Ergada Soomaaliya ku matalayay kiiska bad da oo si
weyn loo maamuusay
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed
Xuseen Rooble ayaa Habeen hore munaasabad soo dhaweyn ah u qabtay Ergadii
Soomaaliya ee Kiiskii difaaca Baddeenna oo uu hogaamina yey Ra’iisul Wasaare
Ku-xigeenka Xukuumad da Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khad ar).
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahad celiyey
dadaalka ay ku bixiyeen difaacan Qar an, isaga oo dul istaa gay halgankii
dheere ee lagu bixiyey sidii loo ga hor istaagi lahaa Ke nya damaca ay ku do onaysay
in ay ku qaadato qeyb ka mid ah bad da Soomaaliyeed.
Rooble ayaa bogaadiyey isku duubnida sha cabka
Soomaaliyeed iyo sida wadajirka ah ay ugu istaageen dacwadda lagu difaacayey
badd eenna, isaga oo tilmaamay in taas ay ka tarju meyso biseylka iyo
wadaniyadda ay ku tilma aman yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Maxkamadda ICJ ayaa Talaadadii guusha
kiiskii dacwadda badda u xukmisay Soomaali ya, ayada oo meesha ka saartay
doodda Ken ya ee aheyd inuu jiro heshiis ama is-faham la bada dal ay isku
raacsan yihiin oo ah inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar
ah xariiqa loolka, waxayna ayidday doo dda Soomaaliya oo aheyd inaanu jirin
heshiis noocaan oo kale ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aamisay in
xariiqda xuduudda labada dal ay noqoto mid toos ah oo ah sida ay Soomaalida
codsatay, halkii ay xariiqda ka noqon laheyd mid lool ah oo ah sida ay Kenya
dalbatay, waxayna Maxk amadda 75% dhul-badeedkii la isku hayey sii say
Soomaaliya.
Muuse Biixi oo markii ugu horreysay ka had lay
dadka laga raafay SOMALILAND, sheegayna arrin yaab leh
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Ca bdi
ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dadka ka soo jeeda Koonfur Soomaaliya ee
deegana dooda ka musaafurineyso, kuwaasi oo u badan dadka kasoo jeeda Koonfur
Gal beed.
Muuse
Biixi ayaa sheegay arrin yaab leh oo ah sababta dad kaas loo musaafurinayo, taasi
oo ah markii xu kuumadiisa ay awoodi kari weyd ay sugida amn igooda, taasi oo
ka duwan sab abtii ay markii hore sheegeen mas’uuliyiinta ka le ee Somal iland
oo aheyd in dadkaas ay halis ku yihiin amniga Somaliland. "Anaga waa qa adi kari weynay miisaankooda
nabad-galyo ahaan iyo dhaqaale ahaan, wa xaa saarnay in ka badan 30 gawaadhi
ah, wax aana gaadhi walba oo la saaray waxaa ka bix inay 1,300 oo dollar
waxaana saarnay xataa daawo,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Sidoo kale wa xa uu sheegay in gawaadhida ay
ku musaafur iyeen dadkii kasoo jeeday Koonfur Galbeed ee ku sugnaa Laascaanood
la soc deen ciidamo suga amnigooda illaa inta ay ka gaarayeen xuduuda maamulka
Puntland.
"Gobolada kale ee aad u hadlaya ee leh waa
soo dhaweynayna (dadkaas) ee ka tirsan Soomaaliya, waxaa leenahay 30 sanno ayey
joogeen oo majiro qof reer Baydhaba ah oo la gu dilay Somaliland oo hanti laga
dhacay ma jiro.”
"Puntland oo aad durbaan u tuntay, iyadu
maalin qudha ayey 17 cunug oo labaatan ga arin intay soo qabteen yiraahdeen dil
baa ku xukunay oo iyaga wax dilayey.”
Madaxweynaha Somaliland ayaa ku eed eyay
madaxda dowladda Soomaaliya inay day aceen Shacabkooda oo maalin kasta lagu xas
uuqo magaalada Muqdisho.
"Xamar ka hadli maayo oo af aan kaga ha dlo
iima banaano, meel dhiiga bini-aadamka la ga baayac-mushtarayo, kuwa ugu
dulmiga bad an ee lagu laayo waa dadka kasoo jeeda Koo nfur Galbeed.”
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in la
buun-buuninayo musaafurinta dadkaas oo uu ku dooday inay si wanaagsan oo
bini-aadant imo uga saareen deegaanadooda, islamarkaa na ay kharash badan
geliyeen daad-gureynto oda.
R/W Rooble oo war cusub ka soo saaray do orashada
golaha shacabka Soomaaliya
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaal
iyam Md.Maxamed Xuseen Rooble oo Habeen hore khudbad ka jeediyey munaasabad si
weyn loogu maamusayey ergada Soomaaliya ee kiiska badda ayaa soo hadal qaaday
doorasho oyinka.
Rooble ayaa shaaca ka qaad ay in si
deg-deg ah loo guda-gal ayo doorashada xildhibaa nada aqalka hoose, isla-markaana
la bilaabayo todobaadka soo soc da, sida uu hadalka u dhigay.
Ra’Iisul
wasaaraha ayaa xusay in lagu hormari doono doorashada 46-da kursi ee gobollada
ee wa qooyi ku metalaya baarla maanka soo socda, ta as oo ka dhaceysa gud aha
Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu arr intaasi
kala hadlay guddoomiyaha aqalka sare iyo ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka,
ayna ku ballaan in la dadajiyo doorashadaasi.
Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay
ra’iisul wasaaruhu in xukuumaddiisa ay dadaal badan ku bixineyso dhammeystirka
doorashada, si lo oga faa’iideysto waqti kooban ee haray.
"Habeen
kasta waxaan ku duceystaa in doora shada ay soo geba-gabowdo, iyada oo aysan
cidna xag-xageyn, cidna waxba u dhimim, si doo kale aysan jirin cid dhibaato
loo geysto,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka
hadlayey dorashoyinka.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ma daxda
maamul goboleedyada qaar ay weli ka caga jiidayaan doorashada golaha shacabka,
waxaana xusid mudan in xittaa Jubbaland iyo Galmudug aysan weli dhammeystirin
doorasha da xubnaha golaha aqalka sare Soomaaliya.
Madaxweynaha K/Galbeed oo la kulmay waf di gaaray
M/Baydhabo
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdic asiis
Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xaru nta Madaxtooyada ku-meel gaarka ee Magaa lada
Baydhabo ayaa waxaa uu ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA ee Soomaaliya Ikali
karvinen.
Ikali
karvinen Wakiilka cusub ee Hay’aada FCA ee Soomaaliya iyo Xubnaha ku wehlin ayey
socdaalkiisa ayaa Madaxweynaha Warbi xin ka siiyey socdaalkooda iyo Waxyaabihii
u qabsoomay sanadihii lasoo dhaafay,
Wafdiga ka socday Hay’adda FCA ayaa waxaa
ay tilmaameen in Koonfur Galbeed ay kala shaqeynayaan dhisida Gollaha Deegaan ka
Degmooyinka Koonfur Galbeed, Hormarinta Waxbarashada,Caafimaada iyo Daadejinta
Adeegyada Dowlada.
Laftagareen ayaa u mahadceliyey Wakiilka
Hay,adda FCA Ikali karvinen iyo Madaxda ku wehlinaysa Socdaalkiisa, waxaana uu
xusay in ay bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee Ha y’adda ay ka wado deegaanada
Koonfur Gal beed.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Soo maaliya
Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka mahadceliyey
dadaalka Hay’adda FCA ka wado deegaanada Koonfur Galbeed.
Booliiska Soomaaliya oo soo bandhigay qaraxyo la
diyaarinaayay oo ay gacanta kuso dhigeen
Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa faahfa ahin
ka bixiyay howlgalo qorsheysan oo ay she egeen iney degmada Afgooye ka fuliyeen
ciida nka gaarka ee la dagaalanka argagisixada.
Afhayeenka Booliiska
Soomaaliya ayaa she egay in howlgalka lagu soo qabtay miinooyin la
diyaarinaayay iyo hub kale oo ah kuwa wax lagu gumaado.
"Cutubka la dagaalanka Argagixisada
Booli iska Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada Afgooye
waxay gacan ta kuso dhigeen miinooyin farsamo ku socotay, Bambaanooyinka nooca
gacanta laga tuuro iyo waliba baaruuda loo istocmaalo miinooyin ka"ayuu
yiri Afhayeenka Booliiska.
Booliiska Soomaaliya ayaa intaa ku daray
in lagu raad joogo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa farsamada qaraxyadaan, islamarkaana
ay sii socon doonaan howlgalada noocaan oo kale ah ee looga hortagaayo
dhibaatada laguna xaq iijinaayo amaanka.
Dowladda
Somalia oo Mareykanka kala had ashay taageerada Ciidamada Xoogga
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xu kuumadda
Federaalka Soomaaliya ee xil gaarsiinta ahna Senator la doortay Xasan Xus een
Xaaji ayaa Shalay kulan la qaatay Sar aakiil ka socda Safaaradda dowlada
Mareykan ka ee Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiisha
Mareykanka ayaa kulankooda diirada ku saa ray xoojinta taageeradda dowladda
Mareykan ka ay siiso Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Iskaashiga dhan ka
Milateriga.
Waxaa kaloo ka wada hadleen labada dhinac
sidii loo dar dar-gelin lahaa tababarada Mareykanka siiyo Ciidamada Xoogga
dalka, waxaana kulanka ka qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda
Gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Sa matar Gacaliye.
Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dow ladaha
ka taageera dowladda Soomaaliya tab abarada dhinaca Ciidamada, wuxuuna sidoo
kale weeraro iyo duqeymo ka fuliya goobaha ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha
Al-sha baab.
ROOBLE OO SHAACIYEY TALLAABOOYIN KA LA QAAD AYO KA
DIB XUKUNKII KIISKA BADDA
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md.Maxa med
Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyay mun aasabad soo dhaweyn ah oo u qabtay
Ergadii Soomaaliya ee Kiiskii difaaca baddeenna ayaa sheegay in loo baahan
yahay fulinta xukunka maxkamadda ICJ.
Rooble ayaa ugu horeyntii u mahad-celiyay
dowladihii is kaga dambeeyay tallada dalka ee doorka muuqda ku lahaa ki iska
badda, isagoona farxad weyn ku tilmaamay in aan leenahay xuduud ba ddeed cad.
"Guushii maxkmadda maxaa ku xiga? Wax aa
ku xiga fulinteeda oo u baahan dad sax ah oo ka shaqeeya oo hore u sii wado
waxa ay walaalaheen soo hooyeen.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan-qaaday in
ergadii Soomaaliya ee kiiskaas uu garab ku si in doono si loo helo nidaam cad
iyo hab fulin eed oo ku aadan dhulka maxkamadda ay inta badan u xukmisay
Soomaaliya.
"Waxaa loo baahan yahay oo ballan-qaad aya
ergadii ka qeyb-gashay oo soo hoysay guushaas taariikhiga ah aan garab ku siiyo istiraat ijayad iyo nidaam cad
oo lagu fulinayo inta noo hartay oo ah in la fuliyo xukunka maxkamad da,” ayuu
yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
"Dowladda Kenya ee deriska nahay waa dad
aan deris nahay waa isku qasbanahay in aan ka shaqeyno wada-noolaasho, daris
iyo na bad ku wada noolaano, waxaana cadeynayaa in shacabka Soomaaliyeed diyaar
u yihiin in aan ka helno dadka aan deriska nahay ee Kenya.” Sidoo kale waxa uu
sheegay in xuku umadd iisa ay dadaal badan ku bixineyso dha mmeys tirka
doorashada, si looga faa’iideysto waqti ko oban ee haray."Habeen kasta waxaan
ku duc eystaa in doorashada ay soo geba-gab owdo, iyada oo aysan cidna
xag-xageyn, cidna waxba u dhimin, sidoo kale aysan jirin cid dhib aato loo
geysto,” ayuu yiri R/wasaare Rooble oo ka hadlayey door ashooyinka.
Dowlgal Dad lagu soo qab-qabtay oo laga fuliyay
gudaha M/Kismaayo
Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sird oonka
dowlad Goboleedka Jubbaland ee NISA ayaa howlgal ballaaran oo maalmo socday ka
sameeyay gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caas imadda
KMG ah ee Maamulkaas
Howlgalka Ciidamada Nabadsugida ay sam eeyeen
xaafadaha kala duwan ee Kismaayo ayaa waxaa inta uu socday la gu soo qab-qabtay
xubno loo ga shakiyay inay ka tirsan yih iin Al-shabaab, kuwaasi oo la amaha
amniga ay Xa rumahoo da ku xireen.
Qoraal kasoo baxay Taliska NISA Jubbal and
ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka ho wlgalka laga fuliyay Magaalada Kismaayo
uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga Magaalada as, isla markaana lagu daba jiro
xubno kale oo la tuhmayo, ayna socdaan howlgalo kale.
"Dhawaan waxaan bulshada la wadaagi
doonaa warbixintooda oo dhameystiran iyo sha qooyinkii lidka ku ahaa amniga
dadka iyo dalka ee ay ku howlanaayeen”ayaa lagu yiri Qoraal ka kasoo baxay
Taliska NISA Jubbaland.
Taliska Hay’adda Nabadsugida Jubbaland
ayaa shacabka kunool Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ugu
baa qay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si lo oga hortego falalka amni darro
ee mararka qa arkood halkaas ka dhaca.
Sida ay Somaliya &Kenya u kala heleen
xirmooyinka shidaalka oo la ogaaday
Macluumaad ay idaacadda VOA ka heshay ilo
lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kadib xadaynta ay Maxkamadda Caalamiga ah
ee Garsoorka ICJ ka samaysay xuduudda badda Soomaaliya iyo Kenya ay inta badan
xirmooyin ka la tuhunsan yahay inay ku jiraan shidaalka iyo khayraad kale ay
marayaan dhinaca Soom aaliya ee xuduudda cusub.
Khabiir arrimaha badda ah oo darsay xuk unka
maxkamadda oo codsaday inaan magic iisa la sheegin, arrimahan oo xasaasi ah
darto od, ayaa VOA u sheegay in mid ka mid ah tod dobada xirmo ay martay
dhinaca Kenya, afar-na dhinaca Soomaaliya, halka labada kale ay xuduuddu
dhexmarayso oo ay labada dhinac ah u kala qaybsameen inkastoo dhulka ay ku
fadhiyaan xirmooyinkaasi badankiisu marayo dhinaca Soomaaliya. Khabiirkaasi waxa uu u sheegay VOA in xir mada
dhinaca Bari ugu xigta oo astaanteedu tahay L-26 ay martay dhinaca Kenya, halka
qa ybo ka mid ah xirmo oyinka L-23 iyo L-24 ay sidoo kale mareen dhinaca Kenya.
Xirmooyinka
soo haray oo kala ah L-5, L-13, L-21, L-22 iyo inta badan ee xirmooyinka L-23
iyo L-24 ayaa maraya dhinaca Soomaaliya, sida auu khabiirkaasi sheegay.
Khabiirkaasi waxa uu xaqiijiyey in
xirmada ay khubarada baddu aamisan yihiin inay ugu khayaaradka badan tahay ay
martay dhinaca Soomaaliya.
Dawladda Kenya waxay sheegtay inaysan
marnaba aqbalayn go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. War-saxaafadeed kasoo
baxay xafiiska madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay oo kale in
Kenya ay doonayso in qaab nabadeed iyo wadaxaaj ood lagu xalliyo arrinta iyadoo
la marayo Mido wga Afrika
.VOA
Puntland oo go’aan kasoo saartay 14 nin oo loo
haystay inay yihiin AL-SHABAAB
Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada
qalabka sida ee Puntland ayaa Shalay xorri yadooda u celisay 14 nin oo ku
eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shaba ab, kuwaas oo muddo u
xirnaa inay weeraro ka geysteen maamulkaasi.
Guddoomiyaha maxkamadda G/le Dhexe,
Cabdiraxmaan Warsame Jaamac oo ku dhowaaqay go’aanka maxk amadda ee lagu sii
daayey raggaasi ayaa sheegay in la gu waayey 14-kaasi nin dam biga lagu soo
eedeeyey ee ah inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
"Maxkamaddu
waxa ay xorriyadooda siisay 14 kaas nin taliyaha xabsiga, taliyaha saldhigga
cirka waxaa la la farayaa in ay xabsiga ka sii daayaan eedeysanayaashaasi afar
iyo tobanka ah. Waa billaahi towfiiq,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan
Warsame.
Ragga lasii daayey ayaa kala ah:-1- Cab diqaasim
Maxamed Cabdulle, 2- Maxamed Car eys Faarax, 3- Najiib Xuseen Cali, 40- Maxa med
Cusmaan Ibraahim, 5- Ismaaciil Axmed Maxamed, 6- Xuseen Maxamed Xuseen, 7-
Aadan Bashiir Cabdi, 8- Jaamac Dayib Xaaji Maxamuud, 9- Deeq Jaamac Xasan, 10-
Cis maan Cabdiraxmaan Shaafici., 11-Isaaq Xas an Aadan Shariif, 12- Cabdi
Maxamed Isaaq, 13- Cabdulllaahi Muyxadiin Cabdullaahi iyo 14- Mustafe Ismaaciil
Aadan.
Qaar ka mid ah raggaan oo la hadlay wari yeyaasha,
kadib markii ay dib u heleen xorri yadooda ayaa shaaca ka qaaday inay aad ugu
faraxsan yihiin go’aanka maxkamadda, waxa ana ay u mahadceliyeen dhammaan cid
kasta oo ka qeyb qaadatay sii deyntooda.
Sidoo kale waxa ay tilmaameen in si wanaagsan loola dhaqmay muddadii ay
xirn aayeen, gacantana ugu jireen ciidamada am maanka ee dowlad goboleedka
Puntland.
Puntland
ayaa horey xukuno kala duwan ugu ridday shaqsiyaad lagu helay inay ka tirsan
yih iin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay howl-gallo ka dhacay
maamulkaasi.
Booliska
Britain Oo Su’aalo Weydiinaya Aabbaha Dhalay Cali Xarbi Oo Loo Haysto Dilka
Xildhibaan British Ah
Booliska Britain ayaa su’aalo weydiiyay aab
baha ninka tuhunka laga qabo inuu dilay xil dhibaan ka tirsanaa baarlamaanka
Britain Xarbi Cali Kullane, oo 61 jir ah.
Xarbi Cali Kulane oo hore u soo noqday afh
ayeenkii warbaahinta Ra’iisul Wasaaraha Soom aaliya, kaasoo degen magaalada
London iyo Nairobi.Wuxuu
xaqiijiyay in wiilkiisa uu ku jiro ga canta booliiska kadib tooreeydii wuxuuna
she egay inuu ka argagaxay xariga wiilkiisa.
Xarbi
Kulanne ayaa u sheegay The Sunday Times: ‘Aad ayaan u daree mayaa argagax. Ma
aha wax aan fi layay ama weligay ku riyoon jiray”.
Wararka
waxa ay sheegayaan in uu hadda u joogay Xarbi Kulane UK arrimo caafima ad awgiis
xaalad wadnaha ah oo ku jiro Isbitaalka Bart.
Sidoo kale Booliiska Ingiriiska ayaa
baaritaan ku sameeyay gurigii uu ku noolaa carruurnimadi isa ninka lagu
tuhunsan yahay inuu dilay Xildhib aan David Amess. Saraakiisha ayaa baaray gur iga
oo ku yaal waddo ku taal Croydon, koonfurta London.
Booliisku ayaa weerarkii ka dhacay Essex
imika u baaraya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xiriirto
xagjirnimada Islaamiyiinta.
Dhanka kale, waxaa socday baroor-diiq loo
sameynayo xildhibaanka la dilay iyada oo shumacyo la dhigayo halkii uu weerarku
ka dhac ay, si loo xusuusto noloshii Sir David.
Wuxuu Cali Xarbi ku xiran yahay imika Sal dhigga Boliska ee
Essex, halkaasi oo ay Su’aalo ku waydiin doonaan waaxda booliiska ee ka hor tagga
Argagixisada.
Cabdikaafi Maxamuud oo weerar ku qaaday Qoor Qoor
Cabdikaafi Maxamed Maxamuud oo kamid ah
siyaasiyiinta Galmudug horeyna u soo noqday wa siirka qorshaynta iyo xiriirka
caalamiga ah ee Ga lmudug, ayaa ka hadlay xaalada maamulka Galm udug. Cabdikaafi ayaa sheegay in maamulka
Galmudug uu ku jiro waqtigii ugu xumaa intii uu ji ray, isagoona weerar afka ah
ku qaaday mad axweyne Qoor-Qoor oo uu ku sifeeyay "dagaal doonka iyo huriyaha
colaada”.
"Ahlusunna ma doonayso dagaal, weerar ku
ma ahan maamulka Galmudug, doorsahada na ma diidana, kaliya ASWJ waa Shabaab
diid,” ayuu yiri Cabdikaafi Maxamuud
"Waxaa ugu baaqaynaa dadka Soomaaliye ed ee
nabada jecel, Raysulwasaaraha Soomaaliya, saaxiibada Soomaaliya iyo hay’ adaha
xaquuqul insaanka inay wax ka qabtaan kana hortagaan dhiiga Madaxw ayne Qoor
Qoor daadinayo ee reer Galmudug.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in hogaanka Ah
lusunna ay u joogaan deegaanada Galmudug la dagaalanka Al-Shabaab, si ay uga
xoreeyan shac abka Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.
"Qoor Qoor waa
dagaal doon, dhiig doon, isa gaana hurinayo colaada Guriceel. Qasadka AS WJ
kaliya waa inay shacbiga Galmudug ka xor eeyaan Al Shaabaab,” ayuu hadalkiisa
ku yiri Siyaasi Cabdikaafi. Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay sha cabka
Guriceel inay u midoobaan difaacooda, ay na meesha ka saaraan kala aragti
duwanaan shaha, isagoo sheegay in dhibaato kasta oo ka dhacda deegaankaas ay
mas’uul ka noqon doonaan madaxweyne Qoor
Qoor iyo Villa Somalia.
Cabdixakiin
Cilmi Xasan Nairobi, Kenya
Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday
Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa
weerar culus oo Shalay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shababa ku qaad een
saldhig ciidamada am maanka Puntland ay ku le eyihiin deegaanka Af-urur ee
gobolka Bari.
Weerarka
oo ku billowday madaafiic ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey
ciidamada Puntland iyo xoogagii weerarka soo qaaday, kaas oo saacado qaatay.,
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay
maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ay is-we ydaarsanayeen labada dhinac,
isla-markaana ay san cadeyn karin khasaaraha rasmiga.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo
ka soo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka
ka horreeyey.
Al-Shabaab
ayaa dhica kale guullo ka sheegatay weerarkan, waxaana ay shaacisay inay
khasaare gaarsiiyeen ciidamada Puntland, ayna isaga bax een saldhigga la
weeraray.
Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciid amada ammaanka Puntland ay howl-gallo ka
bil aabeen nawaaxiga deegaanka Af-urur oo hoosta ga Boosaaso.
Inta badan
dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa
weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Puntland.
Faarax Cabdullaahi Calasow
"Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed
"Camey” ayaa markii ugu horraysay ka soo Muuqday Camerada Carwa Kaah Electronic
oo ku taal degmada Ho dan gaar ahaan Taleex 29-kii June Sanadkan iyaga oo dhac
u gays anayo Carwada.
Faarax iyo Maxam ed ayaa Carwada ka qaatay
IPHONE,
SAMSUNG iyo agab kale oo electronic ah oo
qiima ahaan ku kacayo $12,945 Dollar.Laba Alifle Boliis Faarax Cabdullaahi
Calasow "Faaraxey” ayaa u gacan galay
Ciidamada Dowladda labadii July oo isla xilligaasi lagu wareejiyay Hay’adda
dambi baarista Boliiska CID.
Baaris
dheer kadib ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay billowgii August sanadkan
Xaf iiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo xilligaasi ka codsaday garsoorka in loo
gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan.
Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka
sida ayaa isku howlay sidii ay u samayn lahaayeen ba aris kale oo ay ku
xaqiijinayaan eedeymaha Bol iiska, waxa ayna billowgii Oktoobar bishan cods adeen
in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Faarax Cabdullaahi Calasow
"Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed "Camey” oo maq ana ah.
Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo kamid ah
Xe er Ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku eedeeyay labada
eedeysane ee mi di baxsadka yahay in ay magaallada dhac baah san ka gaysteen balse ay tahay Camerada kaah meesha
kaliya ee laga helay cadayntooda, waxa uu sidoo kale soo bandhigay dambiya kale
oo uu gaystay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida dhaawac uu hore dhibane
ugu gaystay. Max kamadda ayuu ka codsaday in lagu xukumo ciqaab u dhiganto
qodobada ay ku soo eed eeyeen.Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka
hor sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kala xaalaan Carwa Kaah magta qaybtoo da,
sidaas darteed ay Maxkamadda ka ogolaatay in laga qafiifiyo xukunka.
Dable Asluub Maxamed Abshir Maxamed
"Camey” ayay Maxkamadda amar soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ah u jartay
hay’ada ha amniga 26-kii September sanadkan.
Garsoorayaasha Maxkamadda oo fursad u si
iyay dhinacyada dacwadda kaalintooda Maxkama deeda ayaa ugu dambayn Shalay
kuwada xuk umay Faarax Cabdullaahi Calasow "Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed "Camey” oo ma qana
ah min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixin ta qiimaha lacageed ee ku xusan
Dambiga ay galeen sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed
Cabdi Muumin oo ka tir san Garsoorayaasha heerka Koowaad ee Maxka madda
Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanayaasha
ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30 cisho.
HALKAAN KA AQRISO WARGEYSKA MAANTA EE MOGTIMES DAILY OO TARIIKHDA 18 0CTOBER 2021
..