HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES ISNIIN 27-KA SEPT.2021-KA

0
Monday September 27, 2021 - 08:10:14 in Wararka by
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES ISNIIN 27-KA SEPT.2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka, si ay howshooda u dardargeliyaan.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran hannaanka xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda uu guddigu ugu fadhiyo hannaanka hufnaanta doorashada, maadaama ay iyagu yihiin kuwii kala saari lahaa wax walboo khilaaf ka dhasha doorashada, bulshaduna uga fadhido in ay caddaalad u wada sameeyaan.---DHAMMAAD----

Duqa Muqdisho oo Amar dul-dhigay Gud doomiyeyaasha degmooyinka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shalay kormeeray wadada xiriirisa xarunta Beerta Nabada ilaa isbitaalka Martiini oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee burbursan, islamarkaana uu maamulka gobolka Banaadir dhawaan ka fulin doono mashruuc dib loogu dhisayo, si isticmaalkeeda ay uga faa’ideestaan bulshada iyo gaadiidka.

Inta uu kormeerka socday ayaa Gudoomiye Cumar Filish waxa uu faray maamulada degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weyne in ay qaataan kaalintooda ku aadan fududeenta dhismaha wadadaasi isagoo dhanka kale ka dhageestay warbixina quseeya caqabadaha jira.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa horey u balan qaaday in maamulkiisa uu xooga saari doono dhismaha wadooyinka Caasimadda si kor loogu qaado bilicda iyo fududeenta isku socodka magaalada.

Kormeerkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Shacabka kunool Magaalada Muqdisho gar ahaan Gaadiidleeyda ay ka cabanayeen inay la’yihiin wadooyin ay maran kadib markii roobkii da’ay ay ku burbureen.

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda Beesha Caalamka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shalay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Midowga Europe, Midowga Africa iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Per Lingarde .

Madaxweynaha iyo wakiilada beesha caalamka ka socday ayaa ka wada hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida doorashada taariikhiga ah ee Puntland ka dhacaysa ee hal cod iyo hal qof, doorashada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.

"Wuxuu ahaa kulan muhim ahaa oo kusoo aaday wakhti ku haboon, marxaladda cusub ee Puntland gashay oo doorasho hal qof iyo hal cod ah u dareertay” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

James Swan Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hoggaaminayay wakiilada ka socday Beesha caalamka, ayaa dadka reer Puntland Maamul iyo Shacab ugu hambalyeeyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo Shalay ololihii ururadda siyaasadda ka bilowday Qardho, Ufeyn iyo Eyl, degmooyinkaasi oo 25-ka October 2021 ay ka dhici doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya sida amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxaana Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wakiillada Beesha Caalamka ay si qota dheer uga wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa caqabadaha Doorashada Soomaaliya.

"Waxaan aad xoogga u saarnay sidii xal looga gaari lahaa sidii ay u qabsoomi lahayd Doorasho ku dhacda Jawi degan, oo nabdoon oo laga gudbo dhammaan caqabadaha hadda hareeyay ee hortaagan, caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee jira iyo kuwa farsamo ee imaan kara ama taaganba, waxaan aad u rajeynaya in dalka Soomaaliya hore u tallaabsan doono, doorashadana wakhtigeeda ay noqon doonto hadii alle idmo , caqabadaha jirana runtii dadka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya beesha caalamka ee ay qaybta ka yihiina , ay xallin doonaan hadii illaahay idmo si hore loogu socdo. Waxaan rajeynaya in Isbedelka dadka Soomaaliyeed ay sugayaan iyo deganaansho nabad u horseeda inuu abuurmi doono hadii alle idmo” Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland wuxuu boggaadiyey mashaariicda ka qabsoomay Puntland "Waxaan ku faraxsanahay waxyaabihii qabsoomay sanadka lagu jiro oo Hay’addaha iyo ururada deeqda bixiya , ee ay ugu horeyso Midowga Europe, Wadamada Sweden ay gacanta ka geysteen mashaariicda socota iyo guud ahaan Hay’addaha UNKa ah ee halkan ka howlgala , waxaan rajeynaya in ay muhim aheyd waxyaabihii qabsoomay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xgeenkaPuntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Golaha Midowga Musharaxiinta oo soo saa ray qodobo xasaasi ah oo ku saabsan xaalada dalka

Golaha midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray war saxafadeed ay kaga hadalayaan qodobo muhiim ah oo la xiriira xaalada dalka, arrimaha doorashooyinka, amniga dalka, kiiska Ikraan Tahliil iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin wadahadaladii lagu dhex

dhxaadinaayay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble ee labada jeer fashilmay.

Hoos ka akhriso Qodobadda Midowga Musharaxiinta soo saareen

War saxafadeedka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta oo ka koobna lix qodob ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa qodobadiisa in Midowga Musharaxiinta ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidan iyo abaabulka ay wadaan madaxweyne Farmaajo iyo taliyahii hore ee Nabadsugida qaranka Fahad Yaasiin oo ay ku doonayaan iney ku carqaladeeyaan arrimaha doorashooyinka dalka, islamarkaana waxay sheegen ineysan aqbali doonin iney dhacdo sidaasi.

Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale qoraalkooda ku sheegay in Raysal Wasaare Rooble uu sameeyay tanaasul weyn, balse Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uu diiday xalinta khilafka, isaga oo doonaya in uu dib u ceshado doorashada dalka.

Midowga Musharaxiinta waxay soo bandhigeen 6 qodob oo ay sheegeen iney quseeyso Raysal wasaare Rooble, Golaha Wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka.

Fahad Yaasiin oo Shalay la wareegay xilkii uu dhawaan u magacaabay madaxweyne Farmaajo

Taliyahii hore ee hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa Shalay si rasmi ah ula wareegay xilka lataliyaha amniga qaranka oo uu dhawaan madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in munaasabad Shalay ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya uu xilka uu si toos ah ugala wareegay

Fahad Yaasiin Lataliyahii hore ee amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali.

"Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu xilka kala wareegay Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisiciid Muuse Cali.Lataliyaha Amniga Qaranku waxa uu uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda magacaabistan, waxa uuna xusay sida ay uga go'an tahay horumarinta Amniga Qaranka" ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Lataliyaha cusub ee amniga qaranka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya uga mahadceliyay magacaabista xilkan cusub, islamarkaana sheegay in madaxweynaha ay ka go'an tahay horumarinta amniga qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabadaan Shalay ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya ayaa imaaneysa xili wali khilaaf xoogan uu ka dhex jiro madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Wasaare Rooble, kaasoo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo sabab u noqday markii dambe in xilka qaadis lagu sameeyo Fahad Yaasiin oo xiligaa ahaa taliyahii Nabadsugida Qaranka, isagoona Shalay ugu dambeyn la wareegay xilka cusbaa ee madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay ee ah Lataliyaha amniga qaranka Soomaaliya.

R/W Rooble ‘oo billaabaya’ bixinta dhaqaale ku baxaya…

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay dar-dar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada gobollada woqooyi.

Kulanka ayaa sidoo kala looga hadlay maamulka dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada gobolada Waqooyi oo muddo badan uu curyaamiyey muran hor leh.

Waxaa ka qeyb-galay kulankaas Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi (Somaliland), Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska iyo Guddiga farsamada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada woqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen oo ka warbixiyey kulankaas ayaa sheegay in la isla qaatay in la dadajiyo dhaqaalaha doorashadaas."Diiwaan-gelinta waxay noo soo gaba-gabowi doonta Xalay, berrina waxaa noo bilaabmi doona khudbad jeedintii musharaxiinta, saddexda cisho ee ku xigana doorashada ayaa noo dhici doonta, meel fiican ayey wax noo marayaan,” ayuu sidoo kale yiri Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Shalay la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya iyo taliska booliska AMISOM, isagoona kala hadlay amniga doorashada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi.

Kulankaas ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland), ayada oo Ra’iisul Wasaaraha uu faray taliska booliska iyo kuwa AMISOM fududeynta howlaha amniga ee doorashada aqalka sare ee Somaliland.

Wasiir Jamaal oo laga reebay ilaaladii sa iyo amar culus oo kasoo baxay Puntland

Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa Shalayeyd gudaha u galay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kadib markii laga reebay ilaaladii la socotay.

Wasiir Jamaal ayaa watay kolonyo ciidamo ah oo galbinayay, taasi oo keentay in muddo ku dhow saacad ku xanibnaado duleedka magaalada Garoowe, sida ay ilo xogagaal ah u sheegen Caasimada Online.

Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar deg deg ah oo gebi ahaanba lagu joojinayo in musharaxiinta Golaha Shacabka aysan isticmaali karin gaadiid gaashaman iyo ciidan ilaalo intaba.

"Iyadoo laga duulayo waajibaadka joogtada ah ee adkeynta amniga Dowladda Puntland, lana tixgalinayo xaalada ololaha qabsoomida doorashada Golaha Shacabka ee heer federal iyo doorashooyinka dowladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, waxay Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Puntland ku wargelinaysa musharaxiinta inaysan isticmaali karin gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah toona,” ayaa lagu yiri waraaq wargelin amar ah oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka Amniga Puntland."Qofkii sababo gaar ah uga maarmi waaya ilaala wuxuu lasoo xiriiriya Taliyaha Booliska Puntland. Haddaba waxaa dhamaan la farayaa laamaha amniga fulinta awaamiirtan iyo gudashada waajibaadkooda.”

Amarka Musharaxiinta ay Puntland uga maamnuucayso ilaalada iyo gaadiidka gaashaman ayaa imanaya un kadib markii Wasiir Jamaal lagu xanibay duleedka Garoowe.

Maamulka Puntland ayaa kal hore ku eedeyay Wasiirka Qorsheynta dowladda federaalka in uu abaabulayey kacdoon bulsho, kadib markii ay si weyn u faafeen warar sheegaya in la kala ceyriyay dad kusoo dhaweynayay garoonka Garoowe.

GALMUDUG oo war kasoo saartay duulaan la sheegay in uu kasoo socdo Ahlu-Sunna

Maamulka Galmudug ayaa markii u horeysay ka hadlay warar sheegaya in ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca uu qorshenayo duulaan uu dib ugula wareegayso magaalada Dhuusamareeb oo ay hore gacanta ugu haysay.Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wararkaas lagu khal-khal gelinayo bulshada, asaga oo ku eedeyay warbaahinta madax-banaan in ay baahinayaan baranbogaado aan xaqiiq aheyn, sida uu sheegay

"Maamulkeena dhibaato uma arko in Ahlu-Sunna ay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda, kuna sameystaan siyaaro, taasi oo qeyb ka ah dabacsanaanta ay muujineyso dowlad goboleedka Galmudug,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan Saraakiil Ahlu-Sunna ka tirsan oo ku sugan Galgaduud, kuna howlan yihiin arrimo la xiriira siyaarada Sheekh caan ah, islamarkaana meesha ka saaray in uu jiro duulaan iyo abaabul ciidan oo ka dhan ah maamulkooda.

Hadalka Zasiirka ayaa imanaya xili ay soo baxayaan warar la xiriira in Ahlusunna ay ku howlan tahay ururinta hub iyo ciidamo, gaar ahaan deegaano ka tirsan Galgaduud.

Ahlusunna ayaa dhawaan maamulka Galmudug ku eedeysay inay ka gaabisay la dagaalanka Al-Shabaab oo ayagu ay kal hore ka xoreeyen deegaanadaas, lamana oga in arrintaas ay daba socoto dar-darta cusub ee ay wadaan.

Doorashadii oo dib u dhacday iyo shir xasa asi ah Villa Somalia uga socda Farmaajo iyo

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu Xalay u yeertay ay u tageen 8 ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku jira Ergada soo dooraneysa Senatarada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, kuwaas oo Farmaajo loogu geeyay Madaxtooyada oo haatan uu shir kula leeyahay.

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ayaa noo sheegay in 8-da Oday dhaqameedka ee Madaxtooyada la geeyay ay ka mid yihiin kuwa ugu

saameynta badan xubnaha Gobolada Waqooyi ee Shalay lagu xareeyay teendhada Afisyooni, waxuuna qorshuhu ahaa in maalinta Talaadada ah ay soo doortaan Senatarada Aqalka Sare ee Somaliland.

Ergooyinka doorashada ka qeyb qaadanaya ayaa Shalay la xareeyey, balse tallaabadan uu Xalay Farmaajo qaaday ayaa loo arkaa mid durba carqalad cusub noqotay doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in berri ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato.

Markii laga soo tago in guddigu musharaxiinta ku wargeliyey in dib u dhac uu ku yimid jadwalka oo berri ay baaqatay hadal jeedintii loo balansanaa, hadana guddigu waqti kale ma cayimin oo wuxuu qoraalkaan ku sheegay in dib laga soo sheegi doono goorta ay bilaabaneyso hadal jeedinta Musharaxiinta.

"Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga. Xigasho:caasimadda.net

Xuseen Macalin: Al-Shabaab afar bil ayey sugeysay in la kala baxo, hadda kadibna…

Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaad gudahiisa waxay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ka fulisay illaa seddex qarax kuwaas oo ay ku dhinteyn in ka badan 15 qof, sidoo kalana dhaliyey khasaare maaliyadeed.

Qaraxyada ay Al-Shabaab ka fuliyeen Muqdisho waxaa ugu dambeeyey midkii ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, waxayna qaraxyadaan kusoo aadayaan xilli uu sii socdo khilaafka u dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Su’aalaha ugu badan oo ay dadka Muqdisho is waydiinayaan maalmahaan ayaa ah: Maxaa keenay qaraxyadaan iyo sida looga hortagi karo, waxaa ka jawaabay su’aalahaan Xuseen Macalin Maxamuud oo horay usoo noqday la-taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo haddana ah madaxa machadka amniga ee Hiraal.

Xusesen Macalin ayaa sheegay in Al-Shabaab aaney qaraxyo sameyn bilihii February ilaa July sababo la xiriira iyaga oo aan ogeyn meesha loo socdo, sidoo kalana wuxuu sheegay inay aad u badnaayeen aaggaga amniga.

"Bilaha February ilaa July qaraxyo ma sameyn Al-shabaab, oo waxaa ay sugayeen in la kala baxo, waxaa caasimadda joogay Badbaado qaran, ciidan ayaa meel walba daadsanaa, waxaa badnaa aaggaga amniga, hadda waxaa ay dareemeen in hey’adaha amniga dabceen, oo amniga furfurmay, in lasoo celinaya fududeen, marka waa ka faa’ideysteen,” ayuu yiri.

Mar la waydiiyey sida qaraxyadaan looga hortagi karo ayuu ku jawaabay "Waa sii socon doonaan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, oo aan laga heshiin”.

Madaxa Hiraal Xuseen Macalin welwelka uu qabo waa in dib u dhac ku yimaado heshiis siyaasi ah oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, hey’adaha amnigana la siyaasadeeyo, taasina ay keento in qaraxyada sii socdaan, taasi oo saameyn doonta doorashada iyo guud ahaan nolosha dadka.

Siyaasi Reer Somaliland Ah Oo Xisbi-siyaasadeed Kaga Dhawaaqay Dalka Holland

Xisbi uu Magaciisu yahay ‘Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland’ ayaa lagaga dhawaaqay Dalka Holand.

Aasaasaha, ahan Guddoomiyaha Xisbigaas siyaasadeed ee Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala oo la hadlay Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in sababaha Xisbigan loo aasaasay ay tahay sidii uu wax uu uga qaban lahaa Baahiyaha Waxbarashada

Caafimaadka iyo adeegayada Bulshada ee kala duwan.

Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa waxa kale oo uu sheegay in Xisbigan ay iska dhex arki doonaan Shacabka Somaliland oo dhan ,isla-markaana uu yahay Muwaadin xaq u leh in la doorto isna wax doorto sida ku cad Dastuurka dalka "Xisbigani wuxuu noqon doonaa mid ay iska dhex arkaan Shacabka Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey waxa ku dhaliyey inuu Xisbigan aasaaso isla-markaana uu isku sharraxo Madaxweyne-nimada Somaliland "Marka hore, waxaan ahay muwaadin xaq u leh inaan wax doorto, isagana la doorto, sidaa awgeed waxa ii muuqatay inaan haysto fursad aan ku noqon karo Madaxweynaha Mustaqbalka Somaliland, waxaanan arkay siyaasiyiintii Dalka oo isku mashquulay intii Waddanka la dhisi lahaa.”

Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Shacabka Somaliland ka gudbeen in qabyaalad wax ku doortaan, taasina ay tahay ta keentay aasaaska Xisbigan "Waxa ku soo beegay xilligan inaan Xisbiga aasaasno in Shacabka Somaliland u diyaar yihiin, una bislaadeen isbeddel, kana sii fogaanaya Qabyaaladda, una sii dhawaanaya dhinaca Dimuqraadiyadda.”

Axmed Cabdala ayaa waxa uu xusay in Xisbigani noqon doono mid u siman yihiin Shacabka Somaliland oo ay iska dhex arki doonaan, waxaana uu tilmaamay in uu noqon doono mid dhex diisa Dimuqraadiyad ka jirto, isaguna uu kaga duwan yahay Siyaasiyiinta Somaliland inaanu aqoonin Qabyaaladda "Waxaan kaga duwanahay siyaasiyiinta kale, ma aqaano Qabiil..”

Ugu dambayn, Aasaaska Xisbiga siyaasadda Somaliland ayaa Sharci ahaan soo mara dhowr jaran-jaro oo kala duwan, sida in marka koowaad la aasaaso iyaga oo Urur ah, markaasi ka dibna waxay ka qayb-galaan doorashada Goleyaasha deegaanka, si markaasi ka dib haddii ay guulaystaan ay Xisbi ugu gudbaan, wallow dhawaan wax laga beddelay Xeerkii Furista Ururrada.

Diyaarado dagaal oo duqeymo culus ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Habeen hore saqdii dhexe diyaaradaha dowladda Kenya ay ka geysteen duqeymo deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq.

Diyaaradaha Kenya ayaa la sheegay iney duqeymaha ka geysteen deegaanada kala ah Warbeele, Buralaha, Golgola Cali iyo Sanaroole, waxaana deegaanadaasi ku nool dad reer miyi ah oo xoolo dhaqato u badan.

Dadka ku dhaqan Ceelwaaq oo qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalqy saqdii dhexe ay maqlayeen jugta Gantaalo dhawaq culus oo ku dhacaya deegaanada hoos yimaada Ceelwaaq, walow aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha diyaaradaha Kenya geysteen oo la sheegay iney joog hoose ku socdeen.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka maamulka degmada Ceelwaaq oo la xiriirta duqeynta diyaaradaha dowladda Kenya ka geysteen Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya waxaana duqeyntaan ay imaaneysa, xili maalin ka hor qarax ka dhacay Ceelwaaq oo lala eegtay ciidamada Kenya ay ku dhinteen saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya, islanarkaana ay ku dhaawacmeen lix kale, waxaana qaraxaasi sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab

Madaxweynaha Somaliland oo safar deg deg ah ku tagaya Magalada laas-Caanood

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu booqasho ku tago Magalada laas-Canood ee Xarunta Gobolka Sanaag, halkaas oo ay ka dhaceen dilal iyo faslal amni daroo oo kale. Wafdi horudhac u ah safarka Madaxwenye Biixi aya garay magalada laas-Canood, kuwaas oo ku howlan diyaarinta soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaliland iyo mas’uuliyiinta la socota.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Magaalada laas-Caanood, isaga oo kala hadli doona dilalka ka dhacaya.

Bulshada kunool Magaalada laas-Caanood ayaa sanadihii la soo dhaafay cabasho ka muujinayay Somaliland, iyaga oo sheegay in Ciidamada Somaliland aysan waxba ka qaban dhibaatooyinka amni darro ee ka dhacaya Magaladalas-Caanood.

Kooxda Taalibaan oo dishay burcad afduub geystay

Maamulka Taalibaan ee magaalladda Herat ee Galbeedka dalka Afganistan waxay ku dileen, isla markaana ay Wiish ka soo lalmiyeen 4 qof oo ku eedeysnaa inay afduubteen Ganacsade Deegaanka iyo Wiil uu dhalay. Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobalka Herat, Sheer Axmed Amar ayaa sheegay in dableyda lagu dilay is-rasaasayn, xilli ay doonayeen inay La-haystayaasha la baxsadaan, iyadoo lagu dilay bar Kontorool oo ay Daalibaan ku leeyihiin nawaaxiga Deegaankaasi.

Askari ka tirsan kuwa Taalibaan ayaa ku dhaawacmay iska horimaadkaasi.

Maydadka dableyda waxaa loo soo qaaday Bartamaha magaallada, iyadoo meel fagaare ah lagu lalmiyey maydadkii, waxaana Baraha Bulshada soo dhigay Muuqaalka iyo Sawirada Maydadka oo laga lalmiyey Wiish kor loo dallacay.

Mid ka mid ah dableyda la dilay oo dhulka yaallay waxay Taalibaan laabtiisa ku qoreen: "Afduubayaasha Aidan ayaa loo ciqaabi doonaa!!!?”.

 

Ruushka oo ka hadlay in xiligaan Aqoonsi Caalami ah la siiyo

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sabtidii sheegay in aqoonsi dowladnimo oo Taliban la siiyaa ​​uusan hadda miiska wada hadalka saarayn.

 

Wasiirka oo ka hadlayay shir jaraa’id oo dhinac socday kalfadhigii 76 -aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Lavrov wuxuu yiri: "Su’aasha ku saabsan aqoonsiga caalamiga ah ee Taalibaan xilligan xaadirka ah miiska ma saarna.”Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay xiriir la leeyihiin Daalibaan, isla markaana ay aad muhiim u tahay inay Taliban fuliyaan ballanqaadyadooda.

Somalia: Tirada dadka uu ku dhacay cudurka COVID-19 oo sii korortay.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 24-tii saac ee lasoo dhaafay

la baaray 1,667, balse la cudurka laga helay 140 Ruux, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka.Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay inay kala joogaan ,Puntland 27 qof, Somaliland, 105, Galmudug 3 iyo Jubbaland oo laga diiwaangeliyay 5 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 95 Rag ah iyo 45 Dumar ah, halka cudurka ay ugu geeriyoodeen 4 ruux oo ku sugnaa Somaliland , iyada oo ay ka bogsadeen 69 qofood.

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 19,723 xaaladood 1,103 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 9,414 , kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

YAA KA DAMBEEYEY DILKII CABD IRAXIIM MAXAMED?

Booliska Magaalada Leicester ee dalka UK ayaa qofkii todobaad usoo xiray dilkii loo geystay Cabdiraxiim Maxamed oo dhalasho ahaan kasoo jeedo Soomaaliya oo u dhintay dhaawacyo badan oo kasoo gaaray toorey lagu dhuftay.Cabdiraxiim Maxamed ayaa 8-dii bishaan September waxaa laga soo qaaday isagoo dhaawac ah wadada Melbourne ee magaalada Leicester, waxaana la geeyey Isbitaal halkaas oo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday.

Qofka cusub ee loo xiray kiiska dilka wiilkaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Zakir Brant oo ah 25 jir ku nool Magaalada Leicester.

Booliska ayaa sheegay in Ninkaan la qabtay Maalintii Jimcaha aheyd uu kasoo muuqan doono maxkamad Isniinta soo socoto isagoo qeyb ka ah dadka lagu tuhunsan yahay dilkaan loo adeegsaday Toorey.

Sidoo kale, nin kale oo magaciisa la helin oo noqonayo kii sideedaad ayaa loo soo xiray kiiskaan.

Tirada eedeysanayaasha kiiskaan ee la shaaciyey inay maxkamadda kasoo muuqaan doonaan ayaa illaa hadda kala ah:-

1- Mohammed Israfeel Gul oo 27 isla markaasna dagan of New Way Road

2- Daniel Pollard oo 29, dagan Calder Road

3- Mohammed Hansrod oo 29, degan Dulverton Road

4- Abdul Hemid Suleman oo 58, dagan Jupiter Close

5- Bhavic Parmar oo 25, Dagan Bowling Green Street

Horraantii toddobaadkan, Fahad Ali Saleem, oo ah 25 jir deggan waddada Frederick Street ee magaalada Leicester, ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu caawiyey mid ka mid ah ragga weerarka geystay.

Sidoo kale, Muhamad Firoz Khan, oo 32 jir, iyo Khatib Gul oo 57 jir ah, islamarkaana degan Apollo Court, Leicester, ayaa wajahaya eedeymo kuwaas la mid ah, waxaana la filayaa inay maxkamada kasoo muuqdaan bisha dambe.

 

Dowladda Djibouti oo loo haysto dad ray id ah oo la sheegay in guryahooda lagala baxay. Jimciyadda Xuquuqal Isaanka ee Djibouti ayaa sheegtay in dabayaaqada todobaadkii hore dad badan oo rayid ah ay ciidamada nabadgelyada ee Djibouti ka soo qabqabteen woqooyiga dalka oo ilaa haatan meel ay ku xiran yihiin aan la ogyan.

Waxaana sida wararku sheegayaan dadkaa lagu xiray in ay qaraabo yihiin xubno ka tirsan ururka fallaagada ah ee FRUD ee dagaalka hubaysan kula jira dawladda.

Mahdi Samirre Suge oo ah gudoomiye ku xigeenka Jimciyadda Xuquuqal Insaanka Djibouti ayaa Axmednagaashe uga waramay eedaha ay dawladda u soo jeediyeen.

Tirada dadkii lagu laayay dagaaladii so kee ye ee Suuriya ka dhacay oo la shaa ciyay

Falanqay ay Qaramada Midoobey ku sameysay dilalka diiwaangashan ee dagaalka 10-sano ka socda dalka Suuriya ayaa lagu ogaaday in qiyaastii 350,000 oo qof oo rayid ah la dilay intii u dhaxaysay bishii March 2011 oo ku aaddan markii ay qarxeen qalelaasaha dadlkaas iyo March ee sanadkan.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xil iska saaray falanqaynta, una soo gudbiyay natiijooyinka Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana xafiiskan uu joojiyay tirinta dhimashada dagaalka sokeeye sanadkii 2014, iyado sababatana ay ku sheegeen uruurinta macluumaadka la xaqiijin karo oo noqotay mid aad u adag oo khatar badan.

Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Michele Bachelet ayaa sheegtay in xogta tirada dhimashada la xiriirta isku dhacyada ay ka badan tahay 350,000, waxaana xogtan aruuriyay ururada bulshada rayidka iyo dowladda Suuriya.

Tirada ugu badan ee dilalka la diiwaangeliyey ayaa ka dhacay magaalada Alepp, waxaana ku xiga miyiga magaalada caasimadda ah ee Dimishiq oo ay dad badan ku dhinteen iyo magaalooyinka, Homs, Idlib, Hama, iyo Tartus.

Militariga Sudan oo sheegay inay iska caabiyeen ciidamada Ethiopia.

KHARTOUM:-Militariga Sudan ayaa Shalay sheegay inay iska caabiyeen isku day ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen xuduudda kala qeybisa labada dal.

Ciidamada Ethiopia waxaa lagu qasbay inay dib uga gurtaan aagga Umm Barakit, waxaa sidaas lagu yiri wa-saxaafadeed militariga kasoo baxay, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Madaxa militariga Sudan, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan,

ayaa weriyayaasha u sheegay in arrintan ay dhacday Sabtidii.

Waxa uu sheegay inay muujisay sida militariga ay u ilaalinayaan dalka, xilli uu isku day afgambi ka dhacay Khartoum, toddobaadkii tegay.

Afhayeenka militariga Ethiopia, Colonel Getnet Adane ayaan ka jawaabin codsi ku saabsanaa inuu ka hadlo dhacdadan.

Xiisadda ka taagan xuduudda Sudan iyo Ethiopia ayaa xoogeysatay tan iyo markii uu sanadkii tegay uu dagaalka ka qarxay gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia, dagaalkaas oo sababay in kumanaan qof oo Ethiopian qaxooti ah ay galaan bariga Sudan.

Xiisadda ayaa ka taagan dhul ku wanaagsan beerashada oo loo yaqaan al-Fashqa, halkaas oo ah goobta lagu muransan yahay .Reuters

Yaa natiijada hordhaca ah loogu doortay Ra’iisul Wasaaraha dalka Jarmalka?

Hoggaamiyaha bidix dhexe ee, Olaf Scholz, ayaa u sheegay taageerayaal tiro badan oo sacbinayey, inuu ku faraxsan yahay natiijada uu ka keenay xisbiga doorashadii dhacdey Shalay.

Wuxuu tilmaamey Scholz inuu aad ula dhacey muwaadiniinta dalka Jarmalka, iney u codeeyeen xisbigooda, sidii ay kal horaba uggu codeyn jireen, isagoo intaa raaciyey in xisbiga ay haatan xaaladdiisu tahay mid aad u wanaagsan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu hoggaamiye Scholz wuxuu ku macneeyey natiijada doorashada ee Shalay dhacdey mid guul ah.

 

Wuxuu carabka ku dhuftey in codbixiyeyaasha ay muujiyeen sida ay isaga u doonayaan inuu noqdo ra’iisal wasaaraha xiga ee Jarmalka, marka ay ka dagto xilka ra’iisal wasaarenimada, haweeneyda Angela Merkel, oo muddo dhan 16 sano dalkan soo hoggaamineysay.

 


 

 

 

UNOPS JOBS


Support Services - Travel Officer

 

Job categories                      Administration

Vacancy code                       VA/2021/B5001/22621

Level                                      ICS-8

Department/office                 NYSC, Peace and Security Cluster

Duty station                           Mogadishu, Somalia

Contract type                          International ICA

Contract level                         IICA-1

Duration                               Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational requirements,

                                       availability of funds and satisfactory performance)

Application period               24-Sep-2021 to 07-Oct-2021

 

Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.

 

Background Information - PSC


Peace and Security Cluster

 

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is responsible for administering and providing oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.

.
UNMAS

 

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor.

 

Functional Responsibilities


Under the supervision of the Senior Administration and Human Resources Manager, ...

Competencies


Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...

Education/Experience/Language requirements


Education/ Experience/ Language Requirements a) ...

Contract type, level and duration


Contract type: ICA Contract level: I-ICA 1 (ICS8) Contract duration:Ongoin...

Additional Considerations


Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...

Background Information - UNOPS


UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful imp...



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip