Madaxweyne Deni oo si cad u sheegay in Farmaajo uu hore wareejiyay arimaha doorashooyinka

0
Saturday September 25, 2021 - 12:41:13 in Wararka by
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo si cad u sheegay in Farmaajo uu hore wareejiyay arimaha doorashooyinka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee dalka ku soo korortay ayaa ugu baaqay Madaxda in Ra’iisul Wasaaraha fursad u siiyaan inuu shaqadiisa guto.

Madaxweynaha Puntland ayaa caddeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu si cad Baarlamaanka hortiisa uu mas’uuliyadda Amniga iyo doorashooyinka ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, kaddib qalalaasihii April dhacay.

 

"27 May dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waxay Xamar ku saxiixeen heshiis iyo habraacyo doorasho oo dhigaya in doorashada iyo amniga dalka inuu Ra’iisul Wasaaraha hoggaamiyo, runtii wixii lagu heshiiyay inuu khilaaf ka yimaado waxay ceeb ku tahay dadkii heshiiskaas saxiixay”

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli uu xogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamud Xuseen Rooble.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip