TAARIIKHDA FACAATUUGGA ABGAAL.

1
Saturday September 18, 2021 - 23:34:31 in Wararka by
  • Visits: 1108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAARIIKHDA FACAATUUGGA ABGAAL.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Hor dhac:-

 
Taariikhda Facaatuugga Abgaal iyo Dacwadii looga Gudbiyay Golaha Amaanka ee Jamciyadda Quruumaha Sannadkii 1954 taa oo Nuqul ka mid ah laga heli karo Keydka UN ee New york ( F. S:1& 2aad).
Sida: Ummadaha kale ee Caalamka iyo Qabiilada Somalida Guud ahaan looga heli karo Qof Facaatuug ah, oo khiyaano Bulshada uu ka tirsan yahay, ayaa Abgaalkuna u lahaa Facaatuug.
 
kuwa Qabiilada kale ee Somalida waxaan ka soo baari doonaa Keydka Taariikhda lagu ururiyo ee UN-ka ee New york.Haddase aan ku bilaawno Taariikhda Facaatuuga Abgaal.
Taariikhda Facaatuuga Abgaal.
 
Wakhtigii AFIS iyo ka horba Abgaalku waxa ey Gacan siinayeen SYL, Sida Kooxdii Abgaal Gaala dile iyo Joofantuus Abgaal. Talyaanigu waxa uu ku Fekeray in Abgaalka oo ahaa Xooga ugu badan ee taageero SYL. in uu ka dhax Abuuro koox Facaatuug ah oo isaga u shaqeyso, waxa uuna Sameeyay 12 Oday dhaqameed oo aan matalin Dadkooda eyna soo saxiixaan, midkiiba 5 Oday oo isla Beeshiisa ah oo qaarna Lacag la siiyo, qaarna laga been Abuuro saxiixooda, kuwaa oo la rabo in lagu bedelo Odayaashii Runta ahaa ee Qabiilka. waxaana loo bixiyay odayaashaa ” Pro Italiano” kuwii Talyaaniga Taageerayay. Markii Dambe waxaa ka baxay 3 Oday.
 
Odayaashaa waxaa la siiyay warqad Aqoonsi ah, waxaana Mushaar looga qoray Dowladda Hoose, waxaana la siiyay Awood ah in Qofkii ey rabaan ee Qabiilka ah ey Saldhiga Police-ka ku xiri karaan iyaga oo leh waa Qaaraan diid, Qofkii ey rabaanna ey soo Damiina karaan iyo in Caruurtooda Shaqo loo siiyo. Odayaashaa waxaa loo adeegsaday in la soo qabto Dhalinyaro Abgaal aheyd oo Talyaaniga la dagaali jiray, qaarkoodna la toogtay.
 
Qabiilada Abgaalka qaar ma suura galin in Nabadoon been ah loo sameeyo.Odayaashii Talyaanigu uu ka cabsaday ee ka hor yimid waxaa ka mid ahaa Nabadoon Xaaji Haruur.
 
Odayaashaa dhaqanka waa la been abuuray wakhtigaa, Laakin Duubabka Qabiilada sida Imaamka ,Ugaaska, Malaaqa , Wabarka iyo Kuwa la midka ah lama been abuuri karin ileyn iyagu Magacaabid kuma yimaadiin ee Dhaxal dhalasho ayeey ku yimaadiin. inkata oo maanta la been abuuro Duubabaka dhaqanka Somalida qaar, Tilaabadaa oo isticmaarkiiba ka cabsaday in uu ku dhaqaaqo .
 
Xasuuso: Dadka loo dhiibo Xil eyna mudneyn waa dhaqankii isticmaarka waana tii ey ka gabyeen Reer Xamrku ee ( Aduunyo Xaalkeed sidu waaye Muumin Aweysaa talihaayo) iyo tii Abgaalku ey ku cabireen shiribka ee ( Rasande Gaal Dad waa rabaa hadoowba rartay taabaqaan).
 
Intii Maxmiyadda lagu jiray Talyaanigu waxa uu go’miyay in aan Abgaalka oo ahaa 95% Dadka Magaalada wakhtigaa aan laga dhigin Duq magaalo, Qaniilada kalena laga raadiyo Dad Talyaaniga Daacad u ah.
 
Markii Xuriyadda la qaatay ayey Noqdeen Duq magaalo. Kacaankii markii uu dhashay ayuu Duqii ugu horeeyay ee uu magacaabo kacaanku ka dhigay Abgaal, Laakin Maxamed Siyaad ayaa ka shakiyay in uu Duqani kasbado Taageerada Abgaal. Siyaad oo isticmaalayo Aragtidii Talyaaniga ayaa ka joojiyay Abgaalka Duq magaalo, ilaa laga gaaray markii Kacaankii uu laciifay oo uu is yiri iyaga ku badbaad, waxa uuna magacaabay Saddaxdii Duq magaalo ee ugu dambeeysay Kacaanka kuwaa oo uu ka wada dhigay Abgaal.
 
Tarjumidda Qoraalka UN.
 
ku: Gudiga la talinta ee UN -Mugadishu.
 
Annaga oo tixraaceyno Dacwo Eedeyntii ey hore u soo qoreen, Odayaasha Abgaal ee Matala Dadka Mogadishu iyo deegaanada la xiriiro ee loo diray Maamulaha Somaliya wakiilka uga ah UN-ka .ilaa haddana wax jawaab ah lagama helin, waxna lagama qaban, Nuqul ka mid ah dacwadaana waxaan u gudbinay wakiil ka UN. Dacwadaa oo lagu codsaday in la qabto Banaanbax Dimoqaraadi ah oo looga soo hor jeedo odayaasha Mushaariga ah ee aan matalin Beel weynta Abgaal iyo in la sameeyo Doorasho Sharci ah oo lagu doorto Nabadoono cusub oo bedelo kuwa beenta ah.
 
Waxaan Dareemeynaa in AFIS ey Dadka ku khasbeyso Nabadoono been ah, kuwaa oo Dantooda gaarka ah ka doorbidayo Danta Dadweynaha. waxaan ka codsaneynaa Guddiga la talinta ee Masar, Philpine iyo Colombia in ey soo fara galiyaan.
 
Note Xogheynta: waxaad kala Xiriiri kartaa.T/Com.11/L.96- 54- 03953.
Odayaasha Dacwada gudbiyay.
 
Mog. 20 Janaayo 1954. Adrees. Jawaabta ku soo dir Maxamed Axmed Cadoow ” Geeseey Goomey” P.O. Box.345 Mogadishu.
 
Odayaasha Dacwada Gudbiyay ee Xaq doonka ahaa.
 
Weceysle:
 
1. Maxamed Axmed Cadoow.2.Weheliye Jimcaale. 3.Maxamed Weheliye. 4 Cumar Sh. Axmed.5. Bashiir Nuur. 6. Shakulle yero Hassan.7.Maxamed Xusein Nur. 8. Maxamed Cumar. 9. kuwa kale oo Carabi iyo suulba ku saxiixay.
Kabaale:
1. Cumar Cali Cabdi Warsame .2. Cabdi. 3. Odayaal kale oo Carabi iyo Suulka ku saxiixay.
Daa’uud.
1. Nur Figoow. 2. Maxamed Cabdi. 3. Cumar Adan wardheere. 4. Calsow Maxamed. 5. kuwa kale oo Carabi iyo suulka ku saxiixay.
 
Qabiilada odayaahooda laga been abuuray, qaarna iyaga oo aan joogin ayaa laga been abuuray iney doorteen Odayaasha Facaatuuga ah, Qaarna Carabi been ah ayaa loogu saxiixay, qaarna Suul aan koodii aheeyn ayaa loogu saxiixay. odayaashaa kale ee Dacwada gudbiyay ayaa ah : Qabiilka Harti Abgaal, Qabiilka Mataan, Cabdulle Galmaax, Qabiil Yusuf, Celi Cumar iyo Ciise Harti, Sida qoraalka ku qoran.
 
Facaatuug weligii Somaliya iyo Abgaalba waa ka jiray, Nin Dadkiisa, Dalkiisa iyo Qabiiliisa Quud dhaafsado.
 
La soco Qoraalada kale ee ku jiro keydadaka Caalmka.
 
FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
 
Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip