HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES TALAADO 21-KA SEPT 2021

0
Tuesday September 21, 2021 - 10:54:12 in Wararka by
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES TALAADO 21-KA SEPT 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Maxaa looga hadlay kulankii Shalay ka dhacay xafiiska R/Wasaare Rooble?

       R/Wasaaraha Soomaaliya, Md. Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay markale la kul may G/Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/hi &R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed

Kulanka oo ka dhacay xafi iska R/wasaaraha ayaa wa xaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar aha an dadajinta kuraasta G/la da Waqooyi (Somaliland), xilli ay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi soo sa areen Habraaca Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.

    Xafiiska RW/ha oo qoraal kooban kasoo sa aray kulanka uu Rooble la qaatay 2da mas’uul ayaa waxaa lagu sheegay in R/Wasaaraha uu u ballan-qaaday 2da dhinac in doorashadaas ku dhici doonto si hufan oo caddaalad ah.

    "Iyadoo uu heer gebogebo ah marayo u diya ar garowga doorashada Aqalka Sare ee Xildh ibaannada Gobollada Woqooyi (Somaliland), ayuu R/ Wasaare Rooble la kulmay G/ha Aqal ka Sare, R/W/re ku-xigeenka & G/Maxkmada Sare.”

 "R/Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku boor iyay inay soo gudbiyaan liisaska musharaxiinta Aqalka Sare, isagoo u xaqiijiyay inuu gacan ku siinayo in doorashadu ku dhacdo si hufan oo caddaalad ah.”

     Sidoo kale waxaa kulankan goob joog ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Md.Baashi Yuusuf Axmed oo asagu door weyn ku lahaa heshiiska Cabdi Xaashi & Mahdi

     Si kastaba, waa markii 2aad ee R/Wasaara ha ka dalbo Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay soo gudbinayaa liisaska musharaxiinta Aq alka Sare, si loo gudo galo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.

Goorta la xukumi doono dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya oo la shaaciyey

    R/ Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ku aadan dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya lasoo saari doono 12-ka October 2021.

Mahdi Guuleed, oo ka mid ah guddiga Soom aaliya ku matalaya dacwadda, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri "Alxamdulillah, Wa xaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliye ed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee So omaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka October, 2021.”

     Dhul badeedka la isku haysto ayaa dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah. DFS ayaa dac wadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii ma daxweyne Xasan Sh.Maxamuud ka dib markii ay guul-darreysteen dhammaan wada-xaajood yadii labada dhinac.

    Dhageysigii ugu dambeeyey ee dacwadda, oo dhacay bishii March 2021, ayaa waxaa qaa dacay oo dood oraaheedkii ka baaqsaday D/ Kenya ka dib markii maxkamadda ay diiday co dsigii Kenya ee ahaa in mar kale dib loo dhigo kiiska.  Soomaaliya ayaa marar badan ku gac an seertay dalabka Kenya oo ah in  murankan lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda iyo hab diblomaasiyadeed

Xaad oo soo jeediyey arrin ka dhan ah Far maajo oo lagu dhaqaaqo kahor doorashada



     Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo Shalay hadal ka jeediyey kulan ay isugu yima adeen odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliy eed, kaas oo loogu magac daray samata bixin ta  qaranka iyo taageerada R/W asaare Rooble, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay caddaalad u raadinta Ikraan Tah liil ee u dha xeeya madaxw ey naha waqtiga dhammaaday Max amed C/hi Farmaajo R/was aare Rooble.

   Nabdoon Xaad ayaa ugu horreyn sheegay in aysan dalka ka dhici karin doorasho ka hor inta aan la iska qaban Farmaajo, wuxuuna yiri "Ma daxweynaha mudo xilkeedkiisa dhammaaday ee Farmaajo waa inaan iska qabanaa, saba btoo ah diyaar uma ah in dalka ay ka dhacdo doorasho.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay inaysan jirin wax ka fiican in taageero loo muujiyo R/wasaare Rooble & in la badbaadiyo Qaranka Soomaaliy eed oo wajahaya khilaaf & dib u dhac doora sho.

    "Sidaad ogtihiin waxaa lagu jiraa xilli kala gu ur, dalkana wuxuu ku jiraa doorasho, waxaana jiro caqabado badan oo hor taagan doorasha da, in Shalay Qaranka la samata bixiyo waa arrin muhiim ah oo dalka iyo dadkaba faa’ido u ah, waa inaad iska difaacdaan cidda dooneysa in qaranka ay dumiso,” ayuu yiri N/ Xaad.

    Nabadoon Xaad ayaa sheegay inay si buu xda u taageersan yihiin R/wasaare M.Xuseen Rooble, isagoo xusay inay waligood taageeri ji reen uuna mudan yahay in la dhiira geliyo, isla markaasna si wanaagsan loola shaqeeyo.

    "Waan taageereynaa R/wasaaraha, waligey na waan taageeri jirnay, waxaana ku taageer eynaa geedi socodka doorashada, & go’aana dii uu dhawaan qaatay, kuwaas oo aan u arag no inayyihiin badbaado qaran,”ayu yiri N/Xaad.

   Nabadoonka ayaa sheegay in dalka & dadka ba ay kasoo daaleen khilaaf iyo dhibaatooyin, isagoo xusay in hadda uu dalka gacanta ugu jiro qolo ay fowdadu ku cusub tahay oo aan da alaneyn, sida uu sheegay.

    Sidoo kale wuxuu sheegay in R/wasaare Ro oble inuu heysto taageerada Shacabka Sooma aliyeed, Maamul Goboleedyada & Beesha Ca alamka, wuxuuna xusay inuu ku taagan yahay wadada saxda ah.

    "Waxaa nala gudboon inaan hal dhinac uga soo wada jeesano kuwa doonaya in dalka fo wdo kale la geliyo, qofka fiican ee ku taagan waddada saxda ahna waa inaan taageerno, qofkii wax naga qaldayana waa inaan gacanta ka qabano oo yac dhahno, R/wasaare Rooble waddada saxda ayuu ku taagan yahay, shacab ka Soomaaliyeed oo dhan ayaana taageers an,” ayuu Nabadoon Xaad hadalkiisa ku sii daray.

    Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in awoodda ugu badan ay leeyihiin Shacabka Soomaaliye ed, wuxuuna ugu baaqay inay iska ilaaliyaan si yaasiyiinta boorsada la yimid ee berrina diy aaradda ka raacaya haddii uu dalka burburo.

     "Shacabka waa awoodda ugu weyn ee um mad yeelato, awoodda oday dhaqameedka ma ahan siyaasiyiinta, ee waa shacabka, waxa la ga rabo awoodda ugu weyn waxay ka halaab ayaan waa Shacabka, maxaa yeelay nin boor so la yimid oo haddii ay wax ka halaabaan si duu rabo yeeli kara oo diyaarad raaci kara iyo anaga isku baahi ma nihin, wixii aan na anfac eyn awood aan ku diidno ayaan leenahay, bal se waa inaan ognahay oo naqaan awoode ena,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Wasiirka cusub ee Amniga oo ka soo muuq day kulankii Rooble & Safiirka UK

    R/Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay M/Muqdisho kula kulmay Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee dalka, Kate Foster.  Kulanka ayay uga wada hadleen xiriirka 2da dal iyo habsami u socodka amniga doorashooyinka dalka, sida lagu she egay qoraal ka soo baxay Xafiiska R/Wasaaraha.

    "R/Wasaaraha XFS, Md M.X.Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka UK ee Somaliya, oo ay ka wadahadleen xiriirka 2da dal, habsami u socod ka & amniga doorashooyinka dalka, ee uu hor muudka ka yahay Ra’iisal Wasaaruhu.”

    Kulanka ayaa waxaa ka soo muuqday Wasi irka cusub ee Amniga Gudaha, Ca/hi Maxam ed Nuur.

    Md.C/hi Maxamed Nuur oo sidoo kale ka tir san Xildhibaanada GSh ayaa xilka loo magic aabay8-dii bishan,inkastoo Madaxwene Farma ajo uu si adag uga horyimid mag acaabidiisa.

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hid daha &Tacliinta Sare XFS Md.C/hi Abuukar Xa aji ayaa Shalay kulan la yeeshay Safiirka Cus ub ee Midowga Yurub usoo magacaabeen Soo maaliya Marwo Tiina Intelmann.

    Wasiirka ayaa la wadaagay safiirka guulaha laga gaaray dadaalada horumarinta Waxbara shada oo ay wadaan W/Waxbarashada, Bah wadaagta Waxbarashada & sida ay Wasaarad da uga go’an tahay inay xaqi ijiso baahinta ade eg waxbara sho oo tayo leh, loona dhan yah ay. Safiirka ayaa dhankeeda uga mahad celis ay wasiirka iyo guud ahaan Wasaaradda guula ha ay gaareen, kuna boorrisay inay sii labo jib baaraan, waxayna sheegtay in Midowga Yurub uu xoogga saari doono xoojinta tayada waxba rashada iyo farsamada gacanta si loo horumari yo bulshada loona kobciyo dhaqaalaha dalka.

     Safiirka Cusub ee Midowga Yurub usoo ma gacaabeen Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann ayaa M/Muqdisho waxaa ay maalmihii la soo dhaafay ka waday kulamo kala duwan, iyada oo la kulantay mas’uuliyiin ka tirsan DFS  &

 Dowlad Goboleedyada


Hooyada Ikraan Tahliil oo WAR cusub soo saartay

      Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax ay aa mar kale ka hadashay kiiska gabadheeda la la’ayahay ayada oo farriin u dirtay madaxweyn aha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo. Qaali Maxamed Guh aad oo Shalay oo Isniin ah eyd ka qeyb gashay kulan ka dha cay M/Muqdisho ayaa u gu baaqday madaxweyne Far maajo inuu kasoo saaro mee sha uu ku ogyahay gabadeeda.

    Hooyo Qaali ayaa Farmaajo ugu baaqday in uusan siyaasadeyn kiiska Gabadheeda Ikraan, waxayna ku eedeysay inuu hor taagan yahay in cadaaladda la hor keeno dadka ka dambee yey afduubka iyo dilka loo maleenayo in loo geystay Ikraan.

     "Maxamed C/hi Farmaajo waxaan leeyahay arrinta gabadheyda ha siyaasadeyn. Gabadh eyda Shalay hadaad hayso berri ma haysaney sid. Waxaan leeyahay maalinta qiyaamo waa lagu su’aalayaa adiga oo taag yar gabadheyda iiga soo saar meesha ay ku jirto oo aad og-tah ay,” ayay hadalkeeda kusii dartey hooyo Qaali.

Hooyo Qaali ayaa hey’adaha cadaaladda ugu baaqday inay sii dhaqaajiyaan gal-dacwadeed ka loo gudbiyey isla markaasna ay ka shaqeey aan sidii si deg deg ah loogu heli lahaa jawaab ku dhisan cadaalad.

     Ku dhowaad 3 bilood ayay maqan tahay Ikr aan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda si rdoonka Soomaaliya isla markaana ka haysay jago ah madaxa ammaanka internet-ka.

     Hadalka hooyada dhashay Ikraan Tahliil ay aa kusoo aadayo xilli uu meel xasaasi ah mara yo khilaafka ka dhashay kiiskaan oo u dhaxee yo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday M.C/hi Farmaajo &R/W/re.M.Xuseen Rooble.

     R/wasaare Rooble ayaa ku adkeysanayo in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hey’adaha cada aladda halka madaxweyne Farmaajo uu difaac ayo saaxiibkiis Fahad Yaasiin oo ka mid ah eedeysanayaasha kiiska Ikraan.

 Vietnam oo farriin u soo dirtay Farmaajo iyo Rooble

     Vietnam waxay ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh arrimaha Soomaaliya inay xalliya an khilaafaadka oo ay wax walba ka hormariy aan danaha qaranka si ay u xalliyaan xiisadda siyaasadeed ee taagan, ayuu yiri Danjire Pham Hai Anh, Ku -xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Vietnam ee Q/Midoobay.

    Danjire Pham Hai Anh oo ka hadlayay kulan ka G/Ammaanka ee QM  oo looga hadlayay xa aladda Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhinacyada ku lugta leh Soomaaliya looga ba ahan yahay inay helaan siyaabo lagu xallinayo khilaafaadka.

    Waxa uu sheegay in madaxda looga baah an yahay inay dhisaan kalsoonida shacabka oo xoogga la saaro doorashada iyadoo la si waafaqsan heshiiskii la gaaray 27 -kii May.

     Wuxuu caddeeyay inuu taageersan yahay doorka & tabarucaadka ururrada gobolka, oo ay ku jiraan Midowga Afrika (AU) iyo Urur Go boleedka IGAD (IGAD) si loo xalliyo arrimaha siyaasadeed ee khuseeya. BBC/Somali

Sheekh Maxamed Idriis: "Farmaajo waxaan ku aqaaney nin waddaninimo leh, Rooblana Diin iyo Daacadnim…”

    Sheekh Maxamed Idriis ayaa qoraal yar ka sameeyey sida uu u arki jirey madaxda haatan is khilaafsan ee aan midkoodna wax tanaasul ah muujinaynin.

     "Madaxweyne  Maxamed C/hi Farmaajo wa xaan ku aqaaney nin waddaninimo leh, dalkii sa inuu u adeego, gobanimadiisa & sharaftiisa na jecel, hanti guudna hunguri kaga jirin,” ayuu Sheekhu qoraalkiisa ku furay.

     "R/wasaare M.Xuseen Rooble, waxaa iiga muuqatey diin & daacadnimo & inuu caddaal ad jecelyahay. Qofna qalbigiisa kuma jiro, qiy aamana la ii soo istaajin maayo, laakiin waa inta iiga muuqatey, Ilaahay baa qof walba og oo xisaabinaya.

    "Waxaan la yaabbanah ay oo is weydiinayaa: xagee wax ka qaldan yihiin? beladu xagee ka socotaa? Ilaahow tawfiiqda waafaji, oo talada u fiican dalka iyo dadka ku toosi.” Ayuu raaci yey.

    Si kastaba, khilaafkan mar kasta dhexmara madaxda sare ee DF Somalia ayaan kaliya dil aynin fursadihii dib u dhiska dalka iyo dowlad nimada, balse wuxuu sidoo kale dilayaa sumac dda Soomaalida oo ay ku sugan tahay inay yih iin bulsho aan is xukumi karaynin.

60 jir u dhashay Congo oo shaqo u jooga Muqdisho oo Shalay Islaamay

      60-sano Jir lagu magacaabo Powell oo u dhashay dalka Congo, kana tirsan Shaqaalaha Shirkadda UBC Coca Cola ee M/Muqdisho ay aa ku dhawaaqay inuu qaatay Diinta Islaamka, ka dib dhowr sano oo uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya.

    Xaflad loogu dhigay M/ Mu qdisho ayuu Powell ku sheeg ay inuu qaatay Diinteenna suuban ee Islaamka, wuxuu na sheegay inaysan jirin cid ku qasabtay qaad ashada Diinta Islaamka oo isagu uu go’aan kaas gaaray.

    "Waxaan Shalay ku dhawaaqayaa anigoo magaceyga cusub uu yahay Jabriil, inaan mus lim ahay oo qofna uusan igu qasbin inaan Mus limo, waa go’aan aan kaligey soo gaaray, wax aan idinka codsanayaa inaad igu caawisaan inaan Diinta sii barto, si aan markaan dalkeyga ku laabto Diinta Islaamka u sii faafiyo,” ayuu yiri Jabriil.

    "Waxaan aaminsanahay inuu Alle iisoo diray Soomaaliya, si aan u muslimo, xoogaa ayaan hadda Diinta ka fahamsanahay,” ayuu sii raac iyey.

    Jabriil ayaa Xafladdaan oo lagu qabtay Xar unta UBC Coca Cola ka sheegay in qoyskiisa uu kaliya muslim ka yahay Ibraahim jabriil oo ah wiilka ilmihiisa ugu weyn.

     Jabriil oo u dhashay dalka Kongo ayaa xafl adaas ka sheegay in Diinta Islaamka ay bartay qadarin iyo in dadka loo mahad-celiyo.

    "Waxay Diinta Islaamka ii horseeday isbad al, qalbiga ayey ii dajisay, nolosheyda waxaa ku yimid isbadal, horay uma aheyn qof muslim ah, inkastoo uu wiilkeyga ahaa Muslim, sidaas ayaan ku soo barbaaray, waxaan qadarinayaa qof walba oo Muslim ah,” ayuu yiri Jabriil.

    Maamulaha guud ee Shirkadda UBC Coca Cola Cawil Tooxow Kheyre oo xafladda ka had lay ayaa sheegay in Jabriil uu shaqada shirkad da kusoo biiray sanadki 2014-kii xilligaas oo uu heystay Diinta Karishtaanka ah, balse hadda isagoo weli ka tirsan isla shirkadda uu go’aan saday inuu Islaamo.

    Qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed oo ka qeybgashay xafladda ayaa sheegay in talla abadaan ay tahay mid mudan in lasoo dhaw eeyo, waxayna u rajeeyeen Jabriil inuu dhinto isagoo heysta Diinta Islaamka.

BAARLAMAANKA CARABTA OO SI KULUL UGU HAD LAY KHILAAFKA FARMAAJO IYO ROOBLE.

     Baarlamaanka Carabta ayaa war kasoo saa rtay xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaali ya gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee

 u dhaxeeya madaxweynaha waqtiga ka dham maaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxeyna sheegeen in wax laga xuma ado uu yahay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo & Rooble maadaama Soomaaliya ay gashay Xaalad kala guur ah oo waxaa socda Doorash ada Aqalka Sare BFS.BaarlaMaanka Jaamac adda Carabta ayaa qoraalkooda ku muujiyay halista ka dhalan karta Khilaafka, waxaa ay uu soo jeediyeen in Madaxda Qaranka ay iska fah maan waxyaabaha ay isku hayaan sida hadal ka loo dhigay.

     "Waa nasiib darro Khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya, waa in xal loo helaa inta aanay fidin, waxa uu halis ku yahay oo uu burburin ka raa geedi-socodka Dalka, tallaabada keliya ee furan waa in xal degdeg ah ay ka gaaraan Madaxda Qaranka” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta.

     Sidoo kale waxey xuseen sidaan "tallaabo kasta oo loo qaado si mas’uuliyad darro ah ama aan laga fiirsan in ay dhaawici karto am maanka, xasiloonida & midnimada, keliya wax aa looga gudbi waa in dedaal xooggan la geliy aa sidii la isaga fahmi lahaa” ayaa lagu yiri qor aalka Baarlamaanka Carabta.

     Baarlamaanka Carabta warkooda waxaa  la gu sheegay in uu diyaar u yahay ka qaybgalka wadahadal weliba oo miiska la isugu keennayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaad ay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

    "Baarlamaanka Carabta waxa uu diyaar u yahay in uu taageero tallaabo kasta oo lagu gaari karo is afg arad qaran, korna loogu qaada yo amniga gudaha & xasilooni da, si loo gaaro himilooyinka Dadka Soomaali yeed ee ah Horumarka & Nolol Wanaagsan” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.


Saxiibada Beesha Caalamka oo kulan khad ka Internet-ka ah la yeeshay Madaxwe ynaha Hirshabeelle

    Saaxiibbada Soomaaliya ee Caalamka ay aa Shalay kulan khadka Internet-ka ah la yee shay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudla awe Xuseen, waxaana ay kala hadleen arrimo ku aaddan doorashada xubnaha aqalka sare ee kasocota Magaalada Jowhar ee xarunta u ah Maamulkaasi.

    Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa  waxaa ay soo dhoweeyeen dadaalada Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ee ku aaddan dhamm eystirka doorashada xubnaha Aqalka Sare u matalaya Hirshabeelle iyo dardargelinta doora shooyinka Golaha Shacabka.

       Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay dadaalladiisa joogtada ah ee uu ku gaarayo dhammaan beelaha iyo sida ay uga go’an tah ay in la xaqiijiyo qoondada haweenka ee boqol kiiba 30-ka ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

    Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka soc da doorashada kuraasta Aqa lka sare, ee xubnaha baarla maanka soo socda kasoo galaya Hirshabeelle, waxaa  na M/Jowhar ee xarunta ma amulkaasi lagu doortay inta badan kuraastaasi.

Malaysia oo isha ku hayso muwaadinkeeda lagu maxkamadeynayo Muqdisho

      Dowladda Malaysia ayaa si dhow ula soc oto maxkamadeynta mid ka mida muwaadiniin ta, oo dhageysiga maxkamadeyntiisa ay ka so coto Magaalada Muqdisho, iyadoona loo hay sto kiis Shabaabnimo.

      Ahmad Mustakim Abdul Ha mid oo 34 jir ah ayaa 16-kii bish an ka soo muuqday Maxkamad da Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana lagu soo oogay ka mid ahaan shaha Ururka Al Shabaab.

      Ninkan ayaa lala soo qabtay muwaadin ka le oo u dhashay dalka Britain, laguna maga ca abo Anthony Byrness, kuwaa oo muddooyin kii ugu dambeysay ku xirnaa Magaalada Muqdi sho. Wasiirka Arrimaha Dibadda Malaysia, Sai fuddin Abdullah ayaa sheegay in Xukuumadda Kuala Lumpur ay isha ku hayso maxkamade ynta ninkaasi.

  Wasiirka ayaa Warbaahinta u sheegay in Dib lomaasiyiinta Safaaradda Malaysia ee Magaal ada Khartoum ee dalka Sudan ay tageen qu nsuliyadda, si loo hubiyo daryeelka iyo caafim aadka ninkaasi.

    "Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa la so codka kiiska maxkamadeynta, waxayna siin do ontaa mudnaanta koobaad, iyadoo hubinaysa in mar walba la ilaaliyo xuquuqdiisa iyo inuu he lo xukun caddaalad ah oo waafaqsan shar ciga.” Ayuu yiri Wasiirka.

    Wasiirka ayaa yiri "Waxaa naloo ogolyahay inaan booqano qunsuliyadda, sidoo kale waxa an la xiriirnay qoyskiisa, si aan ugu sheegno xaaladdiisa.”Waxa kaloo uu yiri "Waa inaan ixtiraamnaa shuruucda dalka, waxaana laga ya abaa inaan weyddiisano Wakiillada Safaaradd eena inay ka qaybgalaan dacwadiisa maxka madeed.”

     Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciid amada Qalabka Sida, General C/hi Buulle Ka mey ayaa Garsoorka Maxkamadda ka codsad ay in 2daasi nin lagu xukumo ciqaab adag, oo tusaale u noqon karto ajaaniibta argagixisada ee dooneysa in dalka uu fowdo ku sii jiro.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip