu sii
xumaado.
Maxay
ka wada hadleen Qoor Qoor iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ee degaannada Galmudug?
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal mudug
Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Shalay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada
Dhuusamareeb ku qaabilay Taliyaha Ciidanka AMISOM ee sector 4 iyo saraakiil uu
hoggaami nayay.Kulanka ayaa looga hadlay dardar gal inta howlaha Doorashoyinka
Galmudug iyo Su gidda Amiga & waliba dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaann ada
Galmudug.
War kasoo baxay Madaxtooyada Galm udug
ayaa waxa lagu sheegay in Madaxw eyna ha Galmudug uu soo Gaba gabeey ay kulamo
Amni oo maalmahan uu la lahaa Saraakiisha Ciidada AMISOM.
Kulankan ay Shalay Magaalada Dhuusa mareeb
ku yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye
Qoorqoor iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ee sector 4 ayaa kusoo aadaya xilli guluf
dagaal uu kajiro degmada Guriceel ee Gobolka Galg aduud.
Lafta-gareen oo ka qeyb galay dhaarinta Gudiga
Adeega Garsoorka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Ko onfur
Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Max amed Laftagareen ayaa ka qeyb-galay Munaa sabad
lagu dhaarinayey Gudiga Adeega Gars oorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee
dhowaan Madaxweynaha uu Magaacabay.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koon fur
Galbeed ayaa gudiga Adee ga Garsoorka kula dardaarmay inay si cadaalad ah
ugutaan wa ajibkooda shaqo ayna u cada alad falaan bulshada.
"dowladnimadu bilowgeeda iyo aas-aaskeeda
waa garsoor iyo cadaalad ha dii cadaalada iyo garsoorka uu galo walaac, baqdin
iyo shaki oo uu istaagi waayo dowladn imadu maistaagto, waxaan ubaahanahay dad ka
reer koonfur galbeed meel waliba ay jooga an inay cadaalad helaan, xukunkaan
iyo dowla da koonfur galbeedna ay ka helaan dadka hor muudka unoqonaayo oo
larabo inay ka shaqe eyaan waa idinka waxaan idinkula dardaarma yaa inaad
howshaas si cadaalad ah aad ugu adeegtaan bulshada”ayuu yiri Lafta gareen.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koo nfur
Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxa med Laftagareen ayaa Gudi Rabi uga
bariyey in xilka loo igmaday la garab galo lana fudude eyo howsha adag.
Xiisaddii
Somaliland iyo QM oo dib u qarax day iyo Muuse Biixi oo weerar culus qaaday
Waxaa markale dib u billaabmay xiisadii xo
oganeyd ee u dhaxeysay xukuumadda So maliland iyo hay’addaha Qara mada
Midoobay, ka dib eedeyn culus oo labada dhinac is dhaaf sadeen
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi
ayaa hay’a dda arrimaha bini-aadantinima da u qaabilsan QM ee OCHA ku sifeeyay
"laba wajiilenimo”, markii ay dhawaan ka hadashay musaafurinta ay billowday
xukuumada Biixi ee dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.
"Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa qay bta
la yidhaahdo OCHA waxaan filayaa wixii ay ku hadleen in aanu dan u ahayn dadka
Laasca anood laga raray, waxay yimaadeen iyagoo qaxoonti ah oo caydh ah maalin
qudha booyad biyo ah may siin, maalin qudha bac may siin, maalin qudha kiniin
kaneecada ay iskaga ilaali yaan may siin,” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.
Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Somalil and ku
eedeeyay hay’adda OCHA inay dhaqaa le ku raadsanayaan dadka laga musaafuriyey
magaalada Laascaanood, taasi oo uu sheegay inay ceeb ku tahay QM
"Soddonkaas sano maxay ku darsadeen?
maxay u qabteen hadday OCHA ka naxayso dad qaxooti ah? maxay meel ugu sameyn
waa yeen? maxay u gar-gaari waayeen? OCHA ma xay Shalay u qaylisay? waa laba
wajiileni mada jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, da dkayaga aanu Laascaanood ka
rarayno in lac ag lagu doono waa ku ceeb Qaramada Midoo bey”
Hay’adda Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa
warbixin ay dhawaan soo saartay ku sha acisay in tirada dadka Somaliland kasoo
mus aafurisay magaalada Laascaanood iyo deega anada u dhaw-dhaw ay gaareyso
7,250 qof, ku waas oo badankood ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed
Soomaaliya.
OCHA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in 24
qoys oo kale la dejiyay tuulooyin hoostaga ma gaalada Buuhoodle, halka ilaa 400
qoys ama dad gaaraya 2,400 lagu wargeliyey inay ka ba xaan magaalada Ceerigaabo
marka la gaaro 21-ka bishan October.
Musaafurinta khasabka ah ee dadkaas ayaa
walaac ku abuurtay dadka ku nool deegaana da Somaliland ee kasoo jeeda
koonfurta Soom aaliya, sida uu sheegay xafiiska OCHA ee So omaaliya.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay
in dadka lasoo barakaciyey ay sheegeen inay ka la lumeen dad ehelkooda ah iyo
carruur, hanti na ay kasoo tageen, taasi oo ay si weyn uga bi yo diiday
Somaliland.
Akhriso:- Magacyada Shan Ruux oo ku dhimatay qarax
ka dhacay Shabeellaha Dhexe
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka la gu
Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka degaanka Daniga Baalow oo ku yaalla inta
u dhaxeeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo
Shabeel laha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah.
Qaraxa ayaa waxaa uu qabsaday mooto no oca
Khudaarta lagu qa ado ee Saddexda lug leh, taas oo ka baxday deg mada Balcad
kuna sii jee day Tuulada Garasw eyne, waxaana ku dhintay Shan Ruux oo Shac ab
ahaa, kuwaas oo Magacyadooda lagu kala sheegay.
1: Hodan Xasan
2: Cabdi xukun
3: Taliye
Nuur
4:
Maxamad rooble
5: Sahra
gacamey.
Meydadka dadka ku dhintay qaraxaas ay aa
waxaa Goobta tegay oo ka qaaday Ehellad ooda, iyaga oo geeyay degmada Balcad si
lo ogu Aaso.
Qaraxa Miino ee khasaaraha geystay kana
dhacay Tuulada Daniga Baalow oo u dhow degmada Balcad ayaa kusoo aadaya xilli Shalay
halkaasi ay howlgallo ka sameeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya
iyo AMISOM.
Al-Shabaab oo sheegtay inay ka dishay Kenya ugu
yaraan 8-Askari .
War kasoo
baxay Al-Shabaab waxa ay ku sheegtay in Askar ka tirsan Militariga Kenya ay ku
dhinteen Qarax miino oo ay jidka u geliyeen Kolonyo Gaadiid ciidan ah oo
mararayay Deegaanka Kaambooni.Al-Shabaab ayaa sheegtay in ugu yaraan 8-Askari
oo Kenyaan ah ay ku dhinteen Qaraxaas halka ay dhaawacmeen tiro kale oo isaga
kala gudbayay Soomaaliya & Kenya gaar ahaan inta u dhaxeysa Deegaannada
Kayunga ee Gobolka Lamu & Sangur.
Militariga
Kenya wax faah-faahin ah kama bixin sheegashada Al-Shabaab ee ah in qarax miino
ay jidka u gelisay ay ku gaarsiisay Khasaare dhimasho & dhaawac iyo wararka
kale ee ku gedaaman dhacdadaan.
Kenya
waxay xoogga saartay sugidda ammaanka deegaannada soo xiga Soomaaliya oo dhowr
jeer Qaraxyo iyo weeraro kala kulantay Al-Shabaab, waxay si feejignaan ka
muuqato isaga kala gudbaan soohdinta inkasta oo ay weeraro la kulmaan.
Socodka
ugu badan ee ciidamada Kenya waa marka ay sahayda gudbisanayaan & waqtiga
bedelka lagu sameeyo ciidanka ka joga Soomaaliya, Dadka degen deegaannada dhaca
Xadka waxa ay sheegeen in xiliyadaas ay yihiin waqtiyga ugu badan ee qaraxyada
& weerarada dhacaan
Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka
oo geeriyooday
Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Marey kanka
Colin Powell ayaa u geeriy ooday fay raska koroona, sida ay qoyskiisu
shaaciyeen.
Colin
Powell oo 84 jir ah ayaa ah aa sarkaal sare oo hore uga tirs anaa milatariga ka
hor inta uusan noqonin xoghayihii arrimaha dibed da ee ugu horreeyay
Afrikaan-Mareykan 2001 xilligii Geo rge W Bush.
"Waxaan weynay nin cajiib ah, aabbe, awoo
we iyo muwaadin Mareykan ah,” ayaa lagu yii bayaanka ka soo baxay qoyskiisa.
"Waxaan
rabnaa inaan u mahadcelinno shaq aalaha caafimaadka … sida ay u daryeeleen,”
ayay raacisay.Mr Powell wuxuu noqday la –tal iye dhanka milateriga ah, wuxuuna
lahaa wa ayo -aragnimo gacan ka geysatay qeexidda xeeladihiisa milatari iyo mid
siyaasadeedba.
Xisbiga
Dimuqraadiga Shacabka Somalil and oo Hambalyo u Diray Maalinta Shuhad da SNM
Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Sha cabka
Somaliland Axmed Cabdala ayaa dham baal hambalyo ah u diray Munaasibada Maal inta
Geesiyaasha Qaranka Somaliland oo ah Xuska 37-Guurada Maalinta Shuhadada ee
SNM.
Gudoomiyaha Xisbiga ayaa sheegay inay
maalintani ka mid tahay in si weyn loo xuso oo waliba maalmaha fasaxa lagu daro
isla markaana ku maalin qiimo weyn ku leh Shacabka Somaliland oo lagu
tilmaamayo siday dhiigoodda iyo naftoodaba xoraynta dal ka ugu hureen
halgameyaashii SNM dagaal adii dalka lagaga xoraynayay xukunkii dhiig
miiratadda ahaa ee Siyaad Barre.
Waxaan ilahay uga baryayaa in uu ka war aabiyo
naxariistii janno inta dhimatay, inta noo lna, umadda Somaliland waxa waajib ku
ah in ay xurmo, xasuus iyo sharafba u hayaan dha mmaan geesiyaashii naftooda u
soo huray da lkeena”.
Ugu danbayn Guddoomiyaha Xisbiga Dimu qraadiga
Shacabka Somaliland Mudane: Axm ed Cabdala ayaa tilmaamay in xurmo iyo xas uus
aan duugoobayn ay bulshadda Somaliland u hayso halgameyaashii ku geeriyooday
daga alkii dalka lagu xoreeyay.
"Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa
ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ah aan geesiyaashii naftooda, maalkooda
iyo mas kaxdooda u soo huray dalka, ee uu ugu damb eeyey halgankii hubaysnaa ee
SNM, maalinta Xuska Shuhadada ee 17 October darteed. Waxaanu u haynaa
geesiyaashaa dhammaan tood xurmo iyo xusuus aan duugoobayn”.
Madaxweyne Deni Oo Dib Ugu Laabtay Mag aalada
Garowe
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid
Cabdullaahi Deni ayaa Shalay dib ugu laabtay caasimadda dowlad goboleedka
Garoowe.
Madaxweynaha
waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka /Puntland
Md.Ax med Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka 1a ad ee G/Wakiillada D/Puntla
nd,
Abuukaate Cabdicasiis C/hi Cismaan, Gole yaasha
Dowladda, Maamul ka Gobolka iyo kan Degmada Garoowe, Sara akiisha Ciidamada
Qalabka sida iyo qeybaha kala duwan ee Bul shada Garoowe.
Madaxweyne Deni oo muddo lix iyo toban ci sho
ah ku maqnaa dalka Imaaraadka Carab ta.
Sweden oo Soomaaliya ka caawinaysa kor u qaadista
adeeg-yada Isbitaalada dalka
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bul shada
Drs Fawsiya Abiikar Nuur ayaa Shalay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimadka ku
soo dhawaysay Wafdi uu hugaaminayay Agaasima ha guud ee Hay’adda Ca afimaadka
guud ee dalka Sweden Dr Johane Carl son iyo ku xigeen kiisa oo ay wehliyaan
Safiirka Sweden, Madax ka so co tay Hay’addaha Caalamiga ah oo uu weh liyo Prof
Khaliif Bile. Soo dhawaynta waxaa qayb ka ahaa Agaasimayaasha Wasaaradda Caafi maadka
iyo Agaasimaha Machadka Qaran Ca agimaadla ee Soomaaliya (NIH) Waf diga ayaa
isla Shalay booqday isbitaal Guud ee Demar tino, halkaas oo ay kula kulmeen
Agaasimaha guud ee isbitaalka iyo madaxda kale, si ay u qii meeyaan xaaladaha
Caafimaad ee ka socdo is bitaalka iyo sidii loo horumarin lahaa, korna loo gu
qaadi lahaay adeega Caafimaadka ee isbi taalku siiyo Bulshada.
Hay’adda Swedish Public Health Agency ayaa
waxay matano la tahay Machadka Qaran ka ee Caafimaadka Soomaliya (NIH) oo xarun
tooda dhexe la filaayo in mardhaw laga dhiso Isbitaalka guud ee Demartino.
Ugu dambayntii Wasiirka Caafimaadka So omaaliya
Drs Fawsiya Abiikar Nuur ayaa uga mahad celisay booqashada wafdiga, kuwaas oo
muddo 3 cisho ah u joogi doona hawlo sha qo dalka gudihiis.
Axmed Madoobe oo shaaciyey saameynta uu ku reebay
khilaafka Farmaajo
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed
Maxamed Islaam (Axmed Ma doobe) oo Shalay daahfuray ‘kulan wada reedka dardar
galinta hiigsiga xukuumadiisa’ oo lagu dardar galinayo shaqooyinka wasaar adaha
maamulkaas ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in daadejin ta
adeegyada iyo hey’adaha dowliga ah ee Jub baland uu dib u dhac weyn ku keenay
khilaaf ka maamulkaas kala dhaxeeya dowladda dhe xe ee Farmaajo hoggaamiyo.
"Waxaan u baahanahay inaan helno dowlad ka
shaqeysa la noolaashaha wad amada deriska nala ah iyo aduun ka intiisa kaleba,
oo aan ilaalino sumcadda dowladnima deena,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Sidoo
kale waxa uu sheegay in hadda uu diy aar u yahay, una diyaarsan yihiin
qorshayaal la gu daadejinayo adeegyada dowliga ah ee dee gaanada Jubbaland.
"Waxaan diyaar u nahay inaan daadejino
dowladnimada Jubaland, waxaan culeyska sa areynaa Jubbaland oo sideedii hore ku
soo no qota, ganacsiga aan furfurno, maalgashi aan keeno, oo aan dhisno
Jubbaland caawi karta Soomaalida kale ee walaalaheeda ah,” ayuu yiri Axmed
Madoobe.
Wasaaradaha kala duwan ee xukuumadi isa
ayuu madaxweyne Axmed Madoobe ka dal baday inay la yimaadaan qorshe ay ku
xaqiiji nayaan la imaashaha adeegyada ay dadku ka sugayaan.
Arday Muddaharaad sameeyay oo maalintii 3aad ku
xiran Xabsiyada Hargeysa
Waxaa maalintii saddexaad ku xiran qaar ka
mid xabsiyada magaala da Hargeysa arday mudda haraad ka samaysayaa fa afka
xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.
Ardaydan ayaa ka cabanaysay shaqo jooj in
wasaaraddaasi ku samaysay maamulaho odii dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Faarax
oomaar.Dugsiga Fa arax Oomaar ayaa ka mid ah dugsiyadda dawladda ee hoos taga
war adda waxbarashada Somaliland ee ku yaalla Magaalada Hargeysa. Dad kala duwan oo ay ka mid yihiin xisbiy ada
mucaaradka, waalidii ntii ardaydaas iyo dad kaleba ayaa ka dalb an ayay
dawladda in ar daydaas xorriyadoodii loo soo celiyo.
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdirax maan
Cirro oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu dhaliilay tallaabadasi ay qaaden
Ciidanka Somaliland, waxaana uu tilmaamay in arrin taasi ay tahay mid sharciga
baalmarsan, sidoo kalena muujinaysa siyaasad xumada waxbaa rshada ee
mas’uuliyiinta talada haya.
"Dhacdadii ka dhacday Dugsiga Sare ee
Faarax Oomaar, Sabtidii 16ka October 2021 oo Xarunta guud ee Wasaaradda Waxbara
shada iyo Madaxtooyadaba u jirta wax ka yar kun tallaabo, waxa ay muujinaysaa
siyaasad xummada lagu hagayo Waxbarashada dalka. Waa tusaale cad, oo horyaalla bulshada, oo
bi dhaaminaya karti darrada iyo maarayn xumma da falcelimaha ka yimaadda go’aan
cabasho ka timi arday oo ku sinnaa maamule dugsi oo la beddelay, xalka qudha ee
lagu furdaamiye yna uu ahaa xadhig, xabad, jujuub iyo addee gsi ciidan. In
arday ka badan boqol la xidho waa ayaan darro weyn oo muujinaysa lexo-jeclo
la’aanta jiilashii mustaqbalka. Waxa aan leeyahay Inta xidhan xorriyadooda
dhakhso ha loogu soo celiyo” ayuu yiri Cabbdiraxmaan Cirro.
Ma aha
markii u horraysay ee arday muddaha raad ka sameeyaan magaalada Hargeysa,
dhawaan uun bay ahayd markii qaar ka mid ah ar dayda dugsiga Nuuradiin ay
sidaas oo kale sameeyeen iyaga ka cabanaya maamulka dug sigaas
Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay KISMAAYO
Ciidamada ammaana ee maamulka Jubba land
ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gallo qorsheysan ka sameeyey xaafadaha magaa
lada Kismaayo ee gobolka Ju bbada Hoose, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga
magaalad aasi.
Howl-galladan ayaa waxaa lagu soo
qab-qabtay xubno ka tirsan Al-Shab aab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay
ta liska nabad sugida ee maamulka Jubbaland.
Sidoo kale
qoraalka ka soo baxay nabad su gidda Jubbaland ayaa lagu shaaciyey in ciid amada
ammaanka ay weli ku raad joogaan xubno kale oo la tuhusan yahay.
Hay’adda nabad
sugidda Jubbaland ayaa sidoo kale baaq u dirtay shacabka Kismaayo, waxaana ay
ka codsatay inay gacan siiyaan cii damada ammaanka ee maamulkaasi.
”Dhammaan
shacabka Soomaaliyeed, gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqe ynaa
inay indho u noqdaan ciidamada amma anka ayna ku garab istaagaan howlgallada la
gu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaley sanaya magaalada,” ayaa lagu yiri
warka ay soo saartay hay’adda NISA ee dowlad gobole edka Soomaaliyeed ee
Jubaland.
U gu dambeyn hay’adda qoraalkeeda kusoo gaba-gabeysay inay
sii wadi doonto howl-ga llada socda ee lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda
halkaasi. Kismaayo oo ka mid ah maga alooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan
doo rashooyinka G/Shacabka ayaa maalmihii u da mbeeyey waxaa ka dhacayey falal
liddi ku ah amniga, sida weeraro qaraxyo &dilal Qorsh eysan oo ay sheegatay Al-Shabaab.
FARMAAJO OO TAARIIKH CUSUB U DHIGAY MADAX DII SOO
MARTAY XUKUNKA SOOMAALIYA
Farmaajo oo taariikh cusub u dhigay mada xdii
soo martay xukunka Soomaaliya Mada xweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa
maalmo dheeri ah doorasho la’aan sii jooga xukunka dalka, mana muuqato saansaan
muuji neysa in dhawaan la qaban doono doorasho taasi oo dheereeneysa ma almahaan
ugu darsoomay muddo xileedkii loo dhaariy ey ee sharciga ahaa.
Shacabka
waxay tirinayaan maalmaha Farmaa jo u raacay afartiisa sano, wuxuuna noqday ma daxweynihii
ugu waqtiga dheeraa kadib dowlad dii kacaanka ee uu hoggaa minayey Allaha u
naxariis tee Maxamed Siyaad Barre.
Tan iyo sanadkii 2000 Soom aaliya waxay
yeelatay Shan madaxweyne, mana jiro ma dax eyne doorasho ku qabt ay muddo
xileedkiisa ama mid ku jaangooya maalintii la doortay ma alinteeda kale,
madaxweyne kastana waxaa u raacay muddo dheeri ah.
Hase yeeshee, Madaxweyne Maxamed C/hi
Farmaajo wuxuu hadda heystaa rikoorka madaxeynihii waqtiga ugu badnaa ee xilka
hayey ama ugu xukunka dheeraa wixii ka dam beeyey burburkii dowladdii Maxamed
Siyaad Barre.
Shax xisaabeedka iyo maalmihii ay xilka
hayeen Shantii madaxweyne ee Siyaad Barre ka dambeeyey
1- Cabdiqaasim Salaad Xasan
Waxaa
lagu soo doortay magaalada Jabuuti 27-kii Agoosto sanadkii 2000, wuxuuna xilka
ka dagay 14-kii October 2004. Waxay ka dhigan tahay inuu madaxweyne ka ahaa
dalka 4 Sano, 1 Bil iyo 17 Cisho
2-
Cabdullaahi Yuusuf Axmed
Waxaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya loo
doortay 14-kii Bishii October sanadkii 2004, wuxuuna shaqada ka tagay 29-kii
December 2008, taasoo ka dhigan inuu xilka hayey 4 Sa no, 2 bilood iyo 15
maalmood.
3- Sheekh
Shariif Sheekh Axmed
Sheekh Shariif waxaa la doortay 31-dii
Jan uary 2009, wuxuuna xilka ka tagay 10-kii Sept ember sanadkii 2012, taasoo
ka dhigan inuu xil ka madaxeynimo hayey 3 Sano, 7 Bilood iyo 10 cisho .
Dowladdii uu madaxweyne ka ahaa dalka ma
heysan muddo xileed afar sano ah sida dowladaha kale.4– Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa madaxwey na ha Soomaaliya loo doortay 10-kii September
sanadkii 2012, waxaana tartanka doorashada looga adkaaday 8 February 2017,
wuxuuna xilka hayey 4 Sano iyo 5 bilood.
5 –
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Waxaa
xilka madaxeynimo ee Soomaaliya loo doortay 8-dii February sanadkii 2017,
welina ma uusan wareejin xilka, wuxuuna xafiiska joogaa 4 sano, 8 bilood iyo 10
Cisho.
Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidaas ku noqday madaxweynihii ugu xukunka dheeraa
Soomaaliya tan iyo markii dib loo bilaabay dowlad-dhiska dalka sanadkii 2000.
WAXAA QORAY CABDULLAAHI CUSMAAN FAARAX
Madaxwayne Mustafe cagjar oo xubno ho rey uga mid
ahaa Ururka ONLF ku soo daray xukuumaddiisa cusub
Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa Shalay soo
dhisay wasiirada cusub ee kamid noqon aya xukuumadda Shalay la dhisay ee Dowlad
Degaanka Soomaalida.
Haddaba wasiirada cusub ee Shalay la
magacaabay ayaa waxaa ku jira xubno horey uga mid ahaa Ururka ONLF, kuwaas oo
xilal kala duwan kasoo maray ururka.
Xubnahaas ayaa waxaa kamid ah Axmed Yaasiin
oo aad looga dhex yaqaano ONLF, xilal kala duwana ka soo maray ONLF, Mustafe
cagjar ayaa Shalay u magacaabay Wasiirka Khataraha Masiibooyinka.
Axmed Yaasiin ayaa intii dambe kamid ahaa
garabkii ka goostay ONLF, isla markaana isu aqoonsaday inay iyagu yihiin ONLFta
sax da ah. Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa hor ey u ballan qaaday inuu
xukuumaddiisa cusub ku soo darayo xubno kamid ah mucaaradka, balse xubnahan wax
ka baxsan oo mucaarad ah oo xukuumadda cusub ka dhex muuqda ma jirto.Hoose ka
aqriso magacyada wasiirada cu sub ee Shalay la magacaabay, waxayna u qor naayeen
sidan:-
1- Xafiiska Madaxweynaha: Dr. Xuseen Qa asim
2-
Xafiiska Beeraha: Dr. Cabdiqaadir Iiman
3-
Xafiiska Hor. Xoolo dhaqatada: Subeer
Xuseen Cumar.
4-
Xafiiska Hor magaalooyinka: Cabdiraxman Ciid Daahir.
5-
Xafiiska Waxbarashada: Cabdulaahi Laag.
6-
Xafiiska Caafimaadka: Dr. Muuse Axmed
Ibraahim
7-
Xafiiska Maaliyadda: Cabdiraxmaan Axmed.
8-
Xafiiska Adeega shacabka: Warsan
9-
Xafiiska Jidadka: Eng. Saddaam Xuseen
10- Xafiiska
Nabadgalyada: Mubashir Dubad
11-
Xafiiska Cadaalada: Axmed Xaaji Samatar.
12-
Xafiiska Biyaha: Xasan Daadhi
13-
Xafiiska Xirfadaha iyo shaqo-abuurka: Xu
seen Geydh
14-
Xafiiska Arimaha Bulshada: Cabdullaahi Amaan.
15-
Xafiiska Arrimaha Haweenka: Xaliimo Xas an Maxamuyd
16-
Xafiiska Ganacsiga Iyo Gaadiidka: Malaw
Maxamed
17-
Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha: Da yib
Axmed Nuur
18-
Xafiiska Ciyaaraha iyo dhalinyarada: Max amed Mahdi.
19-
Xafiiska Warfaafinta: Cabdiqaadir Rashid Ducaale.
20-
Xafiiska Macdanta Iyo shidaalka: Khadra Bashiir.
21-
Xafiiska Deegaanka iyo Kaymaha: Eng Muxiyadiin Cabdi Xuseen22- Xafiiska
Waraabka iyo dooxooyinka: Max amed Fatah
23-
Xafiiska Curinta iyo sayniska: Faaduma Deeqa.
24-
Xafiiska Qorshaynta: Maxamed Sheekh Aden.25- Xafiiska Dakhliga: Maxamed Naaji 26-
Xaf iiska Maaraynta Iyo khataraha: Axmed Yaasiin Sh Ibraahim.
27-
Xafiiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska: Maxamed ismaaciil.
Wasiiradan cusub ee Shalay uu magacaa bay Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa isugu jira kuwo
xafiisyada loo kala badalay iyo kuwo ku cusub saaxadda siyaasadeed.
Raila Odinga oo ballanqaaday inuu dib u soo
celindoono ganacsigii Qaadka Miirooga ee Soomaaliya loo iib gayn jiray
Hoggaamiyaha xisbiga Orange Democratic
Movement (ODM) Raila Odinga ayaa u ballan qaaday beeraleyda qaadka ee Meru in
uu suu qyo uga heli doono wax soo saarkooda dalal kala duwan haddii loo doorto
madaxweynaha Kenya sannadka 2022 -ka.
Odinga ayaa hadalkaan ka sheegay maga alada
Mau, ee Gobolka Meru, iyadoo ahayd maalintii ugu horreysay ee socdaalkiisa
sadde xda maalmood ah ee uu ku soo jiidanayo cod bixiyeyaasha gobollada Bari
dalka Kenya.
Ra'iisul wasaarihii hore ee Kenya, ayaa she
egay in dalalka uu ka rajaynayo in suuqyada qaadka loo iibgeeyo ay ka mid
yihiin Jamhuur iyadda Dimuqraa diga ee Congo (DRC) iyo Soom aaliya.
Hoggaamiyaha
ODM ayaa wacad ku maray in uu xallin doono arrimaha xa dka u dhexeeya Kenya iyo
Soomaaliya, si loo hubiyo in qaadka si nabadgelyo ah loogu gud biyo dalka
Soomaaliya.
"Waan ogahay in beeraleyda ay dhibaatoo yin
badan ku qabeen suuq la’aan suuqeenna Soomaaliya ayaa hoos u dhacay" ayuu
yiri Ra ila Odinga, musharaxa xisbiga mucaraadka ODM.
Raila Odinga waxa uu sheegay in ay Som aliland,
horey ugu heshiiyeen in Qaadka Mii rooga loo dhoofiyo, laakiin ay dowladda Soo maaliya
ka hor -joogsatay in Kenya halkaas u dirto Miirooga.
Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha hoose oo xilkii
laga qaaday
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofur
Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Max amed Laftagareen ay aa Shalayeyd
xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Shabeell aha hoose Abdulqadir Maxamed
Nuur Siidii.
Wareegto kasoo baxday xafiis ka ma daxweynaha
ayaa xilka loo ga qaaday Siidii, sidoo kalena waxaa lagu mag acaabay Guddoo mihaha
Cusub ee Gobol kaasi, waxaana loo maagcaabay Mohamed Abdi rahim Nur.
Cali Xarbi Cali iyo xog ku saabsan cidda xagjir ka
dhigtay oo la shaaciyey
Warbaahinta UK ayaa markii ugu horreysay
baahisay sawirka Cali Xarbi Cali, oo ah wiilka Soomaaliga ah ee loo xiray dilka
xildhibaan David Amess oo Jimcihii lagu dilay mind, ma agaalda Essex oo
qiyaatsii 65 km u jirta magaalaa London.
Sidoo kale, xog cusub oo la helay ayaa
sheegeysa in Cali lagu qasbay inuu qaato kooras waxbarasho oo loo gu talo-galay
in lagu bedd elo dadka xagjirka noqda, muddo shan sano ka hor ah, kadib markii
macallinkiisa uu ku ar kay fikrado xagjir iyo inuu taageero weyn u ya hay Anjem
Choudary oo ah wadaad baahiya naceybka dadka aan Muslimiinta aheyn.
Cali oo 25 jir ah ayaa lagu warramay in
dil ka xildhibaan David Amess uu isaga doorto si wareegto ah un, oo aysan jirin
naceyb gaar ah oo uu u qabay.
Dad saaxiibo la ah Cali ayaa u sheegay
wargeyska Daily Mail inuu xagjir noqday kadib markii uu daawaday muuqallo badan
oo ah khudbadaha Anjem Choudary oo ku jira Yo uTube. Anjem Choudary ayaa horey
waxaa loogu helay dambi ah inuu naceyb
faafiyo.
Dhinaca kale booliiska iyo sirdoonka MI5
ayaa eegaya suurta-galnimada ah haddii Cali uu David Amess u beegsaday sababo
la xiriira taageerada xildhibaanka ee Qatar oo ah dal saameyn weyn ku leh
siyaasadda Soomaaliya.
Cali ayaa
markii lagu arkay fikradaha xagjirka isaga oo 19 sano jir waxaa loo diray
barnaamij ka Prevent ee loogu talo-galay dadka xagjirka noqda, maadaama loo
arkay in xagjirnimadiisa aysan gaarin heer loo gudbiyo sirdoonka MI5.
Waxaa
sidoo kale lagu warramay in xilliga lagu arkay fikradaha xagjir ay kusoo aaday
xilli aa nu wanaagsaneyn xiriirka isaga iyo qoyskiisa, ayada oo hooyadiis iyo
aabihiis ay kala tageen kadibna aabihiis uu aaday Soomaaliya.
Qof ku dhow qoyskiisa ayaa sheegay in ri yadiisa
aheyd inuu noqdo dhaqtar, islamark aana uu isku diyaarinayey inuu qaato
imtixaan ka NHS.
Xarbi Cali Kulane oomarkii ugu horreysay
ka hadlay xariga wiilkiisa Cali Xarbi Cali, ayaa isna yiri "Daqiiqaddan la
joogo waxaan marey naa xaalad aan caadi aheyn oo argagax leh.”
"Ma ahan
waxaan filayey ama xitaa ku riyood ay,” ayuu Kulane ku yiri wareysi kale oo uu
sii yey The Sunday Times.
"Sababo la xiriira baaritaanka horudhaca
ah ee socda, waxaa igu waajib ah oo la igu amray inaan ka hadlin arrintan,”
ayuu yiri Xarbi Cali Kulane.
Yahuudda oo walaac ka muujisay Gantaal aha
Xisbullaah
Israel ma dooneyso inay dagaal la gasho
Xizbullah, hase yeeshee waxay diyaar u tahay inay maalinkii wajahdo 2,000 oo
gantaal oo ka ga yimaada kooxda reer Lubnaan haddii dag aal uu qarxo, waxaa
sidaas AFP u sheegay sar kaal militari oo Israeli ah.
Bishii May ee sanadkan, ciidamada Israel
ayaa dagaal socday 11 maalmood la galay koo xda Xamas ee Marinka Gaza, kuwaas
oo Isr ael kusoo tuuray 4,400 oo gantaal.
Israel
waxay sheegtaa in habkeeda difaaca gantaallada ee Iron Dome uu dhexda ka qab tay
90% gantaalladaas ayada oo kaliya 300 ay ku dhaceen degmooyin la degan
yahay.Bishii May, magaalooyinka Tel Aviv iyo Ashdod wax ay wajaheen "tiradii
ugu badneyd oo gantaallo lagu soo tuuray ah taariikhda Israel,” waxaa si daas
yiri Uri Gordin, oo ah madaxda Taliska Difaaca Gudaha ee ciidamada Israel.
Puntland oo Midowga Yurub kala hadashay ka
hortagga Kalluumaysiga sharci darrada.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo gadiid ka
badda Mamaulka Puntland Senetor Moha med Cabdi Majiino iyo Wasiir kuxigeenka
Was aaradda Qorshaynta Hor-umarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ahna Duqa
Degmada Bossaso Abdiqani Ahmed Ismail (Deera-dile) ayaa kulan la qaatay
Taliyaha Ciidanka Ilaal ada badda Puntland ee Midowga Yurub, Admi ral Alejandro
Cuerda.
Kulanka oo ka dhacay dusha sare mid ka
mida maraakiibta howlgalada Midowga yurub Ayaa looga hadlay xoojinta
iskaashiga Amniga xeebaha Puntland Xak amaynta
Tahriibka joojinta Kallumaysiga sharci darada ah ilaalinta Hubka kasoo dega
eeriyada xeebaha Boosaaso iyo arimo kale oo muhiim ah.
Duqa degmada Bossaso ayaa ku booriyey
ciidamadda ilaaliyaha xeebaha puntland ee midowga yurub shaqada ay ahaan wuxuna
she egay in la xoojiyo lagana wada shaqeeyo ilaa linta iyo la dagaalanka wax
walba oo sharci daro ah una keeni kara Amni xumo Xeebaha Puntland.
Meelo kamid ah Xeebaha Soomaaliya ayaa
waxaa mararka qaar si sharci darro ah uga kalluumeysta Maraakiib iyo Doonyo
Shishe eye, sidoo kale waxaa ku sugan Maraakiib Shi sheeye, kuwaas oo sheega
inay la dagaalam ayaan Kooxaha Burcad Baddeeda Soom aalida.
Ciidamada Kenya oo dad shacab ah iyo xoo lo badan
ku laayey Jubbada Hoose Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada
Hoose ayaa shee gaya in saacadihii lasoo dhaa fay ciidamada Kenya ay toog asho
u geysteen dad shacab ah oo ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee
koonfurta Somalia.
Dhacdadan ayaa ka dhacday Raaskaambo oni,
waxaana dadka ay waxyeelada ay soo gaartay ay ahaayeen xoolaley ku dhaqnaa ha lkaasi.
Toogashadan ayaa waxaa ku dhintay nin
lagu magacaabi jirauy Carab Qoriyow oo
ka mid ahaa dadka deagaanka, halka ay ku dhaa wacmeen labo qof oo kale oo rayid
ah.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya
in ciidamada Kenya ay laayeen xoolo fara ba dan oo gaaraya ku dhowaan illaa 50
neef oo Lo’a ah oo ay lahaayeen dadka deegaanka.
Illaa iyo
hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa waxa keenay in ciidamada Ke nya
ay dhibaatadaas u geystaan dadkaasi sha cabka ah ee aan waxba Shalaysanin.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale haatan
cabsi ka muujinayo inay sii wadaan ciidamada Kenya Kenya dhibaatada ka wadaan
halkaasi, waxayna baay u direen Jubbaland & dowlada.
Dhinaca
kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Jubbaland iyo
saraaki isha ciidamada dowladda oo ku aadan dhacda daas lagu eedeeyey Kenya.
Ciidamada Kenya ayaa marar badan lagu
eedeeyey inay dhibaatooyin iyo tacadiyo ka dhan ah rayidka ay ka geysteen
Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Magaalada Mekelle ee Itoobiya oo hawada laga
duqeeyey
Shaqaalaha gargaarka iyo diblomaasiyiin,
ayaa sheegay in weerar lagu ekeeyey xarunta gobolka Tigreega, ee magaalada
Mekelle.
Warbaahin
ay maamusho jabhadda xoreynta dadweynaha ee Tigray, kuwaa soo dagaal ku jira
dowladda fede raalka ee Itoobiya, ayaa sheegtay in saddex qof oo rayid ah lagu
dil ay, tobaneeyo kalana lagu dhaa wacay laba weerar oo halkaasi lagu qaadey.
Midowga Yurub iyo Mareykanka,ayaa ku
booriyey dhinacyadda kulugta leh dagaalka in ey ilaaliyaan xabad joojinta
jirta, si loogga fog aado in gobolka ay ka dhacdo masiibo bani’a adannimo oo
qaro weyn.
Tani waa markii uggu horeysay ee col aadda
kow iyo tobanka bilood socota, oo duq eyn xagga cirka ah laga soo sheego maga alada
Mekelle.
Dowladda ayaa beenisay iney wax weerar ah
qaadey. Ka maqnaanshaha warbaahinta ee gobolka Tigray, ayaa ka dhigeysa wax
addag in la xaqiijiyo jiritaanka warka soo baxey.
HALKAAN KA AQRISO WARGEYSKA MOGTIMES DAILY EE MAANTA OO TARIIKHDA 19KA OCTOBER
.