HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES MAANTA OO KHAMIIS AH 23-KA SEPT. 2021-KA

0
Thursday September 23, 2021 - 08:09:31 in Wararka by
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES MAANTA OO KHAMIIS AH 23-KA SEPT. 2021-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay meert ada 76aad ee Golaha Guud ee QM

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dha maaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 76-aad ee

Golaha Guud ee Qaramada Mi doobay ayaa kaga hadlay Ge eddi socodka arrimaha doorash ooyinka Soomaaliya, Xakamayn ta iyo ka soo kabashada cudur ka COVID-19, Dardar gelinta iyo dib-u-habayn ta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhamma ystirka geeddi-socodka doorashooyinka Qaran ee ka socda dalka, isaga oo hoosta ka xarriiq ay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya u ga go’an tahay ka miro-dhalinta himilada sha cabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorasho xor ah oo loo wada dhan yahay.

"Waxaa hadda meel gabagabo ah noo ma raya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeyb galayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo da gaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dadaallada wax ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Soom aaliyeed ay ku bixiyeen xakamaynta Cudurka safmarka ah ee COVID-19, ka-soo-kabashada saameynta dhaqaale ee uu reebay iyo sidii dhammaan shacabka Soomaaliyeed loo wada gaarsiin lahaa tallaalka.

"Waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si degdeg ah uga jawaabtay Cudurkan Sa fmarkan ee u soo tallaabay dalkayaga. Qorshe yaashayadu waa kuwo mudnaanta koowaad siinaya badqabka caafimaad ee muwaadini inteenna.”

Madaxweynaha oo khudbaddiisa diiradda ku saaray dardar gelinta iyo dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maamul ee Qarama Midoobay, khatarta ku gadaaman isbeddellada cimilada adduunka iyo ilaalinta deegaanka, ayaa hogg aamiyeyaasha dalalka caalamka kula dardaar may xoojinta iskaashiga caalamiga ah si wada jir ah looga jawaabo caqabadaha khatarta ku ah dunnida.

Sidee khilaafka Farmaajo iyo R/W Rooble u saameeyey dhaqaalaha

 Soomaaliya?

Iyada oo ay haatan ka sii dareyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya ayaa haddane khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamm aaday & ra’iisul wasaaraha wuxuu sameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalka.

Ganacsatada ku dhaqan magaalada Muq disho, gaar ahaan kuwa sanadihii ugu dambe eyey sameeyey maal-gashiga xoogan ayaa haatan walaac ka muujinaya xaaladaha soo ko rdhay iyo is qab-qabsiga siyaasadeed ee u dhexeeya labada mas’uul ee ugu sarreysa dowladda. Sidoo kale ganacsatada ayaa shee gay inuu khilaafkan u horseedi karo burbur dhaqaale oo soo wajaha, maadaama Soomaa liya ay haatan ku jirto xaalad hubanti la’aan ah.

Cabdifitaax Qeydanle oo ka mid ah gana csatada Muqdisho, isla-markaana ah maam ulaha mid ka mid ah carwooyinka waa weyn ee ku yaalla Caasimadda ayaa sheegay inuu hoos u dhacay dhaqaalahooda iyo sidoo kale wax iibsigii badnaa, sababo la xriira khilaafka dalka.

"Markii is qab-qabsiga uu billowday hoos ayuu u dhacay dhaqaalihii iyo wax iibsigii bad naa wuu yaraaday, maxaa yeelay dad bada naa cabsi qaboo lacagahoodii akoonada ku ha ya ama la baxaayo,” ayuu yri Cabdifitaax Qey danle oo u warramay Idaacadda VOA-da.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray "Anna ga waxaan cabsi ka qabnaa, haddii uu is qab-qabsiga bato oo colaadihii iyo dagaalladii soo laabtaan inuu kala carar imaado oo shaqo abu urkii iyo maal-gelinta aan sameynay ay hal bac aad lagu liso ay noqoto,”.

Dhinaca kale waxa aad u yaraaday alaab ihii kala duwanaa ee laga keeni jiray dalka dib addiisa, sida Electroniga waxaana ganacsat ado ay walaacsan yihiin xiisadda taagan.

"Walaacbey igu heysaa inaan lacag fara ba dan diro, hadane alaab keeno, iyada oo is qab-qabsiga jiro markastana ay wax dhici karaan,” ayuu yiri ganacsade kale oo jooga Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad huba nti la’aan ah, waxaana wax weliba ay is-bedal een markii ay is khilaafeen Farmaajo iyo Roo ble oo isku qabtay kiiska Ikraan Tahliil.

XIGASHO:-VOA

Rooble oo gudoomiyay Shirka Golaha wadatashiga qaran

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shir ay habka fogaan aragga Xalay ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka .

Description: https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2021/09/FB_IMG_1632344051750-696x928.jpgShirkaan ayaa diiradda lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaanna da Golaha Shacabka ee BFS, iy adoo la tix raacayo jadwalkii do orashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doora shooyinka Heer Federaal oo shirka qeyb ka ah aa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaran la wadaa gay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha door ashooyinka.

Dowladda Soomaliya oo war kasoo saartay ganacsato Soomaaliyeed oo Lagu xiray Turkiga .

Booliska magaalada Ankara ayaa 16-kii bi shan waxaa ay xireen ganacsato Soomaaliy eed oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo Dorraad oo talaada ah lasoo daayay, iyada oo loo qabtay in muddo 30 maalmood gudahood ah ay kaga baxaan dalka Turkiga.

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Ca ydiid ayasa sheegay in isbedelka ka dhacay Af gaanistaan uu dhaliyay in culeys Xukuumadda Ankara ay saareen xubnaha mucaaradka si ay wax uga qabato Ajaanibta. "Waxa aan ka war-helnay olole lagu uruurinayo Ajaanibta Ankara Joogta oo Soomaalidu qayb ka tahay, wixii ka dambeeyay isbedelka Afgaanistan waxaa xo ogeystay qabqabashada Dadka aanay u dha lan Dalka, waxaa nala xiray 9-ruux oo 7-kamid ah waa Rag & 2-Dumar ah balse waan ku gu uleysanay ugu dambeyn in aan soo deyno”

"Dadka la xiray waxaa kaararkooda ugu qo ran Arday, Caafimaad in uu ku yimid Turkiga, Dalxiis & Diblumaasiyiin, Dowladda Hoose ee Ankara ayaa ku doodeysa in shaqada ay haya an dadkaan ee ganacsiga iyo kaararkooda is ka hor imaanayaan” ayuu yiri Danjire Jaamac Caydiid

Lacag la siiyey iyo yaab kale – Cabdiwaha ab Cabdisamad oo bixiyey xogta

 afduub kiisa

Cabdiwahaab Cabdisamad oo ah aqoonyahan Somali-Kenyan ah oo si weyn u taageera ma daxweyne Farmaajo, kaasi oo dhowaan lasii day ey kadib 10 malamood oo la haystay, ayaa shee gay inuusan aqoonsan karin kooxdii afduubatay.

Sababta waxay tahay in kooxda ay wejiyada qarsanayeen mar kasta oo ay su’aalo weyd iinayeen.

Sida uu qoray wargeyska The Star ee Nairobi, Cabdiwahaab ayaa xubno ka mid ah qoyskiisa iyo saaxiibadiisa kula hadlay gurigiisa oo ku yaa lla xaafadad South C ee Nairobi, wuxuuna sha aca ka qaaday qaar ka mid ah waxyaabihii qabs aday intii la haystay.

Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah dadkii uu la hadlay, Cadbiwahaab ayaa sheegay in kooxda afduubatay ay aad u danaynayeen xiriiradiisa So omaaliya iyo amniga gobolka.

Arrimaha yaabka leh ee uu sheegay ayaa wax aa ka mid ah, in kooxda afduubatay aysan ka qa adan bistoolad uu watay oo ay ku jireen 15 xab ad. waxaa bastooladda dib loo siiyey markii ay soo dhigeen xaafadda South C habeenkii Axad da. Cabdiwahaab ayaa haysta hub sharci ah, oo dowladda ay diiwaan-gelisay.

Waxa uu sheegay in kooxda afduubatay ay si wanaagsan ula dhaqmeeen, ku siiyeen dawooyi nkiisa waqtigooda, si wanaagsan u quudiyeen, oo ay siiyeen qol uu salaadda ku tukado.

"Waxa uu sheegay in mar ay tuseen sawirro laga qaaday safar uu ku tegay Soomaaliya. Dhamm aan intii uu joogay Soomaaliya waa la sawiray. Waxayna u muuqatay in sababta loo xiray ay la xiriirto safarkaas,” ayuu yiri xubin ka mid ah qoyskiisa oo la hadlay wargeyska The Star.

"Waxaan filaa inay tijaabinayeen daacadnima diisa. Waa Kenyan kasoo jeeda Wajir,” ayuu yiri qofka ehelka ka mid ah

Cabdiwahaab ayaa sheegay in kooxda afduu batay ay mar kasta weydiinayeen su’aalo ku saa bsan amniga Kenya, argagixisada, kiiska muran ka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, iyo xiriirada uu ku leeyahay Soomaaliya.

Weli ma uusan go’aansan inuu sharciga la be egsan doono arrimaha lagu sameeyey iyo in kale. Dadka la kulmay ayaa sheegay inuu u mu uqday mid aad u argagaxsan oo welwelsan oo aan diyaar u aheyn inuu arrintan kala hadlo dowl adda.waxa uu sheegay in markii ay go’aansad een inay sii daayaan ay ugu waceen mooto bajaaj, kadibna siiyeen lacag 2,000 oo Kenya shilling ah, una sheegaan qofka waday mootada inuu geeyo gurigiisa xaafadiisa South C.Booliska Kenya ayaa beeniyey inay ku lug leeyihiin xarigiisa.

Ehalladii dadkii ay laayeen ciidanka Amisom oo ku dhowaaqay in Axadda ay weerarayaan xerada…

Ehellada dadkii beeraleyda ahaa ee ciid anka AMISOM ay ku laayeen deegaanka Gol weyn ee gobolka Shabeellada Hoose aya soo saaray go’aan cusub, kadib 43 maalmood oo banaanbaxyo toos ah ay ka wadeen gobollada Shabeelooyinka iyo Banaadir.

Xuseen Cismaan Waasuge, waa afhayeenka beeraleyda gobolka Shabeellada Hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay hadda go’aansa deen in gacmahooda ay cadaaladda ku raad sadaan oo la dagaalamaan ciidanka Uganda ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose.

"8-qof ayaa nalaga dilay hadda waxaan diyaar u nahay inaan u aarno dadkeenii oo caadala dda aan gacmaheena ku raadsano, kala ma naqaano AMISOM, laakiin 8 ka mid ah ayaan u dileynaa,” ayuu yiri Xuseen Waasuge.

Waxa uu sheegay inay la kulmeen saraak iisha AMISOM 19-kii bishaan, oo ay u qabteen 3-maalmood inay jawaab uga helaan, balse AMISOM ay ka codsatay todoba maalmood oo ku eg maalinka Sabtida ee soo socota ee 25-ka bishan.

"Maalinta Axadda ah beeraley waxay u ba lansan yihiin inay galaan xerada AMISOM ee Golweyn, hadii aan jawaab ka weyno ugu dam beyn Sabtiga, waan dagaalameynaa gacante enna ayaan ku raadsan doonaa cadaaladda,” ayuu yiri.

Xuseen Waasuge waxuu intaas ku sii da ray, "Waxaa naga go’an in dadkii na xasuuqay aan ka aar gudano. Beeraleydu ma ahan dad hubeysan, laakiin markii 500 oo qof aan xera da ku galno, oo 100 naga mid ah ay dilaan, in ta kalena ay qoryaha la qabsato, sidaas ayaan rajeyneynaa inaan ku leyno. Ilaahey hadii uu idmo.”

Waxa uu sheegay inay AMISOM ka warqab to caradooda iyo culeyska ay arrintaan ku reebtay.

"Dowladda Soomaaliya, guud ahaan shac abka iyo culumada Soomaaliyeed waxaan u xa qiijineynaa inay naga go’antahay inaan dagaal anno, cadaalad aan aheyn inaan sideed askari oo Ugandeys ah aan dilano kuma qanceyno,” ayuu hadalkiisa ku siidaray.

Sidoo kale Afhayeenka beeraleyda Shabee llada Hoose waxa uu sheegay in maalinka Ax ada ah ee 26-ka bishan ay ka go’antahay inay dhamaadaan, isagoo ugu baaqay cidii gacan sii karta inay deg deg ula soo gaarto garab ista ageeda.

43-kii cisho ee la soo dhaafay waxaa qabo ojiye ku jiray oo weli ku jira meydadka dadkii ay AMSIOM ku leysay Golweyn, kuwaas oo ehelladoodu ay wacad ku mareen in aan la aasi dooni ilaa loo helo cid loo aaso ama lala aaso.

"Mareexaan masuul kama aha wixii uu Far maajo haleeyo,” waxaa sidaas yiri… Nabad oon Cabdiweli

Nabadoon Cabdiweli Cabdullahi Maxamuud oo ah Afhayenka Golaha Aayo ka talinta Jubba lnd oo ka soo jeeda beesha Mareexaan ayaa sheegay in beeshiisu aysan masuul ka ahayn wixii uu geysto madaxweynaha waqtigu ka dha maaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ha dda khilaaf adag uu kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ugu horeyn Nabadoonka ayaa umadda Soomaaliyeed uga mahad-celiyey dulqaad ka ay muujiyeen intii uu xukunka joogay Mada xweyne Farmaajo, oo nin fashilmay uu ku tilma amay.

"Anaga beesheena Mareexaan waxaan de gnaa gobollada Gedo iyo Galgaduud, 30-sano ka hor markii dadka Soomaaliyeed isagu tage en oo eryeen madaxweyne Maxamed Siyaad cuqdadii na gashay waxay naga baxday markii Maxamed Farmaajo la doortay ee Soomaali yar iyo weyn ay gacmo iyo qalbi furan ku soo dhaweysay,” ayuu yiri Nabaddoon Cabdiweli Cabdullahi.

"Waxuu idinkugu abaal guday sidii aan ku ugu lisay iiguma aadan hambeyn, ee Soomaa liyey naga raali ahaada, anaga hal qarni oo ha dda kadib ah ninkii cuqdad dambe idiin qaada nagama dhalan,” ayuu yiri.

Nabadoonka ayaa soo jeediyey in dhegaha laga fureysto Farmaajo oo dadku ay doorasha da xoogga saaraan, iyagoo garab istaagaya Ra’iisul wasaaraha.

"Asaga iyo xuShalay uu goobaayo halkoo da go’doon ha ku ahaadeen, dowladnimada yar inuu na dhaafiyow rabaa, yaan la garab sii nin Farmaajo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale Nabadoon Cabdiweli ayaa she egay in dadka Soomaaliyeed ay mar dhaw ku baraarugeen hagar-daamada Farmaajo, balse reer Jubbaland uu ku bilaabay isagoo hal sano joogin xukunka.Ugu dambeyntii Nabadoonka ayaa cadaala d u rajeeyey Ikraan Tahliil, "Xuk un faashil ah ma raago, ee dul qaata Soomaal iyey Alle na ma moogee.” Ayuu yiri.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Soomaaliya & Kuwait oo ka wada-hadlay Arrimo muhiim ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamaiga ee Xukuumadda federaalka Soom aaliya Md. Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay dhig giisa dalka Kuwait Dr. Ahmad Nasser Al-Moh ammad Al-Sabah, kaasi oo ay diiradda ku saa reen xoojinta xiriirka lab ada dal.

Labada Wasiir ayaa is la soo qaaday hab ka ugu habo on oo loo sii xo ojin karo xiri irka soo jireenka ah ee ka dhaxee ya labada shac ab iyo sidoo kale iskaashiga si dii loo hormarin lahaa dano wanaaga dhinac yada ganacsiga.

"Waxaan isla qaadanay muhiimada ay lee yahay sii xoojinta walaaltinimada ka dhaxeysa labada shacab iyo labada dowladood waana isku fahanahay aririntaasi ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya maxamed Cab dirisaaq Maxamuud Abuubakar.

Kulan ayaa ka dhacay dalka Mareykanka kadib markii ay Magaalada New York uga qe yb galeen Kal-fadhiga 76 -Aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Abwaan reer Hargaysa ah oo hore xil looga magacaabay Xamar oo xil kale laga

 siiyay Hargaysa

Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Yusuf Shaacir) oo 3 bishii July ay dowlada Soomaal iya u magacowday xubin ka tirsan xe el dhee rayaasha Akadamiyada Afka iyo Suugaanta ee Wasaarada Waxbarashada, ayuu hada Gol aha Wakiilada Somaliland, u magaca bay xub in katirsan guddida afka ee golaha.

Shaacir oo ay warhaahintu wax kawaydii say magacaabistii hore ee dowlada Soomaal iya kasoo baxday iyo magacaabista cusub ee ay golaha wakiiladu ugu doort een in uu ka mid noqdo guddida afka Soomaaliga ka taageeri do onta golaha, ayaa sheegay in uu ka shaqaynayo horumarinta afka guud ahaan hadii aanu siyaasadaysnayn.

"Afku haduuna siyaasad ku jirin cidwalba waan kala shaqaynaya, lakin haduu siyaasad ku jiro kama shaqaynayo, Xamar iyo Hargaysa na waad ogtihiin loolanka ka dhexeeya, lakin afku markuu banaanyahay Geeska Afrika oo dhan ayaan kala shaqaynayaa, maaha Xamar iyo Hargaysa oo qudha ee Jigjiga, Jabuuti iyo NFD baanu kala shaqaynaynaa" ayuu yidhi Shaacir.

Abwaanka ayaa hadal uu jeediyay 7 bishii July 4 cisho kadib markii dowlada Soomaaliya soo saartay magacaabistiisa, ku sheegay in an ay jirin shaqo Xamar laga siiyay oo uu aqbal ay, isagoo sheegay in uu ku xidhay shardiga ah in magacaabistiisu anay ku luglahayn arr imo siyaasadeed.

Ma cadda, abwaankuna si toosa ugama jaw aabin in uu ka tagay xilkii ay dowlada Soomaa liya u magacowday, iyo in uu wali ka tirsanyah ay xeeldheerayaasha afka ee Akadamiyada Af ka iyo Suugaanta ee Soomaaliya.

Laamaha amniga Marka oo ka hadlay Qara xii Shalay ka dhacay Magaaladaas

Laamaha amniga D/Marka ee Xarunta G/Sh/Hoose ee Maamulka K/Galbeed ayaa fa ah faahin ka baixiyay qarax miino oo duhurn imadii Shalay ka dhacay gudaha Garaash ku yaalla degmadaas.

Taliyaha Ciidanka 14-ka Octoober ee d owladda Fe deraalka Gaashaanle Cabd iraxiin Muunye oo la hadlay warbaahinta ayaa u she egay in qaraxii ka dhacay Marka uu ahaa mi ino, uuna ka dhex dhacay Garaash lagu same eyo gaadiid oo ku yaalla xaafadda Wadajir.

Waxaa uu sheegay Taliye Muunye in qaraxa uu ku geeriyooday oo kaliya Ninkii diyaarin ayay oo horey dhowr jeer Ciidanka amniga Ma rka u xireen, maadaama lagu qabtay falal amni darro iyo kamid ahaanshaha Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka 14-ka Octoober ayaa xu say in laamaha amniga ay la wareegeen Gara ashka uu qaraxa ka dhex dhacay, isla markaa na Garaashkaas ay ka wadaan baaritaano ka la duwan, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga Marka.

Magaalada Marka ee Xarunta G Sh/Hoose ayaa waxaa ay kamid ah tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Shabeellaha Hoose, waxaana muddooyinkii dambe amniga degm adaas uu ahaa mid wanaagsan oo aysan falal amni darro ka dhicin.

Go’aankii wasiirka amniga oo caqabad wajahaya

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn u ogolaatay qoyska Ikraan Tah liil Faarax iyo shacabka Soomaaliyeed inay dhi gaan dibad-bax nabadeed oo cadaalad loogu raadinayo Ikraan oo NISA shaacisay inay dish ay Shabaab.

Wasiirka cusub ee amiga So omaaliya, Cabd ullaahi Maxam ed Nuur ayaa shaaca ka qaad ay in wasaaradda oo cuksa ney so dastuurka dalka ay qoyska Ikraan Tahliil Fa arax u ogolaatay inay qabsadaan banaanbax nabadeed, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid dastuuri ah.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo xilka wasiir ka amniga uu dhowaan u magacaabay Rooble ayaa sidoo kale xusay in cidkasta oo ka hor im aado banaan-baxaasi ay xukuumadda u arag to inay kasoo horjeedo cadaalad u helidda Ikra an Tahliil, sida uu hadalka u dhigay.

"Waxaan u arkeynaa ciddii banaanbaxaas ka hor timaado ama qashqashaado inay kaal meenayaan ciddii dhibaatadaan geysatay, waa xaq dastuuri ah oo ay leeyihiin ma dhici karto in la qashqashaado sidii marar badan dhici jir tay mana aqbaleyno,” ayuu yiri wasiirku.

Hase yeeshee, guddoomiye ku xigeenka am niga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka soo horjeestay tallaabada wasiirka amniga, wu xuuna ku tilmaamay inay tahay arrin qar iska tuurnimo ah.

Waxa uu xusay in ka gobol ahaan aysan aq oonsaneyn wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur, sidoo kalena uusan ka heysan wax ogolaan sho ah, sida uu isna hadalka u dhigay.

"Nin kursigiisa lagu muransan-yahay inuu yiraahdo dadka way banaanbixi karaan waa arrin qar iska tuurnimo ah laamaha amniga go bolkana ma aqoonsano anagana ogolaansho nagama heysto.”

Haddaba Amarka wasiirka amniga iyo go’ aanka maamulka gobolka midkee dhaqan-ga laya?

Labada nin ayaa awood ahaan marka la’e ego waxaa saameyn badan wasiirka amniga oo heer federaal ah, halka guddoomiye ku-xige enka uu yahay mas’uul heer gobol ah.

Wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale ah nin aad ugu dhow ra’iisul wasaa raha, halka dhinaca kalena guddoomiye ku-xi geenka uu taageero weyn u yahay madaxwe ynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, isaga oo qeyb ka ahaa ololihiisa doorashada ee 2017-kii.

Dadka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala du wan u hadal haya go’aanada iska soo horjee da ee ka soo kala baxay labada nin, waxaase shacabka aad u soo dhoweeyeen hadalka was iirka cusub ee amniga ee qoyska Ikraan Tahliil u ogolaaday dibad-baxa nabadeed.

Si kastaba, waxay arrintu ku xiran tahay nat iijada kasoo baxda wada-hadallada ka socda Villa Soomaaliya ee lagu dhex-dhexaadinayo Farmaajo iyo Rooble, kuwaas oo haatan mara ya meel xasaasi ah, isla-markaana ay yihiin wa da-hadaladu kuwa haatan sii soconaya. Wararkii ugu dambeeyay kulamada ka socda Madaxtooyada

Kulamo saacado badan qaatay ayaa Habeen hore waxaa ay ka dhaceen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu dhex-dhexaadinayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dham aaday ee Maxamed Cabdul laahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Ma xamed Xuseen Rooble.

Kulamada oo ay horkacayaan Guddoomiya ha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Galmud ug, Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiir kuxige enka Warfaafinta ayaan weli wax horumar ah laga sameyn.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheeg ayaan in dhinaca Madaxweyne Farmaajo ay ku adkeeysanayaan in Wasiirka Amniga Cabd ullaahi Maxamed Nuur loo bedelo Wasiirka Arr imaha Gudaha, sidoo kale Agaasimaha NISA laga wareejiyo Bashiir Goobe, isla markaana Farmaajo uu soo Magacaabo Agaasime Cus ub.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur aadna ula socda kulamada ayaa sheegay inmadaxweyne Farmaajo uusan aheyn mid tan aasula oo kaliya uu yahay nin doonayo in uu adkaado, waxaana xubnaha waan waanta wa da uu ku eedeeyay inay wax hoosaasinayaan.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabd ullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilg aarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa daba dheeraaday, iyada oo Beesha Caalamka ay ca daadis ku saareyso in dhinacyada heshiis gaa raan.

Ahlu Sunna oo muddo ka dib dhaqdhaqaaq ciidan ka bilowday Gobolada Dhexe

Xoogag u daacad ah Ahlu Sunnadii Gobola da Dhexe ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada qaybo ka mida Gobolka Galgaduud, iyagoona u muuqdo kuwa daneynaya, sidii ay xubno ugu yeelan lahaayeen Golaha Shacabka ee Baarla maanka Somaliya.

Ahlu Sunna oo tan iyo daba-yaaqadii bishii February ee sanadkii 2020 ka maqneyd Gobol ada Dhexe ayaa markii ugu horeysay waxaa hoggaankeeda toddobaad kii hore lagu arkay Siyaara da Sheekh Yuusuf Direed, oo ay kaga qaybgaleen dee gaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud.

Dhaqdhaqaaqyada Xoogaga Ahlu Sunna ka bilaabeen Gobolada Dhexe ayaa waxaa barb ar socda kulamo ay Madaxdii Ahlu Sunna dee gaanada Galmudug kula qaadanayaan odayaa sha beelaha, si loo soo noolleeyo doorkii siya asiga ee Ahlu Sunna, loogana hortaggo Shab aabka isu ballaarinaya Gobolada Mudug & Gal gaduud.Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa maalmo ka hor deegaanka Huurshe kaga dhawaaqay dag aal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Ma xamuud Sheekh Xasan Faaarax iyo Madaxii Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ay taageero hub ahi ka heleen odayaasha qabaa’ilada qaarkood.

Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa sidoo kale waxay Sabtidii deegaanka Huurshe ku qaabil een Saraakiil uu horkacayay Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Mascuud Maxamed Warsame, kaasoo ay weydiisteen inuu dib ugu soo celiyo hubkii beelaha Dhuusamareeb iyo Guriceel, ee ay ku wareejiyeen bishii February, 2020, ka dib dagaaladii dhowrka cisho socday ee Maa mulka Galmudug kula galeen Magaalada Dhuu samareeb.

General Mascuud oo ka mid ah Saraakiishii ay barbaarisay Ahlu Sunna, hadda waxaa la leeyahay waa uu ka mowqif duwan yahay, isa goona u janjeera dhanka Madaxtooyada Galm udug.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xoogaga Ahlu Sunna ay haatan dhaqdhaqaaqa xoogiisa ka wadaan wadada xiriirisa Guriceel iyo Xer aale, Guriceel illaa aagga Balanballe. Xoogag an ayaa la soo sheegaya in lagu arkay deeg aano ku dhow dhow Balihood iyo La-jiide, hal ka Huurshe ay ku sugan yihiin Hoggaanka Ururka.

Madaxtooyada Galmudug oo ka walaacsan abaabulka Ahlu Sunna ee gobolka ayaa Talaa dadii Dorraad Saraakiisheeda Ciidamada waxay meel ku dhow deegaanka Huurshe kula kulme en odayaasha, waxgaradka iyo ganac satada ka soo kala jeeda Guriceel, Xeraale, Ba lihood iyo La-jiide, oo ay kala hadleen soo rog aal cel inta Ahlu Sunna, iyagoona ka codsaday inay la shaqeeyaan D/G/Gal mudug.

Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa kuu sheegaya in ujeedka ugu weyn Ahlu Sunna ee xilligan uu yahay, sidii xubno ku feker ah loogu soo dari Golaha Shacabka, si lamid ah sidii dhacdayba sanadihii 2012 iyo 2016. Xeeldhe ere-yaashu waxay sheegayan in doorashadan ay muhim u tahay Ahlu Sunna, lamase oga si da ay xilligan ku suurtageli karto inay xubno ku yeelato Baarlamaanka Federaalka.

Xeeldheere-yaasha ayaa qaba muddadii Ahlu Sunna ka maqneyd Gobolada Dhexe in habacsanaan dhanka amniga ah laga daree may deegaanada Galmudug, Shabaabkuna waxay muddadaasi kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan deegaanadaasi, iyagoona halis geliyay amnigii Magaalada Dhuusamar eeb.

Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusa mareeb iyo deegaanada hoostagga qaarkood waxaa ka dhacay tiro qaraxyo ah, marar kala duwana waxay Shabaabku madaafiic ku gara aceen Garoonka Diyaaradaha Gobolka Galga duud ugu weyn ee Ugaas Nuur.

Ahlu Sunna ayaa lagu ammaanaa mid fah amsan xeeladda dagaalka ee Al Shabaab, wa ana taas midda keentay inay Shabaabku ka ca agaan dhulkii ay Ahlu Sunna ka arrimineysay,

muddadii laba iyo tobanka sano ahayd.


Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldh ig ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar ma daafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMIISOM ku leeyihiin deg mada Ceelwaaq oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland.



Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarko od ku dhacday Xerada Ciida mada Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qas aaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Guda ha Xerada Ciidamada Kenya, isla markaana qasaaro xooggan ay ku gaarsiiyeen, balse ay san jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya she egashada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Kenya dhankooda ay weerarka ma daafiicda ah ku jawaabeen, isla markaana dho wr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaara ya degmada Ceelwaaq oo ah degmada kaliya ee Gobolka Gedo uga sugan yihiin Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa waxaa ay she egayaan in xaaladeedu ay tahay mid deggan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganac siga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

Jadwalka Doorashada Sanatarada Aqalka Sare Ee Gobolada Waqoyi Oo La Shaaciyay

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhiba annada labada Aqal ee Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashada Aqalka Sare, iya doo todobaadka soo socdo ay dhici doonto Doorashada 11 Kursi ee Aqalka Sare.

Shaacinta jadwalkan ayaa timid kadib mar kii Shalay la shaaciyay liiska musharaxiinta ku raasta Aqalka Sare ee loo qoondeeyay siyaas iyiinta gobolada Waqooyi ee dalka Sooma aliya.

Jadwalka ayaa waxaa ku qoran inay door ashada bilaaban doonto 28ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ee soo socota wa xayna doorashada ku eg tahay 30ka bishan

Hase yeeshee kahor aya waxaa bilaaban do onta diiwaangelinta iyo tababarka ergada do orashadan ka qeybgalaysa.

Halkan hoose

ka aqriso Jadwalka Doorasha da; jadwalka doorashada sanata rada aqalka sare ee gobolada waqooyi oo la shaaciyay

Xog: Wasiir ka tirsan DF oo magaalada Bay dhaba looga mamnuucay sabab yaab leh

Wararka ka imanaya magaalada Baydbaba ee xarunta gobalka Bay ayaa soo sheegaya in uu khilaaf culus soo kala dhaxgalay Madaxwe ynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Wa saarada Cadaalada So omaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Khilaafkaan oo muddo soo tag naa ayaa la sheegay in ugu dambeyn uu gaaray meel sare, kadib markii xog lagu helay in Madaxweyne Laftagareen uu am ray in uusan Baydhaba imaan karin Wasiirka Cadaalada Soomaaliya.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Wasiirka Ca daalada ayaa dhashay kadib markii Wasiirka uu safar aysan ka war qabin madaxda Koonfur Galbeed ku tagay degmooyin ka tirsan gobalka Bakool.

Wasiirka ayaa safarkii ugu dambeeyay ee gobalka Bakool waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay Murashax Xildhibaan isagoo boorar ku dhagsaday degmada Waajid, wuxuun intii uu joogay Bakool eedeeyey maamuladii Ko ofur Galbeed ee Shariif Xasan iyo kan hadda ee Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa la sheegay in wasiirka ugu goodiyay in uu yimaado Bay dhaba. "Kursigaaga waxa uu yaalaa Baydha ba, Bakool ma laguugu dooran doono, Bay dhabana ma ahan meel la iska yimaado ee ta as ku xisaabtan,” ayuu yiri Madaxweyne Laftag areen, sida ay noo sheegeen xubno ku dhow dhow Wasiirka Cadaalada Soomaaliya.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa bo oska uu joogo waxaa geeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaal iya lamana oga waxa uu kala kulmi doono khil aafka soo kala dhaxgalay isaga iyo Madaxwe yne Laftagareen.

Taalibaan oo magacowday danjiraha Afghanistan ee QM

Taalibaan ayaa weydiisatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inay khudbad u jeediso madaxda adduunka ee ka qeybgalaya shir golaha loo dhanyahay ka socda New York, waxayna u magacowday afhayeenkooda fadhi giisu yahay Doha, Suhail Shaheen, inuu noqdo safiirka Afghanistan ee Qaramada Midoobay.

Sida lagu sheegay warqad ay aragtay Re uters Talaadadii, Wasi irka arrimaha dibadda ee Taalib aan Amir Khan Muttaqi ayaa cod sigan ku ku gaarsiiyay warqad uu u diray Xoghayaha Gu ud ee QM Antonio Guterres Isniintii. Muttaqi ayaa codsaday inuu hadlo inta la gu guda jiro shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud, kaas oo la soo gabagabeeyo maalinta Isniinta ah.

Afhayeenka Xoghayaha Guud, Farhan Haq, ayaa xaqiijiyay warqadda Muttaqi, waxaana wa rqadda Taalibaan ay meesha ka saareysa Ghu lam Isaczai, oo ah danjiraha Qaramada Midoo bay ee New York oo matalayay dowladda Afgh anistan oo bishii hore ay Taalibaan ka saartay dalkaas. Warqadda Taalibaan ayaa lagu shee gay in hawshii Isaczai "ay soo idlaatay, oo uusan xilligan matalin Afghanistan.” Farhan Haq, wuxuu sheegay in codsiyada iska soo hor jeeda ee kursiga Afghanistan ee Q/Midoobay loo diray guddiga aqoonsiga oo ka kooban sa gaal xubnood, kuwaas ay ka mid yihiin Mar eykanka, Shiinaha iyo Ruushka.

Guddigan ayay dhici karta in aysan arrintan ka fariisan kahor Isniinta oo ah malinta ugu da mbeysa shirkan, sidaa darteed waxaa shaki la ga qabaa in wasiirka arrimaha dibadda ee Taa libaan uu khudbad u jeedin doono Q/Midobay

Aqbalaadda Qaramada Midoobay ee safiir ka Taalibaan waxay noqon doontaa tallaabo muhiim u ah dalabka kooxdan oo raadineysa aqoonsi caalami ah.

Markii ugu dambaysay ee Taalibaan xukun tay Afghanistan intii u dhaxaysay 1996 iyo 2001 safiirkii dowladda Afghanistan ee ay afge mbiyeen ayaa ahaa danjiraha Afghanistan ee Q/Midoobay, kadib markii guddiga aqoonsiga uu dib u dhigay go’aankii sheegashooyinka is ka soo horjeeda ee kursigaas. XIGASHO:-VOA

Milateriga Suudaan oo lagu boggaadiyay tallaabo adag oo ay qaadeen

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan ayaa militeriga Suudaan ku bogaadisay tallaabadii ay shaley ku is hor istaageen in afgembi uu ka dhaco dalkaas. Maryam Al Sa diq Al Mahdi oo la hadleysay BBC ayaa sheegt ay in arrintani ay muujineyso in militeriga ay ka go’antahay ilaalinta dowlad da kmg ah ilaa laga helayo mid dimuqraadi ah.

Waxay intaas ku dartay in militeriga ay ka hor tageen isku daygii afgembi ay horkacayeen saraakiil ka tirsan ciidamada.

W/arrimaha dibadda waxay sidoo kale she egtay in ciidankii waday falalkaas ay qabsade en goobo muhiim ah isla markaana ay qarka u saarnaayeen in afgembi ay ku dhawaaqaan.

Maxaa ka jira in France ay bixineyso kursig eeda joogtada ah ee Golaha Ammaanka?

France ayaa beenisay warbixin Shalay la gu daabacay wargeyska Britain ee Daily Tele graph oo sheegeysay inay kursigeeda joogta da ah ee G/Ammaanka ee QM ay ku wareejine yso Midowga Yurub.

Wargeyska oo soo xiganaya xubin ka tirsan baarlamanka Yurub ayaa sheegay in France ay ka fakari doonto in kursigaas ay ku beddela to in dalalka xubnaha ka ah M/Yurub ay tageeraan dhismaha Ciidan Yur ub ah,& isb eddel lagu sameeyo hab ka ururka u diyaariyo siyaasad diisa arrimaha dibedda. "Waxaan si rasmi ah u be en ineynaa arrintan. Kursiga waa ke ena, wuxuuna ahaan doonaa sidaas,” waxaa sidaas yiri afha yeen u hadlay madaxtooyada Fanarsiiska.

"Waxaan M/Yurub ula shaqeeneynaa sida u gu badan uguna macquulsan, iyo si madax-ba naani ah,” ayuu yiri afhayeenka.

France ayaa ah mid ka mid ah 5 dal oo xub no joogto ka ah G/mmaanka ee QM, ayada oo 4-ta dal ay kala yihiin Britain, China, Russia iyo

Marekanka. Faransiiska ayaa muddo dadaal ugu jiray in M/Yurub uu yeesho ciidan u gaar ah, oo loo di ri karo goobaha dagaalka, hase yeeshee qorsh ahaas ayaa waxaa diidan dalal

badan oo xub no ka ah ururka.

BOOLIISKA DALKA MALAYSIA OO XABSIGA U TAXA ABAY MUWAADIN SOOMAALIYEED OO HORAY UGA MID AHAA AL-SHABAAB

Malaysia ayaa xaqiijisay in muwaadin la xi ray laguna soo oogay dacwad ku saabsan inuu la shaqeyneyay Al-Shabaab oo ah koox ka da gaalanta Bariga Afrika oo xiriir la leh Al-Qaa cida.Ninka, Ahmad Mustakim Abdul Hamid, wuxuu

ka tirsanaa Al-Shabaab qiyaastii sagaal sano ka hor intii aan la xirin 2018, sida uu falanq eeye amniga u sheegay BenarNews. Kooxda xagjirka ah ee Soomaaliya ee uu Maraykanku cunaqabateynta saaray ayaa gudaha iyo dib addaba ka fuliyay weerarro aad u fool xun.

Saifuddin Abdullah, oo ah wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee Malaysia, ayaa shee gay in mas’uuliyiinta ay khuseyso ee Malaysia lagu wargaliyay xariga muwaadinka.

"Waxaan sidoo kale ogeysiinnay qoyskiisa,” ayuu yiri Saifuddin Abdullah Sabtidii. "Sarkaal ka safaaraddeena ee Khartuum, Sudan, ayaa mar hore booqday si uu u hubiyo in caafim aadkiisa iyo daryeelkiisa la daryeelo. Safaar adeena ayaa la socon doonta dacwadiisa wa xayna hubin doontaa in uu helayo maxkamad cadaalad ah. ”

Malaysia safaarad kuma laha Soomaaliya.

Warka xariga Ahmad Mustakim ayaa soo ba xay ka dib markii wargeys ka soo baxa Ingiriis ka uu bishii hore qoray in kooxda Taliban ee Af gaanistaan ​​ay xireen laba Malaysian ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin koo xda xagjirka ah ee Dawladda Islaamka (IS). BenarNews ma xaqiijin karto xiritaanka Mala ysiya ee Taliban.

Taliyaha bilayska ee la-dagaallanka argagix isada Malaysia Normah Ishak ayaa markaas u sheegay BenarNews in aan la hayn diiwaanka dadka reer Malaysia ee ku biiray Dawladda Isl aamiga ah ee Afghanistan-Khorasan (IS-KP).

Laakiin Mohd. Mizan Aslam, oo bare ka ah Jaamacadda Naif Carab ee Cilmiga Amniga ee Riyaad, Sacuudi Carabiya ayaa u xaqiijiyay Be narNews xarigga, isagoo sheegay in ilo –war eedyo ku sugan Kabul ay siiyeen xogtaas.

Afhayeen u hadlay Daalibaan, Abdul Qa har Balkhi, ayaan ka jawaabin emayl uu ku dal banayay xaqiijinta xarigga.

‘Soomaaliya waxaa laga soo galay Kenya’

Dowladda Malaysia ayaa faahfaahin ka bixisay muwaadinkeeda lagu xiray Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay khabiirka la-dagaalanka argagixisada Ahmad El-Muhammady, Ahmad Mustakim ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Malayshiya ah ee la xiro laguna maxkamade eyo ku lug lahaanshihiisa ku lug lahaanshaha kooxda xagjirka ah ee Afrika, oo doonaysa in ay Soomaaliya ka dhisato dawlad Islaami ah.

"Tani waxay noqonaysaa markii iigu horra ysay ee aan maqlo xarigga qof Malaysian ah oo la sheegay inuu xiriir la leeyahay al-Shab aab,” ayuu Ahmad u sheegay BenarNews.

"Si kastaba ha ahaatee, masuuliyiintu waxay ka raadin jireen xubnaha al-Shabaab ee Ma laysia. Shan ka mid ah waxay yimaadeen Mal aysia iyagoo huwan ardaynimo 2014. Ogaan shahoodu wuxuu ka dhashay xog-wadaag lala yeeshay adeegyada saaxiibtinimo ee dibadda.”

Sida laga soo xigtay isha amniga, Ahmad Mustakim wuxuu ku lug lahaa kooxda xagjirka ah ee Soomaaliya tan iyo 2009.

"Ahmad Mustakim wuxuu tagay Yemen 2006 -dii si uu wax -barasho dheeraad ah uga helo Jaamacadda Iman,” ilo -wareedka amniga, oo aan rabin in magaciisa la sheego, sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta, ayaa u sheegay BenarNews.

Ka dib markii uu wax ku bartay Yemen mu ddo laba sano ah, waxaa la sheegay in Malaysian -ka uu aaday Kenya, khabiirku wux uu intaas ku daray in tuhmanaha uu ku haw lanaa wacdinta intii uu halkaas joogay.

"Bishii Sebtember 2009, Axmed Mustakim wuxuu soo galay Soomaaliya isagoo sii mar aya Kenya si uu ugu biiro al-Shabaab,” ayuu yidhi, isagoo raaciyay in ninka la sheegay inuu yahay xagjir uu tababarro dagaal la qaatay ko oxda Soomaalida ah.

Warku wuxuu intaa ku daray in Axmad Mu stakim uu guursaday intuu joogay Soomaaliya uuna leeyahay laba carruur ah. Lama oga jinsi yadda xaaskiisa, ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in inta uu ogyahay, guurka uusan diiw aan -gashanayn.

"Waxaa jira faahfaahin kale oo badan oo weli maqan. Waxaa laga yaabaa in mas’uuliyi inta Malaysia ay horay u haysteen macluum aadka laakiin aysan la wadaagin dadweynaha, ”ayaa laga soo xigtay ilo -wareedka.

‘Dhagxaan iyo goyn’

Al-Shabaab ayaa xagjir laga dhigay kadib qabsashadii Itoobiya ee Soomaaliya sanadkii 2006, sidaas waxaa yiri Golaha Xiriirka Diba dda (CFR), oo ah xarun cilmi baaris oo ku taal New York.

Falanqeeye Ahmad ayaa sheegay in al-Sha baab ay la wadaagto fikirka al-Qaacida-si Soo maaliya looga dhiso dowlad Islaami ah oo leh shareecad adag.

"Waxay dhaqaale iyo taageero ka heshay al-Qaacida. Dhab ahaantii, waxay ballan-qaa dday inay daacad u tahay Al-Qaacida 2012-kii Al-Qaacida waxay dadka ku dhiirri-gelisay inay taageeraan al-Shabaab, ”ayuu yiri Ahmad.

CFR waxay sheegaysaa in kooxda Soom aalidu ay ka fuliso meelaha ay maamusho "tafsiirkeeda adag ee shareecada”. Bishii Okto obar 2017, Muqdisho waxaa ka dhacay weera rkii argagixiso ee ugu xumaa abid markii laba bambo oo kuwa xamuulka ah ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof tiro kalena ay ku dhaa wacmeen. In kasta oo al-Shabaab aysan weli geed sheegan mas’uuliyadda, haddana waxaa si weyn loo rumeysan yahay inay geysatay weerarka, ayay tiri CFR.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale weerar ku qa aday meel ka baxsan Soomaaliya. Dagaalya hannada kooxda ayaa sheegatay mas’uuliy adda weerarkii 2013 -kii lagu qaaday xarun la ga dukaameysto oo ku taal Nairobi, kaasoo ay ku dhinteen 67 qof. Sannadkii 2015, kooxdu waxay dishay 148 qof weerar ka dhacay jaama cad ku taal magaalada Gaarisa, oo ku taal bar iga-dhexe ee Kenya.

Adeegga Baaritaanka Kongareeska Marey kanka ayaa sheegay in al-Shabaab ay mas’uul ka ahayd dilalka in ka badan 4,000 oo qof tan iyo 2010-kii.

Dhul-gariir ka dhacay magaalladda Melbourne ee Australia

Dhul-gariirka oo halbeegiisu ahaa 5.9 Rec tor Scale laga dareemay magaalladda Melbou rne ee Caasimadda u ah Gobalka Victoria ee K/Galbeed ee dalkaasi.

Burbur dhismooyin a yaa la soo weriyey, iya doo ru xu nka Dhulka laga dar eemay Deeg aanada deris ka la ah Melbourne.

Xuddunta dhul-gariirka ayaa ahaa Deg ma dda Mansfield, sida ay sheegeen Hay ’addaha dalkaasi.

Ilaa haatan, lama soo werinin Khasaaro soo gaaray dadka ku nool magaalladda Melbourne oo ah magaalladda 2aad ee ugu weyn dalkasi.

Saxafi Ali America oo ku nool Australia ayaa sheegay inay dadka dareemeen walaac ball aaran, kadib, markii uu dhulka la ruxmay.

Somaliland oo war ka soo saartay Doora shooyinka Soomaaliya

Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay san shaqo ku laheyn doorashooyinka dhowaan ka billaawaday Soomaaliya ee xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

War Saxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa Qaramma da Midoobay, Midawga Africa, Mid awga yurub, iyo guud ahaan bulshada caalam ka lagu wargeliyay in Somaliland aysanb qeyb ka hayn doorashooyinka Soomaaliya.

Hadalka Somaliland ayaa ku soo aadaya xil li maalintii Dorraad la shaaciyay liiska musharixi inta ku tartamaysa doorashada kuraasta Aqal ka Sare ee Gobolada Waqooyi.

HOOS KA AKHRISO



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip