Morocco oo Diyaarado aan Duuliye Laheyn ka Heshay Turkey.

0
Saturday September 25, 2021 - 15:15:13 in Wararka by
  • Visits: 157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Morocco oo Diyaarado aan Duuliye Laheyn ka Heshay Turkey.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Morocco ayaa horaantii bishan waxaa soo gaaray diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn (drones) ee Turkiga, sida ay wakaaladda wararka AFP ka soo xigatay warbaahinta Far-Maroc.Warbixinta, oo ay sidoo kale baahiyeen dhowr warbaahin oo maxalli ah, ayaa imaanaysa iyadoo ay toddobaadyadii la soo dhaafay xiisad ka dhex aloosan tahay Morocco iyo dalka deriskeeda ah ee Algeria.

Labada dal ayaa inta badan isku haya dhulka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed, iyadoo Algeria ay bishii August xiriirka u jartay Morocco, sheegtayna in dalka deriskeeda ah uu qaaday "daandaansi iyo ficil cadowtinimo.”

Xiriirka labada dal ayaa markale sii xumaaday toddobaadkan ka dib markii Algeria ay Arbacadii ku dhawaaqday in ay hawadeeda ka xirtay dhammaan duulimaadyada rayidka iyo kuwa milatariga ee Morocco.

Sida ay baahisay Far-Maroc, boqortooyadan ku taalla Woqooyiga Africa ayaa bishii April waxa ay dalka Turkiga ka dalbatay 13 diyaaradaha drones-ka ee nooca Bayraktar TB2, iyadoo bishanna heshay qaybtii ugu horraysay ee diyaaraddan aan duuliyaha lahayn.

Rabat ayaa sida ay warbixintu sheegtay waxa ay doonaysaa in ay "casriyeyso hubka ciidanka Morocco (FAR) si ay ugu diyaar garowdo khatar kasta iyo colaad”, laakiin ma aysan bixin faahfaahin.

Hase ahaatee, waxa ay sheegtay warbixintu in saraakiil ciidan oo Moroccan ah ay tababar toddobaadyadii la soo dhaafay ku soo qaateen Turkiga si ay u bartaan habka ay u shaqeeyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Wararka warbaahinta ayaa warinaya in Morocco ay heshiis ku kacaya 70 milyan oo dollar la saxiixatay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Baykar ee Turkiga.

Shirkadan waxaa maamula wiil uu soddog u yahay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, iyadoo muddo sanado ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn nooca Bayraktar TB2 u dhoofineysay dalalka Ukraine, Qatar iyo Azerbaijan.



AFP



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip