Dekedda Kalluumeysiga Hobyo oo xarigga laga jaray (SAWIRRO)

0
Saturday September 25, 2021 - 16:35:00 in Wararka by
  • Visits: 162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dekedda Kalluumeysiga Hobyo oo xarigga laga jaray (SAWIRRO)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa maanta xarigga ka jaray Dekedda Kalluumeysiga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Mashruucan ayaa waxaa iska kaashaday Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Dowladda Talyaaniga, iyadoona ay dekedan adeegsan doonaan kalluumeysatada deegaanka.

Munaasabadda furitaanka Dekedda Kalluumeysiga Hobyo ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro iyo Xildhibaano Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed, Maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Hobyo, xubno ka kala socday Safaaradda Talyaaniga & Hay’adda WFP, shirkadda fulisay mashruucan iyo xubno kale.

Wasiirka Dekedaha & Kalluumeysiga Galmudug, Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa munaasabadda ka sheegay in mashruucii weynaa ee lagu dhisayay Dekedda Hobyo u gebo-gabo ku dhowyahay.

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in mashruuca lagu dhisay Dekedda Kalluumeysiga Hobyo uu waxtar u leedahay dhaqaalaha dadka deegaanka iyo guud ahaan Galmudugba.

"Mashruuca dekedan kalluumeysiga ayaa waxtar badan u leh kordhinta nolosha iyo dhaqaalaha dadka reer Hobyaad iyo Galmudug, guud ahaan.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip